Kharashka daryeelka caafimaad

Avgifter för sjukvård – somaliska

Kharashaadkan  waa u ansax magangalya doonka kuwaas oo tusa kaadhkooda LMA.

Kharashka oo booqasho rug caafimada ama isbitaal

Nooca booqashada

Kharashka

Ballamaha dhakhaatiirta xaga xarunta daryeelka caafimaad

50 kronor

Ballanka dhakhtarka ka dib gudbinta*

50 kronor

Booqo gudbinta ka dib* xarun kale oo daryeelka caafimaad ah aan ka ahayn dhakhtarka ( tusaale ahaan kalkaaliso, daaweeyaha jidhka, la taliye)

25 kronor

Ka hortagga wixii carruurta ah and daryeelka dhalmada ka hor, uurka iyo dhalashada ilmaha

Bilaash

Daryeelka dhowrida haddii aad qabto cudur faafa

Bilaash

* Gudbintu waa wada xidhiidhka, uu dhakhtarku u diro rug daryeel caafimaad oo kale marka waxoogaa qiimayn gaaar ah, baadhiitaan ama daawayn ay lama huraantahay. Gudbintu waxay ka koobantahay macluumaad ku saabsan calaamadahaaga, sida aad ka dareento iyo bukaankaagii hore iyo dhaawacyada. Rugta daryeelka caafimaad, ee hesho gudbinta, ka dib waxay kuu soo wici doontaa baadhitaanka.

Dary­e­elka caafi­maad ee daran

Kharashka booqashada daran ee cusbitaalka waxay kala duwantahay wadanka. Waxaad ka heli karaa kharashaadka golaha degmada/gobolka barta internaka ama addoo maraya 1177 Vårdguiden.

Kharashka oo daryeelid ilko xanuun degdeg

Nooca booqashada

Kharashka

Booqashooyinka daran ee adeega ilkaha qaranka ama dhakhtar ilkaha ah oo kale adeega ilkahu waxa uuu sheegaa

50 kronor

Booqasahda daran ee dhakhtarka ilkaha gaarka ah iyaddoon oggolaansho laga haysan adeega ilkaha qaranka.

Kharashka dhakhtarka ilkaha

Sidaas ayaad adigu ku bixinaysaa markaad booqato daryeelka caafimaadka

Waydii marwalba cidda ku daaweynaya adiga, waxa laga wadaa rugta caafimaadka (vårdcentralen), takhtarka (sjukhuset) ama daryeelka ilkaha ee dadweynaha (Folktandvården), sida aad u bixinayso markaad iyaga u tagto. Siyaabo kala duwan ayaad adigu lacagta u kala bixinaysaa iyada oo ay ku xiran tahay magaalada aad deggen tahay. Takhtarada qaarkood kaarka aad ku bixinaysaa ama lacag kaasha ayaad bixinaysaa halka ay qaarkale warqad aad lacagta ku bixiso guriga kuugu soo dirayaan (faktura). Haddii uu takhtarku oggol yahay in lacagta lagu bixiyo warqad keliya waydii inaad dib ugu soo laabato sidaa lacagta oo kaasha ugu keento si aad meesha ugu bixiso maxaa yeelay dadka magangelyo-doonka ahi waxay leeyihiin fursado kooban oo ay lacagta ku bixinkaraan markay noqoto dhinaca warqadaha (fakturor)

Dawooyinka

Waxaad bixinaysaa 50 kronor dhammaan dawooyinka aad ku hesho soo qoritaanka. Wakhtiyada qaarkood waxaa jira dawooyinka la soo qoray kuwaas oo ka qaalisan 50 kronor. Dhammaan dawooyinka loo qoray carruurta ka yar 18 sanadood waa bilaash.

Gaadiidka bukaanka

Waxaad bixin doontaa kharashka gaadiid raaca oo aan ka badnayn 40 kronor.

Magdhowga Guddida Socdaalka

Waxaad ka codsan kartaa gunno gaar ah Guddida Socdaalka wixii kharashaadka aad bixisay markii aad u baahnayd daryeelka caafimaad iyo kharashaadka dawooyinka, aad ku iibsatay dawo qorida.

Haddii kharashkaagu uuka bato 400 kronor

Haddii muddada 6 bilood aad bixisay wax ka badan 400 kroner ballamaha dhakhtarka, gaadiidka bukaanka, dawooyinka la qoray iyo daryeelka caafimaad ee kale ( sida daawayna jidhka) waxaad codsan kartaa gunadda gaarka ah. Guddida Socdaalka waxa uu kuu magdhabi karaa adiga kharashaadka ka badan 400 kronor. Si aad lacagta dib ugu hesho waa in aad muujiso warqadda lacag qabashada si aad u caddayso in aad bixisay lacagta adeegyada ( aan ahayn kharashka). Ka khusaysa lacag qabashada dawada waxaad u baahantahay in aad soo dhiibto sifooyinka dawo qorida, qaybta lacag qabashada uu magacaagu ka muuqdo.

Haddii aad la kulanto takhtar gaar ah (specialistläkare) iyada oo aanu takhtarkale oo ka shaqeeya rugta caafimaadka kuu soo dirin markaa waxaad bixinaysaa kharash badan. Kharashka aad bixinayso laguma darayo waxa la yiraahdo ilaalinta kharashka sare (högkostnadsskyddet) waa 400 oo karoon.

Daryeelka cafimaadka daran iyo dawooyinka

Kharashka daryeelka caafimaad ee daran kuma jiraan 400 kronor ee kor lagu sharaxay, laakiin waxaad codsan kartaa gunno gaar ah qaybta, ka badan 50 kronor. Sharci la mid aha ayaa lagu dabaqaa haddii aad u baahato daryeelka caafimaadka daran, ilaa inta adeega daryeelka ilkaha ee qaranka aanay furnayn ana aanay lahay wakhti kala go’an marka aad daryeelka u baahato.

U qaado lacag qabashada Guddida Socdaalka oo ka tag codsiga gunnada gaarka ah sida ugu dhakhsaha badan ee aad karto, ka dib daryeelka caafimaad ee daran.

Sidoo kale waxaad codsan kartaa dawooyinka la qoro kuwaas oo kharashkoodu yahay in ka badan 50 kronor.

Haddii diidmo lagu siiyo

Haddii dhaqaalihii aad xaqa u lahayd ee ay Hey’adda laanta socdaalku ku siinjirtey lagaa joojiyey sababtuna ay tahay waxaad haysataa go’aan celin ah ama go’aan masaafuris ah kuwaas oo aanad wax rafcaana ka qaadankarin waxaad markaa soo celinaysaa kaarkaagii LMA-ga ahaa mana lagu siinayo lacag loogu talogalau inaad daawooyin ku iibsato ama takhtarka markaad booqanayso iskaga bixisid.

Last updated: