Degidda xarumaha hey’adda laanta socdaalka dadka

Bo hos Migrationsverket – somaliska

Warbixintaan waxeey kusocotaa adiga magan galyo dalabka ah oo isla markaana degi raba xarumaha hey’adda laanta socdaalka dadka, inta lagu guda jiro waqtiga la sugaayo go’aanka laga gaarayo dalabkaada.

Hay'adda Socdaalka ayaa bixinaaya meel kumeel gaadh ah oo aad degenaato xiliga aad sugeyso go'aankaaga.

Hey’adda laanta socdaalka dadka ayaa qarashaka aad ku degantahay xarunta kaa bixineysa haddii aadan heysan lacag. Laakin haddii aad heysatid dakhli kusoo galo ama maal kale adiga ayaa qarashakaada iyo cuntadaada iska bixinaya.

Waxaa lagu deji­nayaa meesha uu boos ka bannaa­ny­ahay

Adiga ma dooran kartid meeesha lagu dajinaayo, waxaad dageysaa magaalada ama tuulada eey guryo la dego ka bannaanyihiin. Waxaa xataa laga yaabaa in lagaa bixiyo deegaankii markii koowaad lagu dejiyay oo laguu wareejiyo meel cusub si aad boos ugu banneeyso soo galootiga cusub.

Qolka waa lagula qeybsa­nayaa

Guryaha hey’adda laanta socdaalka dadka waxaa loogu tala galay dadka magan galyo dalabka oo qura. Haddii boos lagaa siiyo xarun, booskaada adiga bis iska leh. Xarumaha waxeey ka kooban yihiin guryo dad kale lala qeybsanaayo. Qoysaska hal qol ayaa la siinayaa. Haddii aad kaligaa tahay waxaad qol la qeybsaneeysaa dad kale oo kugu jinsi ah (nimanka niman ayey qolal la wadaagayaan, haweenkana haween ayeey qolal la wadaagayaan).

Haddii eey jiraan duruufo kugu kalifaya in lagu siiyo deegaan waafaqsan baahidaada waa inaad la hadashaa maamulka xaruntaada.

Haddii ay baahi gaar ahi ku hayso

Waxaad xaq u leedahay guri adiga ku haboon inaad hesho haddii aad adigu ku sugan tahay xaalad dhibaato ah. La hadal qaybta adiga ku qaabilsan sida ugu dhakhsaha bada haddii ay jiraan xaalada dhibaato ah oo dhinaca guriga ah. Waxaanu annagu isku deyeynaa.

Xarunta dib u celinta

Haddii lagu siiyo go’aan ku saabsan celin ah ama go'aan masaafuris ah, waxaa boos lagaa siin doonaa xarunta dib u celinta. Isla markaana taas macnaheedu waxay tahay in Hay'adda laanta socdaalku aanay guri meel kale kaa siin doonin. Xarunta dib u celintu waa hoy ku yaala meel u dhow garoon diyaaradeed oo caalami ah.

Waxaad sii deggenaanaysaa xarunta dib u celinta ilaa aad ka baxdo Iswiidhan ama ilaa inta aanad xaq u lahayn taageerada dhaqaale iyo guri. Xarunta dib u celinta waxaad ka heli doontaa talo iyo taageero sidii aad ugu diyaargaroobi lahayd dib u noqoshadaada.

Xushmee dadka kale ee meesha deggen

Hey’adda laanta socdaalku waxay rabtaa in dhammaan dadka guryaha deggeni ay dareemaan ammaan. Sidaa daraadeed waxa guryaha laga mamnuucay waxkasta oo khamri iyo mukhaadaraad ah. Waa muhiim inay dhammaan dadka guryaha deggeni ay is xushmeeyaan oo uu midiba midka kale tuso qadarin, iyada oo aan loo eegayn diinta, nooca galmada uu qofku yahay, iyo iyada oo aan loo eegayn inuu yahay naag ama nin.

Nooc kasta oo ka mid ah rabshadaha waa mamnuuc waana la ciqaabayaa qofka sida sharciga Iswiidhan dhigayo waxaana laga dacweynayaa booliiska. Sidoo kale arrintani way khuseysaa qoyska gudihiisa iyo dibeddiisaba. Carruurta ama qofkale oo qoyska gudihiisa ka mid ah marka la barabaarinayo lama isticmaalo khasab.

Haddii aad adigu u aragto in laguu hanjabey, lagu khasbay ama si kale dhibaato laguugu geystey waxaad kala hadlikartaa shaqaalaha guryaha qaabilsan ama qaybta adiga ku qaabilsan. Waxaad kaloo arrintaa kala hadlikartaa ururada sida madaxa banaan u shaqeeya haddii ay joogaan meesha aad adigu deggen tahay. Haddii aad rabto inaad dacwad soo gudbiso waxaad wacaysaa booliiska lambarka 114 14. Haddii ay arrintu degdeg tahay (akut) waxaad wacaysaa 112.

Khadka ilaalinta dumarka wuxuu qofka dumarka ah siinayaa tallooyin iyo caawimo haddii laguu hanjabo ama jirdil lagugu sameeyo, dhinaca maxkaxda ama galmo lagugu khasbo. Soo wac 020‑50 50 50. Waxaad kaloo warbixin intaa dheer ka akhrisankartaa bogga internetka ee kvinnofridslinjen.se.

Khadka taageerada telefoonka ee ragga waxaa la siinayaa talooyin iyo taageero qofka ninka ah ee loo geystay hanjabaado iyo jirdil, mid maskaxeed ama xadgudubyo galmo. Wac 020‑80 80 80. Waxaad warbixin badan ka akhrisan kartaa stodlinjenforman.se.

Khadka taageerada telefoonka ee qofka jinsiyadiisa beddela isagoo wiil ah gabar isu beddela ama gabar ah oo wiil isu beddeley waxaa la siinayaa talooyin iyo taageero qofkaas oo ah qof jinsiyadiisa beddeley oo loo geystay hanjabaado iyo jirdil, mid maskaxeed ama xadgudub galmo. Wac 020‑55 00 00.

Alaabta guriga la dhigto iyo qalabka

Guriga waxa la dhigay alaabo iyo qalab aad adigu u baahan tahay. Guriga, alaabada iyo qalabka yaala waxa iska leh Hey’adda laanta socdaalka,wixii dhaawac ee soo gaadha waxa loo sheegayaa booliiska. Haddii waxyaabaha guriga yaala ay jabaan ama aanay shaqaynayn waa muhiim inaad adigu u soo sheegto shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka sida ugu dhakhsaha badan. Marmar shaqaalaha ayaa guriga aad deggen tahay soo booqda si ay u eegaan haddii wax jabay loo baahan yahay in la sameeyo.

Alaa­bada aad adigu leedahay

Qolka wax la dhigto (istoorka) ama meelaha kale ee guriga ku yaala kuma jiraan guriga aad deggen tahay. Waxa lagu siinayaa armaajo aad adigu xirankarto laakiin adiga ayaa ka ms’uula wixii hanti ah ee aad adigu si gooni ah u leedahay. Shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalku ma furinkaraan armaajadaas ilaa iyo inta aad adigu meesha deggen tahay.

Booska sida wada­jirka ha loo leey­ahay

Si dhammaan dadka oo dhami ay isugu raacaan oo ay meesha uga mafsuudaan waxa booska loo sameeyey sharciyo sidii uu qofku meesha sida wadajirka ah loo leeyahy loo isticmaali lahaa. Marka aad guryaha u soo guurto waxa lagu siinayaa warbixin ku saabsan sharciyada guriga aad deggeyso khuseeya.

Guryaha oo dhan waxa adiga lagaa rabaa:

  • Inaad nadiisifo oo aad xaaqdo
  • In aanad sigaarka guriga ku dhexcabin
  • Inaad alaabada iyo qalabka guriga la dhigay ilaaliso
  • Lama oggola in aad xayawaan guriga ku haysato.

Ammaanka

Ka feker

  • nolosha ayuu halis ku yahay lamana oggola inaad samayso ama iskudeydo inaad adigu bedesho meesha korontada dabka laga geliyo
  • shaqaalaha la soo xiriir haddii ay wax xumaadaan
  • ha xanibin albaabka dambe ama meesha kale ee loogu talogalay si aanay u adkaanin in lagabaxo haddii dab kaco
  • markasta lama oggola in baarabool guriga lagu xirto, weydii marwalba shaalaha waxa gurigaaga khuseeya.

Ka feker degaanka

Waxa adiga iyo Hey’adda laanta socdaalku siwadajira kaalmo uga geysanaysaa sidii loo hagaajin lahaa begaanka. Sidaa awgeed ka feker waxyaabahan soo socda:

  • dhowr markaad isticmaalayso biyaha, korantada iyo kuleyliyaha guriga
  • hafurin daaqada/dariishada muddo dheer marka uu bannaanku qabow yahay (koronto iyo kuleyl badan ayuu isticimaalayaa)
  • kala saar qashikaaga. Waa inaad qashinka kukala soocdo meelaha qashinka loogu talogalay. Waxa adiga warbixin ku siinaya shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka ama shirkaga guriga iska leh sida ay arrintaasi kuga shaqaynayso guri aad deggen tahay.

Marka aad adigu guriga ka guurto ama aad guriga bedesho

Shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalku waxay kaantaroolidoonaan guriga iyo alaabada hoostaala iyo weliba qalabka kale si ay u fiiriyaan inuu qalabkii loogu talogalay oo dhami yaalo isla markaana ay fiican yihiin si uu qofkale guriga ugu soo guuro.

Ka feker:

  • inaad guriga nadiifiso markaad adigu guurayso
  • sii qaado wixii alaabo ah ee aad adigu leedahay. Lama hubo inaad dib u heleyso alaabo aad ka tagtay markii aad guriga ka guurtay ama haddii ay Hey’adda laanta socdaalku kaa saarto sistamka. Wixii la ilaawo ama wixii alaabo ah ee laga tago waa la tuurayaa, qofkale ayaa lagu caawinayaa ama booliiska ayaa loo gudbinayaa sidii alaabo la helay oo kale
  • u dhiib furaha shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka
  • haddii aad u baahato inaad bedesho guriga waxaad inta badan la raacaa tareen ama bas. Alaabada aad qaadanaysaa waxay xadidan tahay. La xiriir shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka warbixin intaa dheer sida aad u maaraynayso alaabada aad qaadanayso marka aad u kala guurayso guryaha ay leedahay Hey’adda laanta socdaalku.

Guriga waa lagaa jooji­nayaa

Hay'adda laanta socdaalku waxay ku siinaysaa hoy inta aad tahay qof magangalyo doon ah. Marka aad hesho go'aan kiiskaaga ah oo ku saabsan sharciga oogolaanshaha, waxay sidoo kale noqon kartaa in lagaa joojiyo xaqa u lahaanshaha guriga ama aad ku khasbanaato inaad u guurto xarunta dib u celinta.

Akhri warbixin badan oo ku saabsan waxa dhacaya haddii codsigaaga magangalyada la diido

Haddii laguu oggo­laado inaa wadanka joogtid

Adiga oo ku noolaa guryaha Hey’adda socdaalka waxaa caawinad ka helikarta Hey’adda socdaalka sidaa u heli laheed guri cusub aad ku noolatid marka lagu siiyo ruqsada degnaanshada. Adiga waa kusii noolankarta guriga Hey’adda socdaalka ilaa ey Hey’adda socdaalka kaaga soo heleyso guri cusub. Haddii aad tirahdid maya ma dooni guriga ey kugu soo martiqaaden adiga wixii wakhtigas ka dambeeyo xaq uma lahid inaa kusii noolatid guryaha Hey’adda socdaalka.

Inta ka akhriso waxa dhici haddii laguu oggolaado ruqsada degnaanshada oo ku meelgaarka

Last updated: