Waxa loogu talagalay shakhsiga/qofka khaniiska ah ee doonay magangalyada

För dig som är hbtq-person och söker asyl – somaliska

Haddii aad haysato sabab aad u adag oo ku saabsan inay ku hayso cabsi lagugu sameeyo sababtuna ay tahay nooca galmada aad tahay, muujinta jinsigaaga (könsuttryck), aqoonsiga lab iyo dhedig nooca aad tahay (könsidentitet) ama in aad ka mid tahay koox gaar ah markaa waxaad noqonkartaa qaxooti waxaanad xaq u leedahay in aad magangelyo ka hesho Iswiidhan. Waxay ku taalaa heshiiska qaxootiga, sharciga iswiidhishka iyo sharciyada Ururka midowga Yurub (EU).

Codsiga magang­el­yo­doonta iyo shar­ciyada

Cadaadisku wuxuu khatar ku noqonkaraa nolosha qofka ama caafimaadkiisa. Waxa kale oo xitaa dhicikarta sharciyada iyo qawaaniinta la dhigay ama aragtida dadku ay ka qabaan nooca galmada aad tahay awgeed in dhibaatooyin khatar ah laguu geysto. Waxa tusaale ahaan ka mid ah in lagu ciqaabo ama si baahan laguu takooro oo aanad iskuulka aadikarin, aanad shaqo doorankarin ama aan laguu oggolayn daryeel caafimaaad.

Waxa kale oo aad xaq u leedahay in aad muujiso haddii aad xiisaynayso siyaayada adigoon ka cabsanayn in cadaadis lagugu sameeyo iyada oo aan loo eegayn qoowmiyada aad ka soo jeedo, diintaada, jinsiyadaada ama nooca galmada ee aad tahay waxay ka mid tahay tusaalooyinka aad xaqa ugu leedahay in wadanka Iswiidhan sharci aad ku joogto lagu siiyo.

Cidda cadaadiska kugu samaynaysaa waxay noqonkartaa hey’addaha dawliga ee wadankaaga ka jira ama qoyska aad ka dhalatay ama cidkale oo kuu hanjabta adiga. Markaa Hey’adda laanta socdaalka ayaa baaritaanka samaynaysa waxa kugu dhacaya mustaqbalka haddii wadankaagii dib laguugu celiyo haddii markaa aanay hey’addaha wadankaagu awood u lahayn ama aanay adiga kaa ilaalinkarin cadaadiska aad leedahay khatar ayaan ugu jiraa.

Hey’adda laanta socdaalku waxay adiga kugu diiwaangelinaysaa in aad tahay qof magangalyodoon ah waxaanay kuu qoraysaa magaca, taariikhda dhalashada iyo lab ama dhedig nooca aad tahay ee kuugu qoran waraaqahaaga aqoonsiga. Sharciga iswiidhishku nooma oggola in annagu aanu kugu diiwaangelino magac kale, laakiin haddii aad doonayso magac laguugu yeero ama magac u yaal noo sheeg annaga, si aanu arrintaa u qorano.

Baari­taan

Marka ay Hey’adda laanta socdaalku go’aan ka gaarto in aad u baahan tahay magangelyo (skydd) oo markaa laguu oggolaado in lagu siiyo sharciga deggenaanshaha Iswiidhan baaritaan ayaa adiga lagugu samaynayaa si loo fahmo noloshaadu sida ay u egtahay iyo sababta aad ugu cabsanayso haddii wadankaagii laguu celiyo. Haddii ay sababtu tahay nooca galmada aad tahay, muujinta jinsigaaga (könsuttryck), aqoonsiga lab iyo dhedig nooca aad tahay (könsidentitet) waa muhiim in aad noo sheegto annaga wakhti hore sida ugu macquulsan.

Ka akhriso warbixin dheeraada oo ku saabsan sida loo sameeyo codsiga magangelyodoonka

Hey’adda laanta socdaalku way ogtahay inuu qofku u sheego arrimahan oo kale qof aanu weligii la kulmin. Waxa laga yaabaa inay xitaa dhicikarto inay tahay markii ugu horaysay aad qof arrinta kala hadasho markaa xuduudka ah waxa qofka u go’an ee gaarka u ah isaga iyo waxa baraayfadka qofka u ah arrintaas dadka dhamaantii way ku kala duwan yihiin. Si kastaba ha ahaatee waa muhiim in aad annaga noo sheegto sababahaaga magangelyodoonka ah dhammaantood. Haddii aad sheegto faahfaahino badan oo sababo noqonkarta waxay markaa Hey’adda laanta socdaalku haysataa aasaas wanaagsan oo ay go’aan ku gaarikarto. Qofka arrinta baarayaa wuxuu ku weydiindoonaa su’aalo ku saabsan galmadaadu nooca ay tahay (sexuella läggning), muujinta jinsigaaga (könsuttryck) ama aqoonsiga lab iyo dhedig nooca aad tahay (könsidentitet), fekradaha iyo dareemada aad arrintaa ka qabto iyo xiriirka aad la leedahay qoyskaaga, saaxiibadaa iyo bulshadii aad ka timid ee aad la noolayd. Annagu waxaanu ku khasbanahay wixii xog ama sir ah ee aad noo sheegto in aanaan dadka kale ee aan arrintaada gacanta ku hayn u sheegin.

Haddii aad u aragto qofka arrintaada gacanta ku hayaa in aanu fahmin waxa aad sheegayso, ama aad hayso macluumaad aanu qofka arrinta baarayaa ku weydiin, waa in aad sida ugu dhakhsaha badan noogu sheegtaa. Ha sugin inta arrintaada go’aan lagaaga soo dirayo.

Waxaad haysataa fursad in aad codsato oo aad kala doorato nin ama naaga qofka uu noqonayo turjubaanka, qofka arrintaada baaraya ee gacanta ku haya iyo qofka abukaataha kuu noqonayaaba si aad u dareento ammaan inta uu boroseeska magangelyodoonkaagu soconayo, Hey’adda laanta socdaalkuna waxay isku deyeysaa inay codsigaa kaa caawiso. Qofka ay da’diisu ka weyn tahay 18 jir wuxuu abukaatihiisa iyo qofka arrintiisa baaraya la kulmayaa keligiis iyadoo aanay la socon cidkale. Waxaad codsankartaa abukaate si gaar ah aqoon ugu leh xaaladaha dadka khaniisyada ah haddii aad taqaanid qof, ama waa lagaa caawinkaraa sidii aad ku helilahayd, abukaataha noocaas ah.

Qofka ka weyn 18 sano

Hey’adda laanta socdaalku way dhagaysanaysaa dhammaan carruurta magangelyodoonka ah waxaanay soo baaraysaa inuu ilmahaasi magangelyo u baahan yahay in halkan laga siiyo. Sidaa daraadeed waa muhiim in aad u sheegto Hey’adda noloshii aad ku noolayd wadankaagii iyo waxa aad u malaynayso inay kugu dhacaya adiga naftaada haddii wadankaagii laguu celiyo. Haddii ay da’daadu ka yar tahay 18 sano oo uu dadkii kaa mas’uulka ahaa ay Iswiidhan joogaan waxay Hey’addu ku khasban tahay inay weydiiso iyaga in aanu annagu keligaa ku waraysankarno iyagoon qolka waraysiga kula soo gelin. Haddii aanu waalidkaa Iswiidhan joogin waqfka kaa mas’uulka ah (god man) ayaa go’aanka iska leh in aanu keligaa ku waraysankarno. Haddii aad adigu doonayso in aad la hadasho qofka arrintaada gacanta ku haya iyagoon waalidkaa ama qofka mas’uulka kaa ahi kula socon waa muhiim in aad sheegto.

Turju­baanka

Ereyada iyo macnaha luqadda iswiidhishka iyo luqadaadu macno kala duwan ayey kala leeyihiin. Tan ugu muhiimsani waa in aad adigu sharaxikartid dareenkaaga iyo sida aad u aragto kadibna aad ula xiriirinkarto sababta aad u baqayso ama cabsidaada.

Haddii aanad fahmayn turjubaanka ama laga yaabo in aanu turjubaanku wada turjumayn waxa aad sheegtay uu dhan la jiro, waa in aad sheegto. Ka feker sidoo kale in aanu had iyo jeer aanu turjubaanku aqoonin ereyada khaaska u ah ee lagu isticmaalo marka laga hadlayo nooca galmada qofka (sexuell läggning), coona aqoonsiga lab iyo dhedig (könsidentitet) ama muujinta jinsiga qofka (könsuttryck). Sidaa daraadeed way fiican tahay in aad turjubaanka u sharaxdo macnaha ay kuugu fadhiyaan erayada aad isticmaalaysaa

Deegaanka/​​guriga

Guryaha Hey’adda laanta socdaalka waxa inta badan wada deggan laba ama dhowr qof oo isku jinsi ah. Inta nidaamka magangelyodoonku socdo waxa dhicikarta inay xaalada guryuhu ay cakirmaan oo ay yimaadaan khilaafyo dhinaca guryaha ku saabsan.

Waa muhiim in aad noo sheegto sida ugu dhakhsaha badan waxa aad u baahan tahay ama haddii aad dareemayso ammaandaro dhicana guriga ah. Haddii ay dhibaato guriga ka timaado oo aad u baahan tahay in lagaa caawiyo xalkeeda, waa in aad annaga noo sheegto. Kala hadal qofka arrintaada gacanta ku haya ee jooga qaybta adiga ku qaabilsan ama u sheega shaqaalaha guriga aad ku qoran tahay qaabilsan.

Caafi­maadka

Magaalooyinka qaarkood waxay leeyihiin meelo qaabilsan tusaale ahaa caafimaadka galmada iyo talo bixino loogu talagalay kooxo gaar ah. Kooxaha gaarka ah waxa ka mid noqonkara dumarka, dhaliyarada ama dadka khaniisiinta ah. Waydii qofka adigu ku qaabilsan warbixin intaa dheer.

Ururada sama­falka

Waxaad marwalba xaq u leedahay in aad la xiriirto ururada samafalka ah inta lagu gudajiro nidaamka magangelyodoonka ah si aad u hesho talooyin iyo taageeraba. Haddii aad warbixin badan ka hayso wixii aad xaq u leedahay iyo fursadaha kala duwan ee jira, waxaad noqonaysaa qof si fiican ugu diyaargaraysan tallaabooyinka kala duwan ee uu marayo geedi socodka magangelyodoonku. RFSL waa urur samafal ah oo u shaqeeya xuquuqda dadka khaniisiinta ah, waxay ku siinayaan caawimo gaara iyo goob dhinaca bulshada ah oo ay ku kulmaan dadka khaniisiinta ah ee magangelyodoonka ahi.

RFSL Newcomers External link, opens in new window.

RFSL Ungdom, Newcomers youth External link, opens in new window.

Last updated: