Adigu ma dooran kartid dalka wax ka qaba­naya codsi­gaaga magang­el­yada (Xeerka Dublin)

Du kan inte välja vilket land som prövar din asylansökan (Dublinförordningen) – somaliska

Haddii aad magangelyo ka codsaneysid Iswiidhan waa qasab in adiga joogtid Iswiidhan ama xuduudka Iswiidhan. Haddii ey soo baxdo in codsigaada looga shaqeyn sida ku qoran Xeerka Dublin Hey’adda socdaalka waa iney koow go’aamiso haddii codsigaada Iswiidhan lagu tijaabin ama uu wadankale ku shaqo leeyahay.

Markaad magangelyo weyddiisato Iswiidhen, waxay Hay’adda Socdaalku bilaabeysaa baaritaan ay ku ogaaneyso haddii codsigaaga wax looga qabanayo Iswiidhen ama dal kale oo ka tirsan Midowga Yurub. Haddii intii aad Iswiidhen ku soo wajahneyd aad dal kale oo Midowga Yurub ka tirsan horay uga heshay fiiso ama sharciga degganaanshaha ama aad magangelyo ka codsatay, kolkaas waxaa dhici karta in ay khasab kugu noqoto in aad dalkaas dib ugu noqoto. Waxa sidoo kale dalabkaada ka tijaabin kartaa wadan kale oo EU hadii aad dib ula midoobaysid xubin reerkiina kamid ah oo halkaas ku sugan. Sidaasna waxaa dhigaya Xeerka Dublin.

Hadii dalabkaada lagu tijaabinbayo sida waafaqsan xeerka Dublin sidan ayuu u dhici doonaa:

1

Dalbashada

  • Waxaad ka jaawabi su’aalo sida tusaale ahaan magacaada, dhalashadaada, qoyskaada. Waxa kale oo sidoo kale aad gudbin doontaa baasaboorkaada ama aqoonsiyada kale ee muujinaya qofka aad tahay.
  • Hey’adda laanta socdaalka sawir ayey kaa qaadeysaa farahana weey kaa qaadeysaa. Baaritaanka farahaaga haddii lagu arko inaad ogolaansho la’aan ku soo gashay Yurub, inaad fiiso ka heysato wadan kaloo Yurub ku yaal ama inaad magangelyo weydiisatay wadan kale oo Yurub ku yaal, markaas waxaa dalbashadaada magangelyo wax looga qabanayaa sida uu dhigayo xeerka Dublin. Taasi waxeey ka dhigantahay in Hey’adda laanta socdaalka eeysan baareynin codsigaada magangelyo, laakiin eey baaritaan ku sameyneyso wadanka mas’uulka ka noqonayo in uu baaritaan ku sameeyo codsigaada magangelyo.
  • Waxaa lagu siinayaa warixin ku saabsan in dalbashadaada loogu kuur gelayo sida u qorayo xeerka Dublin iyo waxa eey taasi ka dhigantahay. Waxaad kaloo heleysaa warbixin ku saabsan su’aalaha baraktikalka ah, sida xaqa aad u leedahay meel aad degtid, daryeelid caafimaad iyo iskool eey carruurta dhigtaan waqtiga aad go’aanka sugeysid.

2

Wadahadal dalbasho

  • Adigoo caawimaad ka helaya turjumaanka ayaad ka warameysaa caafimaadkaada iyo qoyskaada iyo sida aad ku timid Iswiidhan.
  • Waxaa fursad laguu siinayaa inaad wax ka dhahdid waxa aad ka qabtid haddii codsigaada dalbasho lagu baaro wadan kale. Wadahadalkaan waa jaaniska kaliya oo aad kula kulmeyso Hey’adda laanta socdaalka oo aad uga warrameysid sababta aad u dooneyso in codsigaada dalbasho lagu baaro Iswiidhan.
  • Inuu qoys Iswiidhan kuu joogo ayaa waxey ka mid ahaan kartaa sababaha eey Hey’adda laanta socdaalka eey go’aamiso in dalbashadaada lagu baaro Iswiidhan. Sidaas si la mid ah ayaa waxaa laguu siinayaa fursad codsigaada loogu baari karo wadan kaloo Yurub ku yaal haddii uu qoys halkaas kuu joogo.
  • Haddii aad sharci ka heysatid wadan kaloo Yurub ku yaalo waxaa codsigaada wax looga qabanayaa sida uu xeerka Dublin dhigayo.

3

Codsasho ah u dhoofin wadan kale

  • Wadahadalka kadib waxeey Hey’adda laanta socdaalka u kuur galeysaa haddii eey soo kordheen waxyaabo keenaya in codsigaada dalbasho lagu baaro Iswiidhan. Hadii eeysan jirin waxyaabo soo kordhay waxeey Hey’adda laanta socdaalka direysaa codsi ah in laguu gudbiyo/dhoofiyo wadanka mas’uulka ka ah inuu baaro codsigaada magangelyo.

4

Codsiga haddii la aqbalo

  • Wadanka kale waxuu heystaa waqti cayiman oo uu uga soo jawaabayo haddii uu aqbalayo inuu qaado ma’uuliyadaada ku aaddan codsiga magangelyada iyo in kale. Haddii eey ugu soo jawaabi waayaan waqtigii loo qabtay waxeey ka dhigantahay ineey aqbalaan codsiga Hey’adda laanta socdaalka ee dhoofinta.
  • Marka uu wadan aqbalao inuu mas’uul ka yahay codsigaada ku aaddan magangelyo dalbashada waxaa loola jeedaa inaad leedahay xuquuqda dadka magangelya doonka ah eey ka leeyihiin wadankaas.

5

Go’aan dhoofin

  • Wadanka kale haddii uu aqbalo codsiga waxey Hey’adda laanta socdaalka gaareysaa go’aan ah inaad u safreysid wadanka qaadayo ma’uuliyadaada ku aaddan baaritaanka codsiga magangelyada.
  • Waxaa laguugu yeerayaa kulan eey Hey’adda laanta socdaalka uga hadleyso go’aanka.
  • Go’aanka ah in laguu dhoofiyo wadan kale waxuu ka dhiganyahay inaad u safreysid sida ugu dhaqsiyaha badan. Racfaan waad ka qaadna kartaa go’anka muddo saddax isbuuc gudaheed ah. Waxaad kaloo dalban kartaa in dhoofinta la joojiyo inta la sugayo go’aanka maxkamadda.

Xeerka Dublin

Xeerka Dublin waxa uu ka jiraa 27 wadan oo kamid ah midowga yurub: Awsteriya, Biljiam, Bulgeeriya, Korowatsiya, Qubrus, Jek, Danmark, Aaysland, Finland, Fransiis, Jarmal, Giriiga, Hungeri, Ayrland, Talyaani, Latfiya, Litweeniya, Luxenberg, Malta, Holan, Boolan, Bortaqaal, Rumeeniya, Islofakiya, Islofeeniya, Isbayn, Iswidhen, iyo weliba Noorway, Island, Iswiserlan iyo Leyjestayn.

Waxa jirta afar waraaqadood oo kasoo baxday gollaha -EU oo sharaxaya qaybaha kala duwan ee xeerka Dublin. Waraaqahaa laguma cusboonaysii warbixinada ku saabsan wadamada ka tirsan EU.

Last updated: