Xaaladaha cusub diidmada kadib ee codsigaaga magangalya doonka

Nya händelser efter avslag – somaliska

Go'aan aan laga racfaan qaadan karin micnaheeda waa in aad tagtaa wadankaaaga waqtiga lagu caddeeyay ee go'aanka. Dacwadaha la oggolaan karo ee laga yaabo in ay wax ku dhacaan taas oo micnaheeda yahay in aadan ku laaban karin wadankaaga hooyo inkastoo jiritaanka go'aanka uu sheegayo in aad sidaas sameysid. Tani waxaa loo yaqaan xanibaada fullinta – caqabada lagu fullinayo diidmada gelitaanka ama amarka ka saarida.

Wakaalada Socdaalka waxay joojin kartaa safarkaaga wadankaaga hooyo markii macluumaad cusub soo baxo kadib markaad aad heshay go’aanka Tani waxay, tusaale ahaan, tixraacdaa 

  • xaalada siyaasada ee wadankaaga asalka ayaa is badeshay iyo tani waxay la mid tahay ma noqon kartid;
  • noqoshadaada aad u xanuunsiga aad ku safartid;
  • In uu kugu dhacay jiro nolosha halista ku ah, iyo helida daryeelka caafimaad ee wadankaaga asalka ah suurtagal ma aha; ama
  • xaalada qoyskaaga isbadeleyso.

Xaqiiqda in aad ka walaaceysid wax ku saabsan rajadaada safarka wadankaaga hooyo, ama leedahay dhibaatooyin bulsho ama dhaqaalo ee wadankaaga asalka ah, ma aha sababaha ku filan ee Wakaalada Socdaalka si au u bedelaan go'aankooda.

Waxaad u qori kartaa Wakaa­lada Socdaalka

Waxaad qori u qori kartaa warqad Wakaalada Socdaalka haddii aad rabtid in aan anaga eegno sababo cusub ee ka hortagto ku laabashada. Warqada waa in aad qortaa 

  • lambarka dacwadada (lambarka dacwada waxaa lagu qoraa kaarkaaga LMA);
  • maxaa ku cusub xaaladaada oo maxaadan ugu laaban karin wadankaaga hooyo; iyo 
  • ciwaankaaga.

Haddii aad qabtid waraaqo xaqiijin karo waxa aad ku qoreysid warqada, waa in sidoo kale aad ku dartaa iyaga, si la door bidi karo kuwa salaka ah.

Waa in aad ku saxiixdaa warqada magacaaga. Fadlan ku qor af Swedish ama Ingiriis, si markaas aad u heshid si dhaqso ah go'aan.

Haddii aadan qori karin laftaadu, waxaad codsan kartaa qof kale oo midaan adiga kuu sameeyo; xaaladaas waxaad u baahantahay in aad u gudbisid awooda qareenka Wakaalada Socdaalka.

Cinwaanka

Migrationsverket
601 70 Norrköping

Waa maxay wakiilashadu?

Wakiilashadu waxa weeye in qofkale loo saxiixo warqad si qofka wax codsanaya uu qofkale ugu oggolaado si uu isaga ama iyada qofkaasi wakiil uga noqdo. Wakiilashadu waxay tusaale ahaan noqokartaa inuu qof xaq u yeesho inuu codsi samaynkaro, inuu qofkaasi helo go’aanka sababtiisa ama uu qofkaasi rafcaan u qaadikaro qofkale  Warqada wakiilashada waxa qoraya qofka siinaya qofka kale awooda waxaana qofka awooda la siiyey uu keenayaa ama tusayaa warqaddii orijinaalka ahayd ee awooda lagu siiyey ee loo saxiixay haddii ay Hey’adda laanta socdaalku ka dalbato.

Haddii aad qofkale awood siinayso waxa adiga markaa lagaaga baahan yahay inaad Hey’adda laanta socdaalka u keento warqad ay ku qoran tahay

  • inay tahay warqad awood siin ah
  • magaca, taariikhda dhalashada, iyo cinwaanka qofka siinaya qofka kale awooda
  • waxa uu xaqa u leeyahay qofka awooda lasiiyey inuu sameeyo
  • magaca, taariikhda dhalashada iyo cinwaanka qofka awooda la siinayo
  • saxiixa qofka awooda siinaya qofka kale 
  • taariikhda iyo magaalada marka qofka kale awooda la siinayo.

Power of Attorney, form number 107011 (oo af ingiriis) Pdf, 641.6 kB, opens in new window. 

Wakaalada Socdaalka laga yaabo, in hindisaheeda gaarka ah, ugu joojiyaan safarkaaga wadanka hooyo

Wakaalada Socdaalka waa in ay qortaa macluumaad kasta oo cusub oo soo taasi micnaheedu yahay in aanad wadanka hooyo laaban karin. Wakaalada Socdaalka kadib waxay haystaan suurtogalnimada lagu joojinayo safarka wadanka hooyo, xitaa haddii aadan qorin oo aadan nagu soo wargelin wax ku saabsan khaladka ee fullinta. Booliska sidoo kale wuxuu leeyahay masuuliyada lagu ogeysiinayo Wakaalada Socdaalka haddii aysan suurtogal aheyn in la sameeyo safarka wadanka hooyo.

Go'aanka

Wakaalada Socdaalka Swedish ayaa adiga boosto kuugu soo diraya go'aanka.

Hawshii dib u celintu way siisocnaysaa xitaa haddii go’aanka la joojiyey

Haddii adiga lagu siiyey qo’aan la joojiyey, waxa la orankaraa haddii go’aankaagii masaafuriska ahaa aan weli la hirgelin si kastaba ha ahaatee waxa siisoconaya shaqadii go’aanka dib u celinta. Waxaad adigu weli mas’uul ka tahay inaad tusaale ahaan raadsato baasaboor ama dukumenti ku sii meelgaar ah oo aad ku dhoofikartid iyo waxyaabaha kale ee aad u baahan tahay si aad wadankaagii dib ugu laabato ama waddan kale oo aad xaq u leedahay inaad deggenaato waxaana weli laguugu yeeridoonaa wadahadal ama waxa lagu wargelindoonaa go’aanka. Isla sidaa oo kale waxa iyaduna khuseysa haddii uu jiro codsi ku saabsan arrin caqabadi hortaagan tahay oo aan weli go’aan laga gaarin.

Akhri waxa aad u baahan tahay inaad samayso inta aanad dib u laaban

Joojinta fulinta go’aanka waxay si ku meel gaar ah u joojin kartaa masaafurinta ama tarxiilidda

Hay'adda socdaalka ayaa go'aan ka gaari karta in si ku meelgaar ah loo joojiyo u tarxiilka iyo u masaafurinta dal muddo kooban. Waxaa lagu magacaabaa joojinta fulinta go’aanka.

Aqriso wax intaa dheer oo ku saabsan joojinta fulinta go’aanka

Last updated: