Dib u guurtid

Återvandring – somaliska

Adiga oo go’aansaday inaa guurtid oo dib ugu noqotid wadankaadi hooyo, waxaa xaaladaha qaarkood soo codsankarta lacag kaalmo oo kharashka safarka oo adiga iyo qoyskaada. Xaaladaha qaarkood waxaa xita suurtagal ah inaa soo codsankartid lacag kaalmo haddii aad u guureysid wadan kale oo eheen wadankaada hooyo. Xaalad noocas waa in adiga tustid dukumenti go’aan ama warqad ey ku qorantahay inaa wadankaas degikartid oo laguu oggolyahay inaa wadankas ku noolaatid.

Bogga internetkaan waxaa adiga ka heli warbixin oo dadka codsankaro lacagta kaalmada oo dib ugu guurtida wadanka hooyo, sida lacagta loo codsado, lacagta kaalmada ilaa inte ey tahay iyo habka lacagta laguugu soo diri.

Yaa soo codsankaro kharashka safarka?

Adiga oo la siiyay ruqsada degnaanshada ku meelgaarka ama ruqsada degnaanshada joogtada oo iswiidhan oo qoxooti ahaan, baahi u qabe difaac, sababo kale oo qaas ah, ama qoxootiga xeeraha laga soo qaada baa soo codsankaro lacagta kaalmada. Adiga ma lagu siin lacagta kaalmada haddii aad tahay muwadin iswiidhish ama lagu siiyay ruqsada degnaanshada oo dadka tirada badan oo qoxootiga. Adiga ma lagu siin lacagta kaalmada haddii dhaqaalo ku soo galo ama aad haysatid hanti kale oo adiga baa markas iska bixin kartid kharashka safarka.

Adiga waa inaa xita aad na tustid

  • inaa haysatid baasaboorka wadankaadii hooyo. Dukumenti ey dowlada iswiidhan ku siiyay (sida dukumentiga safarka ama baasaboorka ajnabiga) ma ahan kuwo ansaxsan
  • ka haysatid oggolaansho inaa ku noolankartid wadankale oo eheen wadankaadi hooyo, haddii aad qorsheyneysid inaa u guurtid wadankale oo eheen wadankaadi hooyo
  • haysatid fiiso oo wadooyinka aad markeysid marka aad u socotid wadanka hooyo, waa haddii loo baahanyahay.
  • in wax deyn eysan kugu laheen hey’adda soo ururinta deymaha ama hey’adda kaalmaynta waxbarashada oo Iswiidhan

Dadka qoyskaada kamid ah

Marka aad lacagta kaalmada soo codsaneysid waxaa xita lacagta kaalmada usoo codsankarta qoyskaada. Dadka qoyskaada kamid ah oo lacagta usoo codsankarta waa ninkaada/xaaskaada iyo carruurtaada oo ka yar 18 sano. Waxaa xita suurtagal ah lacagta kaalmada inaa u codsankartid dad kale. Haddii ey suurtagal noqon inaa dadkas usoo codsatid lacagta kaalmada waa in ey iswiidhan ku imaaden codsi ruqsad ey ku dooni iney adiga kula noolaadan. Waxey tusaale ahaan noqon karo canug oo maanta qof weyn noqday laakin qoyskaada la nool. Haddii aad dooneysid inaa usoo codsatid lacagta oo kharashka safarka qofka aad nolosha la wadaagtid[sambo] waa inaa haysatiin sabab qaas.

Haddii lagu siiyo lacagta kaalmada oo safarka

Haddii laguu oggolaado lacagta safarka oo inaa wadan kale u guureysid markas ruqsada aad haysatid iyo haddii uu jiro go’aan inaa difaacid baahi u qabtid waa lagaa ceshan marka aad Iswiidhan ka tagtid.

Sidan baa usoo codsan lacagta kaalmada oo safarka

Haddii aad dooneysid inaa soo codsatid lacagta kaalmada oo safarka waxaa soo buuxin warqada foomka oo la dhaho Codsashada lacagta kaalmada oo ka safarida Iswiidhan si aan wadankale ugu noolaado [Ansökan om bidrag för resa från Sverige för bosättning i annat land].

Ansökan om bidrag för resa från Sverige för bosättning i annat land, blankett nummer 4453 (oo waa af iswiidhish) Pdf, 1.2 MB, opens in new window.

Codsiga waxaa usoo diri

Migrationsverket
Box 3100
903 03 Umeå

Waxyaabahan baa adiga noos oo diri

Marka aad noo direysid foomka codsiga adiga waa intaa xitaa noo soo dirtid waxyaabahaan

  • koobi baasaboorkaada oo boggaga ey ku qorantahay ilaa xilliga uu ansaxsanaan baasaboorka iyo warbixintaada shaqsiga. Haddii qoyskaada uu ku raaci waxaa soo raacin koobi ayaga baasabooradooda
  • koobi go’aankii canshuur bixinta ugu dambeeyay oo laguu sii diray oo xafiiska canshuurta[Skatteverket] kuu soo dirtay adiga iyo dadka qoyskaada oo 18 sano gaaray
  • qoraal oo ansaxin oggolaansho. Haddii ey jiran carruur oo labada waalid ey mas’uul ka wada yahiin laakin canuga wadanka ka tagi oo raaci labada waalid midkood waa in waalidka kale oo Iswiidhan joogi saxiixa warqad oo inoo oggolyahay arrinta
  • koobi oo wada heshiinta qorshaha deyn bixinta, waa hadii deyn lagugu leeyahay adiga/idinka
  • koobi go’aanka ama wax u dhigmo o ona tusi in adiga xaq u leedahay inaa wadankas u guurtid iyo ku noolaatid (waa haddii aad u guureysid wadan kale oo eheen wadankaada hooyo).

Ilaa in ey noqon lacagta kaalmada safarka

Kharashka safarka waxaa kuu sii dheer oo kontadaada bangiga laguugu soo shubi lacag kaalmo. Adiga waxaa helikarta ugu badnaan 10 000 oo qofkasto weyn iyo ugu badnaan 5 000 canugasto oo ka yar 18 sano. Hal qoys wuxuu ugu badnaan helikara 40 000 kr.

Adiga waxaa heli kharashka safarka oo diyaarad, tareen, bas ama babuurkaada. Adiga ma lagu siin kharashka oo inaa booqasho u tagtid wadanka hooyo ama rarida alaabta guriga.

Bixinta lacagta kaalmada

Lacagta kaalmada waxaa laguugu soo diri kontada bangiga marka aad wadanka ka safartid.

Ka guurtida Iswiidhan

Marka Hey’adda socdaalka go’aanka gaarto waxey bostad kugu soo diri warqada go’aanka. Adiga markas waxaa tagi xafiska canshuuraha iyo diwaangalinta bulshada oo waxaa diwaangalin inaa si joogto u guureysid. Markas kadib baa koobi oo warqada diwaangalinta inaa guureysid usoo diri Hey’adda socdaalka. Hey’adda socdaalka baa tigidhka safarka kuu dalbi, tigidhka kuu soo diri iyo lacagta kaalmada.

Wakhti hore na soo ogeysii taariikhda aad dooneysid inaa safartid markas ey fududaan sida aad jeclaan laheed iney kuu noqoto. Warqada foomka codsiga baa ku soo qori taariikhyada aad dooneysid. Taariikhdas baa adiga kaa hubin marka aan howsha arrintaada suubin.

Maya, adiga lacagta kaalmada waxaa lagu siin marka aad Iswiidhan ka tageysid. Haddii qof qoyska kamid ah Iswiidhan sii joogi xilliga qofkas wadanka ka tagi baa qeybtiisa lacagta kaalmada la siin.

Hey’adda socdaalka wey kaala noqon ruqsada degnaanshada maadaama adiga wadankale aad degtay.

Haddii laguu oggolaaday inaa baahi u qabtid difaacid oo qoxooti ahaan ama sabab kale ubaahantahay difaacid waxaa suurtagal ah in oggolaanshooyinkas lagaa la noqdo marka aad soo codsatid lacagta kaalmada uu dib ugu guurida wadanka hooyo. Qof oo si shaqsiyan u dooni inuu wadankiis dib ugu noqdo looma arkikaro inuu baahi u qabo difaacid.

Marka Hey’adda socdaalka ey hesho codsigaada waxey hey’adda isla markas bilaabi iney baarto haddii aad lagaa ceshankaro oggolaanshada baahi u qabida difaac. Marka Hey’adda socdaalka waxey gurigaa kuugu soo diri warqad ey ku leedahay inaa arrintas fikradaada la qeybsatid oo in oggolaanshada difaaca la dooni in lagaa ceshto. Haddii aad warqadas aadan ka soo jawaab celin Hey’adda socdaalka waxey u micneysan in arrintas aadan ka hortaagneen.

Adiga dib waa usoo codsankarta ruqsad degnaansho. Codsiga waxaa keeni safaarada kuugu dhaw. Ruqsada waa in koow laguu oggolaado inta aadan Iswiidhan usoo safarin ka hore. In adiga horey laguu siiyay lacagta kaalmada wax qiimo ma lahan marka la tijaabin codsigaada.

Last updated: