Heerka illaalada

Skyddsstatus – somaliska

Sweden waxay saxiixday Heshiiska Qaxootiga UN. Sida waafaqsan heshiiska, qaxootiyada waxay xaq u leeyihiin in ay helaan heer si rasmi ah loo aqoonsaday sida qaxooti.

Xeerka Shisheeyaha Swedish sidoo kale wuxuu raacaa Jaheynta Uqalmida EU, kaas oo siiya qof walba ee helaa oggolaanshaha daganaanshaha sababaha ay ugu baahanyihiin xaquuqda heerka rasmiga ah sidoo kale.

Haddii aanan laguu tixgelin in aad ahaatid qaxooti waxaad heleysaa ku dhawaaqida heerka qaxootiga – heerka lagu aqoonsaday caalamiga ee ku saleysan sharciyada Heshiiska Geneva sidoo kale sida Jaheynta Uqalmida EU.

Inta ka akhriso ruqsada degnaanshada oo la siiyo dadka helo qiimeyn qaxooti

Haddii laguu tixgeliyo in aad tahay dadka u baahan Ilaalinta qofka halis ku muddan kara haddii wadankiisa lagu celiyo waxaad heleysaa ku dhawaaqida heerka Ilaalinta qofka halis ku muddan kara haddii wadankiisa lagu celiyo – heerka loo aqoonsaday caalamiga oo ku saleysan sharciyada Jaheynta Uqalmida EU.

Inta ka akhriso ruqsada degnaanshada oo la siiyo dadka baahida u qabo difaacid

Codsashada heerka gaarka ah kadib markaad heshay oggo­laans­haha daga­naans­haha

Adiga oo Iswiidhan ka helay ruqsad degnaansho oo laakin helin qiimeyn waxaa soo suubsankarta codsi. Arrintan waxey xita quseysa adiga oo helay qiimeynta oo inaa baahi u qabtid difaacid laakin dooneysid qiimeyn qaxooti.

Codso ku dhawaaqida heerka kadib markaad heshid oggolaanshah daganaanashaha adiga oo buuxinayo lambarka foomka 158011, Codsiga heerka illaalada.

Ansökan om skyddsstatus, lambarka foomka 158011 (oo af iswiidhish) Pdf, 688.6 kB, opens in new window.

Ku dhawaaqida heerka racfaan qaadashada

Heerka ku dhawaaqida waxaa looga racfaan qaadan karaa si gooni ka ah go'aanka ku saabsanoggolaanshaha daganaanshaha. Tani waxay la micna tahay in xitaa qofka helay oggolaanshahadaganaanshaha uu ka racfaan qaadan karo go'aanka ma ahan in la siiyo isaga/iyada wax heerka illaalada rasmiga ah.

Akhri wax badan oo ku saabsan sida loo racfaan qaato

Heer­kaaga waa laga laaban karaa

Heerkaaga illaalada waa laga laaban karaa, tusaale ahaan haddii aadan markale u baahneyn illaalo. Si kastaba ahaatee, tani waxay u baahantahay in xaaladaha kuu hogaamiyo in lagu siiyo heerka illaalada gaarka ah markale ma khuseyso, ama ma badeleyso kaalmada iyo joogtada.

Heerkaaga qaxootiga sidoo kale waalaga laaban karaa haddii aad muujisid in aad ugu talo gashay in aad isticmaasho illaalada lagaa siiyay wadanka hooyo, tusaale adiga oo codsanaya baasaboor cusub oo qaranka ah ama codsaneysid in Wakaalada Socdaalka kuu soo celiso baasaboorkaagii hore ee qaranka.

In heerkaaga lagaala laabtaa waxau baahan in lagu micneeyo in oggolaanshaha daganaanshaha ay saameysay. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad haysatid waraaqaha safarka waa in aad ku soo celisaa haddii heerkaaga laga laabtay. 

Akhri wax badan oo ku saabsan Heshiiska Qaxootiga (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

Akhri Xeerka Shisheeyaha (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Akhri Jaheynta Uqalmida External link, opens in new window.

Last updated: