Soo codso baasaboorka safarka

Ansök om rese­do­ku­ment – somaliska

Baasaboorka safarka waxaad heli haddii adiga laguu aqoonsaday inaa tahay qaxooti sida ku qoran heshiiska caalamiga oo Genéve oo sanadkii 1951 ama qof aanan wadan laheen iyo fulin shuruudaha heshiiska caalamiga oo New York sanadkii 1954. Haddii aad noqotay muwadin iswiidhish waxaad la xiriiri xafiiska boliiska oo ayagu baa ka dalban baasaboorka iswiidhishka.

Shuruuda aad u baahan­tahay inaa fulisid si laguu siiyo baasa­boorka safarka

Haddii aad dooneysid inaa heshid baasaboorka safarka waa in

  • adiga tahay qof loo aqoonsaday inuu yahay qaxooti sida ku qoran heshiiska caalamiga oo Genéve oo sanadkii 1951, ama
    aad tahay qof aanan wadan laheen iyo fulin shuruudaha heshiiska caalamiga oo New York sanadkii 1954.

Adigu ma heleysid dokumentiga safarka [resedokument] haddii

  • aad tahay muwadin iswiidhish ama muwadin wadamada Midowga Yurub midkood/Wadamada wada heshiinta mideysan oo yurub.

Haddii aadan adigu qaxooti ahayn, xaaladaha qaarkood waxaad heli kartaa in lagu siiyo baasaboorka dadka shisheeyaha.

Ka akhriso warbixin intaa dheer sida aad u codsanayso baasaboorka dadka shisheeyaha

Shuru­u­daha quseeyo isticmaa­lida adeega elektroo­niga (e‑tjänsten)

Adeega elektrooniga haddii aad dooneysid inaa isticmaashid waa

  • in adiga ku nooshahay iyo ka diwaangalisantahay Iswiidhan
  • inaa haysatid kaarka aqoonsiga oo elektrooniga (e-identification)
  • koobi oo kaarkaada aqoonsiga oo iswiidhan (id-card)
  • koobi ama hal nuqul oo ka mid ah dukumeentigii lagu socdaalayey ee markii hore la sameeyey (koobiyo ayaad ka soo qaadaysaa bogga uu macluumaadka qofku ku qoran yahay iyo dhammaan boggaga shaambaduhu ku yaalaan) ama qoraallkii aad booliiska ugu sheegtay inuu kaa lumay dukumeentigii aad ku socdaalku.

Ka akhriso warbixin intaa dheer sida aad ugu soo lifaaqayso koobiga baasaboorka codsigaaga (oo af ingiriis)

Ka akhriso warbixin intaa dheer oo ku saabsan codsashada dukumentiga safarka ee carruurta meesha ay ku qoran tahay cinwaanka Carruurta ka yar 8 sano

OHaddii horey aadan u keenin caddeyn oo qofka aad tahay waxaa xita ku soo lifaaqi karta koobi oo baasaboorka wadankaada hooyo ama dukumenti kale oo caddeynt adiga qofka aad tahay (haddii aadan haystan baasaboor). Waxey ahaan karta tusaale ahaan kaarka aqoonsiga, warqada dhallashada ama buuga ciidanka dowlada.

Ka fikir inay qaadan karto waqti dheer in aad hesho go'aankaaga haddii aadan soo dirin dukumeentiyada aanu u baahanahay in aad codsigaaga soo raaciso.

Ett främlingspass

Adeega elektroo­niga isticmaal oo wakhti ballan suubso

Inta aadan noo soo dirin codsigaadu waa inaa isticmaashid adeega elektrooniga oo ballan wakhti suubsatid sidii lagaaga qaado sawirka faraha iyo wejiga. Wakhti ballansashada waa qeyb kamid ah adeega elektrooniga [e-tjänsten] marka aad codsiga noo soo direysid.

Warbixin ku saabsan sida aad u kaansaleysid/u baajineysid ama u badaleysid wakhti aad ballansatay adigoo isticmaali adeega elektrooniga waxaad ka heli e-mailka xaqiijinta oo laguu soo diray.

Canuga ka yar 18 sano

Canug ka yar 18 sano ma codsan karo baasaboorka safarka. Canugas waalidka mas’uulka ka ah ama wakiilka loo xilsaaray (god man) baa canugaas usoo suubin codsi oo baasaboorka safarka.

Haddii ilmahaagu leeyahay laba qof oo mas'uul/laba waalid oo aad codsiga ka samaysay adeegga elektaroonigga ah, foomka Oggolaanshaha ee Hey'adda laanta socdaalku ay baasaboorka ku bixiso (baasaboorka shisheeyaha ama dukumentiga safarka) ee carruurta ka yar 18, 246011, waa in la soo buuxiyaa oo lagu soo lifaaqaa adeegga elektrooniga. Labada mas'uulba waa inay oggolaadaan oo ay saxeexaan waana inay dadkale markhaati ka noqdaan marka la saxeexayo.

MOggolaansho siin Hey’adda socdaalka iney baasaboor u suubinkarto (baasaboorka dadka ajnabiga ama baasaboorka safarka) oo carruurta ka yar 18 sano, lambarka foomka 246011 (oo af iswiidhish) Pdf, 657.8 kB, opens in new window.

Consent for the Swedish Migration Agency to issue a passport (alien's passport or travel document) for a child under the age of 18, form 247011 (oo af ingiriis) Pdf, 701.3 kB, opens in new window.

Haddii adiga oo codsiga soo suubin aad tahay wakiilka loo xilsaaray waa in adiga codsiga ku soo lifaaqdid warqada xilsaarida iyo koobi oo kaarkaada aqoonsiga.

Canuga oo waalidkiis joogin Iswiidhan waxaa qasab ku ah in wakiilka loo xilsaaray la imaado canuga xafiiska marka canuga la sawiri iyo faraha laga qaadi.

Waa bilaash oo wax lacag ma la bixin marka aad codsan baasaboorka safarka, laakin adiga waxaad bixin kharash marka aad soo doonaneysid baasaboorka safarka oo laguu suubshay. Adiga waxaad isticmaalikarta kaar bangi oo kharashkas ku bixin marka aad imaatid xafiiska Hey’adda socdaalka oo soo doonaneysid baasaboorka safarka.

Haddii aadan kharashka ku bixin karin kaar bangi waxaa ku soo diri karta konto bangi (bankgiro) ama waxaad isticmaali warqada kharash bixinta oo shaqaalaha sawirka iyo farah kaa qaadi baa weeydiisan warqadas. Lacagtas soo bixi marka adiga heshid go’aan oo in laguu oggolaaday baasaboorka safarka.

Hey’adda socdaalka ma qaadato lacag khaash iyo waa in koow bixisid lacagtas oo haddii aadan bixin lagu ma siinaayo baasaboorka safarka. 

Kharashyada quseeyo baasaboorka safarka (oo af ingiriis)

Haddii eysan kuu suurtagaleyn inaa baasaboorka safarka internetka ka soo codsatid adiga waxaad isticmaali warqada ama foomka la dhaho Codsashada baasaboorka safarka (Ansökan om resedokument), lambarka foomka 108021, iyo waa inaa shaqsiyan imaatid xafiisyada Hey’adda socdaalka oo ruqsadda bixiyo midkood. Soo buuxi foomka booqashada ka hor.

Codsashada baasaboorka safarka, lambarka foomka 108021 (oo af iswiidhish) Pdf, 688.4 kB, opens in new window.

Application for travel document, form 109021 (oo af ingiriis) Pdf, 791.5 kB, opens in new window.

Canuga ka yar 18 sano

Canug ka yar 18 sano ma codsan karo baasaboorka safarka. Canugas waalidka mas’uulka ka ah ama wakiilka loo xilsaaray baa shaqsiyan canugaas usoo suubin codsi oo baasaboorka safarka.

Haddii waalidka mas’uulka ah ey yahiin labo waa qasab in labada soo ansaxiyaan foomka codsiga oo canuga. Haddii labada waalid midkood lee canuga usoo raaci Hey’adda socdaalka iyo soo gudbin codsiga waa qasab in waalidka kale horey usoo saxiixo foomka codsiga. Saxiixa waalidkas waa qasab in qof saddexaad marqaati u ahaado.

Canuga oo waalidkiis joogin Iswiidhan waxaa qasab ku ah in wakiilka loo xilsaaray la imaado canuga xafiiska marka canuga la sawiri iyo faraha laga qaadi. Wakiilka canuga waa inuu horey usoo qaato warqada xilsaarida iyo kaarkiisa aqoonsiga.

Wakhti ballanso

Inta aadan imaan xafiiska Hey’adda socdaalka wakhti ballanso koow sidaa codsigaada usoo gudbinkartid. Ku fikir in qofkasto oo dooni inuu codsado baasaboorka safarka iney qasab ku tahay inuu ku soo raaco, carruurta xita. Qofkasto oo dooni inuu codsi soo suubsado waxaa la siin wakhti qaas u ah. Adiga waxaad ballansankarta dhowr wakhti oo isku xigo.

Wakhti ballanso sidaa codsigaada noogu soo gudbisid (oo af ingiriis)

Codsi­gaada noo soo gudbi

Marka aad codsigaada noo keeneysid waa inaa horey usoo qaadatid

  • kaarkaada aqoonsiga oo iswiidhishka
  • foomka codsiga oo soo buuxisay iyo soo saxiixday (qofkiiba hal foom). Ku fikir waa qasab in labada waalid oo mas’uulka ah soo saxiixan foomka haddii aad canug u dalbeysid baasaboorka safarka
  • haddii horey laguugu suubiyay baasaboorka safarka ama warqada dacwo boliis oo ey ku qorantahay in baasaboorkii safarka kaa lumav.

Haddii horey aadan u keenin caddeyn oo qofka aad tahay waxaa xita ku soo lifaaqi karta koobi oo baasaboorka wadankaada hooyo ama dukumenti kale oo caddeynt adiga qofka aad tahay (haddii aadan haystan baasaboor). Waxey ahaan karta tusaale ahaan kaarka aqoonsiga, warqada dhallashada ama buuga ciidanka dowlada.

Haddii aad haysatid baasaboorka oo wadankaadi hooyo ama baasaboorka safarka oo wakhti hore lagu siiyay waa qasab inaa u keentid Hey’adda socdaalka. Marmar shaqaalaha uu kaa yeelikara inaa koobi oo baasaboorkaada soo raacisid codsigaada, laakin markasna waxaa dib lagaa dhihi doona keen baasaboorka asaalka markii loo howlgalo go’aaminta codsigaada ama marka aad soo doonaneysid baasaboorkaada cusub.

Hey’adda socdaalka adiga waxey kaa qaadi sawir wajiga iyo faraha marka aad keeneysid codsigaada. Sawirka wajigaada, farahaada iyo warbixinta shaqsiga waxaa lagu keeydin kaar yar oo elektroonig oo baasaboorka safarka lagu dhex suubiyay. Warbixintan ma’ahaan mid u keedsanaandoonta Hey’adda socdaalka, waxaa kaliya lagu keeydin kaarka yar oo elektrooniga ah. Carruurta ka yar 6 sano ma laga qaadi sawir faro.

Waxaa suurtagal ah in adiga u baahantahay inaa ka jawaabtid su’aalo ku saabsan haddii wadankaadi hooyo ka helikartid baasaboor ama dukumenti u dhigmo. Haddii la doonaayo in adiga su’aalas ka jawaabtid waxaa lagu siindoona foom ey su’aalahas ku qoranyahiin marka aad imaatid Hey’adda socdaalka oo codsigaada soo gudbineysid.

Bogga internetka oo Hey’adda socdaalka baa ka akhrisankarta wakhtiga ey qaadaneyso ka shaqeynta arrintan xilliga hada la joogo. Go’aanka wakhti dheer buu noqonkara haddii shaqaalaha codsigaada mas’uulka ka ah u baahdo inuu adiga warbixin dheeri ku soo weydiiyo.

Hey’adda socdaalka markey codsigaada go’aan ka gaarto waxey go’aankas kugu soo diri gurigaada oo warqad bosto.

Xilligan la joogo wakhtiga ey qaadaneyso ka shaqeynta arrinta (oo af ingiriis)

Go’aanka waxaa laguugu soo diri gurigaada. Haddii Hey’adda socdaalka go’aamisay in adiga xaq u leedahay baasaboorka safarka, waxaan kuu soo direynaa fariin oo xilliga uu baasaboorka safarka aad soo doonankartid. Waxey qaadankarta ilaa 14 maalmood laga soo bilaabo maalinta uu ku soo gaaro go’aanka iyo maalinta baasaboorka safarka diyar yahay oo soo doonankartid, oo baasaboorka waxaad ka soo doonan xafiiskii aad keentay codsashada baasaboorka.

Adiga rafcaan waa ka qaadankarta go’aanka Hey’adda socdaalka haddii diidmo lagaa siiyay codsiga baasaboorka safarka.

Haddii codsigaada diidmo lagaa siiyo

Haddii Hey’adda socdaalka diidmo kaa siiso codsashada baasaboorka safarka waa suurtagal oo adiga go’aankas diidmada ka qaadan kartid rafcaan.

Haddii aad dooneysid inaa rafcaan ka qaadatid warqad qoraal ku soo qor oo waxaad ku soo go’aanka aad dooneysid in Hey’adda socdaalka iney badasho iyo sababta uu go’aankas qalad u yahay. Warqada ku soo qor warbixinta shaqsigaada iyo lambarka arrintaada iyo waa qasab inaa adiga soo saxiixdid warqadas.

Waa in rafcankaada ugu dambeyn soo gaaro Hey’adda socdaalka 3 isbuuc kadib xilligii adiga go’aanka heshay.

Haddii aad dooneysid in qofkale rafcan kuu suubsho waa qasab in qofkas siisid qoraal oo inuu wakiil kaa yahay.

Baasaboorka safarka waxaad ka soo doonan isla xafiiskii aad imaatay markii aad codsiga soo gudbineysay (haddii warbixin kale lagu siin oo lagu leeyahay meel kale ka soo doono baasaboorka safarka).

Haddii adiga dooneysid inaa ka soo doonatid baasaboorka safarka magaalo kale aanan eheen magaalada aad codsiga keentay waa inaa adiga shaqaalaha arrintas u sheegtid marka lagaa qaadi sawirka wajiga iyo faraha.

Adiga oo loo suubshay baasaboorka safarka waa inaa wakhti ballansatid inta aadan soo aadin xafiiska Hey’adda socdaalka sidaa usoo doonatid baasaboorka. Ku fikir waa in qofkasto oo baasaboor soo doonan wakhti ballan oo qaas u ah u suubisid. Haddii carruurtaada baasabooradooda soo dooneysid waa qasab in canugasto wakhti ballan oo canugas qaas u ah u ballamisid.

Baasaboorka waa in adiga shaqsiyan soo doonatid. Canuga ka yar 18 sano waxaa baasaboorka safarka usoo dooni karo waalidka mas’uulka ka ah ama wakiilka loo xilsaaray, oo ma u baahna inuu canuga soo raaco.

Canuga ka weyn 15 sano wuu soo doonan kara baasaboorka safarka, oo kaligiis wuu imankara haddii Hey’adda socdaalka u qorantahay in waalidka jirahdeen iney siday doonaayaan xilligii ey codsiga suubinaayeen.

Waa qasab in adiga horey usoo qaadatid kaar aqoonsi oo ansaxsan marka aad soo doonaneysid baasaboorka safarka. Haddii horey laguugu suubiyay baasaboorka safarka oo adiga wali aadan noo soo gudbin waa inaa noo keentid marka kan cusub soo doonaneysid.

Wakhti ballanso sidaa usoo doonatid baasaboorka safarka (oo af ingiriis)

Bixi lacagta

Waa qasab inaa adiga bixisid lacagta si luu siiyo baasaboorka safarka. Adiga waxaa isticmaalikarta kaarka bangiga marka aad imaatid xafiiska Hey’adda socdaalka.

Haddii aadan lacagtas ku bixin karin kaar bangi waxaa weeydiisan warqada lacagta lagu bixiyo iyo lacagtas soo bixi inta aadan soo doonan baasaboorka safarka. Hey’adda socdaalka ma kaa qaadaneyso lacag kaash iyo ma lagu siinaayo baasaboorka safarka haddii aadan koow lacagta bixin.

Haddii aad soo bixisay horey usoo qaado rasiidka caddeyn inaa bixisay marka aad soo doonaneysid baasaboorka safarka.

Kharashyada quseeyo baasaboorka safarka (oo af ingiriis)

Isticmaal baasa­boorka safarka marka aad safreysid

Baasaboorka safarka wuu fulin shuruudaha midoowga yurub oo baasaboorada iyo waad isticmaalikarta marka aad wadamada oo dhan u safreysid. Laakin haddii adiga tahay qaxooti sida ku qoran heshiiska caalamiga oo Genéve oo sanadka 1951 waxaa baasaboorkada lagu qori inaa adiga wadankaadi hooyo aadan aadikarin ama wadankii aad ka soo qaxday.

Haddii ey kuu suurtagali weysay inaa caddeysid shaqsiga aad tahay waa lagu qori baasaboorka safarka in qofka aad tahay la sugin, taasna waxey adkeynkarta inaa wadamada qaarkood aadan tagikarin.

Wadamada qaarkood waxaad u baahantahay fiisa. La xiriir wadankas safaradiisa sidaa warbixin kale u heshid inta aadan galin safarka.

Ilaa inta uu baasa­boorka safarka ansax­sa­ny­ahay

Dukumentiga safarka waxuu ansaxsanaan ugu badnaan ilaa muddo labo sano iyo suurtagal ma’ahan in wakhti lagu daro. Haddii aad u baahato dukumentiga safarka markuu wakhtiga ey ansaxsantahay dhammaado waxaa soo codsankarta mid cusub.

Marka aad codsaneysid mid cusub oo baasaboorka safarka waxaa qasab ah in adiga lagu sawiro iyo faro lagaa qaado markale, maadaama Hey’adda socdaalka eysan keydin sawirka wajigaada iyo farahaada, oo kaarka elektrooniga oo baasaboorka safarka kaliya bey ku jirta.

Haddii baasa­boorka safarka kaa lumo

Haddii adiga baasaboorka safarka kaa lumo ama lagaa xado waa in adiga la xiriirtid boliiska iyo dacwo boliis suubsatid. Haddii aad u baahantahay mid cusub oo baasaboorka safarka waa qasab inaa codsi cusub soo suubsatid. Horey usoo qaado dacwada boliiska oo boliiska bostada guriga kuugu soo diren ama xafiiska boliiska ka soo qaado iyo horey usoo raaci marka aad mid cusub oo baasaboorka safarka soo codsaneysid.

Last updated: