Caawimada maaliyadeed ee magangalya doonka

Ekonomiskt stöd för asylsökande – somaliska

Waa muhiim in aad naftaada taageerto Haddii aanad shaqaysan lacagtaada oo aanad haysan ilo kale, waxaad codsan kartaa taageerada maaliyadeed ee Guddida Socdaalka. Taageerada maaliyadeed waxay ka koobantahay dhowr qaybood: kharashka maalin laha ah, hoyga magdhowga iyo gunnada gaarka ah.

Markaad raadinayso magangalyo waxaa in aad u sheegtaa Guddida Socdaalka inta ay leegtahay lacagta ama ilaha kale ee aad haysataa. Haddii aanad haysan wax ilo ah waxaad helaysaa magdhowga maalin kasta ah si aad u daboosho kharashkaaga maalin kasta.

Haddii xaaladaada maaliyadeed ay isbeddesho, tusaale ahaan waxaad heshay shaqo, waa in aad us heegtaa Guddida Socdaalka. In aanad u sheegin in aad shaqaysato lacag marka aad qaadato kharashka magdhowga  maalilaha ah waa fal dambiyeed. Lacagta lagu siinayaa saamayn ayay ku yeelanaysaa haddii aad guurto. Sidaas daraadeed waa inaad marwalba u sheegto Hay’adda laata socdaaka baddii aad cinwan cusub samaysatay.

Akhri wax badan oo ku saabsan waxa aad samaynayso haddii shaqo lagu siiyo marka aad sugayso go’aanka

Gunnada maalin laha ah

Lacagta ama gunnada maalintii la bixiyaa way kala duwan tahay waxaanay ku xiran tahay haddii aad adigu deggan tahay mid ka mid ah guryaha Hey’adda laanta socdaalku leedahay ee cuntada laga bixiyo ama guryaha aanay cuntada laga bixin. Sidoo kale lacagta maalintii la bixiyo waxa saamayn ku yeesha haddii aad adigu doorato in tusaale ahaan aad soo hesho guri aad cid la deggenaato saaxiibo ama dad aad qaraabo tihiin.

Guriga cuntad­duna ay ku jirto magd­howga maalin kastaa waa

  • 24 kr/maalintii dadka waa wayn ee keligood ah
  • 19 kr/ maalintii qokii dadka waa wayn ee wadaaga kharashka qoyska
  • 12 kr/maalintii carruurta ilaa oo ay ku jiraan 17 sano jirku.

Guriga cuntad­duna aanay ku jirin magd­howga maalin kastaa waa

  • 71 kr/maalintii dadka waa wayn ee keligood ah
  • 61 kr/ maalintii qokii dadka waa wayn ee wadaaga kharashka qoyska
  • 37 kr/maalintii carruurta 0–3 sano jirka ah
  • 43 kr/maalintii carruurta 4–10 sano jirka ah
  • 50 kr/maalintii carruurta 11–17 sano jirka ah.

Qoysaska leh wax ka badan  labba carruur ah waxay heli doonaan magdhowga maalinlaha ah ee labba carruur ah ee ugu wayn iyo nus magdhowga maalinlaha ah ee carruurta kale.

Ka sakow cuntadda magdhowga maalinlaha ah waa in uu ku filnaadaa dharka iyo kabbaha, daryeelka caafimaadka iyo dawada, daryeelka ilkaha, alaabta musqusha, alaabta kale ee macmiilka iyo hawlaha firaaqada.

Magdhowga maalinlaha ah waa la yarayn karaa haddii adigu

  • aanad la shaqayn dejinta aqoonsigaaga
  • aad xanibto baadhitaanka codsigaaga magangelyada addoo dhuuntay
  • aanad la shaqayn abaabulka safarkaaga dib ugu noqoshada wadanka haddii aad hesho go’aanka diidaya codsigaag ama in lagu mastaafurinayo.

Haddii aad u guurto xaafadaha ay ka jiraan dhibaatooyinka dhinaca shaqaalaha iyo arrimaha bulshada waxaa laguu diidikaraa lacagta gunnada ah ee aad xaqa u leedahay ee lagu siinayo. Sidoo kale waxaa iyadana laguu diidikaraa lacagta gunnada ah iyo lacagta sida gaarka ah loo bixiyo haddii aad sheegto cinwaan ka duwan kan aad run ahaantii deggen tahay, tusaale cinwaan ah postboxadress.

Ka akhri warbixin dheeraad ah oo ku saabsan meesha aad deggenaaneyso iskana hubi in cinwaanka aad rabto inaad u guurto uu saamayn ku yeelankaro xaq u lahaanshaha lacagta gunnada ee la bixiyo

Joojinta xaq u lahaans­haha kaal­mada dhaqaale

Marka laguu ogolaado sharciga deggenaanshaha waxaa lagaa joojinyaa lacagtii aad xaqa u lahayd. Haddii ay degmo ku qaadato oo aad deggen tahay guryaha Hey’adda laanta socdaalka markaa laguma siinayo sida caadiga ah lacagtii gunnada ahayd ee lagu siin jiray. Haddii guri aad adigu soo heshay aad deggen tahay oo aad cid la deggen tahay lacagta aad xaqa u leedahay waxa lagaa joojinayaa bil kadib marka aad sharciga deggenaanshaha hesho.

Waxaad sidoo kale waayikartaa in aad xaq u yeelato kaalmada dhaqaale ee la bixiyo haddii lagu siiyo go’aan celis ah ama go’aan tarxiil/masaafurin ah wakhtiguna wuxuu ka bilaabmayaa, marka uu dhammaado wakhtigii aad adigu si xor ah oo aan cidi ku khasbin aad u laaban lahayd. Taasi waxay khuseysaa qofka weyn ee aanay la deggenayn carruur ay da’doodu ka hoosayso 18 sano kuwaas oo aad adigu u tahay qofkii mas’uuliyadooda lahaa sida waalidka oo kale. Sidaas oo kale xuquuqda taageerada dhaqaale ee aad xaqa u leedahay way joogsanaysaa haddii aad wadanka ka baxdo.

Qoysaska carruur haysto waa ku sii noolankaran guryaha ku meelgaarka oo Hey’adda socdaalka iyo xaq wey u lahaan lacagta nolol maalmeedka ilaa inta ey Iswiidhan ka tagaayaan ama sabab kale darteed looga saari kamid ahaanshada xafiiska qaabilada oo hey’adda socdaalka.

Gunnada gaarka ah

Haddii aad leedahay baahi aad u xoogan oo ah shay aanay daboolin magdhowga maalinalaha ah waxaad codsan kartaa gunno u gaar ah iyada. Waa in aad muujisaa in aad leedahay baahi xoogan oo shayga ah ama adeega oo aanad laftaadu iibsan karin. Waxay noqon kartaa tusaalaha muraayadaha indhaha, gaadhiga carruurta ama dharka diiran ee jiilaalka. Guddida Socdaalku had iyo jeer waxay ka samaysaa qiimayn gaar ah oo baahida ah.

Waxaad keliya ka heli kartaa gunnada beddelka ugu jaban kaas oo looga baahanyahay in ay qanciso baahida.

Lacagta aad xaqa u leedahay ee sida gaarka ah loo bixiyo saamayn ayey ku yeelankartaa haddii aad adigu u guurto guri aad adigu iskaa u soo heshay oo ku yaala meelaha ay degmadu ka sheegeen inay ka jiraan dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo dhinaca arrimaha bulshada la xiriira.

Marka lagaaga yeedho in aad timaado Guddida socdaalka tusaale ahaan si aad u aragto wax ku saabsan baadhitaankaaga  magangelyada, si aad ula kullanto sarkaalkaaga maamulka soo dhowaynta ama in aad ka qayb gasho  dhacdada macluumaadka kooxda, waxaad gunno ka heshaa kharashkaaga safarka. La hadal sarkaalka maamulka ee ad la kulmi doonto wax ku saabsan kiisa

Foomka codsiga gunnada gaarka ah ee dadka waa wayn, lambarka foomka Mot78 Pdf, 1.1 MB, opens in new window.

Tani waa sida aad ugu buuxin doonto dadka waa wayn gunnada gaarka ah

Foomka codsiga gunnada gaarka ah ee dadka aan qaan gaadhka ahayn, lambarka foomka Mot79 Pdf, 654.3 kB, opens in new window.

Tani waa sida aad ugu buuxin doonto dadka  aan qaangaadhka ahayn gunnada gaarka ah

Foomka Codsiga gunnada gaarka ah ee carruurta aan ciddi la socon iyo dhalinyara, lambarka foomka Mot72 Pdf, 1.1 MB, opens in new window.

Magd­howga guriga

Haddii aad shaqo hesho ama shaqo laguu soo jeediyo,  waxaad dalban kartaa magdgowga guriga. Waxaa loola jeedaa shaqada ka dheer muddo saddex bilood ah marka aad u guurayso meesha Guddida Socdaalka aanay wax guri ah ka bixin.  Magdhowga gurigu waa

  • 850 kr/bishii qoysaska
  • 350 kr/bishii qoyska hal qof ah.

Go’aanka ku saabsan magd­howga maaliy­a­deed

Marka Guddida socdaalku ay go’aan qaadato ku saabsan magdhowga maaliyadeed, waxaad heli doontaa aqbalaad ku saabsan go’aanka.

  • Iyaddoo  maraysa sarkaalka maamulka ee cidda soo dhowayntaada ama
  • maraysa waregelinta la fududeeyay waxa loogu yeedho.

Wargelintala fududeeyay macnaheedu waxa weeye in Guddida Socdaalka ee Iswiidhan ay ku soo dirto go’aan warqadda boostadda cinwaanka aad sheegtay in aad ku nooshahay. Maalinta xigta waxaanu usoo dirnaa warqad kale  isla cinwaan iksu mid ah oo aanu kugu wargelinayno in aanu kuu soo dirnay go’aanka. Waxaanu tan u samaynaa si aanu u yarayno khatarta khaladka. Sidan Guddida Socdalka waxay ka fekertaa in aad wargelin ka heshay go’aanka (lagugu wargeliyay) labba todobaad ka dib markaanu kuu soo dirno adiga, Intaa ka dib waxaad haysataa saddex todobaad oo aad rafcaan kaga qaadato go’aanka.

Haddii cinwaanka aad nasiisay aan la isticmaali Karin oo aad ka diiwaangashantahay Iswiidhan, go’aanka iyo warqadda maamulkuwaxaa loo diri doonaa cinwaanka diiwaanka diiwaangelintaada.

Ku fikir inaa si joogto ula socotid warqadaha bostada guriga laguugu soo diro.

Kaarka bangiga

Haddii ay hey’adda laanta socdaalku adiga kuu oggolaato lacagta gunnada ee maalintii la bixiyo waxa lagu siinayaa kaar bangi kaas oo ku xiran koontadaada/akoonkaaga halkaas ayaana lacagta laguugu shubayaa.

Waxaad xaq u leedahay kaar bangi oo aad ku isticmaasho gunnadaada maalinlaha ah, xitaa haddii aad qoyska tihiin dhowr qof oo waaweyn.

Inta ka akhriso warbixin ku saabsan kaarka bangiga oo dadka magangelyodoonka

Haddii aad doonayso in aad rafcaan ka qaadato

Haddii aad u malaynayso Guddida rafcaanku in uu qaaday go’aan khalad ah oo ku saabsan magdhowga, waxaad leedahay xaqa aad rafcaan kaga qaadato. Xaaladan waxaad u gudbin doontaa rafcaankaaga  horta Guddida Socdaalka saddex todobaad gudahood laga bilaabo maalintaad ogaatay ( lagugu wargeliyay) go’aanka. Haddii Guddida Socdaalka aanu beddelin go’aanka rafcaankaaga waxaa loo wareejin doonaa maxkamadda maamulka ee sharciga taas oo baadhi doonta go’aanka mar labbaad. Haddii maamulka maxkamaddu diido rafcaankaaga, waxaad rafcaan ka qaadan karta horta Maxkamadda Rafcaanka (kammarrätten).

Waxa badan ka akhri waxa aad samaynayso haddii aad rafcaan qaadanayso

Haddii aad hayso su’aalo ku saabsan magd­howgaaga maalin­laha ah ama gunnooyinka

Haddii aad hayso su’aalo guud oo ku saabsan caawimada maaliyadeed ee magangalya doonka waxaad telefoon u soo diri kartaa Guddida Socdaalka. Laakiin haddii aad su’aalo ka hayso ku saabsan magdhowgaaga waaa in aad u timaada cidda soo dhowaynta. Shaqaalaha Guddida Socdaalku kama hadli karo wax ku saabsan tan telefoonka iyaddoo sababtu tahay sharciya qarsoodiga. Soo qaado kaadhkaaga LMA marka aad doonayso in aad booqato goobta soo dhowaynta.

Last updated: