Habka magangalyo doonka
Asylprocessen – somaliska
Qeybtani waxay ku saabsan tahay habka magangalyo doonka, waa talaabooyinka uu maro qofka magangalyo doonka ahi, laga soo bilaabo maalinta aad u timaado Hey'adda laanta socdaalka, go'aanka lagaa gaaro, ilaa inta ay midkood noqonayso in aad Iswiidhan degto ama aad wadanka ka baxayso.
Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa waxa sharcigu ka qabo cida xaq u leh magangalyonimada Iswiidhan, sida hey'adda laanta socdaalku go'aanka u gaarto, iyo waxaad sameyn karto haddii aadan ku raacsaneyn go'aanka. Waxa kale oo aad ka akhrisan kartaa waxa dhacaya haddii ay tahay inaad waddankaagii ku laabato.
Kulanka ugu horeeyey ee aadadigu la yeelanayso Hey'adda laanta socdaalka, waxaad ka jawaabi doontaa su'aalo badan, waxa lagu siinayaa macluumaad ku saabsan habka magangalyo doonku yahay, sidoo kale waxaad helaysaa caawimo ku saabsan inaad wacdo waalidkaa ama qaraabadaada kale si aad ugu sheegto meesha aad joogto iyo sida ay xaaladaadu tahay.
Iyadoo uu turjubaan ku caawinayo waxaad sheegaysaa tusaale ahaan
- qofka aad adigu tahay
- luqada aad ku hadasho
- waxyaabo ku saabsan qoyskaaga
- hadaad xaas tahay
- sida uu yahay caafimaadkaagu
- sidii aad ugu soo safartay Iswiidhan
- sababta aad adigu uga soo timid wadankaagii hooyo iyo waxa aad u malaynayso inay dhici karaan haddii aad dib ugu laabato
- haddii aad saaxiibo ama ehel ku leedahay dalka Iswiidan oo aad rabto inaad la degto ama ka ag-dhowaato.
Haddii aad qabto baahi gaar ah, sida tusaale ahaan naafonimo, waad sheegaysaa. Haddii ay naafanimadaadu kugu keenayso dhibaato adag si aad ula hadasho Hey’adda laanta socdaalka waxaad xaq u leedahay caawimo.
Shaqaaluhu waxay su’aalaha kuu weydiinayaa si ay waxa aad sheegto ay u geliyaan sistamka kombuyuutarka ee Hey'adda laanta socdaalka, iyo inay diyaariyaan dalabkaaga baaritaanka. Waxaa su’aalo la mid ah kuwii ay Hey’addu ku weydiisay ku weydiin doona degmada aad degi doonto. Sababtoo ah Hey’adda laanta socdaalka iyo degmmadu waxay leeyihiin laba nidaam kumbiyuutar oo kala duwan
Keen caddayn qofka aad tahay
Hey'adda laanta socdaalku waxay rabtaa inay ogaato qofka aad tahay iyo meesha aad ka timid si ay go'aan sax ah u gaarto. Waa masuuliyad adiga ku saaran inaad muujiso magacaaga, da'daada iyo meesha aad ka timid. Sida ugu wanaagsan ee aad ku caddayn kartaa waa adiga oo soo gudbiya aqoonsigaaga baasaboor ama karka aqoonsiga.
Gaar ahaan muhiim ayey u tahay inay Hey'adda laanta socdaalku ogaato da'daada maxaa yeelay carruurta magangalyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuq kale oo aanay lahan dadka waaweyn ee magangalyo doonka ahi.
Sawirka iyo sawirka faraha
Waxa adiga lagaa qaadayaa sawir iyo faraha oo lagaa sawiro. Faraha ayaad ku cadaadinaysaa mashiin akhriya farahaaga. Haddii aad tahay 14 sano ama aad ka weyn tahay Hey'adda laanta socdaalka ayaa kaa soo baaraysa in farahaaga laga diiwaangeliyey wadan kale oo Yurub ka mid ah. Carruurta ay da’doodu ka yar tahay lix sannadood uma baahna in faraha laga qaado oo laga sawiro.
Haddii farahaaga laga soo helo in inaad marhore magangalyo ka dalbatay wadan kale, oo baaritaanku uu muujiyo in wadankaasi go’aan kaa gaaray, markaa Hey'adda laanta socdaalku waxay go'aamin kartaa inaad dib ugu laabato wadankaas.

Wada hadalkii ugu horeeyey kadib
Marka codsigaaga magangalyada la diiwaangeliyo waxa lagu siinayaa rasiid sheegaya in aad magangelyo codsatay. Dhowr usbuuc kadib, waxa rasiidkii laguugu beddelayaa kaar la yiraahdo LMA oo cadaynaya inaad codsatay magangalyo oo aad xaq u leedahay inaad Iswiidhan joogto inta aad sugeyso go’aanka. Kaarka LMA-ga laguma xisaabinayo inuu yahay dukumenti aqoonsi ah, mana caddaynayo qofka aad adigu tahay, ee wuxuu sheegayaa in aad Iswiidhan iska dhiibtay oo kaliya.
Hey'adda laanta socdaalku waxay la xiriiraysaa degmada adiga kuu diyaarinaysa guriga iyo qofkii adiga kaa mas’uul noqon lahaa (god man). Hay'adda laanta socdaalka waxay sidoo kale kuu magacaabaysaa qof sharci yaqaan ah oo kaa caawiya arjiga codsigaa.
Sugitaanka baaritaanka magangalyada
Tallaabada xigta ee nidaamka magangalyada ayaa ah inaad u timaado baaritaan magangalyo, interfiyuu ayaa lagaa qaadayaa halkaas oo aad ku sheegi doonto sababta aad adigu uga rabto magangalyada Iswiidhan. Muddada uu qofku sugayo inta aan loogu yeerin interfiyuuga dadku way ku kala duwanaan karaan. Waa muhiim inaad ka soo qayb gasho shirarka laguugu yeero. Haddii aad ku khasbanaato in aad ballanta dib u dhigto wakhti ayey qaadanaysaa inta wakhti cusub adiga laguu qabanayo.
Baaritaanka magangalyadu waa wadahadal aad adigu ku sheegayso sababta aad adigu uga rabto magangalyo wadanka Iswiidhan. Hay'adda laanta socdaalku waxay rabtaa inay adiga kaa maqasho waxaad soo martay iyo waxa aad u malaynayso inay kugu dhici doonaan haddii adiga dib laguu celiyo.
Abukaataha ku caawinayaa wuu ku soo raacikaraa marka interfiyuuga lagaa qaadayo. Qofka mas’uulka kaa ah (god man) ayaa isaguna sidoo kale kuu soo raacaya interfiyuuga haddii aad adigu rabto. Qof ka socda Hey'adda laanta socdaalka ayaa interfiyuuga qaadaya oo warqada ku qoraya waxaad idinku ku hadashaan. Marmarka qaarkood laba qof ayaa interfiyuuga qaada, markaa hal qof ayaa su’aalaha ku weydiinaya kan kalena waxa aad sheegtaan ayuu qorayaa. Turjubaan ayaa idiinkala turjumaya waxa aad sheegtaan si aad isu fahamtaan. Turjubaanku qolka ayuu fadhiyi karaa ama fiidiyoow ama telefoon ayuu ku turjumi karaa.
Waxyaabo adag ayaa laga hadlayaa
Interfiyuugu wuxuu qaadanayaa inta udhaxeysa labo ilaa seddex saac waxaana lagu weydiin doonaa su'aalo ku saabsan waxyaabo laga yaabo inay adkaan ama ay tahay dhacdooyin xanuun badan in laga hadlo. Waa muhiim inaad adigu runta u sheegto hey'adda laanta socdaalka xitaa haddii ay adagtahay. Haddii aad u baahato inaad nasato waad waydiisan kartaa.
Markay Hey'adda laanta socdaalku baarayso sababahaaga magangalyada qofka kiiskaaga gacanta ku hayaa wuxuu isku deyidoonaa inuu baaritaanka waafajiyo da'daada, sida aad adigu maskaxiyan u bislaatay iyo caafimaadkaaga. Haddii aadan fahmin su'aal waa in aad weydiisaa. Sidoo kale waa muhiim inaad sheegto haddii aadan fahmin turjubaanka.
Su’aalaha interfiyuuga waxaa lagu weydiin doonaa su'aalo ku saabsan aqoonsigaaga, qoyskaaga, waxyaabihii aad ku soo martay wadankaagii hooyo, sidii aad ku timid Iswiidhan iyo waxa aad u malayneyso inay dhici doonaan haddii dib laguu celiyo. Su'aalahan waxay u badan tahay in hore laguu soo weydiiyey, laakiin hadda waxaad fursad u haysataa inaad sheegto wax ka badan wixii aad ku soo sheegtay wadahadaladii hore ee aad la yeelatay Hey’adda laanta socdaalka. Qofka arrintaada gacanta ku haya wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo dheeraad ah waxaanu kaa rabaa in aad si faahfaahsan u sheegto si uu runtii u fahmo sheekadaada. Iskuday inaad uga jawaabto dhammaan su'aalaha sida ugu macquulsan. Haddii lagu weydiiyo hal su'aal oo isku mid ah dhowr jeer, macnaheedu ma aha inaad si khaldan uga jawaabtay, laakiin qofka arrintaada gacanta ku hayaa wuxuu u baahan yahay macluumaad dheeraad ah.
Haddii aad hayso wax caddeymo ah waa inaad keentaa maalinta interviyuuga lagaa qaadayo. Waxay noqon kartaa dukumenti aqoonsi ah ama wax kale oo muujinaya in waxa aad sheegayso ay run yihiin.
Interfiyuuga kadib
Interfiyuuga kadib qofkii arrintaada hayey wuxuu qoraalkii u dirayaa abukaattihii ku caawinayey kaas ayaa adiga iyo qofkii kaa mas’uulka ahaa idiin akhriyaya warqaddii. Haddii ay jiraan wax khaladaad ahi, ama aad u aragto inuu qofkii arrintaada hayey ama turjubaankii ay si khaldan kuu fahmeen waa muhiim inuu abukaatuhu u soo sheego Hey’adda laanta socdaalka sida ugu dhakhsaha badan si loo saxo – haddii kale way kugu adkaanaysaa inaad sharraxaad ka bixiso wakhti dambe wixii saxda ahaa. Sidoo kale u sheeg abukaataha ku caawinaya haddii ay dhacdo in aad soo xusuusato wax muhiim ah oo aad ilowday inaad sheegto wakhtigii interfiyuugu socday.
Hey'adda laanta socdaalka ayaa go'aan ka gaaraysa haddii magangelyo lagaa siinayo Iswiidhan iyagoo eegaya wax kasta oo aad u sheegtay iyo wixii aad tustay, iyo waxa aannu ka ognahay waddankaaga xaaladiisa. Markaa waxaa la barbar dhigayaa waxa sharcigu ka qabo qofka magangelyo Iswiidhan laga siinayo.
Marka ay Hey'adda laanta socdaalku go'aan ka gaarto codsigaagii magangalyada, waxa shir loogu yeeri doonaa adiga iyo qofkii mas’uulka kaa ahaa. Waxa markaa go’aanka idiin sharxaya qofkii arrintaada gacanta ku hayey iyo waxa ku xigi doona. Go'aanku wuxuu ku qoran yahay luqada iswiidhishka, laakiin qof ka tirsan waaxda soo dhaweynta ayaa ku sharaxaya isagoo la kaashanaya turjubaan oo kuu sheegay waxa uu go’aanku yahay
Qofka kuu sheegaya go'aanka ma aha inuu ahaado isla qofkii su’aalaha interfiyuuga ku weydiiey ama go'aanka gaaray. Had iyo jeer laba qof ayaa go’aanka si wadajir ah u gaara. Waxa sidaa loo samaynayaa waa si aannu u hubino inuu go’aanku noqon mid sax ah. Shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka ka shaqeeya ee kiisaska gacanta ku hayaa iyagu go’aanka ay doonaan ma qaataan, ee waa inay sharciga raacaan.
Haa ama maya
Haddii oggolaado codsigaaga magangelyo doonka lagaa siiyo, waxaad heli doontaa sharci deggenaansho ah waxaanad xaq u leedahay inaad Iswiidhan degto.
Haddii codsigaaga magangalyo doonka diidmo lagaa siiyo, waxaa la yiraahdaa codsigaagii waa la diiday.
Sharciga iswiidhishku wuxuu sheegayaa qofka magangalyo laga siin karo Iswiidhan. Hey'adda laanta socdaalka waxeey baareysaa in sababaha aad adigu u sheegtay ay ku filan yihiin in magangalyo adiga lagu siiyo.
Iswiidhan waxaa si gaar ah oo shakhsinimo ah ah u baarta dhammaan codsiyada magangelyo doonka Laanta socdaalka. Iswiidhan waa inay siisaa sharciga ogolaanshaha qofka qaxootiga loo aqoonsado, haddii kale u baahan magangelyo badbaado ama u baahan inuu ku joogo sababo kale.
Qaxooti
Sida uu dhigayo heshiiska qaxootiga ee Qaramada midoobay iyo sharciga Iswiidhishku waxaad adigu tahay qaxooti haddii aad hayso sabab aad uga baqayso in dabagal lagugu sameeyo sababtuna ay tahay
- jinsiga
– tusaale ahaa midabka aad tahay - dhalashada
– tusaale ahaan, dhalashadaada, luqaddaada ama qowmiyaddaada - diinta
– ilaaha (Alle) aad aaminsan tahay ama in aanad waxba aaminsanayn
- ra’yiga siyaadadeed
– tusaale ahaan, aragtidaada ku aadan sida dalkaaga hooyo loo hogaamin lahaa - lab ama dhedig
– haddii aad tahay gabar ama wiil - niica galmada aad tahay
– tusaale haddii aad adigu tahay gabar jecel galamada gabdhaha kale ama wiil jecel galmada wiilasha kale - inaad ka tirsan tahay koox bulshada oo gaar ah
– mararka qaarkood carruurta waxa lagu xisaabin karaa inay yihiin koox bulsheed oo gaar ah.
Mararka qaar kood kuwa go'aanka ka gaara waddanka ayaa dadka dabagalka ku sameeya una hanjaba dadka sidaa darteed waa inay dadku ka baxsadaan. Laakiin sidoo kale magangalyo ayuu qofku dalban karaa haddii uu yahay qof shakhsi ah ama kooxo dadka wax dhibaataynaya, oo aanay hey’addaha wadanka ka jira (tusaale ahaan booliska) aanay awoodin ama aanay doonayn inay difaacaan oo caawiyaan dhibanaha.
Markaa kuma filna in cadaadiska noocan oo kale ah hore laguugu soo sameeya. Waa inay sidoo kale jirtaa khatar weyn oo ah inay mar labaad ku soo gaarayaan waxyaabahan oo kale haddii dib laguu celiyo. Sidaa daraadeed taas ayaa sabab u ah in qofka arrintaada gacanta ku hayaa ee Hey'adda laanta socdaalka uu kuu weydiinayo waxa aad u malaynayso inay kugu dhici doonaan haddii ay noqoto inaad ku laabato wadankaagii hooyo.
Haddii adiga qaxooti laguu ictiraafo waxa lagu siinayaa sharciga degganaanshaha muddo saddex sanno ah.
Beddelkeeda u baahan badbaado
Sida uu qabo sharciga Iswiidhan mararka qaarkood magangalyo waad heli kartaa xitaa haddii aan adiga laguu aqoonsan inaad tahay qaxooti sida lagu soo xusay qodobada kor ku qoran, laakiin aad wali ka baqayso inaad ku laabato wadankaagii hooyo.
Waxa adiga laguugu yeerayaa inaad beddelkiisa u baahan tahay badbaado haddii aad halis ugu jirto in laguu geysto jirdil, ciqaab dil ah ama laguu geysto waxyaabo bi’aadanimada ka baxsan ama si fool xun laguula dhaqmo wadankaaga. Waxa kale oo adiga sharci degenaanshaha ee beddelkiisu yahay badbaada lagu siinkaraa haddii dagaal badani uu ka dhaco waddankaaga oo dhammaan dadka halkaas jooga ay halis ugu jiraan in la dilo.
Qofka loo aqoonsado in la siiyo sharcdiga beddelkiisu yahay badbaadada waxa la siinayaa sharci deggenaansho ah muddo 13 bilood ah.
Xaaladaha kale ee sharciga deggenaanshaha
Magangelyo doonka ayaa mararka qaar heli kara sharci deggenaasho xataa haddii uusan buuxin shuruudaha sharciga qofkad loogu yeero qaxooti ama qof si kale ugu baahan badbaado. Hay’adda laanta socdaalka ayaa xilliga ay go’aanka gaareyso sameyso qiimeyn dhinacyo badan ah oo lagu eegayo xaaladda caafimaadka ee shakhsiga, sida uu ula qabsaday Iswiidhen iyo xaaladda ka taagay dalkiisa hooyo.
Sharciga deggenaanshaha macnihiisu waa inaad HAA ku heshay arjigaagii codsiga magangalyo doonka ahaa. Waxa adiga laguu oggolaaday in aad Iswiidhan deggenaato.
Haddii adigu aad hesho sharci deggenaanshaha waxa shir laydinku yeerayaa adiga iyo qofka mas’uulka kaa ah, shirkaas oo ka dhacaya qaybta soo dhaweynta. Qofka arrintaada gacanta ku haya ayaa kuu sheegaya go'aanka wuxuuna kuu sharxayaa sababta laguugu oggolaaday inaad wadanka degto iyo waxa ku xiga ee dhacaya.
Go’aanka kadib
Adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah waxaa booqanaysaan Hey'adda canshuuraha si ay kuu diiwaan geliyaan adiga. Taas macnaheedu waa in adiga laguu sameeyo toban lambar oo caddaynaya dhalshada qofka ee ay la socdaan afar lambar oo ugu dambeeyaa.
Hal bil kadib markaad adigu hesho sharciga deggenaanshaha waxaa lagaa saari doonaa Hey’adda laanta socdaalka. Markaa laguma siin doona adiga lacagtii guno maalmeedka ahayd ee lagu siinjiray sidoo kale ma shaqayn doono kaarkaaga bangigu. Haddii aad u baahan tahay lacagta ku jirta kaarka waa muhiim inaad kala baxdo ka hor inta aan lagaa saarin Hey’adda laanta socdaalka. Kadibna waxaa la soo gunaanadayaa codsigaagii magangalyo doonka ahaa. Degmada aad deggen tahay ayaa sii wadaysa inay adiga mustaqbalka kaa mas'uul noqdaan. Xoghaynta arrimaha bulshada ayaa kuu sheegaysa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa ku xiga ee dhacaya.
Muddo intee leeg ayuu sharciga deggenaanshu shaqeynayaa?
Dadka magangelyo doonka ayaa badankooda hela sharci deggenaasho oo ku meel gaar ah. Taasi micnaheedu waa in qofka loo oggolaado inuu joogo Iswiidhen muddo cayiman, sida badan 13 bilood ama sadax sanno. Marka uu dhaco sharciga deggenaashaha wuxuu qofku codsan karaa in wakhtiga sharciga loo kordhiyo. Hadduu qofku wali u baahan yahay badbaadin wuxuu markaa heli karaa sharci deggenaasho ee laba sanno oo horleh.
Sharciga joogtada ee deggenaashaha
Qofka heystay sharci deggenaasho muddo sadax sanno ah wuxuu codsan karaa sharci joogto ah ee deggenaasho isla wakhtiga uu codsanayo in wakhtiga loo kordhiyo. Qofka jira 15 sanno ama da’ ka weyn waa inuu ku noolaa nolol dhowrsan si uu u helo sharciga deggenaashaha ee joogtada ah. Hadduu qofku galay danbi waxaa la soo diidi karaa codsigiisa sharciga joogtada ee deggenaasho. Qofka jira 18 sanno ama da’ ka weyn waxa looga baahan marka uu dalbanayo sharciga deggenaashaha ee joogtada inuu isaguna masruufkiisa ka adag yahay.
Qofka aan buuxin shuruudaha sharciga deggenaashaha ee joogtada waxa dhici karta iyo sharciga deggenaashaha loo kordhiyo hadduu wali u baahan yahay badbaadin.
Haddii ay hay’adda laanta socdaalku soo diiddo codsiga qofka ee sharciga deggenaashaha ee joogtada sababtuna ay tahay qofkaa oo aan buuxin shuruudda kasbashada masruufka ama shuruudda dhowrsanaanta wuxuu racfaan ka qaadan karaa go’aanka.
Mideynta qoyska
Haddii lagu siiyay sharci deggenaashaha xaaladaha qaarkood waad kulla midoobikartaa qoyfskaaga Iswiidhan. Qofka arrintaada gacanta ku haya ee kuu sheegaya inaad sharcigii deggenaanshaha Iswiidhan heshay ayaa kaa siinaya warbixin dheeraad ah arrintaas.
Diidmada micnaheedu waa inaad MAYA ka heshay codsigaagii magangalyada. Haddii diidmo lagu siiyey waxaad leedahay inaad laba wax kala doorato: Waad aqbali kartaa go'aanka oo Iswiidhan waad ka baxaysaa ama waxaad u dacwoon kartaa maxkamadda laanta socdaalka.
Diidmada codsigaagii waxay ka dhigan tahay inay Hey'adda laanta socdaalku qiimaysay in aanad adigu haysan sababo kugu filan si aad Iswiidhan magangalyo ugu hesho. Adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah ayaa shir la yeelanaya qofka arrintaada gacanta ku haya, qofkaas ayaa ku sharaxaya sababta laguugu diiday iyo waxa hadda dhacaya.
Go’aanka oggolaanaya
Haddii aad adigu aqbasho go'aanka, waxaad saxeexaysaa warqad caddaynaysa inaadan rabin rafcaan ama aad ka dacwooto. Markaad aqbasho go'aanka waxaad caawimo ka heli kartaa Laanta socdaalka si aad u diyaariso safarkii aad dib ugu laaban lahayd waddankaagii.
Ka dacwoonaya
Waad ka dacwoon kartaa go'aanka hadii aanad ku qanacsanayn go'aanka Hey'adda laanta socdaalka. Adiga iyo qofka mas’uulka kaa ah waa inaad warqad ugu qortaan Laanta socdaalka taas oo aad ku caddaynaysaan sababta aad ugu malayneysaan inuu go'aanku ku khaldan yahay. Abukaataha ayaa kaa caawin kara inaad qorto warqada dacwada/rafcaanka. Go’aankaaga ayey ku qortan tahay muddada aad haysato ee aad kaga dacwoon karto.
Hey'adda laanta socdaalka ayaa akhriyi doonta racfaankaaga waxayna qiimeyn doontaa in go'aanka wax laga baddelo iyo in kale. Haddii ay Hey'adda laanta socdaalku u aragto in aanay jirin sabab wax looga baddelikaraa go'aanka dacwada waxay markaa u gudbinayaa maxkamada laanta socdaalka. Maxkamadda laanta socdaalka ayaa dib u eegi doonta dacwadaada. Haddii maxkamada hey'adda laanta socdaalku ay adiga kugu raacdo markaa waa inay Hey'adda laanta socdaalka beddeshaa go'aankii markaa waxa adiga laguu ogol yahay in aad waddanka jooto.
Haddii maxkamada hey'adda laanta socdaalku diido dacwadaadii waxay ka dhigan tahay inay ku raacsan yihiin go'aankii ay soo saartay Hey'adda laanta socdaalku. Markaa waxaad u dacwoon kartaa maxkamada sare ee Hey'adda laanta socdaalka, laakiin maxkamadaasi waxay tijaabisaa oo fiirisaa kiisas khaas ah oo keliya oo aanay ku caddayn sida sharciga loo turjumayo. Haddii maxkamada sare ee hey'adda laanta socdaalku go'aan ku gaarto in aanay dacwadaada eegin macnaheedu waa adigu mar kale kama dacwoon karrid ee waxa dhaqan gelaya go'aankii hey'adda laanta socdaalku gaartay (markaa wuu dhaqan geleyaa)
Markasta waa isbeddelikartaa adigu oo waad la soo noqonkartaa warqadaadii dacwada oo aad beddelkeeda go’aan ka gaarikartaa in aad wadankaagii dib ugu laabato. Markaa waxaad caawimo ka helisaa Laanta socdaalka si aad ugu diyaargarowdo safarkii aad wadankaaga.
Dib ugu laabanaya
Marka adiga codsigaaga magangalyo doonka diidmo lagaa siiyo, waa inaad u diyaar garowdaa inaad ku noqoto wadankaagii hooyo. Hey'adda laanta socdaalka ayaa kaa caawin doonta qabanqaabada safarkaaga laabashada haddii aad wada shaqayn la samayso.
Hey'adda laanta socdaalka ayaa kuugu yeeri doonta shirar badan si aad ugala hadasho waxa loo baahan yahay in la sameeyo si aad awood ugu yeelatid sidii aad dib ugu laaban lahayd. Ilaa iyo inta aad adigu wada shaqayn la leedahay Laanta socdaalka waxay ku siindoonaan caawimo sidii ay u diyaarin lahaayeen safarka aad dib ugu laabaneyso dalkaagii hooyo. Haddii aanad wada shaqeyn la samaynin Hey'adda laanta socdaalka waxay kiiskaaga mas'uuliyadiisa ku wareejin doonaa booliska.
Haddii aad adigu wali ka yar tahay 18 sano markaad aad dib Iswiidhan uga laabanayso, waa inuu jiraa qof kugu qaabbila marka aad xaggaa ka degeyso. Wuxuu qofkaasi noqon karaa waalid, qaraabo ama qof hey'ad mas'uul ka ah oo u shaqeeya carruurta aan qof mas’uul ahi la socon. Shaqaalaha hey'adda socdaalka way kula safrayaan waxayna hubinayaan in qof kugu qaabilay garoonka diyaaradaha markii aad xaggaa tagto.
Haddii waalidkaa ay ku nabad qabaan wadan aan ka aheyn wadankaagii hooyo, Hey'adda laanta socdaalka ayaa isku dayi doonta inay kaa caawiso inaad kula midoobid waalidkaa halkaas ay joogaan.
Hey'adda laanta socdaalka ayaa kaa caawinaysa
Ma aha inaad jeclaato go’aanka inaad Iswiidhan ka baxayso. Laakiin haddii aad aqbasho go'aanka oo aad ogolaato inaad si ikhtiyaari ah u laabato, markaa Laanta socdaalka ayaa kaa caawin doonta qorsheynta safarkaaga. Tusaale ahaan, waxaad ka heli kartaa caawimaad ku saabsan goynta tigidka safarka, diyaarinta baasaboorka iyo la xiriirida qaraabadaada waddangaagii joogta.
Xaaladaha qaarkood waxaad adigu sidoo kale codsan kartaa taageero dhaqaale ama noocyo kale oo taageero ah si ay kuugu fududaato si bulshada aad u timid u dhexgasho.
Ka akhri warbixin dheeraad ah oo ku saabsan qofka la siinayoa taageerada markuu dib u laabto
Haddii aanad adigu raacin go’aanka
Hey'adda laanta socdaalku waxay kaa caawin kartaa haddii aad adigu u diyaar garowdo safarkaaga oo aad iskaa u ogolaato inaad ka baxdo Iswiidhan oo keliya. Haddii aad iman weydo shirarka ay hey'adda laanta socdaalka kuugu yeerto, haddii aad dhuumato ama aad si kale u muujiso in aanad diyaar u ahayn dib u laabaso, markaa Hey'adda laanta socdaalku waxay kiiskaaga ku wareejin doontaa booliska. Taas macnaheedu waxaa weeye inay boolisku adiga mas'uul kaa yihiin si aad u raacdo go'aanka iyo sidii aad uga bixi lahayd Iswiidhan. Haddii aad buuxiso 18 sano, waxaad waayi doontaa xaqa aad u leedahay taageerada dhaqaale haddii aadan raacin go'aanka.
Dhacdooyinka cusub diidmada kadib
Mararka qaar waxa dhici kara in go'aankii la gaaray ee aad wadanka kaga baxaysay la baajiyo. Tusaale ahaan waxaad noqonkartaa qof aad u jiran oo aadan safri karin, ama waxaa jiri kara sababo cusub oo soo baxay ama caddaymo cusub oo sababahaaga magangalyo doonka ku saabsan oo Hey'adda laanta socdaalku aanay ogeyn markii aannu go'aanka gaarnay. Xaaladaha noocaas oo kale ah waa in aad adiga iyo qofka mas’uulka kaa ahi warqad u qortaan Laanta socdaalka oo aad u sheegtaan wixii dhacay. Hay'adda laanta socdaalka ayaa markaa go’aan ka gaaraysa bal inay sababaha cusubi ku filan yihiin in lagaa baajiyo masaafuriska.
Mararka qaarkood masaafuriska si ku meelgaar ah ayaa loo joojin karaa si ay Laanta socdaalku waqti ugu hesho baaritaanka dhacdada cusub ee soo baxday. Taas waxa loo yaqaanaa joojin ku meelgaarka ah ”inhibition”.
Sugaya intaad wadankii ku laabanayso
Waxaad xaq u leedahay inaad dhigato iskuul, aad la kulanto daryeelka caafimaadka iyo in lagu siiyo caawimaad lacageed iyo mid guriba ilaa intaad Iswiidhan joogto. Qofka kaa mas’uulka ah ayaa kaa caawin doona arrimahaas ilaa intaad ka baxdo Iswiidhan ama aad buuxinayso 18 sanno.
Ka akhriso waxa dhacaya haddii aad noqoto 18 sanno ka hor intaadan Iswiidhan ka bixin