Carruurta raadineysa magangalyo

Barn i asylprocessen – somaliska

Xaquuqda carruurta inta lagu jiro nidaamka magangalyada way ka duwan tahay xaquuqaha dadka weyn. Halkan waxaan ku ururrinay xaquuqaha carruurta iyo fursadaha taageerada, ee la xiriira labbadaba dib eegida magangalyadooda iyo arrimaha dhabta ah.

Sweden waxay saxiixday heshiiska UN ee Xaquuqda Carruurta. Heshiiskan wuxuu sheegayaa xaquuqda carruurta oo dhan. Xaquuqahan waxaa lagu fulinayaa dhammaan carruurta ku nool Sweden, ha ahaadaan muwaadino Swedish ah, ugu nool halkan si kumeelgaar ah, ama raadinayo magangalyada.

Sweden waxaa laguu tixgeliyaa canug ilaa aad ka gaartay 18. Carruurta inta badan ee raadinaya magangalyada waxay la yimaadeen halkan hal ama labbada waalid. Waxaa sidoo kale jira carruur badan ee yimid Sweden iyada oo aan jirin waalid ama masuul; carruurtan aan lala socon waxay u baahanyihiin taageero dheeraad.

Akhri wax badan oo ku saabsan xaquuqda lagu taageerayo carruurta aan lala socon

Carru­urta raadi­neysa magan­galyo waxay xaq u leey­i­hiin in ay afkaar­tooda shee­gaan

Sida waafaqsan sharciga Swedish Wakaaladaa Socdaalka waa in ay si gaar u tixgelisaa danaha ugu wanaagsan canuga. Carruurta oo dhan waxay xaq u leeyihiin xaquuqda ay sheegaan afkaartooda oo la dhageysto. Sababaha loo raadinayo magangalyada waxaa loo baarayaa si gaar ah, sida laga yaabo in canuga qabo sababo kale ee raadinta magangalyada aan ka aheyn waaladiinta. Marka sababaha canuga ee raadinta magangalyada la baaro, Guddiga Socdaalka rasmiga ah waa in ay ku sameeyaan baaritaanka sida badan oo suurtogalka ah da'da canuga, caafimaadka, iyo qaangaarka. Canuga wuxuu xaq u leeyahay in uu weheliyo qof weyn inta lagu jiro baaritaanka. Waxay noqon kartaa waalidka ama masuulka kale ee sharciga, masuulka, iyo/ama la taliyaha bulshadda.

Dham­maan carru­urta waxay xaq u leey­i­hiin in ay xaadi­raann dugsiga iyo dugsiga barbaarinta

Carruurta oo dhan iyo dadka yar ee weyn waxay leeyihiin isla xaquuqda loogu xaadiro dugsiga iyo dugsiga barbaarinta sida carruurta kale ee ku nool Sweden. Degmadda halka canuga uu ku noolyahay ayaa masuul ka ah inay iyaga u suurta geliso in ay dugsiga u aadaan sida carruurta kale iyo dhalin yarta weyn ee kale ee degmadda jooga. Tani waxay khuseysaa dugsiga barbaarinta, dugsiga waajibka ah, iyo dugsiga sare. Si ay kuugu suurtogasho ka qeybgalida dugsiga hoose ee sare dhalinyarada weyn ee raadinayo magangalyada waa in ay bilaabaan waxbarashadooda ka hor inta aysan gaarin 18.

Wakaalada Socdaalka looma ogola in ay siiyaan warbixin ku saabsan carruurta raadinaya magangalyada degmadda iyada oo aan jirin ogolaanshaha waalidka. Waxaad siin kartaa ogolaanshahaaga Wakaalada Socdaalka, taas oo siineyso degmadda magaca canugaaga, taariikhda dhalashada, luqadda, wadanka asalka, iyo lambarka dacwada. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa degmada oo ogeysiin kartaa in aad rabtid in carruurtaada ay aadaan dugsi ama dugsiga barbaarinta.

Akhri wax badan oo ku saabsan dugsiga

Carru­urta oo dhan waxay xaq u leey­i­hiin dary­e­elka caafi­maadka

Carruurta raadineysa magangalyo waxay xaq u leeyihiin isla daryeelka caafimaad iyo daryeelka ilkaha sida carruurta kale ee ku nool Sweden. Daryeelka ilkaha bilaash ayuu u yahay kuwa ka hooseeya da'da 18 sanno jirka ah. Gollaha wadamada inta ugu badan ama gobolada, daryeelka caafimaadka ee carruurta waa bilaash sidoo kale. Kala xiriir gollaha deegaanka ama gobolka halka aad ku nooshahay wixii macluumaad dheeraad ah.

Waxaad ka heleysaa macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan daryeelka caafimaadka gollaha deegaankaaga ama gobolka www.1177.se External link, opens in new window.

Akhri wax badan oo ku saabsan caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka magangalyo doonka

Carru­urta waxay xaq u leey­i­hiin in ay ku biiraan qoyskooda

Sida waafaqsan Heshiiska UN ee Xaquuqaha Carruurta, carruurta waxay xaq u leeyihiin in ay la joogaan qoysaskooda. Taasi waa sababta maamulada Swedish isku dayay in ay raadiyaan waaladiinta ama masuulada kale ee carruurta aan lala socon. Raadinta qaraabada way sii socotaa iyada oo Hay'ada Socdaalka ee baareyso codsiga magangalyada carruurta. Meesha koowaad, ujeedada waa in qoyska la isugu keeno wadankooda asalka ah. Haddii qaraabada carruurta ay badbaado ku yihiin wadan kale isu keenista laga yaabo in ay halkaas ka dhacdo. Haddii aysan jirin dookhyo kale ee isu keenista meel kale, qoyska canuga laga yaabo in la siiyo oggolaanshaha daganaanshaha Sweden haddii canuga helay oggolaanshaha daganaanshaha Sweden sida qaxooti.

Akhri waxbadan oo ku saabsan waxa dhici kara haddii canuga aan la siinin oggolaanshahaa deganaanshah iyo ay tahay in uu laabto

Wax badan oo ku saabsan xaqu­uqaha carru­urta

Dhammaan maamulada Swedish waa in ay tixgeliyaan danaha ugu wanaagsan ee canuga goortii go'aano la gaadhayo, iyo waxaa jiro dhowr maamulo ee leh guddiyo gaar ah ee illaaliyo xaquuqaha carruurta. Adeegyada Bulshada ee degmadda halka canuga uu ku noolyahay ayaa masuul ka ah daryeelida canuga, haddii waaladiinta aysan u suurtogaleynin in ay sidaas sameeyaan ama waaladiinta dhibaateeyaan canuga. Mararka qaar Booliska laga yaabo in ay u baahdan in ay ku caawiyaan in ay geeyaan canuga la dhibaateeyay illaalada haynta. Wax ku dhufashada carruurta ama gabdho gudista, tusaale ahaan, lama oggolo. Mana la oggola carruurta ka yar da'da 18 sanno jirka in ay guursadaan.

Maclu­u­maad dhee­raad ah ba

Akhri wax badan oo ku saabsan nooca taageerada loo heli karo carruurta la dhibaateeyay ama carruurta lagu sameeyo qaabab kale oo liita External link, opens in new window. 

Akhri wax badan oo ku saabsan Heshiiska Xaquuqda Carruurta (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

Macluumaadka carruurta kuwaas oo yimid Sweden oo codsaday magangalyada (oo af ingiriis)

Boggagaan waxaa sidoo kale loo isticmaali karaa haddii aad rabtid in aad ogaatid wax ku saabsan magangalyada iyo sida loo codsado magangalyada, ama ugu gargaarida dadka weyn sharaxaada nidaamka magangalyada ee carruurta.

Macluumaadkadadka raadinayo magangalyada ee haysto, ama raadinayo, carruurta leh qof ku nool Sweden

Last updated: