Shaqeeyn wakhtiga aad tahay magangelyodoon

Arbeta under tiden som asylsökande – somaliska

Marka ugu horreysa waa inaad adigu la soo baxdaa waxaad ku noolaan lahayd xilliga aad sugeyso in wax laga qabto codsigaaga magangelyada. Taasna waxaad kula soo bixi kartaa inaad ama isticmaasho lacag aad urursatay ama aad shaqayso.

Haddaba si aad u shaqeyso waqtiga aad magangelya-doonka tahay waxaad u baahan tahay inaad haysato warqad caddeyneysa in lagaa dhaafay mas’uuliyadda inaad haysato ruqsadda shaqada (AT-UND).

Shuru­u­daha inaad shaqeyso adigoo magang­elya-doon ah

Waxaa lagaa dhaafayaa shuruudaha inaad haysato ruqsadda shaqada haddaad buuxiso qodobadaan soo socda:

  • Haddii aad soo gudbisay warqado aqoonsi ah oo la aqbali karo, ama aad si kale gacan uga geysatay sidii loo sugi lahaa aqoonsigaaga
  • Haddii arrintaada wax looga qabanayo Iswiidhen gudaheeda.
  • Haddii codsigaagu yahay mid xaqiiqada ku salaysan. Haddii lagaa gaaray go’aan masaarufin degdeg ah, kolkaas ma heli doonto caddeynta lagaaga dhaafay ruqsadda shaqada oo loo soo gaabiyo AT-UND.

Heshiiska Dublin ayaa go’aan ka gaaraya wadanka baaraya codsigaada magan galyo

Warbixin laguugu tala galay haddii aad heshid go’aan dib u celin ah oo eey tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo

Marka aad hesho go'aan ku saabsan AT-UND, waxa si toos ah loogu diiwaan gelinayaa kaarkaaga LMA-ga shaqo-bixiyahaaguna wuu hubin karaa isaga oo iskaan ku samaynayo koodka QR. Caddeynta AT-UND waxaad caadi ahaan isticmaaleysaa ilaa aad ka heleyso sharciga degganaanshaha ama aad ka baxayso dalka.

Akhriso warbixin dheeri ah oo ku saabsan kaarka LMA-kortet

Haddii adiga aadan kamid eheen dadka uu waajibka ku yahay ruqsadda
shaqada (AT-UND) waxaa la xiriiri xafiiska shaqada sidaa shaqo u raadsatid.

Xafiiska shaqada boggiisa internetka waxaad ka heli kartaa shaqooyinka bannaan iyo macluumaad kale External link, opens in new window.

Haddii aad haysato waxbarsho aad ku soo qaadatay waddan­kale

Haddii aad haysato waxbarasho aad ku soo qaadatay waddan kale oo aan ahayn Iswiidhan oo aad doonayso in waxbarashadaada la qiimeeyo si aad waxbarashadaada uga sii wadato Iswiidhan ama aad doonayso in aad ku shaqayso waxa aad soo baratay xaaladaha qaarkood waxaad dalbankartaa in waxbarashadaada marka hore la qiimeeyo inta aad magangelyo doonka tahay. Waxaad helikartaa in lagu siiyo warbixino badan oo ku saabsan Jaamacadaha- iyo waxbarashooyinka heerka sare.

Ka akhri warbixin dheeraad ah bogga www.uhr.se External link, opens in new window.

Shaqooyin noocee ah ayaa dalka Iswi­idhan ka jira?

Meesha ay ku qoran tahay Yrkesguiden waxaad adigu ka heleysaa qiyaastii 350 xirfadood oo shaqo ah Iswiidhan gudaheeda. Halkaa waxaad ka akhrisan kartaa wax yaabaha aya xirfadaha shaqadu ku kala duwan yihiin, waxa ay macnahoodu tahay iyo waxbarashada ay haboo tahay in aad haysato si aad uga shaqayso.

Hagaha shaqadda (Yrkesguiden) waxa ku jira luqaddo kala duwan.

Ka akhri warbixin dheeraad ah bogga www.arbetsformedlingen.se/yrkesguiden External link, opens in new window.

Bilaa­baya ganacsi isaga u kuu gaar ah?

Meesha ay ku qoran tahay Verksamt.se waxaad adigu ka barankartaa sida loo bilaabo ganacsi adiga kuu gaar ah. Shaqo gaar ah (Verksamt) waa bogg internet ah halkaas oo aad ka heleyso dhammaan macluumaadka ku saabsan sida marka uu qofku doonayo inuu waddanka Iswiidhan gacansi ka bilaabo. Shaqo gaar ah (Verksamt) waxay ku qoran tahay luqadda iswiidhishka iyo luqadda ingiriiska.

Ka akhri warbixin dheeraad ah bogga www.verksamt.se (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

Haddaad hesho shaqo waqtiga aad magang­elya-doonka tahay

Haddii aad hesho shaqo inta aad mahangelya-doonka tahay, waxaad caddeynta in lagaa dhaafay shuruudda ruqsadda shaqada (AT-UND) tuseysaa cidda aad u shaqeyneyso.

Kaararka LMA waxa ay wataan koodka QR kaas oo u oggolaanaya qofkasta oo fursad u leh inuu ku akhriyi karo koodka QR inuu si sahal ah u hubiyo in kaarku sax yahay iyo haddii aad xaq u leedahay in aad shaqayso (waxa loo yaqaan AT-UND).

Shaqabixiyaha aad shaqada ka heshay waxaa ku waajib ah in uu xafiiska qaabbilaadda ogeysiiyo in uu ku shaqaaleeyey. Waxaa kaloo shaqabixiyaha laga rabaa in uu ogeysiin soo gudbiyo marka shaqadu dhammaato. Ogeysiinta shaqaaleynta waxaa lagu qorayaa foom gaar ah oo laga helayo boggaan xaggiisa hoose ama dhammaadkiisa.

Notification of employment or termination of employment of an asylum seeker, form number 152011 (oo af iswiidhish) Pdf, 2 MB, opens in new window.

Haddii aad hesho lacagta-maalmeedka waa in aad lacagta ku soo gasho markasto wargalisaa Hey'adda socdaalka. Sido kale waa in aad la xariirtaa Hey'adda canshuuraha si aad uga hesho lambarka-xiriirinta (samordningsnummer). Lambarka-xiriirinta waxaa loogu tala galay qofka aan heesan lambarka-shakhshiyeed. Lambarka xiriirinta waad ugu baahan tahay in aad heeysto si aad uu bixiso canshuur markii aad shaqeeyso. Sido kale lambarka-xiriirinta waxaad uga baahan tahay si aad uu hesho lacagta-jirada oo haddii aad jirato aadna aadi karin shaqada.

Wixii warbixin dheeraad ah kala xiriir hey'adda cashuuraha (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

Haddii aad doonayso inaad furato koonto bangi

Hey’adda laanta socdaalka keligeed ayaa lacag kuugu shubikarta kaarka bangiga ee ay ku siiso Hey’adda laanta socdaalku. Haddii aad doonayso in aad furato koonto bangi oo uu shaqo bixiyahaagu lacagta mushahaarada kuugu shubo waxaad markaa u tegeysaa bangiga. Qayb kasta oo xafiisyada bangiyada ka mid ahi iyada ayaa go’aansata in aad adigu buuxisay shuruudihii ay kaa doonayeen si aad uga furato koonto iyaga.

Bangiyada dhammaantood waxay kaa rabaan in aad tusto dukumentiyo adiga ku caddaynaya si ay iyagu u oggaadaan qofka aad adigu tahay. Bangiga ayaa go’aansanaya dukumentiyada aqoocsiga ee ay iyagu aqbalayaan. Bangiyada qaarkood ayaa dadka magangelyo doonka ah u fura koonto inkastoo ay dadkaas dukumentiyadoodii aqoonsiga ay hayso Hey’adda laanta socdaalku. Waa in aad markaa adigu tusto gaarka LMA-ga oo shaqaynaya iyo koobiyada dukumentiyadaada aqoonsiga kuwaas oo ay Hey’adda laanta socdaalku caddaysay inay yihiin koobiyo sax ah oo laga keenay dukumentiyadii orijinaalka ahaa. Ma aha inay Hey’adda laanta socdaalku kuu caddaynayso inay dukumentiyadaada aqoonsigu yihiin qaar sax ah, ee waxaanu kuu caddaynaynaa in koobiyada laga keenay orijinaalka aanu annagu hayno. Kuma siinayno annagu koobiyo haddii aad adigu noo keentay waraaqo koobiyo ah markii hore annaga.

Wixii intaa ka dambeeya bangiga ayaa la soo xiriiraya Hey’adda laanta socdaalka iyagoo markaa kaantaroolaya in macluumaadka aad u keysay ay sax yihiin. Markaa Hey’adda laanta socdaalku waxay xaqiijinaysaa haddii aad adigu oggolaatay in warbixintaada loo gudbiyo oo keliya, waa haddii aad saxeexday warqada taas oo aad adigu ku oggolaanayso inay Hey’adda laanta socdaalku kala hadasho bangiga arrintan. Haddii aanad oggolaansho noocan oo kale ah hore u siin Hey’adda laanta socdaalku markii hore la xiriir markaa qaybta qaabilaada ee kuugu dhow oo u sheeg in aad doonayso in aad samayso taas.

Bangiyada qarkood waxay kaaga baahan yihiin in aad tusto warqad caddaynaysa shaqada si ay markaa koonto bangi kuugu furan. Warqadda caddaynta shaqada waxa ku siinaya shaqo bixiyahaaga.

Haddii aad ka yar tahay 18 sanna­dood

Haddii aad tahay 16 jir ama aad ka weyn tahay waxaad u baahan tahay inaad hesho oggolaanshaha shaqada (AT-UND) si aad wadanka Iswiidhan uga shaqayso. Arrintaasi way khusaysaa haddii markii aad Iswidhan imanaysay ay kula socdeen qoyskaagu ama aad tahay ilmo keligiis wadanka yimi (ensamkommande barn).

Haddii ay da’daadu ka yar tahay 16 sannadood uma baahnid oggolaanshaha shaqada (AT-UND) si aad fasax baraktiig ugu hesho, shaqooyinka fudud ama hawla yar oo keliya laguu diro. Hay’adda laanta socdaalku uma baahna inay ansaxiso in adiga lagu shaqaaleeyo laakiin waa inuu qofka waalidka ah ee haya daryeelka iyo mas’uuliyada ilmaha (ama haddii laguu sameeyey qof kaa mas’uula) waa inay oggolaansho bixiyaan si aad adigu u shaqayso.

Ka feker ma ha mushahaarada oo keliya ee xitaa haddii sikale lacag lagu siinayo tusaale ahaa kaar hadyad lagu siiyey (presentkort) saamayn ayey ku yeelanaysaa kaalmada dhaqaale ee ay Hay’adda laanta socdaalku ku siiyo

Haddii lagu siiyo go’aan diidmo ama dib u celis ah

Waad haysanaysaa oggolaanshahaaga shaqada (AT-UND) ilaa iyo inta aad diyaar u tahay inaad la shaqayso si wadanka lagaaga dhoofiyo. Haddii aanad la shaqaynin marka wadanka lagaa dhoofinayo markaa ma shaqayndoonto oggolaanshahagii shaqada (AT-UND) laguu siiyey.

Haddii diidmo lagaa siiyo codsi­gaaga magang­el­yada

Haddii diidmo lagaa siiyo codsigaaga magangelyada adigoo soo shaqeynayey xilligii aad go’aanka sugeysey waxaad kolkaas codsan kartaa ruqsadda shaqada.

Akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan waxa leeskaga baahan yahay si loo helo ogolaansho ruqsad markii diidmo xaga magan galyo dalabka ah lagu siiyo kadib

Waxy­aa­baha khuseeya ogga­laans­haha shaqada (AT-UND) iyo shar­ciyada lagu shaqayn­karo

Waa haa, waad helikartaa in lagu siiyo oggolaanshaha shaqada (AT-UND) xitaa hadda aad haysato go’aan masaafuris ah ilaa iyo inta aad diyaarka u tahay inaad la shaqayso Hay’adda laanta socdaalka si wadanka lagaaga dhoofiyo.

Waa haa, haddii ay Hay’adda laanta socdaalku u aragto inaad si uun uga gacan uga geysanaysid sidii baaritaan loogu samayn lahaa caddayntaada.

Waa ilmaha keligiis wadanka yimi (ensamkommande barn) ee ay da’diisu ka weyntahay 16 sannadood waa inuu haysto oggolaanshaha shaqada (AT-UND) si uu wadanka Iswiidhan uga shaqeeyo. Ilmaha ay da’diisu ka yar tahay 16 sannadood uma baahna oggolaanshaha shaqada (AT-UND) si uu fasax baraktiig ugu helo, shaqooyinka fudud ama hawla yar yar. Hase yeeshee qofka waalidka ah ee leh daryeelka iyo mas’uuliyada ilmaha ama qofka loo xilsaaray inuu ilmaha ka mas’uul yahay (god man) ayaa oggolaasho laga rabaa si uu ilmuhu u shaqeeyo. Ka feker mushahaarada ama haddii si kale lacag loo siinayo tusaale ahaa kaar hadyad lagu siiyey (presentkort) saamayn ayey ku yeelanaysaa in la siiyo kaalmada dhaqaale sida uu dhigayo LMA-gu.

Waa Haa, haddii aad tahay 16 jir ama aad ka weyn tahay. Haddii aad ka yar tahay 16 jir waxaad u baahan tahay inuu qofka waalidka ah ee leh daryeelka iyo mas’uuliyada ilmaha ama qofka loo xilsaaray inuu ilmaha ka mas’uul yahay (god man) ayaa oggolaasho looga baahan yahay.

Waa Maya.

Last updated: