Markaad 18 jirsato

När du blir 18 år – somaliska

Sida uu dhigayo sharciga Iswiidhishku waxaad tahay qof weyn markaad 18 jir gaadho. Taas macneheedu waxa weeye in aanad xaq u lahayn taageerada iyo caawimada ay heleyaan carruurta aan lala socon ee keligood waddanka yimaada, codsigagana waxaa loo tixgelinayaa sida sharciyada magangelyo doonka ee dadka waaweyn.

Wax yar ka hor intaadan gaarin 18 sano ama iyadoo lala xiriirinayo haddii Hay'adda laanta socdaalku ay go'aamiso in da'daada la beddelo oo laga dhigo inaad ka weyn tahay18 sano, waxaa markaa laguugu yeeri doonaa shir halkaas oo lagugu siin doono warbixin ku saabsan sida ay xuquuqdaada iyo waajibaadkaagu isu beddeleyaan markaad gaarto 18 jir.

Qofka ilmaha mas’uulka looga dhigo (god man)

Faraqa muhiimka ah ee u dhexeeya markuu qofku yahay ilmo yar oo keligii waddanka yimid oo aan lala socon iyo qofka weyn ee magangalyo doonka ah ayaa ah in aanad adigu inta badan xaq u lahayn in laguu qabto qof kaa mas’uul ah (en god man) markaad buuxiyo 18 sano. . Hawsha uu qabanayo qofka mas’uulka laga dhigo ayaa dhammaata maadaama aad noqotay qof qaan-gaar ah oo aan u baahnayn qof kaa mas'uul noqda. . Adiga ayaa mas’uul ka noqonaya xiriirada aad la leedahay hay’addaha oo saxeexanaya waraaqaha dhammaantood.

Guri

Hay'adda laanta socdaalka ayaa mas'uul ka ah inay guri ku meelgaar ah u habayso dhammaan dadka waaweyn ee magangalyo doonka ah ee u baahan. Degmada aad ku nooshahay waxay ka dalban kartaa Hay'adda laanta socdaalka inay la wareegto mas'uuliyadda habaynta guri ku meelgaar ah isla marka ay degmadu hesho warbixin ah inaad buuxisay 18 jir ama ay Hay'adda laanta socdaalku da'daada u beddesho inaad ka weyn tahay 18 jir. Tani waxay xitaa dhici kartaa haddii aad racfaan ka qaadato go'aanka ay Hay'adda laanta socdaalku ku beddeleyso da'daada.

Haddii aad u baahato inay Hay'adda laanta socdaalku kaa caawiso guri ku meelgaar ah, markaa ma dooran kartid meesha aad degi doonto. Waad ku khasban tahay inaad u guurto meel ay Hay'adda laanta socdaalku ku leedahay guryo bannaan. Hay'adda laanta socdaalku waxay isku deyeysaa inay guri kaaga hesho meel u dhow degmadii aad markii hore deggenayd, laakiin ma jirto wax dammaanad ah inay taasi suurto geleyso .

Waxa kale oo aad dooran kartaa in aad adiga laftaadu habaysato guri, tusaale ahaan in aad la degto qaraabo ama saaxiibo. Markaa waa inaad adigu iska bixisaa kharashka guriga.

Kala hadal qaybta soo dhowaynta ee adiga ku qaabilsan haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo habaynta guriga.

Ka akhriso warbixin bada oo ku saabsan guryaha ku meelgaarka ah ee Hay'adda laanta socdaalka ee dadka waaweyn

Dhaqaalaha

Marka aad gaarto 18 sano, adiga ayaa mas'uul ka ah dhaqaalahaaga.

Ka akhriso warbixin badan oo ku saabsan nooca kaalmada dhaqaale ee aad ka heli karto Hay'adda laanta socdaalka

Caafimaadka- iyo daryeelka bukaanka iyo daryeelk ilkaha

Carruurta magangelyo doonka ahi waxay xaq u leeyihiin daryeel ilko iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah. Hase yeeshee qofka waaweyn ee magangelyo doonka ahi wuxuu xaq u leeyahay oo keliya inuu helo daryeel caafimaad iyo daryeel ilko oo degdeg ah oo aanu sugi karin Shaqaalaha jooga dhakhtarka, rugta caafimaadka ama rugta daryeelka ilkaha ayaa qiimaynaya in lagu siiyo daryeel caafimaad.

Dadka waaweyn ee magangelyo doonka ahi waa inay bixiyaan kharashka booqashooyinka dhakhtarka iyo daawooyinka. Tus kaarkaaga LMA-ga markaa waxaad bixinaysaa qiimo hoose.

Ka akhriso warbixin badan oo ku saabsan daryeelka caafimaadka dadka waaweyn ee magangelyo doonka ah

Dugsiga

Qofka wax ka barta dugsiga sare waxa uu xaq u leeyahay inuu sii wadato waxbarashada inta uu sugayo go'aanka codsigiisa ee magangalyada. Xaq ayuu qofkaasi u leeyahay inuu sii wadato waxbarashadiisa dugsiga sare xitaa haddii uu u guuro mid ka mid ah guryaha ku meelgaarka ah ee ay Hay'adda laanta socdaalku ku leedahay degmo kale.

Haddii aanad wax ka baran dugsiga sare laakiin aad weli rabto in aad wax barato inta aad go'aan sugayso, waxaad weydiin kartaa qaybta soo dhaweynta ee adiga ku qaabilsan "dadaalo wakhti hore ah oo loogu talagalay magangalyo doonka" (waxa sidoo kale loo yaqaanaa TIA).

Ka akhriso warbixin badan oo ku saabsan aktiifiteetyada inta aad sugayso go'aanka

Haddii codsigaaga diidmo lagaa siiyo

Haddii aad buuxiso18 sano, daruuri ma aha in qaraabo ama ay hay'addi ku qaabisho markaad waddankaagii ku noqonayso.

Haddii aad heshay go'aan aad ku noqonayso, waa inaad Iswiidhan uga baxdaa wakhtiga kama dambaysta ah ee go'aanka ku yaala, ama si dhakhso ah haddii aanay ku qoranayn wakhti kama dambays ah oo aan go'aanka laga dacwoon karin. Haddii aanad ka bixin Iswiidhan muddadaas, waxaa jirta khatar ah in lagugu soo rogo waxa loogu yeero mamnuucidda dib u soo noqoshada, taas oo ah, in aan laguu oggolayn inaad dib ugu soo laabato Iswiidhan 1-5 sano gudahood.

Waxa aad xaq u leedahay in aad hoy iyo taageero dhaqaaleba ay ku siiso Hay'adda laanta socdaalku ilaa wakhtiga kama dambaysta ah ee dib u laabashada ikhtiyaariga ahi ay khuseyso, ama marka aan go'aanka laga dacwoon karin haddaan lagu siin wakhti kama dambays ah. Qofka ku leh carruur uu isagu dhalay oo sidoo kale magangalyo Iswiidhan ka codsaday wuxuu xaq u leeyahay in taageerada uu ka heleyo Hay'adda laanta socdaalka loo dheereeyo.

Hay'adda laanta socdaalka ayaa kaa caawin doonta diyaarinta safarkaaga ilaa inta ay wada shaqayni idinka dhaxayso.

Ka akhriso warbixin badan oo ku saabsan waxa dhaca marka qof weyn oo magangalyo doon ah codsigiisa la diido

EU-logotyp

Last updated: