Dadka qaxoontimino ka dalanaaya Iswiidhan

Till dig som söker asyl i Sverige – somaliska

Dalakaaga qaxoontinimada waxa eegaaya Swedish Migration Agency. Xeera la raaco si dadka loo siiyo sharciga qaxoontigu waxa ku salaysan yahay Heshiiska Qaramad Midoobey, Xeerka Guud ee EU iyo xeerka Iswiidhan.

Warqadan macluumaadku waxay ku siinaysaa macluumaad la soo koobey oo ku sabsan sida dalabkaaga qaxoontiga ay u maareynaayo Hay'ada Socdaalku iyo xaquuqahaaga iyo masuuliyadahaaga aad leedahay markaad qaxoonti ka dalbato Iswiidhan. Waxa lagu siin doonaa macluumaad dheeraad ah hadhow, iyadoo aad sidoo kale heli doonto fursad aad su'aalo ku weydiiso.

Xeerarka qaxoon­tiga

Waxa Iswiidhan dalabkaaga qaxoontinimada eegaaya Hay'ada Socdaalka ee Iswiidhan. Iswiidhan waxay ku siin doontaa deganaanyo haddii aad tahay qaxoonti ama aad u baahan tahay ilaalo sababo kale dartood.

Magan­galyo doon

Sida waafaqsan Heshiiska Qaramada Midoobey ee ku lugta leh Qeexitaanka magangalyo doon iyo xeerarka Iswiidhan, waxa aad magangalyo doon tahay haddii ay ku soo gaadhay cabsi la sugay oo cadaadi sababaha ka mid ah

  • faraca
  • dhalashada
  • diinta iyo caqiidada
  • jinsiga
  • nooca galmada
  • aad ka mid tahay koox bulshada.

Cadaadisku waxa uu ka iman karaa dawlada wadanka aad ka soo jeedo. Waxa ay sidoo kale noqon kartaa in dawladu ayna damaanad qaadi karin ama aanay rabin amaankaga sugto sabab cadaadi qof shakhsi ah ama koox ka socda darteed.

Haddii laguu aqoonsado magangalyo doon, ayaa caadi ahaan lagu siin doonaa deganaansho saddex sanno ah.

Dadka xaq u leh ilaalo dhee­raad ah

Sida waafaqsan sharciga Iswiidhan waxa aad ilaalo dheeraad ah xaq u leedahay haddii

  • aad khatar ugu jirto xukun dil ah
  • aad khatar ugu jirto in ciqaab jidhka, jidh dil ama waxyaalah akale ee bini aadanimada ka baxsan ama falalka sharafdaradda ama ciqaabta lagugu sameeyo
  • aad khatarna ugu jirto dhaawac tun oo shicib ahaan kaa soo gaadha xurguf dagaal.
  • Dadka la siiyo inay xaqa u leeyihiin ilaalada dheeraadka ayaa caadi ahaa la siiyaa deganaansho 13 bilood ah.

Dalabka qaxoontiga

Si qaxoonti looga dalbado Iswiidhan, waa inaad shakhsi ahaan timaado Hay'ada Socdaalka. Waaxda dalabka waxaad heli doontaa oo aad diiwan galin doontaa dalbkaaga qaxoontiga.

Waxa lagaa qaadi sawir iyadoo lagaa dalban inaad dhiinto farahaaga. Farahaaga waxa loo isticmaali doonaa, waxyaabaha ay ka mid yihiin, si loo baadho inaad wadan kale oo Yurub ah iska soo dhiibtey.

Waxa ku arki doona kiis haye kaas oo ku weydiin doona su'aalo, iyadoo turjumaan la isticmaalaayo, taas oo ku sabsan cida aad tahay sababata aad wadankaaga uga soo tagtey iyo sida aad ku soo gashay Iswiidhan. Waxa sidoo kale lagu weydiin doonaa su'aalo xaalada qoyskaaga iyo caafimaadkaaga ku sabsan. Waxaanu taas u sameynaa si aanu dalabkaaga baadhitaan ugu diyaarino. Waxaad u baahan tahay inaad xiliga baadhitaanka ka jawaabto su'aalo dheeraad ah oo sababahaaga qaxoontinimada ku sabsan.

Haddii aad qabto baahi gaar ah, tusaale ahaan, curyaanimo, aad leedahay aood darro jidhka, maskaxda ama fahanka, waa inaad u sheegto Hay'ada Socdaalka. Haddii ay curyaanimadaadku kugu adkeynayo inaad la hadasho Hay'ada Socdalka marka aad dalbanayso qaxoontiga, waxaad xaq u leedahay caawimo.

Waxaad waaxda dalabka sidoo kale ka heli kartaa macluumaad sida uu habsocodka dalabkaaga qaxoontinimadu u shaqeeyo iyadoo lagu siin doono fursad aad su'aalo ku weydiiso. Marka dalabkaaga la diiwaan galiyo, waxa lagu siin doonaa risiidh kumeelgaadh ah oo dalabkaag qaxoontiga. Hayso risiidhkaa ilaa intaad helayso kaadhka Qaxoonti Doonka, kaas oo kuu cadeynaaya qaxoonti ahaan.

Noo sheeg cida aad tahay

Si aad ugu dhib suurtogaliyo Hay'ada Socdaalka inay go'aamiso inaad xaq u leedahay qaxoonti ahaan, waa inaad cadeyso cida aad tahay iyo meesha aad ka timid. Sida ugu wanaagsan ee aad taas ku cadeynayso waa inaad keento baasaabor ama kaadh aqoonsi marka aad dalbanayso qaxoontinimada. Warqad aqoonsi oo dawlada dalkaagu soo saartey oo orijinal ah oo leh sawir adiga ah. Waa inay muujinayso magacaga, adiga dhalashadada iyo xiliga aa dhalatay.

Waa adiga masuuliyadaada inaad hesho doumenti aqoonsigaga cadeynaaya. Haddii aanad haysan dokumenti aqoonsi ah marka aad timaado Hay'ada Socdaalka ee aad qaxoonti dalbanayso, ayaa sarkaalka kiiska hayaa ku weydiisan doonaa inaad sida ugu dhakhsaha badan ugu keento dokumentiyadaas.

Haddii ay kugu adagtey inaad hesho waraaqo aqoonsiya, waa inaad Hay'ada Socdalka tusto inaad isku dayeyso. Haddii aad hayso dokumentiyada kale ee muujinaaya aqoonsigaaga, tusaale ahaa liisa, warqada dhalashada, cadeynta dhalashada ama diiwaanka ciidanka, waa inaad kuwaas keento.
Dokumentiyadaas ayaan kaligood cadeyn karin cida aad tahay, laakiin dhowr tabo oo la isku geeyay ayaa sameyn kara, iyo waxaad dheegtey ee meesha iyo wadanka aad ka soo jeedo, si aad aqoonsigaaga ugu muujiso mid suurtogal u muuqda.

Haddii aad ameysay wax dadaal ah oo aad ku cadeynayso qofka aad tahay, waxa laga yaabaa inaad xaq u hesho inaad shaqeysato xiliga aad go'aanka sugeyso.

Ma dooran kartin wadanka dalabkaaga qaxoontiga eegaaya (Xeerka Dublin)

Marka aad soo gudbisey dalbkaaga qaxoontiga, Hay'ada Socdaalka ayaa soo baadhi doonta in dalabkaaga lagu eego Iswiidhan ama wadan kale oo EU da. Haddii fiiso lagu soo siiyey, aad laheyn nooc deganaansho ah, ama aad qaxoonti ka dalbatey wadan kale oo EU da markaa Iswiidhan ku soo socotey, waxa laga yaabaa inaad wadankaas ku laabato. Xeerarkaas waxay ku jiraan Xeerarka Dublin. Waxaad wax dheeraad ah ka akhriyi kartaa warqada macluumaadka "Waxaan qaxoonti ka dalbadey wadan ka mid ah EU da - wadankee ayaa dalabkeyga maareynaaya?". (Buuggani ma aha heli karaa luqadaha oo dhan.)

Marka aad sugeyso

Haddii dalabkaaga qaxoontiga lagu eegaayo Iswiidhan, waxa laga yaabaa inaad sii joogto halkan inta aad sugeyso go'aan. Xiligaas waxaad la xidhiidhi doontaa mid ka mid ah xarumaha qaabuilaada ee Hay'aa Socdaalka. Shaqaalaha xarunta qaabilaada ma go'aamiyaan in sharciga lagu siiyo iyo in kale. Xarunta qaabilaadu waxay kaa caawinaysa waxyaalaha muhiimka, sida dhaqaalaha iyo hoyga. Xarunta qaabilaadu ayaa sidoo kale kula soo xidhiidhi doonta marka aad go'aan hesho, si aad ugu hesho macluumaad ku sabsan waxa uu go'aanku yahay iyo waxaad u baahan tahay inaad sameyso.

Maclu­u­maad muhiim ah

Xarunta qaabilaadku waxay kugu marti qaadi doontaa kulan kooxeed macluumaad lagugu siiyo. Kulanka waxa lagu siin doonaa macluumaad ku sabsan dadka qaxoontiga dalbada. Taasi waxay noqon kartaa macluumaad ku sabsan hoyga, tusaale ahaa dhaqaalaha iyo caafimaadka ama daryeelk caafimaadka. Waxa lagu siin doonaa macluumaad ku sabsan sharciyada, hay'adaha kale iyo ururuada ka shaqeeya inay caawiyaan dadka qaxoontiga dalbada, tusaale ahaan. Kani waa macluumaad muhiim ah kaas oo aad muhiim u arki doonto marka aad sugeyso go'aan.

Waxa waaxda dalabka iyo waaxda qaabilaadaba lagugu siin doonaa macluumaad badan. Waxa laga yaabaa inaad dareento in macluumaad badan lagu siinaayo hal mar. Keyso waraaqaha aad helayso kuwaas oo aad ka akhriyo doonto macluumaad mar labaad markaad u baahato, oo aad weydiin doonto su'aalo marka xigta ee aad la kulanto sarkaalka kiiskaaga haya.

Haddii aad degan tahay hoy ay ku siisay Hay'ada Socdaalku, waxaad marmar arki kartaa shaqaalaha Hay'ada Socdaalka kuwaas oo halkaas ka shaqeynaaya ama soo booqanaaya. Shaqaalahu suurtogal uma aha inay ka jawaabaan su'aalo dalabkaaga qaxoontiga ku sabsan, laakiin waxay kaa caawin karaan inaad hesho macluumaadka aad raadinayso.

Sugi­taanka baad­hitaanka qaxoon­tiga

Waxa laga yaabaa inay wakhti dheer qaadato kahor inta aad imanayso baadhitaanka qaxoontiga Wakhtiga sugitaanka ayaa qofka in ku qaata.

Baadhitaanka qaxoontiga ayay kuu suurtogal tahay inaad noogu sheegto wax dheeraad ah sababta aad ugu Iswiidhan uga dalbanayso qaxoontiga, waxa kugu dhacay iyo waxa aad is leedahay waa ay kugu dhici doonaan haddii aad dib ugu laabato dalkaagii hooyo.

Waxa laga yaabaa in laguugu yeedho kulamo bdan ka hor inta aan go'aan lagu siin. Kaalay wakhtiyada ay Hay'ada Socdaalku adiga kuu qabatey. Waxa adag in la qabto balamo cusub waxaana laga yaabaa inaad waxkhti dheer sugto go'aan haddii dab wakhtiga laguugu qabto.

U soo shee­gista cinwaanka

Haddii aad guurtey intii aad go'aan sugeysay, waa inaad cinwaanka cusub soo wargaliso Hay'ada Socdaalka, si aanu kuu helno marka ay gaadho wakhtigaaga baadhitaanka ama kulamada kaleba. Kolba fiiri emaylkaaga si aanad u heli waayin macluumaad ka socda Hay'ada Socdaalku.

Kaadhka dadka qaxoon­tiga

Marka aad Iswiidhan ka dalbato qaxoonti, waxa lagu siin doonaa risiidh ah dalabkaag. Waxa risiidhka ku qoran lambar kaas oo aad dhiibti karto marka aad la soo xidhiidheyso Hay'ada Socdaalka. Taasi waxay sarkaalka kiiska u dhib yareyn doontaa inuu helo macluumaadkaaga. Qiyaas ahaan hal todobaad marka aad soo gudbiyo dalabkaaga, waxa lag ayaabaa inaad kaadh ka soo qaadato qeybta qaabilaada. Kaadha waxa loo yaqaan kaadhka Qaxoonti Dalbadaha isagoo bedelaaya risiidhka.

Waa inaad markasta haysto kaadhka Qaxoonti Dalbadaha si aqoonsi ahaan ah inaad tahay qaxoonti dalbade oo aad xaq u leedahay inaad joogto Iswiidhan xiliga aad go'aan sugeyso. Waa inaad kaadhka sidato marka aad helayso daryeelka caafimaadka si ay kuugu siiyaan daryeelka aad xaq ugu leedahay oo qiimo ka jaban ah.

Hoyga

Waxaad tagi kartaa hoy aad diyaarsatey ama waxaad deganaan kartaa hoyga ay ku siisay Hay'ada Socdaalku. Haddii aad haysto lacag, waa inaad bixiso kharashka hoyga ay Hay'ada Socdaalku ku siisay. Haddii aad adigu hoy diyaarsatey waa inaad adigu iska bixiso kirada.

Haddii aad deggantahay guryaha Hay'adda laanta socdaalka, laguuma ogola inaad doorato meesha, waxaana laga yaabaa inaad guurto muddada sugitaanka. Xusuusnow waa inaad ogeysiisaa Hay'adda laanta socdaalka cinwaankaaga haddii aad adigu soo habaysato meesha aad deggeyso. Ogow in Hay'adda laanta socdaalku ay hayso liiska goobaha deegaanada ah ee ay ka jiraan caqabado bulsho iyo kuwo dhaqaaleba. Qof kasta oo doorta inuu dego meelahaas waxa dhicikarta inuu lumiyo xuquuqda taageerada ee dhinaca dhaqaale ee ay Hay'adda laanta socdaalku bixiso. Bogga migrationsverket.se/asyl waxaad ka arki kartaa in ciwaankaagu uu saameeyo.

Waxaad xaq u leedahay hoy si gaara loo diyaariyey haddii ad leedahay baahiyaha gaarka. Taasi waxay khusey kartaa haddi tusaale ahaan aad curyaan tahay, aad qabto cudurada maskaxda ama jidhka ama tahay LGBT, ama aad uur leedahay ama qof weyn aad tahay. Sida ugu dhaxsaha badan ugu sheeg Hay'ada Socdaalka baahiyahaaga, markaas ayaanu dedaali doonaa sidii aanu kuugu heli laheyn hoyga saxa ah.

Waxa muhiim ah in dhamaan dadka jooga hoygayaga ay is ixtiraamaan oo ay is qiimeeyaan, iyadoo aan loo eegeyn diinta, dhaqanka ama galmadooda. U sheeg Hay'ada Socdaalka haddii aanad amaan ku dareemeyn guriga.

Daryeel caafi­maadka iyo bukaanka

Marka aad tahay qof qaxoonti ah, waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka ee degdega, daryeelka caafimaadka ee ilkaha iyo daryeelka bukaanka ee degdega. Adeega caafimaadka ayaa go'aamin dooba nooca daryeelka ad heli doonto. Haddii aad tusto kaadhkaaga Qaxoonti Doonka, waxaad bixin doontaa kharash ka yar oo daryeeelka caafimaadka iyo daawooyinka qaar. Carrurta iyo da'yarta ka yar 18 sanno ee qaxoonti doonka ayaa xaq u leh noocyo daryeel bilaash ah oo la mid ah ka da'yarta kale ee degan Iswiidhan.

Dhamaan dadka qaxoontii doonka waxa lagu casuumayaa inay yimaadaan baadhitaan caafimaadka oo bilaash ah. Baadhitaanka caafimadka ayan saameyn doonin dalabkaaga qaxoontiga. Waa mid halkaa adiga kuu taala iyo in laguu suurogeliyo in aad hesho gargaar degdeg ah haddii aad u baahan tahay daryeel. Baadhitaanka caafimaadka waxa la hubinayaa in lagu siin doonaa talooyin ku saabsan arrimaha caafimaadka, kala doorashooyinka in tijaabo la sameeyo iyo macluumaad ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ee dalka Iswiidan. U sheeg shaqaalaha daryeelka caafimaadka haddii aad haysato wax curyaanimo ah, xanuun ah ama carqaladaha kale ee aad daryeelka khaaska uga baahan tahay.

Shaqaalah daryeelka caafimaadka uma shaqeeyaan Hay'ada Socdaalka iyadoo ay qabanayso xeerka sirhayntu.

Shaqada

Marka aad tahay qaxoonti, waxaad ka shaqeyn kartaa Iswiidhan iyadoo aanad u baahneyn ogolaansho shaqada haddii

  • dalabkaaga lagu eegaayo Iswiidhan
  • waxaad sameysay dadaal aad ku cadeynayso aqoonsigaaga
  • dalabkaaga ayaan loo eegin si cad oo sal laheyn.

Haddii aad buuxineyso shuruudahan, waxaad xaq u leedahay shaqo.

Haddii aad shaqeynaysay oo aad dalabkaagii qaxoontiga la soo diidey, waxaad sii wadan kartaa inaad shaqeyso ilaa dalka aad ka baxeyso, ama ilaa inta aad isku diyaarineyso inaad dalka ka baxdo. Haddii laguu soo ogolaadey deganaansho, taas micnaheedu waxa weeye inaad shaqada sii wadan karto.

Waxaad la xidhiidhi kartaa Hay'ada Adeega Shaqada Bulshada ee Iswiidhan (www.arbetsformedlingen.se) External link, opens in new window. si aad shaqo u raadsato.

Kaal­mada dhaqaa­laha

Haddii aadan fursad u helin inaad shaqayso ama aadan haysan wax lacag ah oo aad adigu leedahay, waxaad codsan kartaa lacagta gunnada ee maalinlaha ah. Lacagta kaaga timaada Hay'adda laanta socdaalka waxaa loogu talagalay inay ku filnaato cunto, dhar iyo kharashyada kale ee shakhsiga ah. Haddii aad lacag ka hesho Hay'adda laanta socdaalka, waxaa muhiim ah in aad u sheegto Hay'adda laanta socdaalka haddii dhaqaalahaagu isbeddelo, tusaale ahaan haddii aad shaqo hesho, ama haddii aad beddesho guriga. Waxaa dhicikarta in aan lagu siin lacagta gunnada ee maalinlaha ah haddii aad u guurto meela ay ka jiraan caqabadaha dhinaca bulshada iyo kuwa dhaqaaleba. Bogga migrationsverket.se/asyl waxaad ka arki kartaa in ciwaankaagu uu saameeyo. Waxa kale oo dhicikarta in aan lagu siin lacagta gunnada ee maalinlaha ah iyo taageerrda dhaqaale ee gaarka ah haddii aad sheegto ciwaan kale oo aan ahayn kan aad deggan tahay, tusaale ahaan ciwaanka sanduuqa boostada (postboxadress). In aad sheegto warbixin aan sax ahayn ama aad ka tagto macluumaad waxay noqon kartaa dambi waxayna keeni kartaa inay Hay'adda laanta socdaalku ay warbixin u gudbiso booliska.

Dugsi

Dhamaan carruurta iyo da'yarta qaxoonti doonka ayaa xaq u leh inay dugsiga iyo xadaanada aadaan. Dawlad hoose ee aad degan tahay ayaa carruurta iyo da'yarta qaxoonti doonka siisa dugsi iyo xadaanad xaalad la mid ah ta kuwa kale ee degan degaanka. Si dawlada hoose loogu dhib yareeyo inay boos dugsiga ka siiso ilmahaaga, waa inaad ogolaanshahaga inay Hay'ada Socdaalki dawlada hoose siiso macluumaadka sida magaca ilmahaaga, taariikhda dhalashada, luqada, wadanka uu ka soo jeedo iyo lambarka kiiska. Waxaad sidoo kale adigu la soo xidhiidhi kartaa dawlad hoose oo aad u sheegi kartaa in aad rabto in ilmahaagu uu tago dugsiga ama xadaanada.

Markaas qow weyn tahay, waxa laga yaabaa inaad bilowdo barashada Iswiidhishka Dadka Ajaanibka (SFI) marka lagu siiyo deganaanshaha Iswiidhan. Laakiin haddii aad rabto inaad barato Iswiidhish marka aad go'aan sugeyso, waxa jira ururada aan dawliga ahayn iyo ururo waxbarashada dadka waaweyn ah kuwaas oo Iswiidhan soo qaban qaabiya kooxo waxbarasho. Weydii kooxdaada kaabilaada waxaad fursado haysato ee inaad ka barato Iswiidhishka meesha aad degan tahay.

Ururada aan dawliga ahayn

Meelo badan waxqabadka dadka qaxoontiga waxa sameeya, tusaale ahaan, ururada aan dawliga ahayn, ururada waxbarasha dadka waaweyn iyo kiniisadaha. Shaqaalaha jooga Xafiisyada Socdaalka ayaa ku siin kara macluumaad waxa ururo ka jira meesha aad degan tahay. Ururada oo dhan lagama wada helo magaalooyinka yaryar. Weydii waaxda qaabilaada haddii aad rabto inaad la xidhiidho urur ahmiyad gaara wax siiya.

Baadhitaanka qaxoontiga

Baadhitaanka qaxoontiga ayay kuu suurtogal tahay inaad noogu sheegto, iyadoo turjumaan la isticmaalaayo, wax dheeraad ah sababta aad qaxoonti ugu dalbanayso, taasi waxa weeye, sababta aad ugu Iswiidhan uga dalbanayso qaxoontiga. Adiga ayuunbaa og sababta aad uga soo tagtey wadankaad ku dhalatey. Waxa muhiim ah, sidas daraadeed, inaad markaa noo sheegto wax kasta oo kugu dhacay wadankaaga iyo waxa aad is leedahay waa uu kugu dhici haddii qadab laguugu celiyo. Waa inaad noo sheegto waxa adiga kugu dhacay oo sax ah, ee aan kaliya aheyn xaalada wadankaaga aad ka soo jeedo.

Hay'ada Socdaalka ayaa kaliya sameyn karta qiimeyn sax ah oo sababahaaga haddii aad wax kasta noo sheegto oo muhiim u ah go'aankaaga aad kaga soo tagtey wadanka aad ka soo jeedo. Sarkaalka kiiska ayaa kaa caawin doona isagoo su'aalo kaa weydiin doona si uu ugu ogaado waxa muhiimka u ah dalabkaaga.

Haddii aad haysato wax dokumentiyo ah ama wax kale oo taageeraaya waxaad sheegeyso, waa inaad kuwaas u soo qaadato baadhitaanka qaxoontiga. Waxa muhiim ah, in Hay'ada Socdaalku ay qoraalada hesho iyagoo turjuman.

Waxyaalaha ay adag tahay in laga hadlo

Waxyaalaha qaarkood waa ay adag tahay in laga hadlo, laakiin waxay noqon karaan muhiim in la noo sheego. Sarkaalka kiiska waxa qabanaysa xeerka sir haynta isagoo kaliya gudbin kara wax aad u sheegtey kuwa kale ee iyaguna ka shaqeynaaya dalabkaaga. Turjumaanka waxa qabanaaya isla xeer la mid ah ka sarkaalka kiiska oo sir haynta ah. Haddii aad u baahan tahay waxaad dalban kartaa in aad biririf qaadato baadhitaanka dhexdiisa.

Haddii aad dooneyso sarkaalka kiiska oo nin ah ama gabadh ah, waa inaad noo sheegto taas wakhti ka hor baadhtaanka.

Kaalmada sharciga

Dadka qaxoonti doonka intooda bdan waxay xaq u leeyihiin inay helaan la taliye bulshada. Haddii aad xaq u leedahay la taliyaha bulshada, ayaa Hay'ada Socdaalku kuu qaban doontaa qareen tabo baran kaas oo ilaalin doona danahaaga oo ku siin doona caawimo sharci xiliga ay Hay'ada Socdaalku eegeyso kiiskaadalabkaaga.

Hay'ada Socdaalku ayaa qabata oo lacagtiis bixisa la taliyaha sharciga, laakiin la taliyaha sharcigu waxay u shaqeeyaan si ka madax banaan Hay'ada Socdaalka iyo hay'adaha kale. Waxaad soo jeedin kartaa qof aad rabto ama waxaad dalban kartaa in nin ama gabadh la taliyaha sharciga laguu qabto. Noo sheegto taas wakhti wanaagsan ka hor baadhtaanka. Xataa haddii aanad xaq u laheyn qareenka sharciga oo ay kaa bixiso Hay'ada Socdaalku, waxaad dooran kartaa inaad qabsato la taliye sharciga oo aad iska bixiso.

Shaqad iyo doorka turjumaanka

Turjumaanku waxa uu ka qeyb qaataa kulamo badan oo ay Hay'ada Socdaalku qabato isagoo turjumaana waxa la yidhi. Marmarka qaarkood ayaa turjumaanku meesha joogaa marmark qaarna waxa uu kaga qeyb qaataa telefoonka ama shaashada. Ka fikir inaa kala googeyso hadalka, si aad ugu suurto galiso turjumaanka inuu gudbiyo waxa aad sheegtey. Sug ilaa inta u isagu ama iyadu ay turjumeyso ka hor inta aanad mar labaad bilaabin hadalka.

Turjumaanadu waa inay raacaan xeerar gaar ah. Ka hor inta aanu turjumaanin, turjumaanku waa inuu u sheegaa labada dhinacba doorkooda, masuuliyadooda sir haynta iyo xilka ka saaran inuu turjumo dhamaan waxa laga sheegay qolka. Turjumaanadu waxay turjumaan waxa kasta oo aad sheegto, iyagoo aan waxba ku dareyn waxna ka jareyn. Turjumaanadu waa inay dhexdhexaad noqdan, taas oo ah waa in aanay sheegin aragtidooda siyaasda, diinta ama wax kale. Turjumaanadu waa inay dhexdhexaad noqdaan. Taas micnaheedu waxa weeye in turjumaanku aanu soo dhex galin, ama isku dayin inuu cid caawiyo, ama tuso inuu cid raacsan yahay xiliga wada hadalka.

Waxa aad muhiim u ah inaad noo sheegto haddii aanad fahmeyn turjumaanka, ama aanad ku qanacsaneyn isaga ama iyada sababo kale dartood. Waa inaad kulanka hakiso oo aad turjumaan kale dalbato. Wakhti fiican ka hore baadhitaanka waa noo sheegto haddii aad dooneyso turjumaan nin ah ama gabadh.

Go'aanka

Haddii laguu soo ogolaadey dega­naansho

Haddii laguu soo ogolaadey deganaansho, waxaad ku noolaan kartaa oo aad deganaan kartaa Iswiidhan. Marka lagu siiyo daganaanshahaaga, waa inaad u tagto Swedish Tax Agency (Skatteverket), halkaa oo lagugu dari doono Diiwaanka Bulshada iyadoo lagu siin doono lambarka aqoonsiga shakhsiga. Si loo cadeeyo daganaanshahaaga waxa lagu siin doonaa kaadh degaansho rasmi ah oo ka socda Hay'ada Socdaalka. Kaadhka waxa loo soo dirayaa waaxdaada qaabilaada.

Deganaanshaha nooca ugu badan ee dadka dalbada qaxoontiga la siiyo Iswiidhan waa deganaansho kumeelgaadh ah, kaas oo shaqeeya hal ama saddex sanno.

Kord­hinta ogolaans­haha

Marka uu deganaanshahaaga kumeel gaadhki dhaco, ayaad dalban kartaa in kordhin. Waxa muhiim ah in la dalbado ka hor inta aan deganaanshahaaga kumeel gaadhki ahi dhacin, laakiin ka hor saddex bilood ka hor.

Waxaad laguu korshin karaa deganaanshaha haddii aad wali u baahan tahay ilaalo.

Haddii dalab­kaaga la soo diido

Diidmo micnaheedu waxa weeye in ay Hay'ada Socdaadlku goysay in aand haysan sababo kugu filan oo aad ku sii joogto Iswiidhan. Haddii dalabkaaga la soo diido, waxaad haysataa laba fursadood: ama waxaad ogolaan kartaa go'aanka ama waxaad ku laaban kartaa wadankaad ka soo jeedo, ama ambiil ayaad qaadan.

Haddii dalabkaaga qaxoontinimada la soo diido, waxaad heli doontaa go'aan diidmo soo galitaan ah ama mustaafuris. Taasi waxay caadi ahaan shaqeysaa afar sanno marka laga soo bilaabo taariikhda go'aanku uu bilaabmaayo. Haddii aad ku soo laabato Iswiidhan xiligaas, wxa laga yaabaa in lagu diido inaad soo gasho ama lagaa mustafuriyo mar labaad. Mararkas, ayaanad xaq u laheyn in kiiskaaga la eego mar labaad ama kaalmo ka socota Hay'ada Socdaalka.

Xaq u loahaans­haha hoyga iyo kaal­mada dhaqaa­laha ayaa istaa­gaaya

Haddii dalabkaaga qaxoontiga la soo diidey, ayaanad xaq u sii lahey inaad hesho kaalmo dhaqaale. Taasi waxay khuseysaa dadka waaweyn ee aan la deganeyn carruurta ka yar 18 sanno da' ahaan
oo ay masuul ka yihiim. Kaalmada dhaqaalaha waxa looga jeedaa, tusaale ahan gunada maalinlaha iyo hoyga ay ku siiyeen Hay'ada Socdaalku. Xaq u lahaanshahaagu waxa uu istaagayaa marka go'aanka diidmada galitaanka ama mustaafuriska uu hawl galo ee aanad ambiil ka qaadan karin, ama marka wakhiga looqabtey inaad kaligaa iskaga baxdo wadanku uu dhaco. Waa inaad markaa ka tagto Iswiidhan.

Qoysaska carruur haysto waa ku sii noolankaran guryaha ku meelgaarka oo Hey’adda socdaalka iyo xaq wey u lahaan lacagta nolol maalmeedka ilaa inta ey Iswiidhan ka tagaayaan ama sabab kale darteed looga saari kamid ahaanshada xafiiska qaabilada oo hey’adda socdaalka.

Haddii aad doonayso inaad ambiil ka qaadato

Haddii aad doorato inaad ambiil ka qadato, taas micnaheedu waxa weeye waxaad maxkamad weydiisaneysaa inay go'aanka dib u eegto. Waa inaad ambiilkaaga u soo dirto Hay'ada Socdaalka. Waa inay Hay'adu hesho ka hor inta aanu go'aanku meel marin, kaas oo ah saddex todobaad ka dib marka laguu sheegay go'aanka. Haddii aad haysato la taliyo sharci, isaga ama iyada ayaa ku caawin karta.

Hay'ada Socdaalka ayaa eegi doonta ambiilkaaga marka hore, si ay ugu eegto in go'aanka la bedelo. Haddii ay Hay'ada Socaalku aanay u arag in go'aanka loo baahan yahay in la bedelo, waxay ambiilkaaga u gudbin doontaa maxkamada socdaalka, taas oo eegi doonta kiiskaaga. Haddii aanad ku raacsaneyn maxkamada go'aankeeda, waxaad weydiisan kartaa Maxkamad Sarre ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) inay eegto kiiskaaga.

Migrationsöverdomstolen ayaa kaliya eegi doonta kiisas gaar ah kuwaas oo muhiim u ah inay hagaan xukunada mustaqbalka. Haddii lagugula taliyey in aanay Migrationsöverdomstolen eegeyn kiiskaaga ambiilka, ayaa go'aanku isla markaaba shaqeynayaa.

Haddii aad is bedesho oo aad rabto inaad la soo laabato ambiilkaaga, waxaad weydiin kartaa Hay'ada Socdaalka inaad aqbalayso go'aanka diidmada. Markaas ayaa maxkamadu baajin doontaa ambiilkaaga iyadoo aan la eegi doonin.

Laabashada

Waxaad haysataa wakhti aad kaga baxdo wadanka adigoo is debaraaya marka laga soo bilaabo taariikhda uu go'aanka lagu diidaayo dalabkaagu uu bilaabmaayo. Go'aanku waxa uu kuu sheegayaa wakhtiga aad haysato inaad wadnka kaga baxdo inta uu leegyahay iyo inay adiga masuuliyadaada tahay inaad wadanka ka baxdo. Waxaad kaalmo ka heli kartaa Hay'ada Sodaalka si aad ugu laabato wadankaa aad ka soo jeedo ama wadan kale oo aad xaq ugu leedahay inaad ku noolaato. Hay'ada Socdaalka ayaa kaa caawin karta tusaale ahan, xidhiidhad wadankaaga aad ka so jeedo ama inay kuu buukin-gareyso safarkaaga.

Dadka waar ayaa laga yaabaa inay helaan kaalmo dhaqaale inay wadanka ay ka soo jeedaan dib ula qabsadaan, sida caawimada sharci, ama inay ka caawiso inay suuqa shaqada ee wadankaaga ay ka soo jeedaan soo galaan. Weydii shaqaalaha kiiska wax loo yaqaan gargaarka dib ula qabsiga haddii aad rabto inaad wax dheeraad ah ogaato.

Mamnu­u­cida dib u soo galida

Haddii aanad dalka ka bixin wakhtiga laguu qabtey go'aankaaga, waxa lagu saari doonaa mamnuucid dib u soo galista. Markaas ayaan laguu ogolaan doonin inaad dib u soo gasho wadamada Shengenka, Bulgaria ama Romania wakhti ilaa hal sanno ah. Waxa muhiim ah inaad ogtahay marka aad ka baxayso wadanka.

Waxaad sidoo kale mamnuucid dib u soo galista ka heli kartaa haddii ay Hay'ada Socdaalku u aragto in aanad iskaa u bixin karin.

Haddii aad hesho go'aan diidmo inaad soo gasho oo ay tahay in si degdeg ah loo hirgaliyo, waxa markasta lagu siin doonaa mamnuucid inaad dib u soo gasho.

Haddii aanad la shaqeyn

Haddii Hay'ada Socdaalku ay rumeysan tahay in aanad kala shaqeyneyn sidii aad wadankaad ka soo jeedo ugu laaban, waxaad lumin doontaa gunada maalinlaha. Hay'ada Socdaalka ayaa laga yaabaa ina kormeer ku saarto ama ku xidho. Kormeer saaristu waa iyadoo aad iska soo xaadiriso wakhti iyo meel gaar ah. Waxa sidoo kale lagugu qasbi karaa inaad dhiibto baasabooorkaaga ama aqoonsiga kale. Xadhigu waxa weeye in aad ku noolaato meel xidhan oonad ka bixi karin.

Haddii Hay'ada Socdaalku ay u aragto in aanay suurtogal aheyn in la meelmariyo diidmada soo galitanka ama mustaafuriska sabab ah in aanad la shaqeyneyn, ayaa booliiska qaadan doonaa masuuliyada lagu hubinaayo inaad ka baxdo dalka. Booliiska ayaa leh xuquuqda uu kuugu yeedhaayo oo uu kugu raadinaayo adiga iyadoo ay kugu qasbi karaan inaad dalka ka baxdo.

Maclu­u­maad cusub

Haddii macluumaad cusub la keeno kadib marka aad heshay diidmad kama danbeysta, Hay'ada Socdaalku waa inay qiimeyso in macluumaadka cusub ay tahay inaan lagu eryi karin. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa in xaalada dalkaaga aad ka soo jeedo ay ka sii dartey ama in aad xoog u xanuunsatey. Hay'ada Socdaalku waxay eegi kartaa iyada dadaalkooda ama kadib marka aad adigu ka codsato Hay'ada Socdaalku inay sidaas sameyso.

Haddii aad doonayso inaad wax badan ogaato

Waxa lagugu casuumi karaa kulmo dhowr ah halkaas oo lagu siin doono waxa muhiimka ee aad u baahan tahay inaad ogaato marka aad sugeyso.

Sarkaalka kiiska ee xarunta dalabka ayaa kuu sheegi doona nooca caawimad aad heli karto, tusaale ahaan hoygaaga, dhaqalaha, daryeelka caafimaadka iyo aadida dugsiga ee carruurtaada.

Waaxda dalabka waxaad heli doontaa oo aad diiwan galin doontaa dalbkaaga qaxoontiga. Xarunta qaabilaadku waxay kugu marti qaadi doontaa kulan kooxeed iyadoo lagu siin doono macluumaad degaanka oo ku sabsan meelaha aad degan tahay.

Qeybta qaabilaada waxay sidoo kale kugu casuumi adiga kulan marka uu jira wax cusub oo kiiskaaga lagaaga sheegaayo. Xarunta qaabilaadu ayaa sidoo kale kula soo xidhiidhi doonta marka aad go'aan hesho, si aad ugu hesho macluumaad ku sabsan waxa uu go'aanku yahay iyo waxaad u baahan tahay inaad sameyso.

Haddii aad qabto wax su'aalo ah, waxaad weydiin kartaa xarunta qaabilaadaada ama waxaad soo wici kartaa Waaxda Adeega Macaamiisha ee 0771-235 235. Saacadaha telefoonka ee Qeybta Adeega Macaamiisha waa Isniinta ilaa Jimcaha, 08.00–16.00.

Waxaad wax dheeraad ah ka akhriyi kartaa www.migrationsverket.se/asylum-somali.

Waxaad www.informationsverige.se External link, opens in new window. wax dheerad ah oo ku sabsan sida ay bulshada Iswiidhan u shaqeyso.

Haddii aad qabto baahi degdeg ah oo booliiska, abmulaanka ama dabdemiska ah waa inaad wacdo 112.

Haddii aad rabto inaad arin aan degdeg ahey kala hadasho booliiska waa inaad wacdo 114 14.

Haddii aad qabto wax su'aalo ah, oo ku sabsan caafimaadka ama daryeelka caafimaadka, waxaad soo wici kartaa 1177.

Last updated: