Isbeddellada ku saabsan lacagta gunnada maalinlaha ah iyo kharashyada hoyga

Mustaqbalka dambe waxay Hay'adda laanta socdaalku xisaabta ku darsan doontaa dakhliga seygaaga/xaaskaaga ama qofka aad isla deggan tihiin marka aanu qiimayno xaqa u lahaanshaha lacagta gunnada ee maalinlaha ah iyo inta lacag ee ay tahay inaad ka bixiso hoy.

Haddii aad tahay magangalyo doon ama aad leedahay ilaalin ku meelgaar ah sida ay sheegayso tilmaanta barakacayaasha tirada badan (massflyktsdirektivet), waxaad xaq u leedahay taageero dhaqaale oo ay bixiso Hay'adda laanta socdaalka haddii aadan haysan lacag adiga kuu gaar ah. Markii hore Hay'adda laanta socdaalka kumay xisaabin jirin in seygaaga/xaaskaaga ama qofka aad isla deggan tihiin uu dakhli lahaan jiray, marka aanu qiimaynayno in lagu siin karo kaalmada dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, maadaama labada qof ee isqaba iyo kuwa isla nool ay mas'uul ka yihiin dhaqaalaha qoyska sida uu qabo sharciga iswiidhishku, Hay'adda laanta socdaalka waxay mustaqbalka dambe ku xisaabtami doontaa dakhliga soo gala lammaanahaaga marka aanu qiimaynayno in lagu siin karo kaalmada dhaqaale.

Labada waalidba waa inay bixiyaan kharashka hoyga

Isbeddelka macnahiisu wuxuu yahay in labada waalid ay bixiyaan kharashka hoyga, xitaa haddii hal lammaane oo keliya uu haysto shaqo uu lacag ka helo.

Ka akhriso inta aad ka bixinayso hoyga guriga

Dad badan ayaa heli kara heerka ugu sarreeya ee lacagta gunnada maalinlaha ah

Ilaa hadda, dadka waaweyni waxay awoodaan inay helaan ugu badnaan 61 kr maalintii qofkiiba, haddii ay la nool yihiin dad kale oo ay wadaagaan kharashka guriga. Hadda wixii ka dambeeya dadka isqaba iyo dadka isla nool oo keliya ayaa lagu xisaabinayaa inay wada nool yihiin. Taas macneheedu waxa weeye in haddii qof weyn oo keligiis ahi oo la deggan yahay guri cid kale ama uu la wadaago guri saaxiibo uu heli karo lacagta badan ee ah 71 kr maalintiiba. Dhallinyarada dugsiga dhigata ee da'doodu tahay 18-20 sano ee la nool waalidkood waxay heli doonaan ugu badnaan 61 kr maalintii.

Ka akhriso inta lagu siin karo taageero dhaqaale

Soo ogeysii Hay'adda laanta socdaalka haddii dhaqaalahaagu isbeddelo

Si ay Hay'adda laanta socdaalka u awoodo inay u qiimeeyaan in lagu siin karo taageero dhaqaale, waa muhiim inaad noo soo sheegto haddii dhaqaalahaagu isbeddelo. Tusaale ahaan, waa inaad la xiriirtaa Hay'adda laanta socdaalka haddii adiga ama lammaanahaagu aad bilowdaan shaqo oo aad lacag heshaan. Xaq u lahaanshaha taageerada dhaqaale waxa kale oo saamayn kara meesha aad ku nooshahay haddii aad keligaa habaysan karto meesha aad deggeyso. Had iyo jeer soo ogeysii Hay'adda laanta socdaalka haddii aad beddesho cinwaanka.