Dheeraynta sharciga deggenaanshaha

Förlänga uppehållstillstånd – somaliska

Haddii aad leedahay dharciga deggenaansha ee ku meelgaarka ah oo aad doonayso inaad Iswiidhan joogto marka uu sharcigu kaa dhamaado waxaad markaa codsanaysa inaad sharcigaaga dheeraysato.

Sida aad samaynayso marka uu dharciga deggenaanshuhu kaa dhamaado waxay ku xidhan tahay nooca sharciga aad haysataa uu yahay. Waxaad ku khasban tahay inaad dib u cusboonaysiisato sharciga deggenaanshaha ee aad haysato inta aanu kaa dhicin sharcigaagii ku meelgaar ka ahaa.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah boggaga adiga ku khuseeya (boggaga qaarkood lagama helayo luqaddaha oo dhan):

Haddii aad magang­el­yo­doon tahay oo lagu siiyey shar­ciga degge­naans­haha ku meel­gaarka ah

Marka uu sharciga ku meelgaarka ahi kaa dhaco waxaad markaa codsankartaa inaad dheeraysato. Sharciga waa laguu dheeraynayaa haddii aad weli in magangelyo lagu siiyo aad u baahan tahya. Xaaladaha qaarkood waxa xitaa sharciga laguugu dheeraynkaraa haddii aad haysato sabab kale oo aad Iswiidhan ku joogi karto.

Ka akhriso sida sharciga loo dheeraysto (haddii aad magangelyodoon tahay) (oo af ingiriis)

Haddii aad tahay qof shar­ciga ku haysto inaad qofkale la deggen yahay ama la nools­hahay

Ka akhriso warbixin intaa dheer haddii aad tahay qof sharciga ku haysta inaad qofka la deggen tahay (oo af ingiriis)

Haddii aad shar­ciga ku haysato inaad shaqaso

Haddii aad weli doonayso inaad sii shaqayso marka uu sharcigu kaa dhaco waxaad ku khasban tahay inaad sharciga sii dheeraysato. Haddii adigoo sharci haysato aad soo shaqaysay lix bilood ama ka badan oo aad sharciga dib u codsato inta aanu kaa dhicin waxaad markaa xaq u leedahay inaad shaqada sii wadato inta aad go’aanka sugayso.

Ka akhriso warbixin intaa dheer sida aad oggolaanshaha shaqada u dheeraysanaysid (oo af ingiriis)

Haddii aad tahay qof sharicga lagu siiyey inaad adigu shirkad leedahay

Ka akhriso warbixin intaa dheer sida aad sharciga u dheeraysanayso haddii aad tahay qof shirkad iskaleh (oo af ingiriis)

Haddii shar­ciga lagugu siiyey inaad tahay qof waxba­ra­naya

Ka akhriso warbixin intaa dheer haddii aad sharciga dheeraysanayso si aad u barato waxbarasho heer sare ama heer jaamacadeed ah (oo af ingiriis)

Haddii aad haysato fiisaha dalx­i­iska ama shar­ciga booqashada

Ka akhriso warbixin intaa dheer si aad u dheeraysato sharicaga booqashada (oo af ingiriis)

Last updated: