Barnaamijyo aad isku hawli karto muddada aad go’aanka sugeyso

Aktiviteter medan du väntar på beslut – somaliska

Adiga oo magangelyodoonka ah waxaa ka qeybqaadankarta meherado kala duwan sidaa u barankartid luqada iswiidhishka, aqoon ugu yeelankartid bulshada iswiidhishka iyo suuqa shaqada ama habka aad caafimaadkaada usii fiicneyn laheed.

Waxbarashada macluumaadka bulshada oo ka heleysid Hey’adda socdaalka waa qasab inaa dhigatid, laakin waxaa xita jiro meherado kale oo qasab eheen oo adiga ka qeybqaadankartid, tusaale ahaan makhaayada luqada[språkcaféer] ama isboortiyada. Dhaqdhaaqyada suurtagalka ah oo ka qeybqaadankartid waxey ku xirantahay meesha aad ku nooshahay.

Waxba­ras­hada maclu­u­maadka buls­hada waa qasab

Waxbarashada macluumaadka bulshada oo ey Hey’adda socdaalka kuu diyaarisay waxaa ka heli warbixin oo nidaamka codsiga magangelyodoonka iyo waxyaabaha aad xaq uleedahay iyo waxyaabaha waajibka kugu ah inta aad tahay magangelyodoon. Adiga waxaa xita heli warbixin oo ku noolanshada Iswiidhan sida ey tahay, xeerarka iyo sharciyada wadanka, dhanka iyo qiimaynta noloshada oo Iswiidhan caadiga ka ah.

Waxbarashada macluumaadka bulshada waa qasab in ey ka qeybqaataan dhammaan dadka oo jiro 15 sano ama ka weyn iyo codsadeen magangelyo iney ka helan Iswiidhan. Taasna micnaheeda tahay inaadan dhihi karin ma doonaayo. Haddii aad xanuunsatid ama jiratid ama ey jiran waxkale oo ku xannibi waa inaa soo ogeysiisaa Hey’adda socdaalka.

Warbixin quseyso carru­urta ka yar 15 sano

Carruurta ka yar 15 sano ka ubaahna iney ka qeybqaatan waxbarashada macluumaadka bulshada. Hey’adda socdaalka waxey carruurta u suubisay warqad warbixin oo quseyso carruurta. Warbixintas waxey ku saabsantahay qofka magangelyodoonka oo canug ah maxuu xaq uleeyahay iyo maxaa waajib ku ah markey noqoto Iswiidhan.

Warbixin quseyso adiga oo canug ah iyo codsaday magangelyo

Meherado kale aad ka qeybqaadankartid inta aad go’aanka sugeysid

Waxbarashada macluumaadka bulshada oo qasabka ah inaa ka qeybqaadatid oo Hey’adda socdaalka bixiso, waxaa kale aad ka qeybqaadankarta adiga oo magangelyodoonka ah dhaqdhaqaaqyo kale sidaa u barankartid luqada iswiidhishka, aqoon uga yeelatid mushtamaca iswiidhan iyo suuqa shaqada ama aad caafimaadkaada u sii fiicneenkartid.

Ururo badan oo si samafal u shaqeeyo, tusaale ahaan ururada isbortiga, ururada hidaha iyo dhaqamada, ururada gaargaarka bulshada, kaniisadooyinka iyo masjidyada, waxey suubiyan dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo dadka magangelyodoonka ka qeybqaadankaran. Waxey ahaankarta dhaqdhaqaaqyo sida bulshada wadanka loola noolankaro ama suuqa shaqada, waxbarasho luqada iswiidhishka, makhaayada luqad ama dhaqdhaqaaqyo kale oo sida aad caafimaadkaada u fiicneen laheed.

Waxaa xita jiro ururo iskutag iyo iskuulo waxbarasho oo ka heleysid koorsooyin oo barashada luqada iyo macluumadka bulshada wadankaan oo adiga magangelyodoonka ka qeybqaadankartid. Meeshas baa si koox ahaan ardeykale iyo macallin iswidhishka. Adiga oo kooxda waxbarashada kamid ah waxaa suurtagal kuu ah inaa ka qeybqaadatid qorsheynta xisadaha waxbarashada sidey ahaan doonan. Kooxda ardeyda waxey isla dhigan dhowr xisadood.

Dhaqdhaqaaqyada ey mas’uulka ka yahiin ururada iyo iskuulada waa qorsho kamid ah mashruuca kaalmeynta koowad oo la siin dadka magangelyodoonka ah[Tidiga insatser för asylsökande (TIA)]. Waa dhaqdhaqaaqyo bilaash ah oo wax lacag ma ubaahnid inaa bixisid. Haddii aad dooneysid inaa ka qeybqaadatid dhaqdhaqaaq ama koorso oo kamid ah mashruuca kaalmeynta koowad waxaa si toos ula xiriiri ururka ama iskuulka oo meesha aad ku nooshahay. Si aad uga qeybqaadankartid waa inaa koow tustid kaarka-LMA.

Magdhabidka kharashka safar u aadida dhaqdhaqaaq

Haddii dhaqdhaqaaqa aad ka qeybqaadaneysid uu kamid yahay mashruuca kaalmeynta koowad oo la siin dadka magangelyodoonka, xaaladaha qaarkood waxaa suurtagal ah in Hey’adda socdaalka lacag magdhabid ku siin oo waa haddii kharashkii kaa baxay marka aad dhaqdhaqaaqa u safreysay oo gadiidka bulshada raacday. Weydii qofka mas’uulka ka ah haddii dhaqdhaqaaqa uu kamid yahay mashruuca kaalmeynta koowad oo la siin dadka magangelyodoonka[Tidig insats för asylsökande].

Haddii aad dooneysid in laguu soo celiyo lacagta kharashka safarka aad bixisay waa inaa warqad caddeyn ka keentid meesha aad dhaqdhaqaaqa u tagid oo inaa ka qeybqaadatid. Warqada caddeynta waxaa adiga keeni xafiiska Hey’adda socdaalka.

Yaa loo soo celin lacagta oo kharashka safarka?

Adiga waa laguu soo celin kharashka safarka haddii aad gaartay 18 sano iyo

  • magangelyo ka codsatay Iswiidhan iyo arrintaada inta lagu go’aamin
  • sugeysid go’aanka koowad oo arrinta ruqsada degnaanshada
  • haysatid ruqsada degnaanshada oo iswiidhan laakin wali ku nooshahay guryaha ku meelgaarka oo Hey’adda socdaalka.

Haddii dhaqaale ku soo galo ama aad dugsiga sare dhigatid ma’lagu soo celin kharashka safarada oo masruuca kaalmeynta koowad.

Haddii kharashka safarka laguu soo celin maa qasab meesha aad dhaqdhaqaaqa u tageysid ey ugu yaran kuu jirto saddex kilomitir meesha aad ku nooshahay. Laakin haddii aad meesha u lugeynkarin maadaama aad curyaan tahay ama carruur yar kula socdaan, waa suurtagal in laguu soo celiyo kharashka safarka haddii xita meesha ey kuu dhawdahay oo gadiidka bulshada raacdid.

Gacanta koowada waxaa laguu soo celin kharashka safarka oo dhaqdhaqaaqyada lagu suubin degmada aad ku nooshahay. Sidaas daradeed gacanta koowad waa inaa raadisid dhaqdhaqaaqyo ku anfaci oo laga heli degmada aad ku nooshahay. Haddii eysan ka jirin dhaqdhaqaaqyo degmada aad ku nooshahay, xaaladaha qaarkood waa suurtagal inaa safar u aadikartid degmo kale oo kharashkas laguu soo celin. La hadal xafiiska qaabilaada oo adiga kugu shaqo leh sidaa u ogaatid dhaqdhaqaaqyada laga helo degmada aad ku nooshahay iyo kharashka safarada oo suurtagal ah in laguu soo celiyo.

Lacagta waxaa laguugu soo diri kaarka bangiga, caadiyan bilkasto. Haddii aad dooneysid in su’aalo naga weydiisid kharashka safarka la soo xiriir xafiiska qaabilaada.

Haddii aad joojisid inaa ka qeybqaadatid dhaqdhaqaaqa

Haddii aad joojisid inaa ka qeybqaadatid dhaqdhaqaaqa suurtagal ma’ahaaneyso in lagu siiyo lacagta kharashka safarka. Markas waa inaa ogeysiisid xafiiska qaabilaada iyo meesha aad dhaqdhaqaaqa u tagtid inaa joojisay ka qeybqaadashada. Meesha dhaqdhaqaaqa suubin waa iney ayaga xitaa soo ogeysiiyaan xafiiska qaabilaada in qofka joojiyay ka qeybqaadashada.

Haddii aad xanuunsatid ama wax kale oo ku xajiri ey dhacdo oo suurtagalineyn inaa dhaqdhaqaaqa tagtid waa inaa ogeysiisaa meesha dhaqdhaqaaqa mas’uulka ka ah.

Luqada iswiidhishka baro iyo iskaa u baro macluumaadka bulshada

Internetka waxaa ka heli barnaamishyo waxbarashoo oo adiga iskaa u barankartid luqada iswiidhishka.

Bogga Lära svenska (Baro Iswiidhishka) ee www.informationsverige.se ayaad ka heleysaa linkiyada oo dhan External link, opens in new window.

Barnaamishyada inta ugu badan waa inaa haysatid xiriir internetka. Dhammaan barnaamishyada waa bilaash.

Bogga internetka oo www.informationsverige.se External link, opens in new window. waxaa ka heli warbixino badan oo ku saabsan bulshada iswiidhishka.

Ku tababaro aqoonta isticmaalida adeegyada digitaalka

Waxbarashada la dhaho [Digitala jag] waxaa kub aran sida loo isticmaalo adeegyada internetka oo nolol maalmeedka, iyo adigoo internetka isticmaaleysid sida aad ula xiriiri kartid xafiisyada dowlada. Waxbarashadan waa bilaash.

Warbixin kale ka akhriso www.digitalajag.se External link, opens in new window.

Last updated: