Soo codso baasaboorka dadka ajnabiga

Ansök om främlingspass – somaliska

Adiga oo haysan baasaboor, eysan u suurtagaleyn inuu mid soo suubsado, xaaladaha qaarkood waa suurtagal in Hey’adda socdaalka ku siiso baasaboorka dadka ajnabiga. Haddii aad noqotay muwadin iswiidhish waxaad la xiriiri xafiiska boliiska oo ayagu baa ka dalban baasaboorka iswiidhishka.

Shuruuda aad u baahantahay inaa fulisid si laguu siiyo baasaboorka dadka ajnabiga

Haddii aad dooneysid inaa heshid baasaboorka dadka ajnabiga waa in

  • dowlada iswiidhan adiga ku siisay ruqsadda deggenaanshada oo sababtu tahay inaa u baahantahay in lagaa difaaco xafiisyada dowlada wadankaada oo sidas daraadeed eysan kuu suurtagaleyn inaa baasaboor ka soo suubsatid, ama
    xaaladaha qaarkood adiga ka imaatay wadan oo baasaboorkooda Iswiidhan eysan ansaxin.

Adiga ma heleysid baasaboorka dadka ajnabiga haddii

  • aad tahay muwadin iswiidhish ama muwadin wadamada Midowga Yurub midkood/Wadamada wada heshiinta mideysan oo yurub
  • adiga lagu siiyay ruqsadda deggenaanshada oo sababtu tahay inaa u baahantahay difaacid aan ku shaqo laheen xafiisyada dowlada wadankaada (sababta ruqsadda laguu siyay ey tahay dhibaato hido iyo dhaqan, masiibo dabiici ama xaalada guud oo wadanka hooyo ka tagan). Markas adiga waa inaa la xiriirtid xafiisyada dowlada oo wadankaada hooyo sidaa baasaboor uga suubsatid
  • adiga haysatid dukumentiyad oo sida baasaboorka camal oo isticmaalikaro oo adiga safar ku galikartid
  • adiga aad joogtid wadankaadi hooyo.

Hey’adda socdaalka marka ey go’aanka gaareyso waxey fiirin sababaha ruqsadda lagugu siiyay iyo codsi kasto si shaqsi ahaan bey u qiimeeyn. In ey aad u dhib badantahay, adagtahay ama aad qaali u tahay marka la suubsan baasaboor oo wadanka hooyo kama mid ahan sababaha lagu helo baasaboorka dadka ajnabiga.

Ett främlingspass

Shuru­u­daha quseeyo isticmaa­lida adeega elektroo­niga[e-tjänsten]

Adeega elektrooniga haddii aad dooneysid inaa isticmaashid waa

  • in adiga ku nooshahay iyo ka diwaangalisantahay Iswiidhan
  • inaa haysatid kaarka aqoonsiga oo elektrooniga [e-identification]
  • inaa kharashka codsiga bixin kartid oo isticmaali kartid kaarkaada bangiga ama kaarka aad ku adeegatid
  • koobi oo kaarkaada aqoonsiga oo iswiidhan [id-kort]
  • hal kobi oo baasaboorka ajnabiga horey laguugu suubiyay (kobi oo bogga qofka warbixintiisa ku qorantahay iyo dhammaan boggyada oo tiimbarada leh) ama dacwada boliiska oo in baasaboorka ajnabiga uu kaa lumay.

Inta ka akhriso sida aad ugu soo lifaaqeysid codsigaada kobi baasaboor (oo af ingiriis)

Warbixin oo sida aad cunug ugu dalbeysid baasaboorka ajnabiga waxaad ka akhrisan meesha ey ku qorantahay Barn under 18 år [Carruurta ka yar 18 sano]

Haddii horey aadan u keenin caddeyn oo qofka aad tahay waxaa xita ku soo lifaaqi karta koobi oo baasaboorka wadankaada hooyo ama dukumenti kale oo caddeynt adiga qofka aad tahay (haddii aadan haystan baasaboor). Waxey ahaan karta tusaale ahaan kaarka aqoonsiga[id-kort], warqada dhallashada ama buuga ciidanka dowlada.

Ha iloobin in ey qaadan wakhti dheer inta go’aan lagaa gaari haddii aadan soo gudbin dhammaan dukumentiyada aan dooneyno sidaa codsigaada go’aan uga gaari karno.

Adeega elektroo­niga isticmaal oo wakhti ballan suubso

Inta aadan noo soo dirin codsigaadu waa inaa isticmaashid adeega elektrooniga oo ballan wakhti suubsatid sidii lagaaga qaado sawirka faraha iyo wejiga. Wakhti ballansashada waa qeyb kamid ah adeega elektrooniga [e-tjänsten] marka aad codsiga noo soo direysid.

Warbixin ku saabsan sida aad u kaansaleysid/u baajineysid ama u badaleysid wakhti aad ballansatay adigoo isticmaali adeega elektrooniga waxaad ka heli e-mailka xaqiijinta oo laguu soo diray.

Canuga ka yar 18 sano

Canug ka yar 18 sano ma codsan karo baasaboorka dadka ajnabiga. Canugas waalidka mas’uulka ka ah ama wakiilka loo xilsaaray [god man] baa canugaas usoo suubin codsi oo baasaboorka dadka ajnabiga.

Haddii cunugaada labo waalid ey mas’uul ka yahiin iyo adiga codsiga ugu soo dirtid adeega elektroniga[e-tjänsten] inaa soo buuxisin foomka la dhaho [Medgivande att Migrationsverket får utfärda pass (främlingspass eller resedokument) för barn under 18 år], 246011, iyo ku soo lifaaq adeega elektroniga. Waa qasab in labada waalid soo ansaxiyan iyo saxiixa marqaati leeyahiin.

Oggolaansho siin Hey’adda socdaalka iney baasaboor u suubinkarto (baasaboorka dadka ajnabiga ama baasaboorka safarka) oo carruurta ka yar 18 sano, lambarka foomka 246011 (oo af iswiidhish) Pdf, 657.8 kB, opens in new window.

Consent for the Swedish Migration Agency to issue a passport (alien’s passport or travel document) for a child under the age of 18, form 247011 (oo af ingiriis) Pdf, 701.3 kB, opens in new window.

Haddii adiga oo codsiga soo suubin aad tahay wakiilka loo xilsaaray waa in adiga codsiga ku soo lifaaqdid warqada xilsaarida iyo koobi oo kaarkaada aqoonsiga[id-kort].

Canuga oo waalidkiis joogin Iswiidhan waxaa qasab ku ah in wakiilka loo xilsaaray la imaado canuga xafiiska marka canuga la sawiri iyo faraha laga qaadi.

 Dadka inta ugu badan waxaa qasab ku ah iney kharash[lacag] bixiyan sidey u codsadan baasaboorka dadka ajnabiga. Marka aad kharashkas bixineysid waxaad isticmaali kaar bangi iyo lacagta bixin marka aad codsiga anaga noo soo gudbineysid.

Haddii aadan kharashka ku bixin karin kaar bangi waxaa ku soo diri karta konto bangi[bankgiro] ama waxaad isticmaali warqada kharash bixinta oo shaqaalaha sawirka iyo farah kaa qaadi baa weeydiisan warqadas. Hey’adda socdaalka codsigaada waxey bilaabi iney u howlgasho marka adiga bixisid kharashka.

Kharashyada oo baasaboorka dadka ajnabiga (oo af ingiriis)

Haddii eysan kuu suurtagaleyn inaa baasaboorka dadka ajnabiga internetka ka soo codsatid adiga waxaad isticmaali warqada ama foomka la dhaho Codsashada baasaboorka dadka ajnabiga[Ansökan om främlingspass], lambarka foomka 190011, iyo waa inaa shaqsiyan imaatid xafiisyada Hey’adda socdaalka oo ruqsadda bixiyo midkood. Kulanka imaaw adiga foomka soo buuxsatay.

Codsashada baasaboorka dadka ajnabiga, lambarka foomka 190011 (oo af iswiidhish) Pdf, 732.6 kB, opens in new window.

Application for alien's passport, form 191011 (oo af ingiriis) Pdf, 1.2 MB, opens in new window.

Canuga ka yar 18 sano

Canug ka yar 18 sano ma codsan karo baasaboorka dadka ajnabiga. Canugas waalidka mas’uulka ka ah ama wakiilka loo xilsaaray [god man] baa shaqsiyan canugaas usoo suubin codsi oo baasaboorka dadka ajnabiga.

Adiga oo waalidka ah waa in codsiga ansaxisid oo soo gudbisid foomka la dhaho [Medgivande att Migrationsverket får utfärda pass (främlingspass eller resedokument) för barn under 18 år], 246011, iyo foomka codsiga oo canuga. Haddii canuga labo waalid ey mas’uul ka yahiin waa qasab in labada waalid ansaxiyan.

Oggolaansho siin Hey’adda socdaalka iney baasaboor u suubinkarto (baasaboorka dadka ajnabiga ama baasaboorka safarka) oo carruurta ka yar 18 sano, lambarka foomka 246011 (oo af iswiidhish) Pdf, 657.8 kB, opens in new window.

Consent for the Swedish Migration Agency to issue a passport (alien’s passport or travel document) for a child under the age of 18, form 247011 (oo af ingiriis) Pdf, 701.3 kB, opens in new window.

Canuga oo waalidkiis joogin Iswiidhan waxaa qasab ku ah in wakiilka loo xilsaaray la imaado canuga xafiiska marka canuga la sawiri iyo faraha laga qaadi. Wakiilka canuga waa inuu horey usoo qaato warqada xilsaarida iyo kaarkiisa aqoonsiga[id-kort].

Wakhti ballanso

Inta aadan imaan xafiiska Hey’adda socdaalka wakhti ballanso koow sidaa codsigaada usoo gudbinkartid. Waa qasab in adiga wakhti u ballamisid shaqsi kasto oo dooni inuu codsado baasaboorka dadka ajnabiga, iyo qofkasto soo buuxsado foomka codsiga mid qaas u ah.

Wakhti ballanso sidaa codsigaada noogu soo gudbisid (oo af ingiriis)

Codsi­gaada noo soo gudbi

Marka aad codsigaada noo keeneysid waa inaa horey usoo qaadatid

  • kaarkaada aqoonsiga oo iswiidhishka[id-kort]
  • foomka codsiga oo soo buuxiyas iyo soo saxiixday (qofkiiba hal foom)
  • haddii horey laguugu suubiyay baasaboorka dadka ajnabiga ama warqada dacwo boliis oo ey ku qorantahay in baasaboorkaadi kaa lumay
  • oggolansho oo waalidka canuga mas’uulka ka ah haddii canuga ka yar yahay 18 sano (foomka Oggolaansho siin Hey’adda socdaalka iney baasaboor u suubinkarto (baasaboorka dadka ajnabiga ama baasaboorka safarka) oo carruurta ka yar 18 sano, lambarka foomka 246011, iyo foomka codsiga oo canuga).

Haddii horey aadan u keenin caddeyn oo qofka aad tahay waxaa xita ku soo lifaaqi karta koobi oo baasaboorka wadankaada hooyo ama dukumenti kale oo caddeynt adiga qofka aad tahay (haddii aadan haystan baasaboor). Waxey ahaan karta tusaale ahaan kaarka aqoonsiga [id-kort], warqada dhallashada ama buuga ciidanka dowlada.

Haddii aad haysatid baasaboorka oo wadankaadi hooyo ama baasaboorka dadka ajnabiga oo wakhti hore lagu siiyay waa qasab inaa u keentid Hey’adda socdaalka. Marmar shaqaalaha uu kaa yeelikara inaa koobi oo baasaboorkaada soo raacisid codsigaada, laakin markasna waxaa dib lagaa dhihi doona keen baasaboorka asaalka markii loo howlgalo go’aaminta codsigaada ama marka aad soo doonaneysid baasaboorkaada cusub.

Hey’adda socdaalka adiga waxey kaa qaadi sawir wajiga iyo faraha marka aad keeneysid codsigaada. Sawirka wajigaada, farahaada iyo warbixinta shaqsiga waxaa lagu keeydin kaar yar oo elektroonig oo baasaboorka dadka ajnabiga lagu dhex suubiyay. Warbixintan ma’ahaan mid u keedsanaandoonta Hey’adda socdaalka, waxaa kaliya lagu keeydin kaarka yar oo elektrooniga ah. Carruurta ka yar 6 sano ma laga qaadi sawir faro.

Dadka inta ugu badan waxaa qasab ku ah iney lacag bixiyan sidey u codsadan baasaboorka dadka ajnabiga. Marka aad kharashkas bixineysid waxaad isticmaali kaar bangi iyo lacagta bixin marka aad codsiga anaga noo soo gudbineysid. Haddii aad dooneysid waa lagu siin warqada kharash bixinta oo lacagta dib baa ka bixinkarta. Hey’adda socdaalka codsigaada waxey bilaabi iney u howlgasho marka adiga bixisid kharashka.

Kharashyada oo baasaboorka dadka ajnabiga (oo af ingiriis)

Bogga internetka oo Hey’adda socdaalka baa ka akhrisankarta wakhtiga ey qaadaneyso ka shaqeynta arrintan xilliga hada la joogo. Go’aanka wakhti dheer buu noqonkara haddii shaqaalaha codsigaada mas’uulka ka ah u baahdo inuu adiga warbixin dheeri ku soo weydiiyo.

Hey’adda socdaalka markey codsigaada go’aan ka gaarto waxey go’aankas kugu soo diri gurigaada oo warqad bosto.

Xilligan la joogo wakhtiga ey qaadaneyso ka shaqeynta arrinta (oo af ingiriis)

Go’aanka waxaa laguugu soo diri gurigaada. Haddii Hey’adda socdaalka go’aamisay in adiga xaq u leedahay baasaboorka dadka ajnabiga, waxaan kuu soo direynaa fariin oo xilliga uu baasaboorka dadka ajnabiga aad soo doonankartid. Waxey qaadankarta ilaa 14 maalmood laga soo bilaabo maalinta uu ku soo gaaro go’aanka iyo maalinta baasaboorka diyar yahay oo soo doonankartid, oo baasaboorka waxaad ka soo doonan xafiiskii aad keentay codsashada baasaboorka.

Haddii codsi­gaada diidmo lagaa siiyo

Haddii Hey’adda socdaalka diidmo kaa siiso codsashada baasaboorka dadka ajnabiga waa suurtagal oo adiga go’aankas diidmada waxaad ka qaadan karta rafcaan.

Haddii aad dooneysid inaa rafcaan ka qaadatid warqad qoraal ku soo qor oo waxaad ku soo go’aanka aad dooneysid in Hey’adda socdaalka iney badasho iyo sababta uu go’aankas qalad u yahay. Warqada ku soo qor warbixinta shaqsigaada iyo lambarka arrintaada iyo waa qasab inaa adiga soo saxiixdid warqadas.

Waa in rafcankaada ugu dambeyn soo gaaro Hey’adda socdaalka 3 isbuuc kadib xilligii adiga go’aanka heshay.

Haddii aad dooneysid in qofkale rafcan kuu suubsho waa qasab in qofkas siisid qoraal oo inuu wakiil kaa yahay.

Adiga oo loo suubshay baasaboorka dadka ajnabiga waa inaa wakhti ballansatid inta aadan soo aadin xafiiska Hey’adda socdaalka sidaa usoo doonatid baasaboorka. Ku fikir waa in qofkasto oo baasaboor soo doonan wakhti ballan oo qaas u ah u suubisid. Haddii carruurtaada baasabooradooda soo dooneysid waa qasab in canugasto wakhti ballan oo canugas qaas u ah u ballamisid.

Baasaboorka dadka ajnabiga waxaad ka soo doonan isla xafiiskii aad imaatay markii aad codsiga soo gudbineysay, haddii warbixin kale lagu siin oo lagu leeyahay meel kale ka soo doono baasaboorka. Haddii adiga dooneysid inaa ka soo doonatid magaalo kale aanan eheen magaalada aad codsiga keentay waa inaa adiga shaqaalaha arrintas u sheegtid marka lagaa qaadi sawirka wajiga iyo faraha.

Baasaboorka waa in adiga shaqsiyan soo doonatid. Canuga ka yar 18 sano waxaa baasaboorka usoo dooni karo waalidka mas’uulka ka ah ama wakiilka loo xilsaaray, oo ma u baahna inuu canuga soo raaco.

Canuga ka weyn 15 sano wuu soo doonan kara baasaboorka oo kaligiis wuu imankara haddii Hey’adda socdaalka u qorantahay in waalidka jirahdeen iney siday doonaayaan xilligii ey codsiga suubinaayeen.

Waa qasab in adiga horey usoo qaadatid kaar aqoonsi oo ansaxsan marka aad soo doonaneysid baasaboorka dadka ajnabiga. Haddii horey laguugu suubiyay baasaboorka dadka ajnabiga oo adiga wali aadan noo soo gudbin waa inaa noo keentid marka kan cusub soo doonaneysid.

Wakhti ballanso sidaa usoo doonatid baasaboorka dadka ajnabiga (oo af ingiriis)

Isticmaal baasa­boorka dadka ajna­biga marka aad safreysid

Baasaboorka dadka ajnabiga wuu fulin shuruudaha midoowga yurub oo baasaboorada iyo waad isticmaalikarta marka aad wadamada oo dhan u safreysid. Wadamada qaarkood waxaad u baahantahay fiisa. La xiriir wadankas safaradiisa sidaa warbixin kale u heshid inta aadan galin safarka.

Haddii ruqsadda deggenaanshada sababta laguu siiyay ey tahay baahi difaacid waxaa lagu qori baasaboorkaada oo dadka ajnabiga inaa wadankaadi hooyo aadi karin ama wadanka aad ka soo qaxday.

Haddii ey kuu suurtagali weysay inaa caddeysid shaqsiga aad tahay waa lagu qori baasaboorkaada in qofka aad tahay la sugin, taasna waxey adkeynkarta inaa wadamada qaarkood aadan tagikarin.

Ilaa inta baasa­boorka ansax­sa­ny­ahay

Baasaboorka dadka ajnabiga waxuu ansaxsanaan ugu badnaan ilaa muddo saddex sano iyo suurtagal ma’ahan in wakhti lagu daro. Haddii aad u baahato baasaboorka dadka ajnabiga markuu wakhtiga baasaboorka ansaxsanyahay dhammaado waxaa soo codsankarta mid cusub.

Marka aad codsaneysid mid cusub oo baasaboorka dadka ajnabiga waxaa qasab ah in adiga lagu sawiro iyo faro lagaa qaado markale, maadaama Hey’adda socdaalka eysan keydin sawirka wajigaada iyo farahaada, oo kaarka elektrooniga oo baasaboorka dadka ajnabiga kaliya bey ku jirta.

Haddii baasa­boorka kaa lumo

Haddii adiga baasaboorka kaa lumo ama lagaa xado waa in adiga la xiriirtid boliiska iyo dacwo boliis suubsatid. Haddii aad u baahantahay mid cusub oo baasaboorka dadka ajnabiga waa qasab inaa codsi cusub soo suubsatid. Horey usoo qaado dacwada boliiska oo boliiska bostada guriga kuugu soo diren ama xafiiska boliiska ka soo qaado iyo horey usoo raaci marka aad codsaneysid baasaboorka dadka ajnabiga.

Waxaa xad loo yeeli meelaha oo kuu ansaxsan haddii baasa­boorka kaa lumo

Haddii baasaboorka ajnabiga kaa lumo ama lagaaga shakiyo in baasaboorka si qaldan loo isticmaalo waxaa suurtagal ah in Hay’adda socdaalka xad u yeesho meelaha baasaboorka uu ka ansaxsanyahay oo baasaboorka ajnabiga cusub. Taasna micnaheeda tahay in baasaboorka ajnabiga cusub kaliya aad isticmaalikartid marka aad safar u aadeysid Iswiidhan, Danmark, Finland, Island iyo Norge. Haddii baasaboorka ajnabiga dhowr jeer kaa lumo waxey sabab u noqon karta inaa heshid mid oo Iswiidhan kaliya ka ansaxsan.

Adiga oo la siiyay baasaboorka ajnabiga oo dadka baahi u qabo difaaca nooca kale [alternativt skyddsbehövande] xeerarkan ma quseyo oo meelaha xad loo yeelay.

Last updated: