Waxbarashadda

Skola – somaliska

Dhammaan carruurta magangalya doonka ah waxay xaq u leeyihiin in ay xaadiraan dugsiga Dadka weyn, si kastaba, laga yaabo in ay sugaan ilaa ay ka helaan oggolaanshaha daganaanshaha ka hor inta aan la bilaanbin waxbarasho.

Dhamaan carruurta magangalya doonka ah iyo dhalinyada waxay xaq u leeyihiin in ay ka qeybgalaan dugsiga barbaarinta iyo dugsiga. Waa masuuliyada degmadda halka carruurta ay ku noolyihiin in ay hubiyaan in ay ka qeybgalaan dugsiga sida waafaqsan isla shuruudaha carruurta kale iyo dhalinyrada ku nool degmadda. Tani waxay khuseysaa dugsiga barbaarinta, dugsiga hoose iyo dugsiga sare. Si markaas loo helo xaquuqda looga qeybgalayo dugsiga sare, dhalinyarada magangalya doonka waa in ay ku bilaabaan waxbarashadooda ka hor inta aysan gaarin 18.

Carruurta yaryar waxay sidoo kale leeyihiin xaquuqda looga qeybgalayo dugsiga barbaarinta

Carruurta yar ee gaaray hal sano waxay xaq u leeyihiin in ay xaadiraan dugsiga barbaarinta iyaga oo waaladiintooda shaqeynayo ama waxbaranayo. Ka bilow xiliga deyrta sannadka ee canuga gaaro sadex, waxay isaga ama iyada ay xaq u leeyihiin 15 saacadood ee dugsiga barbaarinta todobaadkii iyaga oo aan bixin wax khidmad ah. Dugsiga barbaarintu halkaas uma yaalo in uu ilaaliyo carruurta iyada oo waladiinta shaqeeyaan ama wax bartaan. Carruurta waxay ka faa'idi karaan oo horumarin karaan ka qeybgalka iyo howlaha dugsiga barbaarinta xitaa waaladiintiisa/waaladiinteeda aanana shaqeynin ama waxbaran.

Degmooyinka ayaa masuul ka ah dugsiyada

Degmadda halka aad ku nooshahay ayaa masuul ka ah hubinta in carruurta magangalya doonka iyo carruurta yar ay helaan dugsiga barbaarinta iyo dugsiga sida waafaqsan isla shuruudaha sida qof walba ee ku nool degmada.

Wakaalada Socdaalka laga yaabo in aysan sheegin macluumaadka ku saabsan carruurta magangalya doonka ee degmadda iyada oo aan jirin ansixinta waaladiinta carruurta. Waxaad siin kartaa ogolaanshahaaga Wakaalada Socdaalka, kaas oo ka dib soo dira macluumad ku saabsan magaca canugaaga, taariikhda dhalashada, luqadda, wadanka hooyo, iyo lambarka dacwada ee degmadda. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa degmadda shaqsigaaga oo usheeg iyaga inaad doonayso carruurtaadu ay dhigtaan dugsiga ama dugsiga barbaarinta.

Ka akhri waxbadan oo ku saabsan dugsiyada iyo waxbarashada Sweden:

Iskuulka Iswiidhan External link, opens in new window.

Sidaan buu yahay nidaamka dugsiyada iswiidhishka (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Akhri waxbadan oo ku saabsan xaquuqaha magangalya doonka carruurta ee bogga oo ku saabsan carruurta

Quseyso adiga oo ah magang­el­yo­doon iyo doonaayo inaa baratid luqada iswi­id­hishka

Haddii aad haysatid ruqsada deggenaanshada oo Iswiidhan iyo iska diwaangalisay meesha diwaangalinta bulshada waxaad xaq u leedahay barashada luqada iswiidhishka oo dadka ajnabiga, oo xitaa loo yaqaan sfi. Laakiin haddii aad dooneysid inaad baratid luqada iswiidhishka intaa sugeysid go’aanka waxaa jiro ururo samafal iyo ururo waxbarasho oo kugu martiqaadi koox aad isla baratiin iswiidhishka.

Internetka waxaa laga heli barnaamishyo badan oo luqada iswiidhishka adiga is bareysid. Isku xiriiriyaasha barnaamishyadaas adiga waxaad ka heli www.informationsverige.se. Barnaamishyadaas inta ugu badan waxey isticmaalkooda u baahanyahay qad internet. Dhammaan waa bilaash.

Bogga oo Barashada luqada iswiidhishka adiga waxaad ka heli dhammaan isku xiriiriyaasha (www.informationsverige.se) External link, opens in new window.

Filim ku saabsan dugsiyada xannaanooyinka iyo dugsiyada carruurta magangalyo doonka ah

Last updated: