Marka go'aan laga gaaro codsigaaga magangalyada kadib

Efter beslut om din ansökan om asyl – somaliska

Markay Hey'adda laanta socdaalku go'aan ka gaarto codsigaaga, waxaanu go’aanka kuugu sheegi karnaa siyaabo kala duwan. Waxaanu go'aanka kuugu sheegi karnaa shir aad kula kulmi kartid qofka kiiskaaga gacanta ku haya, ama boostada ayaanu kugu ogeysiin karnaa.

In adiga go'aanka lagu ogeysiiyo waxaa la yiraahda ogeysiin, marka go’aanka lagugu ogeysiiyo boostadana waxaa loo yaqaanaa adeegga la fududeeyay. Xitaa haddii go'aanka laguugu soo diro boostada, waxaa laguugu yeeri doonaa shir lagu qabanayo qaybta qaabbilaada (mottagningsenhet) halkaas oo lagugu ogeysiin doono go'aanka iyada oo la kaashanayo turjumaan.

Adeegga la fududeeyay

Markay Hey'adda laanta socdaalku kugu ogeysiinayso adeegga la fududeeyey, waxaanu go'aanka kuugu soo diraynaa cinwaankii guriga boostada ee aad annaga na siisay. Maalinta ku xigta ee la shaqaynayo waxaanu kuu soo diri doonaa warqad cusub oo kale oo ay ku jirto fariin kaantarool ah oo kuu sheegaysa in aanu kuu soo dirnay go'aankii adiga. Fariinta kaantaroolku waxay sheegaysaa taariikhda go'aanka la soo diray. Go'aanka marka laguu soo diray Laba usbuuc ka dib, waxay Hey'adda laanta socdaalku u aragtaa in lagu wargeliyey go'aankii taariikhdaa kadib.

Waa muhiim in cinwaanka saxda ah laga diiwaangeliyo Hey'adda laanta socdaalka iyo in dhammaan magacyada xubnaha qoyska ee dadka waaweyni ay ku yaalaan albaabka guriga ama sanduuqa boostada. Si joogto ah u hubi boostadaada oo noo soo sheeg haddii aad u guurto ciwaan cusub.

Warbixin ku saabsan go'aanka

Xitaa haddii ay hey'adda laanta socdaalku ay go'aanka kuugu sheegto iyada oo isticmaalaysa adeegga la fududeeyey, waxaa mar walba laguu oggolaan doonaa inaad timaado kulan lagu qabanayo qaybta qaabbilaada (mottagningsenhet). Kulanka, waxaad heli doontaa macluumaadka ku saabsan go'aanka iyada oo la kaashanayo turjumaan. Haddii aad timaado qaybta qaabbilaada (mottagningsenhet) laba usbuuc ka hor iyada oo aanay laba usbuuc dhammaanin, laga bilaabo markii go’aanka laguu soo diray, waxay Hay'adda laanta socdaalku maalinta kulanka ku xisaabinaysaa maalinta go'aanka lagu wargeliyey.

Go’aanku wuu ansaxayaa inuu dhaqan galo

Taariikhda wargelintu waa muhiim. Haddii aadan ku raacsanayn go'aanka, waxaad haysataa saddex usbuuc oo aad rafcaan ku qaadato, laga bilaabo maalinta lagu wargeliyey. Markay saddex usbuuc ka soo wareegaan wargelinta ama ogeysiinta, go'aanku wuxuu noqonayaa mid hirgala (wuxuu noqonayaa dhaqan gal) oo rafcaan kama qaadan kartid.

Taas macnaheedu waxa weeye in markay Hey'adda laanta socdaalku isticmaasho adeegga la fududeeyey, go'aanku wuxuu ka bilaabmayaa inuu dhaqan galo shan usbuuc kadib marka adiga go’aanka laguu soo diray.

Haddii go'aanku haa noqdaan

Haddii codsigaga magangalyada laguu oggolaado, waxaad heli doontaa sharciga deggenaanshaha, waxaanad xaq u leedahay inaad degganaanto oo aad ka shaqayso Iswiidhan. Sharicaga oggolaanshuhu wuxuu shaqaynayaa laga bilaabo maalinta go'aanka la gaaro. Xitaa haddii codsigaaga la oggolaado, waxaa jiri kara qaybo ka mid ah go'aanka oo aanad ku raacsanayn. Markaas waxaad haysataa saddex usbuuc oo aad rafcaan ku qaadan karto, laga bilaabo maalinta laguu lagu wargeliyo.

Ka akhriso wax badan oo ku saabsan waxa khuseeya haddii laguu oggolaado inaad joogtid Iswiidhan

Haddii go'aanku maya noqdo

Haddii codsigaaga magangalyada la diido, waxaa loogu yeeraa diidmo ku saabsan codsigaaga. Taas macneheedu waxa weeye in Hay'adda laanta socdaalku ku qiimaysay in aanad adigu haysan sabab kugu filan oo aad Iswiidhan ku joogto. Haddii diidmo lagu siiyo, waxaad haysataa laba wax oo aad kala doorato: in aad aqbasho go'aanka la gaaray oo aad dib u laabato, ama in aad racfaan ka qaadato go’aanka.

Ka akhriso wax badan oo ku saabsan waxa khuseeya haddii codsigaaga magangalyada la diido

Filim ku saabsan go'aan­nada kiisaska magan­galyo doonka

Last updated: