Difaac iyo magangelyo oo Iswiidhan

Skydd och asyl i Sverige – somaliska

Meeshaan waxaa ka heleysaa warbixin quseeyso adiga oo magangelyo ka codsaday Iswiidhan. Adiga inta waxaa ka akhrisankartaa waxaa aad la kulmi doontid markaa soo gudbisid codsi magangelyo iyo markii go’aan lagaa gaaro. Meeshaan waxa kale oo ka akhrisankartaa xaqa uu leeyahay qofka magangelyo’doonka markey noqoto shaqo, guri, daryeelka caafimaadka iyo isbitaalada iyo kaalmeenta dhaqaalaha.

War


  • Isbeddellada ku saabsan lacagta gunnada maalinlaha ah iyo kharashyada hoyga

    Mustaqbalka dambe waxay Hay'adda laanta socdaalku xisaabta ku darsan doontaa dakhliga seygaaga/xaaskaaga ama qofka aad isla deggan tihiin marka aanu qiimayno xaqa u lahaanshaha lacagta gunnada ee maalinlaha ah iyo inta lacag ee ay tahay inaad ka bixiso hoy.

  • Hadda waxaad go'aanka magangalyada ku heli kartaa in boostada laguugu soo diro

    Ilaa hadda waxay Hay'adda laanta socdaalku go'aanka la xidhiidha kiisaska magangalyo doonka ku sheegtay (ku wargelisay) wada hadalo lagu qabtay qaybta qaabbilaada (mottagningsenheten). Hadda nidaamkaas waa la beddelay. Laga bilaabo 1da bisha maarso qofka magangalyo ka codsada Iswiidhan waxaa go’aanka loogu soo diri doonaa warqad boosta loogu soo diro.