Guri

Boende – somaliska

Haddii adiga aadan haysan meel aad ku noolaato inta aad sugeysid go’aanka codsigaada magangelyada, Hey’adda socdaalka meel aad ku noolatid weey kaa caawinkarta. Adiga haddii aad dooneysid guri iska waa u raadsankarta, tusaale ahaan waxaad la noolankarta ehel ama saaxiib. Haddii adiga soo heshid guri aad ku noolatid waa qasab in Hey’adda socdaalka soo ogeysiisid cinwankaada, sidey Hey’adda socdaalka adiga kula soo xiriirikarto.

Ku noolaw guryaha Hey’adda socdaalka

Hey’adda socdaalka waxey adiga kugu martiqaadi guri aad kusii meelgaar ahaan ugu noolankartid inta aad sugeysid go’aanka. Hey’adda socdaalka baa bixin kharashka gurigas haddii adiga aadan haysan lacag.

Waa qasab in aad ka guurtid guriga Hey’adda socdaalka haddii adiga lagaa gaaray go’aan oo in wadanka ka baxeysid ama lagu tarxiili, oo laga bilaabo marka uu go’aankas hirgalo ama wakhtigii laguu qabtay oo inaa wadanka uga baxdo dhammaado. Arrintan waxey quseysa adiga oo qof weyn ah oo la nooleen carruur ka yar 18 sano oo waalid mas’uul u tahay.

Qoysaska carruurta leh ee la siiyey go'aanka celin ah ama masaafurin ah weli waxay xaq u leeyihiin guri, laakiin waa inay u guuraan mid ka mid ah xarumaha dib u celinta ee Hay'adda laanta socdaalka. Waxay xaq u leeyihiin inay helaan taageero dhaqaale ilaa ay ka baxayaan Iswidhan ama sabab kale awgeed looga saarayo qaybta soo dhawaynta.

Haddii adiga aad codsatid ruqsad shaqo[arbetstillstånd] markii diidmo lagaa siiyo codsiga ruqsadda/sharciga deggenaanshada oo go’aankasna hirgalo, adiga maka mid ahaaneysid xafiiska qaabilada oo iyo xaq ma usii lahaaneysid lacag kaalmo iyo guri aad ku noolaatid. Arrintan waxey xita saameyn dadka kale oo qoyskaada kamid oo adiga kula soo codsaday ruqsadda deggenaanshada.

Inta ka akhriso warbixin quseyso guryaha Hey’adda socdaalka

Ku noolaw guri qof shaqsi iska leey­ahay

Haddii aadan dooneyn inaa ku noolato guryaha Hey’adda socdaalka adiga iska guri waad u raadsankarta. Tiro badan oo dadka magangelyodoonka waxey la noolyahiin saaxibo ama ehelkooda inta ey suganaayan jawaabta codsigooda. Haddii aad dooratid inaa iskaa guri u raadsatid kharashka gurigas adiga baa iska bixineysid.

Haddii aad u guurtid xaafad oo degmadas soo ogeysiisay Hey’adda socdaalka iney tahay xaafad ka jirto dhibaato dhaqaalo iyo nolol bulsho waxaa suurtagal ah in adiga weysid xaq u lahaanshada lacagta nolol maalmeedka iyo lacagta kaalmada qaaska.

Inta ka akhriso warbixin quseyso ku noolanshada guri qof shaqsi iska leeyahay

Filim ku saabsan guriy­eynta magang­elyo doonka

Last updated: