Su’aalaha iyo jawaabaha ku saabsan qoys dib u mideynta iyo shuruuda masruufida
Frågor och svar om familjeåterförening och försörjningskrav – somaliska
Qoyskaagu waxay haystaan fursad ay ku codsankaraan sharciga deggenaanshaha si ay adiga kuugu yimaadaan wadanka Iswiidhan haddii
- aad haysato sharci deggenaansho oo rasmi ah
- aad leedahay sharci ku meel gaar ah oo laguu aqoonsaday qaxootinimo ama aad taa beddelkeeda u baahan tahay inaad hesho magan/gabaad isla markaana lagugu qiimeeyey inaad leedahay rajooyin aasaas fiican u leh in lagu siinyo sharciga deggenaanshaha oo muddo dheer ah.
- Lagu siiyey sharciga oggolaanshaha muddo xaddidan iyadoo ay sababtu tahay caqabadaha shaqan gelinta ama si gaar ahaaneed ama duruufo tiiraanyo leh, iyo in lagugu qiimeeyo inaad leedahay rajooyin aasaas fiican u leh in lagu siiyo sharciga deggenaanshaha oo muddo dheer ah.
Ka akhriso wabrixin dheeraad ah oo ku saabsan fursadahaaga dib ula midowga qoyska
Haddii qof qaraabo ah oo wadankiisii ka soo qaxay ay hey’adda qaxoontigu u oggolaatay inuu u guuro wadan kale oo uu dalbado sharciga dagganaanshaha, shuruudda masruufku waxay khusaysaa haddii codsiga la sameeyo wax ka badan saddex bilood ka dib markuu qofka qaxoontiga ahi yimaado Iswiidhan. Shardiga masruufku waxa kale oo uu khuseeyaa haddii qoysku fursad u helaan inay dib ugu midoobaan waddan ka baxsan Midowga Yurub (EU) ama haddii uu xiriirka/guurka labada qof yahay mid cusub.
Haddii aad adiug heshay sharci oggolaanshaha ku meel gaar ah, qoyskaaga oo keliya ayaa codsan kara inay kuugu yimaadaan Iswiidhan. Qoyskaaga dhow waxa lagu xisaabinayaa xaaskaaga, ninkaaga, qofka aad noolosha wadaagtaan (sambo) ama lammaanaha aad isku diiwaangashan tihiin iyo carruurtaada da'doodu ka yar tahay 18 sano. Adiga iyo lammaanahaaguba waa inaad noqotaan 18 jir ama ka weyn tihiin. Haddii aad ka yar tahay 18 sano waalidkaa ayaa lagu xisaabinayaa inuu yahay qoyska kuugu dhow.
Ka akhriso wabrixin dheeraad ah oo ku saabsan fursadahaaga dib ula midowga qoyska
Shuruuda masruufida iyo guriga waxaa laga wadaa in adiga aad isku filantahay oo masruufi kartid taada iyo tan qoyskaada iyo inaa haysatiin guriga idin wada qaado.
Ka akhriso wabrixin dheeraad ah oo ku saabsan fursadahaaga dib ula midowga qoyska
Hay’adda laanta socdaalka waxey hubin doontaa in adiga taada iyo qoyskaada aad masruufikartid iyo in adiga haysatid guri idinku filan iyo macquul ah inaad ku wada noolaankartiin markuu codsiga na soo gaaro. Idinka waa inaa isticmaalikartiin guriga isla marka uu qoyska Iswiidhan imaado. Haddii adiga aadan fulin shuruuda qoyskaada waxaa laga siin codsiga ruqsadda deggenaanshada diidmo.