Sidan ayaad foomka u buux­i­naysaa Adressanmälan eller adressändring (Mot93)

Så här fyller du i blan­ketten Adressanmälan eller adressändring (Mot93) – somaliska

Waa in aad dhammaan buuxisaa meelaha foomka ku yaala oo dhan waana in aad saxeexdaa foomka. Haddii ay meelaha qaarkood foomka wax ka maqan yihiin waxay saamayn ku samaynkartaa lacagtaada gunnada ee maalinlaha ah ama kaalmada gaarka ah ee lagu siiyo. Waxay kaloo macnaheedu noqon kartaa in Hey'adda laanta socdaalka go'aan ka gaarto in aanad adigu xaq u lahayn gunno maalmeedka ama kaalmada gaarka ah.

1. Maclu­u­maadka qofka

Ku qor magacyada, lambarada telefoonada iyo lambarada waraqaha (dossiernummer) dhammaan dadka u guuraya cinwaanka cusub, xitaa carruurta

2. Soo wargelinta/​​Cinwaanka cusub

c/​​o:

Soo sheeg qofka magaciisu ku yaalo albaabka guriga/ sanduuqa. Haddii magacaagu ku yaalo albaabka/sanduuqa boostada uma baahnid inaad soo sheegto c/o.

Cinwaanka waddada (Gatu­a­dress):

Soo sheeg magaca waddada ee gurigu ku yaalo.

Lambarka guriga (Lägen­hets­nummer):

Haddii aad deggan tahay guri dabaq ah waa inaad soo sheegtaa lambarka guriga kaas oo ka kooban afar lambar. Waxaad ka heli kartaa lambarka guriga albaabka hore ee guriga laga soo galo, gurigaaga albaabkiisa, sanduuqa boostada ama warqadii heshiiska ee aad saxeexday/ koontaraagii.

Lambarka boosta iyo Magaa­lada (post­nummer och ort):

Soo sheeg lambarka boosta iyo magaalada.

Cinwaanku wuxuu shaqay­nayaa laga bilaabo (sheeg sannadka, bisha iyo maalinta) (Adressen gäller från och med):

Soo sheeg taariikhda uu ka bilaabmayo cinwaankaaga cusubi, sannadka, bisha, iyo maalinta

3. Maca­lu­u­maad kale (övriga upplys­ningar)

Halkan waxaad ku soo qoraysaa macluumaadka kale ee aad u aragto inay haboon tahay si ay Hey’adda laanta socdaalka u ogaato.

4. Saxeex

Markay noqoto xaaladaha beddelka cinwaanka ee khuseeya wax ka badan hal qof oo weyn waa khasab inay dhammaantood saxeexaan foomka dadka ay da’doodu ka weyn tahay 18 sannadood.

Marka aad foomka saxeesayso waxaad adigu caddaynaysaa in:

  • macluumaadka aad soo sheegtay inuu sax yahay oo dhammaystiran
  • aad fahamsan tahay inay waajib kugu tahay in aad warbixin u soo gudbiso Hey’adda laanta socdaalka haddii isbeddelo dhacaan
  • aad ogtahay inay dambi tahay haddii aad bixiso warbixin khaldan, inaad wax qariso ama aadan ogeysiin hey'adda laanta socdaalka marka macluumaadka aad ka bixisay cinwaankaaga wax iska beddelaan.

U keen ama u soo dir foomka qaybta soo dhaweynta ee adiga ku qaabilsan.

Waxaad ka heli doontaa cinwaanada boostada ee qaybaha soo dhaweynta ee Hay'adda Socdaalka bogga ay ku qoran yihiin macluumaadka ay kala xiriiraysaa.

Boosta cinwaanada (oo af ingiriis)

Last updated: