Guri shaqsi

Eget boende – somaliska

Warbixintan waxey quseysa adiga magangelyodoonka oo ku nool guri qof shaqsi iska leeyahay inta aad sugeysid go’aanka codsigaada oo inaa Iswiidhan difaac ka heshid.

Haddii aadan dooneyn inaa ku noolaatid guryaha Hey’adda socdaalka adiga waa raadsankarta guri aad ku noolaatid. Tiro badan waxey go’aansadan iney la noolaadan saaxib ama ehel inta ey suganaayan jawaabta codsigooda magangelyada. Haddii adiga aad dooratid inaa ku noolatid guri shaqsi iska leeyahay adiga baa iska bixineysid kharashka guri ku noolanshada.

Haddii aad dooratid inaa ku noolatid guryaha Hey’adda socdaalka ama guri shaqsi iska leeyahay, waa qasab in adiga lagu helikaro marka Hey’adda socdaalka dooneyso iney kula soo xiriirto. Ha iloobin inaa xafiiska qeybta qaabilaada oo Hey’adda socdaalka soo ogeysiisid cinwaankaada cusub haddii aad guurtid inta aad sugeysid go’aanka codsiga magangelyada.

Warqada foomka aad nagu soo ogeysiineysid cinwaankaada cusub: (Badal cinwaanka) Adressanmälan eller adressändring, foomka leh lambarka Mot93 (oo af iswiidhish) Pdf, 631.9 kB, opens in new window.

Sidan ayaad foomka u buuxinaysaa Beddelida cinwaanada (Mot 93)

Xaafa­daha qaar­kood waxey saameyn ku yeelan­karan xaq u lahaanta lacagta gunnada

Waxaa jiro xaafado ey haysato dhibaato markey noqoto dhaqaalo iyo noloshada bulshada. Haddii adiga aad u guurtid xaafad noocas waxaad weyn xaq u lahaaanshada lacagta nolol maalmeedka iyo lacagta kaalmada qaaska. Adiga waxaa xita lagaa ceshan xaq u lahaanshada lacagta nolol maalmeedka haddii aad qoratid cinwaan aadan ku noolen, tusaale ahaan sanduuqyada dadka warqadaha bostada loogu diro.

Inta baa ku qori kartaa cinwaanka aad dooneysid inaa u guurtid sidaa u aragtid haddii uu kamidyahay xaafadaha saameyn ku yeelankaro xaq u lahaanshada lacagta ey Hey’adda socdaalka bixiso.

Inta ku qor cinwaanka

Istilaab guduud oo = Adiga waxaa weynkarta xaq u lahaanshada lacagta haddii aad cinwaankan u guurtid

Calaamad cagaar oo = Wax saameyn kuma yeelaneyso xaq u lahaanshada lacagta haddii aad cinwaankan u guurtid

Waa qasab in adiga ku qortid cinwaan sax ah si aad jawaab sax u heshid. Cinwaanada oo sanduuqyada dadka warqadaha bostada loogu diro ma isticmaalikartid.

Adiga waxaad markasto xaq u leedahay inaa boos ka heshid guryaha Hey’adda socdaalka

Haddii sababo kala duwan dartood aadan ku noolan karin meesha adiga shaqsiyan ugu guurtay, adiga waxaad usoo guurikarta guryaha Hey’adda socdaalka oo meesha markas boos ka bannaanyahay. La xiriir xafiiska qeybta qaabilaada oo adiga ka diwaangalisantahay sidey warbixin kale kuu siiyaan.

Haddii laguu oggo­laado inaa wadanka joogtid

Haddii aad ku nooshahay guri shaqsi iska leeyahay waa qasab in adiga xalisata guri aad ku noolatid marka ruqsada degnaanshada laguu oggolaado. Caadiyan adiga waxaad xaq u leedahay lacagta Hey’adda socdaalka hal bil kadib markii laguu oggolaado ruqsada degnaanshada.

Inta ka akhriso waxa dhici haddii laguu oggolaado ruqsada degnaanshada oo ku meelgaarka

Haddii aan laguu oggolaan inaad joogto Iswiidhan

Qofka deggan guir uu isagu leeyahay ee la siiyey go'aanka dib u celin ah ama go’aan masaafuris ah waxa boos laga siin doonaa mid ka mid ah xarumaha dib u celinta ee Hay'adda laanta socdaalka ugu dambayn markuu go'aanku dhaqan galo.

Akhri warbixin badan oo ku saabsan waxa dhacaya haddii codsigaaga magangalyada la diido

Last updated: