Migrationsverket - startsidan
  • Startsida
  • | Somaliska
  • | Natiijada maxkamada sare ee hey’adda laanta socdaalka oo ku saabsan xukunka Soomaaliya ee ugu danbeeye
Print

Natiijada maxkamada sare ee hey´adda laanta socdaalka oo ku saabsan xukunka Soomaaliya ee ugu danbeeye

Maxkamada hey´adda laanta socdalka waxeey,xukun cusub ku kordhisay in dagaalka loogu hubeensay uu ka socdo dhamaan Soomaaliya oo dhan — markii laga reebo Somaliland iyo Puntland oo ku yaalo waqooyiga Soomaaliya.
Hey´adda laanta socdaalka, waxeey hadda dulmareeysaa dhamaan arimaha khuseeyo soomaalida ka socoto meelaha la sheegay oo ku qoran hey´adda laanta socdaalka oo hadana helay go´an ku saabsan celin ama dal ka saarid.  waxeey uu dulmareeysaa hey´addu si ee fuuriso haddii loo ogalaan karo sharci daganaansho. Arimaha qaarkood waxaa laga yaaba in ee uu baahanyihiin in la sii baaro. Sidaas haddii tahay hey´adda laanta socdaalka ayaa la soo xariiri doonto.

Haddii lagu diiday magangalyanimada oo aadna ka timid qeeyb ka mid ah Soomaaliya oo ah meelaha uu dagalka dhexe ka socdo, waxaad markaas xatta fursad uu lee dahay in aad si gooni ah uu la xariirto hey´adda laanta socdalka oo aadna dalban karta waxa loo yaqaan fulin-dhibaato (verkställighetshinder). Taasi mecnaheedu waxeey tahay in aad sheegto sababo cusub oo aada dalka ugu laaban karin. Si aad sidaan uu sameeyso waxaad wargalineeysaa hey´adda laanta socdaalka in heysato go´aan ku saabsan in lagu celiyo meelaha uu dagaalkad dhexe Soomaaliya uu uga socdo.

Arimaha galaayaa xeerka Dublin ma taabanaayo xukunka ka soo baxay maxkamada sare ee hey´adda laanta socdaalka


Xeerka dublin waxuu nidaaminayaa dalka mas´uulka arinta magangalyanimada qaadaayo. Dal kale oo ku jiro xeerka Dublin waxuu mas´uul ka ahaan karaa in uu tijaabiyo dalabkaada magangalyanimo. Sidaas darteed ayaa ku qasbanaa kartaa in aad halkaas aado. Waxeey ku saabsanaa kartaa oo ka mid ah arimahaan soo socdo:
 
  • Haddii aad ka heshay fiiso ama sharci daganaansho dal kale oo ku jiro xeerka
  • Haddii aad si sharci daro ah uu gashay dal raacsan xeerka Dublin
  • Haddii aad hada ko hor ka raadsatay magangalyo dal kale oo raacaayo xeerka Dublin

Xeerka-Dublin waxuu ka shaqeeynaa dalalka ururka Yurub, Noorwaay iyo dalka Islanda.

Sidan senast uppdaterad: 2012-01-26