The Swedish Migration Agency logotype

Wuxuu khuseeyaa qofka carruurta ah ee codsanaya magangelyo

För dig som är barn och har sökt asyl – somaliska

Boggagani waxay khuseeyaan qofka carruurta ah ee intuu Iswiidhan yimid ka codsaday magangelyo (ilaalin). Waxaa xitaa bogaggan isticmaali kara qofka raba inuu waxbadan ka ogaato waxa ay magangelyadu tahay iyo sida loo dalbado magangelyada.

Halkan waxaanu ku sharaxaynaa talaabooyinka uu qofku u marayo magangelyo doonimada.

Qaarkood waxay khuseeyaan qofka magangelyo doonka ah ee ay la socdaan waalidkii ama qofkale oo mas’uul ka ahi (oo af ingiriis).

Qayb kalena waxay khuseysaa qofka magangalyo doonka ah ee aanay la socon waalidkii ama qofkale mas’uul ka ahi.

Maclu­u­maad fudud oo loogu tala­galay carru­urta yar yar

Appka "Migrationsverket Stories" waxaad adigu ku ogaan doontaa sida loo dalbado magangalyo iyo xuquuqda ay leeyihiin carruurta magangalyo doonka ah ee Iswiidhan ku nool. Waad kala dooran kartaa haddii aad rabto inaad ku dhageysato luqadda iswidishka, ingiriiska, carabiga, soomaaliga, beershiyanka ama albaaniga. Appka waxa lagu heli karaa iPhone iyo Android wuxuuna ku habboon yahay carruurta da'doodu tahay toddobo ilaa kow iyo toban sano.