Qoys dib u mideynta

Familjeåterförening – somaliska

Waxaad xaq u yeelan kartaa inaad qoyskaaga keento halkan haddii aad heshay sharciga deggenaanshaha joogtada ah ama aad haysato sharci deggenaanshaha ku meel gaarka ah qaxoonti ama si kale ugu baahan ilaalin (alternativ skyddsbehövande), ama ay jiraan sababo la xiriira dhinaca dhaqan gelinta ama xaalado xannuun badan dartood isla mar ahaantaana waxaa loo arkaa inaad tahay qof haysto fursado aasaas fiican u leh oo loogu oggolaanayo sharci deggenaansho waara.

Waxaa jiro shuruud oo in adiga qoyskaada masruufankartid iyo haysatid guriga ilaa heer anfacisa yahay. Shuruudan xaalado eysan quseyn baa jiro.

Yaa xaq u laahan­karo qoys dib u mideynta?

Qoyskaagu waxay haystaan ​​fursad ay ku codsadaan sharciga deggenaanshada si ay adiga kuugu soo guuraan Iswiidhan haddii aad

  • haysato sharciga deggenaanshada joogtada ah
  • aad haysato sharci ku meel gaar oo qaxooti ah ama si kale ugu baahan ilaalin oo loo arko inaad leedahay qof haysta fursado aasaas fiican lehoo loogu oggolaanayo sharci deggenaansho ah ee waara
  • aad haysato sharci deggenaanshaha ku meel gaarka qaxoonti sababo la xiriira dhinaca dhaqan gelinta awgeed ama xaalado xannuun badan dartood isla mar ahaantaana waxaa loo arkaa inaad tahay qof haysto fursado aasaas fiican u leh oo loogu oggolaanayo sharci deggenaansho waara.

Qoys midoo­bida oo quseyso adiga haysto ruqsada degnaans­hada ku meel­gaarka

Haddii qoyskaada ey haystan fursad ey kuugu imaadan iyo kula nooladan adiga oo haysto ruqsada degnaanshada ku meelgaarka wexey ku xirantahay dhowr wax. Koow adiga waa inaa haysatid ruqsad ansaxsan. Taasna micnaheeda waxeytahay haddii ruqsada degnaanshada aad haysatay wakhtigeeda uu dhacay iyo adiga soo codsatay in ruqsada laguu dheereyo, waa qasab in Hey’adda socdaalka koow go’aamiso haddii aad xaq u leedahay ruqsad aad ku sii joogtid Iswiidhan. Kuma filna in adiga baahi u qabtid difaac iyo in adiga horey u haysatay ruqsad degnaansho.

Marka Hey’adda socdaalka ey xaqiijiso inaa haysatid ruqsad degnaansho ansaxsan, markas baa baritaan ku suubin codsiga ruqsada qoyskaada. Hey’adda socdaalka waxey koow ka bilaabi haddii ey u badantahay in laguu dheereyn doono ruqsada degnaanshada. Marka la go'aamiyo inaad tahay qof haysto fursado aasaas fiican leh oo loogu oggolaanayo sharciga deggenaanshaha waara, waxay markaa Hay’adda laanta socdaalku baari doontaa codsiga qoyskaaga waxayna eegi doontaa inaad buuxiseen shuruudihii haray ee ku saabsanaa inay waddanka Iswiidhan kuugu soo guuri karaan.

Dadka oo qoys­kaada kamid ah kaliya baa kuu soo guuri karo haddii aad haysatid ruqsada degnaans­hada ku meel­gaarka

Dadka qoyskaada kamid ah waxaa laga wada ninkaada, xaaskada, labada qof ey u diwaangalisantahay iney isla noolyahiin ama labada qof oo isla nool, carruurtaada oo ka yar 18 sano. Haddii adiga aad ka yartahay 18 sano waalidkaada waxey kamid yahiin qoyskaada. Marmar oo dhif ah bey suurtagal tahay in dad aan qoyskaada kamid eheen loo oggolaado ruqsad, tusaale ahaan canug 18 sano ka weyn. Tani waxay khusaysaa qofka haysta sharciga deggenaanshada ku meel gaarka ah ee qaxoonti ama si kale ugu baahan ilaalin, ama helay sharci ku meel gaarka ah oo lagugu siiyey caqabado dhinaca fulinta ama xaalado xannuun badan dartood.

Xeerka waxaa ku qoran ineysan suurtagal eheen in labo qof oo dhawaan saaxiibay (oo dad aan guur eheen ama isla nool) in la siiyo ruqsad degnaansho haddii qofka Iswiidhan ku nool haysto ruqsad degnaansho ku meelgaar. Laakin waxaa jiro xaalado qaas ey suurtagal tahay iney midooban labo qof oo horey isla soo noolan. Waxa markaa looga baahan yahay qofka ku nool Iswiidhan ee haysata sharciga qaxootinimo ama in sharciga lagu siiyo inuu u baahan yahay ilaalo, ama haysta sharciga deggenaanshaha oo lagu siiyey caqabado dhinaca fulinta ama duruufo xanuun badan dartood, oo uu qofku muujin karo inuu la leeyahay xiriir dhab ah oo markii horeba ka dhisnaa waddankaagii, laakiin aanay fursad u helin inay ku wada noolaadaan waddankoodii. Arrintan waxey fursad u noqon labada qof oo isku jinsiga ah oo eysan u suurtagalin iney ku wada noolaadan wadankii hooyo, iney Iswiidhan ku midooban.

Qoyskaada waxaa la siin ruqsad degnaansho oo muddo labo sano ah, ama ilaa inta ey ansaxsantahay ruqsada aad adiga haysatid. Tusaale ahaan haddii adiga haysatid ruqsad degnaansho oo ansaxsan ilaa muddo shan bilood, qoyskaada waxaa markas la siin ruqsad degnaansho oo shan bilood ah. Qoyskaada waxey soo codsankaran ruqsad degnaansho oo joogto markey Iswiidhan ku noolaadan ugu yaran saddex sano oo ruqsad degnaansho haysteen.

Haddii aad heshid ruqsada degnaanshada joogtada markas qofka aad nolosha wadaagtiin wuu soo codsankara ruqsad degnaansho siduu kugu soo guuro Iswiidhan.

Inta ka akhriso shuruudaha laga dooni qofka rabo ruqsad oo qorsheyn inuu guursado ama qof nolol la bilaabo (oo af ingiriis)

Shuruuda masru­u­fida

Haddii aad xaq u leedahay qoys midoobid waxaa suurtagal ah in shuruuda is masruufida ey waajib kugu tahay. Taasna micnaheeda tahay waa qasab inaa adiga ku filantahay is masruufida noloshada iyo tan qoyskaada. Waa qasab in adiga aad haysatid guri weyn oo ku filan adiga iyo dadka kula noolan markey Iswiidhan usoo guuran.

Shuruuda masruufku ma khusayso haddii qofku qaxooti yahay oo ay xubnaha qoyskiisu codsadaan sharciga deggenaanshaha muddo saddex bilood gudahooda laga bilaabo maalinta uu qofku helay go'aanka sharciga degenaanshada ama aqoonsiga qaxootinimo.

Inta ka akhriso waxa ey tahay shuruuda is masruufida iyo dadka ey quseyso (oo af ingiriis)

Aad bey muhiim u tahay inaad codsiga wakhtigiisa soo gudbisan

Sidaa iskaga hubisid in codsigii sida ugu dhaqsaha badan nagu soo gaaray waa inaa codsiga ka soo suubisid internetka oo adiga usoo codsatid qoyskaada. Haddii adiga u suubineysid codsiga qoyskaada oo wakiilka qoyska tahay, waxaad u baahantahay xilsaarasho wakiil. Hay’adda laanta socdaalka markey diwaangaliso codsigiina waxey qoyskaada kula talin iney wakhti ka ballansadaan safarad iswiidhish.

Waa maxay xilsaarasho wakiil?

Tag bogga internetka oo laga soo codsado ruqsadda deggenaanshada oo qoyskaada

Inta ka akhriso sidaa qoyskaada ugu soo codsankartid ruqsadda deggenaanshada

Iska hubi codsiga

Markuu qofka qoyskaada kamid ah soo gudbiyo codsiga asaga ama ayada waxaa la siin lambarka arrinta (lambarka dacwada). Adigoo lambarkaas adeegsaneysid baa iska hubin kartaa haddii Hay’adda laanta socdaalka codsiga ey diwaangalisay ama go’aan ka gaartay.

Iska hubi codsiga

Lacagta kaal­mada oo kharashka safarka oo ehelka Iswi­idhan imaan

Adiga haddii lagu siiyay ruqsada degnaanshada oo qooxi ahaan waxaa soo dalbankarta lacagta kaalmada oo kharashka safarka ehelkaada oo Iswiidhan imaan.

Lacagta kaalmada oo kharashka safarka waxey quseysa ehelkaada aad la nooleed inta aadan Iswiidhan imaan iyo oo ah

  • ninkaada, xaaskaada ama qof nolol idinka dhaxeyso
  • carruurtaada (haddii ey wali guursan iyo 20 sano ka yar yahiin).

Haddii aad dooneysid inaa soo codsatid lacagta kaalmada waa qasab inaa adiga ruqsada degnaanshada lagu siiyay ey tahay mid qooxotinimo sida oo dhigi wada heshiinta Genève sanadka 1951 iyo kamid tahay kooxda haysto darajada AF ama A3. Adiga waa soo codsankarta haddii aad tahay falastiini oo muwaadinimo haysan iyo haysto baasaboorka safarka ama qiimeynta qooxoti.

Waa qasab in ehelkaada loo oggolaaday ruqsada degnaanshada oo iswiidhan iyo haystan baasaboor ansaxsan inta aadan soo dalban lacagta kaalmada.

Adiga ma heleysid lacagta kaalmada haddii aad tahay muwaadin iswiidhish ama ehelkaada ey iska bixin karan kharashka safarka.

Lacagta kaalmada waa hal tigid oo diyaarad qofkiiba oo wadanka ey joogan ilaa Iswiidhan. Hay'adda laanta socdaalka ayaa jaraysa tigidka diyaaradda.

Codsiga

Codsiga oo lacagta kaalmada oo kharashka safarka Iswiidhan oo ehelka dadka qoxootiga [Ansökan om bidrag för resa till Sverige för anhöriga till flyktingar], foomka 4452 (oo af iswiidhish) Pdf, 1.1 MB, opens in new window.

Codsiga usoo dir:

Migrationsverket
Box 3100
903 03 Umeå

Rafcaan kama qaadankartid

Adiga rafcaan kama qaadankartid go’aanka Hey’adda socdaalka.

Qaraarka dawlada (1984:936) oo lacagta kaalmada oo dadka qoxootiga kharashka safarka ehelka Iswiidhan imaan (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Su'aalo iyo jawaabo guud oo ku saabsan kaal­mada dhaqaale ee safarka dadka qaraa­bada ah ee imanaya Iswi­idhan

Haddii codsiga la oggolaado, safarka waxaa dalbaya oo bixinaya Hey'adda laanta socdaalka iyaga oo u sii marinaya Ururka caalamiga Socdaalka (IOM).

Tikidhka diyaaradu wuxuu ka shaqaynayaa wadanka ay qaraabada imanaysa Iswiidhan ay joogaan (diyaaradaha gudaha ayaa sidoo kale khuseeya). Ma khuseeyaan tareenada iyo basasku.

Ugu horrayn Adeegga bulshada ayey waajibku tahay inay kaalmeeyaan carruurta haysata sharciga deganaanshaha ee leh masruufka iyo kharashyada kale.

Hey'adda laanta socdaalku waxay bixisaa oo keliya kaalmada kharashaka safarka ee qaraabada ay u joogto carruurta keligood ah ee aan lala socon, haddii uu jiro go'aan diidmo ah oo ka yimid adeegga bulshada, iyo haddii ay jiraan sababo gaar ah oo lagu bixiyey codsiga ku saabsan ilmaha halkan Iswiidhan jooga.

Last updated: