Qofka magang­elyo doonka ah ee aanay la socon waalid ama qof kale mas’uul ahi

Till dig som söker asyl utan förälder eller annan vård­nads­ha­vare – somaliska

Macluumaadkan waxaa loogu talagalay qofka yimid isagoo aanay la socon waalidkii, qofkaas oo magangelyo ( ilaalin) ka codsaday Iswiidhan.

Halkaan waxaanu ku qeexaynaa tallaabooyinka uu marayo qofka magangelyo doonka ahi, sida ay Hay'adda laanta socdaalku u go'aaminayso qofka xaqa u leh magangalyada, iyo taageerada magangalyo doonka carruurta iyo dhallinyaradu ay xaqa u leeyihiin.

Macluumaadka waxaa isticmaali kara qofka magangelyo doonka ah, iyo dhalinyarada kale ee rabta inay wax badan ka ogaadaan waxa ay tahay magangalyadu iyo sida loo codsado magangalyada, ama dadka waaweyn ee raba inay caawiyaan si ay ugu sharxaan habka magangalyada carruurta iyo dhalinyarada.

Macluumaadka waxaa loo akhriyi karaa siyaabo kala duwan. Waxaad akhrin kartaa wax walba laga bilaabo bogga koowaad ilaa kan ugu dambeeya si aad u ogaato waxa dhacaya markaad codsato magangalyo. Ama waxaad akhrisan kartaa qaybta markaas adiga kuugu muhiimsan.

Si aad u codsato magan­galyo

Kulanka ugu horreeya ee aad la yeelato Hay'adda laanta socdaalka, waxaad ka jawaabi doontaa su'aalo badan, waxaad heleysaa warbixin ku saabsan habka magangalyada, sidoo kale waxaa lagu siinayaa caawimo si aad u wacdo waalidkaa ama qaraabadaada si aad ugu sheegto meesha aad joogto iyo sida aad tahay.

Iyadoo uu turjubaan ku caawinaya ayaa waxaad tusaale ahaan sheegi kartaa

  • qofkee adigu tahay
  • luqaddee ayaad ku hadashaa
  • ku saabsan qoyskaaga
  • sidee adigu tahay
  • sidee ayaad ugu soo safartay Iswiidhan
  • sababta aad uga soo tagtay waddankaagii iyo waxa aad u malaynayso inay dhici doonaan haddii aad dib ugu laabato
  • Haddii aad Iswiidhan ku leedahay saaxiibo ama qaraabo aad rabto inaad la noolaato ama ku dhowaato.

Haddii aad leedahay baahiyo gaar ah, sida naafonimo, waa inaad noo sheegtaa. Haddii naafanimadaadu ay dhibaato kugu keenayso la hadalka Hay’adda laanta socdaalka, waxaad xaq u leedahay in lagu caawiyo.

Shaqaaluhu waxay ku weydiinayaan arrimahan si ay kuugu diiwaangeliyaan nidaamka kumbiyuutarka ee Hay'adda laanta socdaalka, iyo inay diyaariyaan codsigaaga waraysiga baaritaan. Su'aalo isku mid ah ayaad kala kulmi doontaa Hay'adda laanta socdaalka iyo degmada aad degi doonto labadaba. Sababtu waxaa weeye Hay'adda laanta socdaalka iyo degmadu waxay leeyihiin nidaamyo kumbiyuutar oo kala duwan.

Baari­taanka magan­galyo doonka

Baaritaanka magangalyadu waa wada hadal aad adigu wax badan kaga sheegi doonto sababta aad magangelyo uga rabto Iswiidhan. Hay'adda laanta socdaalku waxay rabtaa inay maqasho sheekadaada ku saabsan wixii aad soo martay iyo waxa aad u malaynayso inay kugu dhici doonaan haddii ay khasab noqoto in dib laguu celiyo.

Qareenkaaga guud waa inuu ku raacaa maalinta baaritaanka/interfiyuuga magangalyada. Qofka mas’uulka kaa ah waa loo ogolyahay inuu ku soo raaco. Baaritaanka/su’aalaha waxaa mas'uul ka ah qof ka socda Hay'adda laanta socdaalka, wuxuuna warqad borotokool ah ku qori doonaa waxa aad sheegaysaan. Mararka qaarkood waxaa dhici karta in labo qof oo ka tirsan Hay'adda socdaalka ay wada sameeyaan baaritaanka, markaas waa hal qof oo su'aalaha weydiinaya, iyo kan kalena oo wax qoraya. Turjubaan ayaa turjumaya waxa aad sheegeysaan si aad isu fahantaan. Turjubaanku wuxuu fadhiyi karaa qolka ama wuxuu kaga qaybqaadan kara muuqaal ama telefoon.

Waxy­aa­baha ay adag­tahay in laga hadlo

Baaritaanka/su’aalaha magangalyadu waxay qaataan inta u dhexeysa laba ilaa seddex saacadood waxaana lagu weydiin doonaa su'aalo ku saabsan waxyaabo laga yaabo inay adagtahay ama laga yaabo inay xun yihiin in laga hadlo. Waa muhiim in aad runta u sheegto hay'adda laanta socdaalka, xitaa haddii ay adag tahay. Haddii aad u baahan tahay inaad nasato, waad codsan kartaa.

Markay Hay'adda laanta socdaalku ay baarayso sababahaaga magangalyo doonimada, qofka kiiska gacanta ku haya ayaa isku dayeya inuu baarista/su’aalaha waafajiyo isagoo fiirinaya da'daada, qaan-gaarnimadaada iyo caafimaadkaaga. Haddii aanad fahmin su'aal, waa inaad u sheegtaa. Sidoo kale waa muhiim inaad sheegto haddii aanad fahmin turjubaanka.

Baaritaanka/su’aalaha magangalyada, waxaa lagu weydiin doonaa su'aalo ku saabsan aqoonsigaaga, qoyskaaga, wixii aad ku soo martay waddankaagii, sida aad ku timid Iswiidhan iyo waxa aad u malaynayso inay dhici doonaan haddii aad dib ugu laabato. Waxay u badan tahay inaad hore u maqashay su'aalahan, laakiin hadda waxaad fursad u haystaa inaad sheegto wax aad uga badan intii aad hore ugu sheegtay Hay'adda laanta socdaalka. Qofka arrinta gacanta ku hayaa wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo dabagal ah oo wuxuu kaa codsan doonaa inaad faahfaahin dheeraad ah ka bixiso si aanu kuu fahamno waxa aad sheegayo. Iskuday inaad si fiican uga jawaabto su'aalaha oo dhan intii aad awooddo. Haddii su'aal isku mid ah lagu weydiiyo dhowr jeer, macnaheedu maaha inaad si khaldan uga jawaabtay, ee laakiin qofka kiiska gacanta ku haya ayaa u baahan macluumaad dheeraad ah oo runtii raba inuu fahmo sheekadaada.

Haddii aad hayso wax caddaymo ah, waa inaad u soo qaadataa maalinta baaritaanka/su’aalaha Waxay noqon karaan dukumentiyo aqoonsi ama waxyaabo kale oo muujinaya in waxa aad sheegaysaan ay run yihiin.

Baari­taanka/​su’aa­laha ka dib

Baadhitaanka/su’aalaha ka dib, qofka kiiska gacanta ku hayaa wuxuu qoraalkii uu qoray u dirayaa qareenkaaga guud, si aad isaga, adiga iyo qofka kaa mas’uulka ahi aad u dhexmartaan wixii la qoray. Haddii ay jiraan khaladaad, ama haddii aad u aragto inuu qofkii kiiska gacanta ku hayey ama turjubaankii ay si khalad ah kuu fahmeen, waxaa muhiim ah in qareenkaagu uu si degdeg ah u ogeysiiyo Hay'adda laanta socdaalka si loo saxo - haddii kale waxaa laga yaabaa inay kugu adkaato inaad sharaxdo waxa saxda ah wakhti danbe. Sidoo kale u sheeg qareenkaaga haddii aad soo xusuusato wax muhiim ah oo aad illowday inaad u sheegto maalintii baaritaanka/su’aalaha.

Go’aan

Hay'adda laanta socdaalka ayaa go'aan ka gaaraysa in magangelyo lagaa siiyo Iswiidhan iyadoo eegaysa wax walba oo aad u sheegtay iyo waxaad tustay, iyo waxa aanu ka ognahay xaaladda dalkaaga hooyo. Kadibna waxaa la barbar dhigayaa sida uu sharcigu ka qabo qofka magangelyo ka helaya Iswiidhan.

Waxaa lagugu wargelinayaa inay Hey'adda laanta socdaalku go'aan ka gaartay codsigaagii magangalyada iyada oo adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah (gode man) laydinku yeerayo kulan, ama in go'aanka guriga laguugu soo dirayo oo uu boostada kuugu imanayo. Xitaa haddii go'aanka boostada laguugu soo diro, adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah (gode man) waxaa laydinku yeeri doonaa kulan halkaas oo qofka kiiskaaga gacanta ku hayaa uu kuu sharaxi doona go'aanka iyo waxa dhacay go’aanka kadib. Go'aanka magangalya doonku wuxuu ku qoran yahay luqadda iswiidhishka, laakiin qofka kiiska gacanta ku haya ka tirsan qaybta qaabbilaada (mottagningsenheten) ayaa kuu sharraxaya isaga oo kaashanaya turjumaan macnaha ay leedahay.

Qofka kiiska gacanta ku haya ee kuu sheega go'aanka waxaa laga yaabaa in aanu ahayn qofkii ku waraystay ee go'aanka gaaray. Had iyo jeer waa laba qof ayaa si wadajir ah go'aanka u gaara. Waa si aanu annagu u hubinno inuu noqon doono go'aan sax ah. Dadka kiisaska gacanta ku haya ee Hay'adda laanta socdaalka looma oggola inay go'aan ka gaaraan sida ay iyagu wax u rabaan, ee laakiin waa inay raacaan sharciga.

Haa ama maya

Haddii codsigaaga magangalya doonka haa la yiraahdo, waxaad heli doontaa sharci deggenaansho ah, waxaadna xaq u leedahay inaad Iswiidhan joogto.

Haddii codsigaagii magangalyada maya la yiraahdo, waxaa loo yaqaannaa in codsigaagii la diiday.

Qofkee magang­elyo heli kara?

Sharciga iswiidhan wuxuu dhigayaa qofka magangelyo ka heli kara Iswiidhan. Hay'adda laanta socdaalku waxay tijaabinaysaa/eegaysaa in sababaha aad sheegtay ay ku filan yihiin in magangelyo lagu siiyo . Waddanka Iswiidan dhammaan codsiyada ku saabsan magangalyo doonka Hay'adda laanta socdaalka ayaa si shakhsi ahaan ah u baarta. Wuxuu qofku heli karaa sharci deggenaansho haddii uu qofku yahay qaxooti, ama taa beddelkeeda u baahan yahay gabbaad/ilaalo ama haddii uu u baahan yahay inuu ku joogo wadanka sababo kale.

Qaxooti

Marka loo eego heshiiska qaxootiga ee Qaramada Midoobay iyo sharciga Iswiidhishka, waxaad tahay qaxooti haddii aad haysato sabab keenaysa inay jirto cabsi ah in lagugu dhibaateeyo.

  • jinsiga
    – tusaale ahaan, midabka maqaarkaagu leeyahay
  • dhalashada
    - tusaale ahaan, jinsiyadaada, luqaddaada ama qolada aad koox ahaan ka soo jeedo
  • diinta
    – Ilaaha aad rumaysan tahay,ama aanad ilaahba rumaysnayn
  • aragtida siyaadadeed
    – tusaale ahaan, aragtidaada ku saabsan sida dalkaaga hooyo loo hogaaminayo
  • lab ama dhedig
    – inaad tahay gabar ama wiil
  • nooca galmada aad tahay
    – tusaale ahaan haddii aad tahay gabar hablaha jeceyl ama wiil wiilasha jecel
  • inaad ka tirsan tahay koox bulsho oo gaar ah
    – Mararka qaarkood carruurta waxaa lagu tirin karaa koox bulsho oo iyaga u gaar ah.

Mararka qaar waa dadka dalka ka taliya ee dadka silciya ee u hanjaba si ay dadku uga cararaan. Laakiin waxa kale oo uu qofku codsan karaa magangelyo haddii ay yihiin dad ama kooxo gaar ah kuwa dadka silcinayaa, oo aanay hay’addaha dalkaaga hooyo (tusaale ahaan booliisku) awood u lahayn ama aanay doonayn inay ilaaliyaan oo ay caawiyaan qofka dhibbanaha ah.

Kuma filna inaad qayb ka ahayd cadaadis noocan oo kale ah. Sidoo kale waa inay jirto khatar weyn oo ah in mar kale laguu geysan doonto cadaadiska haddii aad dib u laabato. Taasi waa sababta uu qofka kiiska gacanta ku hayaa ee Hay'adda laanta socdaalku uu kuu weydiinayo waxa aad u malaynayso inay dhici doonaan haddii aad ku khasbanaato inaad dib ugu noqoto dalkaagi hooyo.

Haddii laguu tixgeliyo qaxooti, waxaa lagu siin doonaa sharci deggenaansho oo saddex sano ah.

Haddii beddel­keeda aad u baahato ilaalin/​gabbaad

Sida uu dhigayo sharciga Iswiidhan, waxaad marmarka qaarkood magangelyo lagaa siin karaa Iswiidhan xitaa haddii aan laguu tixgalin qaxootinimo sida ku qeexan qoddobada kor ku xusan, laakiin si kastaba ha ahaatee weli waxaad tahay qof ka baqaya inuu ku laabato dalkiisii hooyo.

Waxaa laguugu yeerayaa inaad taa beddelkeeda aad tahay qof u baahan ilaalo/gabbaad, haddii aad khatar ugu jirto jirdil, ciqaab dhimasho, ama xadgudubyo bini'aadantinimada ka baxsan ama sharaf dhac laguugu geysanayo dalkaaga hooyo. Waxa kale oo lagu siin karaa sharci oggolaansho sida qof u baahan ilaalin/gabbaad haddii uu dagaal aad u badan ka dhacayo waddankii hooyo oo qof kasta oo halkaas joogaa uu halis ugu jiro dhimasho.

Qofka loo arko inuu u baahan yahay ilaalin/gabbaad waxaa la siiyaa sharci oggolaansho ah oo 13 bilood ah.

Shar­ciga oggo­laans­haha xaala­daha kale

Qofka magangalyo doonka ahi xaaladaha qaarkood waxaa la siin karaa sharciga oggolaanshaha xitaa haddii aanu buuxin shuruudaha sharciga loogu yeedho qaxoonti ama taa beddelkiisa u baahan ilaalin/gabbaad Waa wax aan caadi ahayn oo u baahan duruufo gaar ah, tusaale ahaan inuu qofku aad u jirran yahay ama in xaaladda waddankiisu ay aad u adag tahay.

Haddii lagu siiyo sharci degge­naansho ah

Sharciga oggolaanshaha macnahiisu waa inaad HAA ku heshay codsigaagii magangalyada. Waxaa laguu oggolaaday inaad joogto Iswiidhan. Haddii lagu siiyo sharciga deggenaanshaha, adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah waxaa laydiinku yeeri doonaa shir ka dhacaya qaybta qaabbilaada soo dhaweynta. Qofka kiiska gacanta ku haya ayaa kuu sheegaya go'aanka oo kuu sharaxaya sababta laguugu ogolaaday iyo waxa ku xiga.

Go'aanka ka dib

Adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah waxaa booqanaysaan Hay'adda canshuuraha si ay kuu diiwaangeliyaan adiga. . Taas macneheedu waxa weeye in laguu samayn doonto toban lambar oo ay la socdaa afarta lambar ee ugu dambeeyaa.

Hal bil kadib markii aad heshay sharciga deggenaanshaha, waxaa lagaa saarayaa Hay'adda laanta socdaalka. Wixii markaa ka dambeeya laguma siin doono lacagta gunno maalmeedka ah, kaarkaaga bangiguna ma shaqayn doono. Haddii aad u baahan tahay lacagta ku jirta kaarka, waxaa muhiim ah in aad kala baxdo ka hor inta aan lagaa saarin Hay'adda laanta socdaalka. Ka dib kiiskaagii magangalyo doonimada waa la xirayaa. Degmada aad ku noolaan doonto ayaa sii wadi doonta inay si buuxda mas'uuliyaddaada ula wareegto. Xoghayntaada adeegga bulshada ayaa warbixin badan kaa siin doonta waxa xiga ee dhacaya.

Intee in le'eg ayuu shar­ciga degge­naans­huhu ansax yahay?

Inta badan dadka magangalyo doonka ah waxaa la siiyaa sharciyo deggenaansho oo ku meelgaar ah. Taas macneheedu waxa weeye in aad Iswiidhan joogi karto wakhti go'an, inta badan 13 bilood ama saddex sano. Marka sharcigaaga deggenaanshu uu dhaco, waxaad codsan kartaa kordhin. Haddii aad weli u baahan tahay ilaalin/gabbaad, waxaa lagu siin doonaa sharci deggenaansho ah oo laba ama saddex sano oo kale.

Haddii aad u dhaxayso 17 ilaa 24 sano oo aad wax ka baranayso dugsiga sare, xaaladaha qaarkood waxaa lagu siin karaa sharci deggenaansho oo laguu dheereeyey si aad u dhammaysato waxbarashadaada dugsiga sare.

Shar­ciga dagge­naans­haha joog­tada ah

Markaad haysato sharciga deggenaanshaha muddo saddex sano ah, waxaad codsan kartaa sharciga deggenaanshada joogto ah isla markaana waxaad codsan kartaa in laguu dheereeyo. . Haddii aad tahay 15 sano ama aad ka weyn tahay, waxaa lagaa rabaa inaad ku noolaato nolol dhawrsan si aad u hesho sharci deggenaansho joogto ah. Haddii tusaale ahaan aad dembi gashay, codsigaaga sharciga deggenaanshaha joogtada ah waa la diidi karaa. Haddii aad 18 jir tahay ama aad ka weyn tahay marka aad codsanayso sharciga deggenaanshada joogtada ah, waa in aad sidoo kale naftaada masruufi kartid.

Haddii aanad buuxin shuruudaha sharciga deggenaanshada joogtada ah, waxaad weli heli kartaa sharciga deggenaansha oo laguu dheereeyey haddii aad weli u baahan tahay gabbaad/ilaalo

Haddii ay Hay'adda laanta socdaalku diido codsigaaga sharciga deggenaanshada joogtada ah sababtuna ay tahay in aanad buuxin shuruudihii masruufka ama dhowrsanaanta, waxaad racfaan ka qaadan kartaa go'aanka.

MIdoowga qoyska

Haddii lagu siiyey sharciga daganaanshaha, xaaladaha qaarkood waalidkaa ayaa dib kuugula midoobi kara Iswiidhan. Qofka kiiska gacanta ku haya ee kuu sheegaya inaad heshay sharciga deggenaanshada ayaa wax badan kaaga sheegi doona sida loo sameeyo.

Haddii codsi­gaaga diidmo lagaa siiyo

Diidmada macneheedu waa in aad MAYA ka heshay codsigaagii magangalyo doonka. Haddii diidmo lagu siiyo waxaad leedahay laba doorasho: Waad aqbali kartaa go'aanka oo waad ka tagi kartaa Iswiidhan ama waxaad u dacwoon kartaa maxkamada laanta socdaalka.

Diidmo

Diidmada codsigaaga waxay macnaheedu tahay in Hay'adda laanta socdaalku u aragto in aanad haysan sababo kugu filan oo magangelyo Iswiidhan lagugu siiyo. Adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah waxaa laydinku yeerayaa shir halkaas oo qofka kiiska gacanta ku hayaa uu kuu sharaxayo sababta laguugu diiday iyo waxa hadda dhacaya.

Oggo­laa­naya go'aanka

Haddii aad oggolaato go'aanka, waa inaad saxiixdaa warqad sheegaysa in aanad rabin inaad racfaan ka qaadato. Marka aad oggolaato go'aanka, waxaad caawimo ka heli kartaa Hay'adda laanta socdaalka si aad ugu diyaargarowdo safarkaaga waddankii hooyo.

Ka dacwoo­naya

Waad ka dacwoon kartaa go'aanka haddii aanad ku raacsanayn go'aanka Hay'adda laanta socdaalka. Si aad rafcaan uga qaadato, adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah waa inaad warqad u qortaan Hay'adda laanta socdaalka oo aad ku sheegaysaan sababta aad ugu aragto inuu go'aanku khaldan yahay. Qareenkaaga guud ayaa kaa caawin kara inaad qorto warqadda rafcaanka. Go'aankaaga waxaa ku qoran wakhtiga aad haysato ee aad racfaanka qaadan karto.

Hay'adda laanta socdaalka ayaa akhrin doonta rafcaankaaga waxayna qiimaynaysaa in go'aanka wax laga beddelo iyo in kale. Haddii ay Hay'adda laanta socdaalku u aragto in aanay jirin sabab lagu beddelo go'aanka, warqadda racfaanka waxaa loo gudbin doonaa maxkamada laanta socdaalka. Maxkamadda laanta socdaalka ayaa dib u eegeysa racfaankaaga. Haddii ay maxkamada laanta socdaalku kugu raacdo, Hay'adda laanta socdaalka ayaa markaa beddeleysa go'aankoodii kadibna waddanka ayaa laguu oggolaanayaa inaad joogto.

Haddii maxkamada hay'adda laanta socdaalku diido racfaankaaga, waxay taa macnaheedu tahay inay u arkaan in go'aankii Hay’adda laanta socdaalka uu yahay mid sax ah. Maxkamada sare ee hay'adda laanta socdaalku waa maxkamad tijaabisa oo eegta kiisas gaar ah oo keliya kuwaas oo ah kiisaska aan caddayn sida sharciga loo turjumayo. Haddii maxkamada sare ee hay'adda laanta socdaalku go'aansato in aanay soo qaadin ama eegin dacwadaada, waxay taa macnaheedu tahay in aanad mar dambe dacwoon karin oo uu go'aankii Hay’adda laanta scdaalku dhaqan gal yahay.

Waad beddeli kartaa adigu wakhti kasta inaad la soo noqoto warqaddii racfaanka oo aad go'aansato inaad waddankaagii dib ugu laabto. Markaa waxaad caawimo ka heli kartaa Hay'adda laanta socdaalka si aad ugu diyaargarowdo safarkaaga waddankii hooyo.

Dib ugu noqo­naya

Marka codsigaagii magangalyada la diido, waa inaad isu diyaarisaa inaad dib ugu laabato waddankaagii hooyo. Hay'adda laanta socdaalka ayaa kaa caawin doonta sidii aad u habayn lahayd safarkaaga waddankii haddii aad iyaga la shaqayso.

Hay'adda laanta socdaalku waxay kuugu yeeri doontaa kulamo dhowr ah si ay kaagala hadasho waxyaabaha loo baahan yahay in la sameeyo si aad waddankaagii dib ugu laabato. Ilaa iyo inta aad wada shaqayn la samaynayso, waxaad caawimo ka heli doontaa Hay'adda laanta socdaalka si aad u diyaariso safarka aad ugu laabanayso waddankaagii. Haddii aanad wada shaqayn la samayn, waxay Hay'adda laanta socdaalku ku wareejin kartaa mas'uuliyadda kiiskaaga booliiska.

Haddii aad weli ka yar tahay 18 jir marka aad Iswiidhan ka tegeyso, waa khasan in la helo qof kugu qaabila marka aad waddankaaga timaado. Wuxuu noqon karaa waalid, qaraabo ama qof ka shaqeeya hay'ad ka mas'uul ah carruurta aan lahayn dad mas'uuliyiin ah. Shaqaalaha Hay'adda laanta socdaalka ayaa kula socdaalaysa waxayna hubinayaan in qof kugu qaabilo markaad timaadaan gaaroonka diyaaradaha.

Haddii waalidkaa ay nabad ku joogaan waddan aan ahayn waddankaagii, Hay'adda laanta socdaalku waxay isku dayi doontaa inay kaa caawiso inaad dib ugula midoobo halkaa ay joogaan.

Hay'adda laanta socdaalka ayaa ku caawin doonta

Uma baahnid inaad jeclaato go'aanka in Iswiidhan lagaa saaro. Laakiin haddii aad aqbasho go'aanka oo aad oggolaato inaad keligaa dib u laabato, Hay'adda laanta socdaalka ayaa kaa caawin doonta qorshaynta safarkaaga. Tusaale ahaan, waxaad ka heli kartaa caawimo ku saabsan buukinka safarka, habaynta baasaboorka iyo la xiriirka dadka qaraabada ah ee jooga waddankii hooyo.

Xaaladaha qaarkood, waxaad sidoo kale codsan kartaa gargaar dhaqaale ama noocyo kale oo taageero ah si ay kuugu fududaato inaad bulshada dhexgeli kartid markaad dib u laabato.

Haddii aanad u hoggaan­samin go'aanka

Hay'adda laanta socdaalku waxay kaa caawin kartaa oo keliya markaad adigu iskaa diyaar u tahay safarkaaga oo aad oggolaato inaad ka baxdo Iswiidhan . Haddii aad iman weydo shirarka ay Hay'adda laanta socdaalku kuugu yeerayso, haddii aad dhuumato ama aad si kale u muujiso in aanad doonayn in aad dib u laabato, waxay Hay'adda laanta socdaalku kiiskaaga u gudbin doontaa booliiska. Taas macneheedu waxa weeye booliiska ayey noqonaysaa cidda mas’uulka ka ah inaad raacdo go'aanka oo aad ka baxdo Iswiidhan. Haddii aad buuxisay 18 sano, waxaad waayi doontaa xaq u lahaanshada kaalmada dhaqaale haddii aanad u hoggaansamin go'aanka.

Dhac­dooyin cusub diid­mada ka dib

Mararka qaarkood waxyaabo ayaa dhici kara go'aanka ka dib taas oo macnaheedu tahay in aanad ka bixi karin Iswiidhan. Waxaa dhici karta, tusaale ahaan inaad aad u jirrato si aad u safarto, ama waxa soo baxay sababo cusub oo ku saabsan magangelyadaada ama waxa soo baxay caddaymo cusub oo sabab u noqon kara magangalyadaada taas oo aanay Hay'adda laanta socdaalku hore u ogeyn markii aanu go'aanka gaaraynay. Haddii ay taasi dhacdo, waa in adiga iyo qofka kaa mas’uulka ahi aad warqad u soo qoraan Hay’adda laanta socdaalka una sheegaan waxa dhacay. Markaa Hay'adda laanta socdaalka ayaa go'aaminaysa in sababaha cusubi ay ku filan yihiin si loo joojiyo masaafurinta.

Mararka qaarkood masaafurinta si ku meelgaar ah ayaa loo joojin karaa si ay Hay'adda laanta socdaalku ugu hesho wakhti ay ku baarto dhacdada cusub. Joojinta ku meelgaar ah waxaa loo yaqaan xannibaad/sugitaan.

Sugi­taanka safarka waddankii

Waxaad xaq u leedahay inaad iskuul aaddo, aad la kulanto daryeel caafimaad oo aad hesho kaalmo dhaqaale iyo hoy inta aad Iswiidhan joogto. Qofka kaa mas’uulka ah ayaa ku caawin doona ilaa aad ka baxayso Iswiidhan ama aad ka buuxisayso 18 sano.

Xuqu­uqa­haaga

Taas macnaheedu, waan tusaale ahaan, inaad xaq u leedahay inaad ku noolaato ammaan, aad iskuul dhigato oo aad hesho wakhti firaaqo ah. Waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha ee aad u baahan tahay. Adiga ayaa go'aan ka gaari kara jirkaaga, qofna kuguma qasbi karo inaad galmo la samayso ama aad guursato. Qofna kuma garaaci karo kuumana hanjabi karo.

Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda carruurta, waxa loogu yeero heshiiska carruurta, waa sharci Iswiidhan. Halkaa waxaa ku qoran xuquuqaha ay carruurta dhammaantood leeyihiin. Qaar ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee ku jira Axdiga xuquuqda carruurta waa in

  • dhammaan carruurtu ay xaq u leeyihiin inay noolaadaan oo ay horumar sameeyaan
  • danta ugu wanaagsan ee carruurtu waa inay mar walba muhiim ahaato
  • carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay sheegaan siday wax u arkaan
  • carruurta dhammaantood waxay leeyihiin xuquuqo isku mid ah.

Marka dadka waaweyn ee mas'uulka kaa ah adiga ay gaaraan go'aamo adiga saamayn kugu leh, waa inay ku dhagaystaan waxa aad rabto oo ay ka fikiraan waxa adiga kuu fiican. Waxaad xaq u leedahay inaad sheegto waxay adiga kula tahay oo lagu dhagaysto, laakiin taas macnaheedu maaha inay mar walba noqoto sida aad adigu rabto.

Waxaad xaq u leedahay taageero gaar ah

Carruurta magangelyo doonka ah ee aanu waalidkood la socon, waxa loo yaqaano carruurta keligood ah ee aan lala socon, waxay xaq u leeyihiin taageero gaar ah. Adeegga bulshada ee degmada aad ku nooshahay ayaa hubin doonta inaad hesho guri kugu habboon adiga iyo baahiyahaaga. Waxa kale oo laguu qabanayaa "Qof kaa mas’uul ah" oo kuu hadli doona maadaama aanu waalidkaa awood u lahayn. Waxaad xaq u leedahay taageero xitaa haddii uu qof weyni kula socday markii aad Iswiidhan imanaysay oo aanu qofkaasi waalidkaa ahayn

Markaad 18 jirsato

Markaad 18 jirsato, waxaad tahay qof weyn oo aan xaq u lahayn taageerada iyo ilaalinta sid la mid sida ilmaha yar.

Dadka iyo hay’ad­daha aad la kulmayso

Waxaad la kulmi doontaa dhowr hay’adood iyo dad waaweyn oo badan oo kala duwan kuwaas oo mas'uul ka ah waxyaabo kala duwan oo adiga ku khuseeya. Hay’adduhu waa inay hubiyaa in bulshadu ay u shaqayso si waafaqsan sharciga Iswiidhan. Tusaale ahaan hay'addaha aad xiriir badan la yeelan doonto waxaa ka mid ah Hay'adda laanta socdaalka iyo adeegga bulshada.

Hay’adda laanta socdaalka

Hey'adda laanta socdaalku waxyaabaha ay mas'uulka ka tahay waxaa ka mid ah.

  • inay baaraan codsigaga oo ay go'aamiyaan inaad xaq u leedahay magangalyo oo lagu siiyo sharci oggolaansho ah iyo in kale
  • inay kuu qabtaan qareen guud oo kaa caawin kara codsigaaga
  • in lagu siiyo taageero dhaqaale haddii aanad haysan lacag aad adigu leedahay
  • inay go'aamiyaan degmada kaa mas'uulka ah inay ku siiso hoy, dugsi iyo qof kaa mas’uul ah
  • inay kaa caawiyaan inaad la xiriirto waalidkaa haddii ay suurtagal tahay
  • inay kaa caawiyaan inaad Iswiidhan ka baxdo haddii aan laguu oggolaan inaad halkan joogto.

Waxaad la kulmi doontaa dhowr qof oo kala duwan oo joogo Hay'adda laanta socdaalka. Haddii aad wanaag ku dareemayso inaad la hadasho nin ama naag, waad sheegi kartaa.

Degmada

Degmadu waxyaabaha ay mas'uul tahay waxaa ka mid ah.

  • inaad hesho meel aad degto oo kugu habboon adiga iyo baahiyahaaga
  • in aad hesho iskuul aad dhigato
  • in laguu qabto qof kaa mas’uul ah.

Adee­gyada buls­hada

Degmo kasta waxaa ku yaala wax la yiraahdo adeegga bulshada. Adeegyada bulshadu waxay u shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda ku saabsan sida bulshadu u caawinayso qof kasta oo u baahan taageero. Adeegga bulshada ayaa go'aaminaya meesha aad degi doonto. Dhammaan carruurta keligood timid ee aan lala socon waxaa loo qabtaa qof ay kala xiriiraan adeegga bulshada, oo loo yaqaan xoghayaha adeegga bulsho.

Qofka ilmaha mas’u­ulka looga dhigo (god man)

Hadii aad ka yar tahay 18 sano oo aad timaado Iswiidhan iyadoo aanay waalidkaa kula socon waxaa laguu qaban doonaa qof kaa mas’uul ah. Lama noolaan doontid qofka kaa mas’uulka ah, laakiin isaga ama iyada ayaa ka mas'uul ah inay kaa caawiyaan dhowr arrimood oo uu waalidkaa haddii kale kuu qaban lahaa.

Qofka kaa mas’uulka ahi waa inuu tusaale ahaan

  • kula joogso marka aad la xiriirayso hay'addaha, tusaale ahaan Hay'adda laanta socdaalka ama adeegga bulshada
  • ilaalinta xiriirka dugsigaaga
  • kaa caawiyo inaad ballan ka qabsato takhtarka, takhtarka ilkaha ama takhtarka cilmi-nafsiga
  • ka mas'uul noqdo dhaqaalahaaga haddii aad ka yar tahay 16 sano jir.

Turju­baan

Si adiga iyo shaqaalaha Hay'adda laanta socdaalku aad isu fahantaan, turjubaan ayaa kuu turjumaya waxaa oranaysaan. Turjubaanku wuxuu ku hadli karaa luqadda iswiidhishka iyo luqadda aad ku hadasho labadaba. Waxay noqonaysaa in turjubaanku uu fadhiyo qolka aad fadhidaan, ama wuxuu ku jiraa khadka telefoonka ama waa muuqaal/fiidiyow. Turjubaanku waa inuu turjumaa wax walba oo qolka dhexdiisa laga sheego, oo aanu wax kale sheegin.

Waa muhiim in adiga iyo turjubaanku aad is fahantaan oo aad ku dhiirato in aad wax walba u sheegto marka uu turjubaanku kula joogo. Haddii aadan fahmin turjubaanka, waa inaad sheegtaa. Sidoo kale sheeg haddii adiga iyo turjubaanku aad qaraabo tihiin ama aad si kale isu garanaysaan. Haddii aad doonayso in laguu qabto tarjubaan nin ama naag ah, fadlan wakhti hore sii sheeg.

Qareen guud

Qareen guud waa qof yaqaana sharciyada Iswiidhan. Isaga ama iyada ayaa ku siin doona talooyin ku saabsan sharciga waxaanu qofkaasi kaa caawin doonaa codsigaga magangalyada. Hay'adda laanta socdaalka ayaa kuu qabanaysa qareenka guud, laakiin isagu ama iyadu kama shaqeeyaan Hay'adda laanta socdaalka. Waxaad soo jeedin kartaa haddii aad taqaano qof qareen ah oo aad ku kalsoon tahay, laakiin lama hubo inaad heleyso qofkaa qareenka ah ee aad rabto in laguu qabto Waxa kale oo aad soo sheegaysaa haddii aad jeceshahay inuu qareenku nin ama naag noqdo.

Waajibka sir qarinta

Dhammaan dadka ka shaqeeya Hay'adda laanta socdaalka, degmada iyo daryeelka caafimaadka ama dugsiga waxaa saaran waajibaka sir qarinta. Taas macnaheedu waxay tahay in aan loo ogolayn inay u sheegaan waxa aad u sheegtay iyaga, qof kale oo aan sharci u lahayn inuu ogaado. Dadka ka shaqaynaya kiiskaaga oo keliya ayaa xaq u leh inay ogaadaan waxa aad sheegtay. Turjubaanka iyo qareenka guud ayaa sidoo kale iyagana waxaa saaran waajibka sir qarinta.

Hase yeeshee qofka kaa mas’uulka ah (god man) ma saarna waajibka sir qarintu. Sababtu waxa weeye in qofka kaa ms’uulka ahi uu la mid yahay sida waalid oo kale, waxaanu kala hadli karaa arrimahaaga hay’addo kala duwan.

Dhammaan dadka ay ku waajibtay qarsoodiga sirtu waxay jebin karaan waajibka sir qarinta si ay ula hadlaan qof kale oo weyn oo mas'uul ah haddii ay aaminsan yihiin inaad adigu khatar ku jirto.

Guri

Degmada ayaa mas'uul ka ah diyaarinta guri kugu habboon adiga iyo baahidaada.

Marka aad codsato magangalyo, Hay’adda laanta socdaalka ayaa la xiriiri doonta degmada, si ay kuugu diyaariyaan guri ku meelgaar ah. Dhowr maalmood ama toddobaadyo ka dib, waxaa laguu sheegi doonaa degmada kaa mas'uul ka ah mustaqbalka dambe, degmadaas oo kuu xaqiijin doona si aad u aado dugsiga oo aad u hesho taageerada aad u baahan tahay inta aad sugayso go'aanka codsigaaga magangalyada.

Haddii aad Iswiidhan ku leedahay qaraabo ama saaxiibo aad rabto inaad la noolaato ama u dhowaato, waa inaad u sheegtaa Hay'adda laanta socdaalka marka aad magangalyada codsanayso.

Waxaad u noolaan kartaa siyaabo kala duwan

Degmada ayaa mas'uul ka ah inay kuu hesho guri wanaagsan adiga. Waxay u ekaan kartaa siyaabo ka duwan. Tusaale ahaan, waxaad la noolaan kartaa qaraabo ama saaxiibo, qoys qaabila oo haya carruurta iyo dhalinyarada u baahan caawimada ama waxaad kula noolaan kartaa dhalinyaro kale guri ay joogaan shaqaale idin caawinaya.

Haddii aad rabto in aad la noolaato qaraabo Iswiidhan ku nool, adeegga bulshada ee degmada waa inay oggolaadaa in aad la noolaan karto iyaga. Intaanay adeegga bulshadu go'aan gaarin ka hor, waxay baarayaan bal inuu qoysku awood u leeyahay inay ku daryeeli karaan adiga. .

Haddii ay dhacdo in aanad ammaan ku dareemin meesha aad ku nooshahay, waa in aad sida ugu dhakhsaha badan ugu sheegtaa qofka kaa mas’uulka ah (gode man) ama xoghaynta adeegga bulshada.

Guri loogu tala­galay qofka 18 jirsaday

Markaad buuxiso 18 sano, ama haddii Hay'adda laanta socdaalku go'aansato inaad ka weyn tahay 18 sano, mas'uuliyaddii in guri laguu habeeyo waxay ka wareegaysaa degmada oo waxay ku wareegaysaa Hay'adda laanta socdaalka. Taas macneheedu waxa weeye inaad u guurto mid ka mid ah guryaha ku meelgaarka ah ee Hay’adda laanta socdaalku leedahay ama aad adigu guri soo habaysato.

Dhaqaa­laha

Marka aad magangelyo ka codsato Iswiidhan, waxaad fursad u haysataa inaad kaalmo dhaqaale ka codsato Hay'adda laanta socdaalka haddii aanad haysan lacag adigu aad leedahay. Waxaa jira laba nooc oo taageero dhaqaale ah oo la codsado, lacag gunno maalmeed ah iyo kaalmo dhaqaale oo gaarka ah.

Lacag gunno maal­meed ah

Qofka xaqa u leh lacagta gunno maalmeedka waxaa la siinayaa lacag go’an maalintii, taas oo la bixiyo bishii halmar. Lacagta waxa loogu talagalay inay ku filaato baahiyahaaga gaarka ah sida dharka, kabbaha, daawada iyo waxyaabaha aad rabto inaad samayso wakhtiga firaaqada. Mararka qaarkood waxaa lacag lagaa siinayaa dadka maamula guriga aad deggen tahay, markaa Hay'adda laanta socdaalku kuuma soo dirayso wax lacag gunno maalmeed ah.

Kaalmo dhaqaale oo gaar ah

Haddii aad baahi gaar ah u qabto shay aanay ku filnayn gunno maalmeedku, adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah waxaad codsan kartaan kaalmo dhaqaale oo gaar ah. Tusaale ahaan, waxay noqon kartaa okiyaale/muraayada indhaha, dharka jiilaalka ama wax kale oo aanad ka maarmin.

Qofka kaa mas’u­ulka ah ayaa xil ka saaran yahay dhaqaa­la­haaga

Haddii aad ka yar tahay16 sano, qofka kaa mas’uulka ah ayaa buuxinaya foomka codsiga oo uu xil ka saaran yahay lacagtaada. Markaad buuxiso 16 sano, waxaad xaq u leedahay inaad adigu codsato oo aad mas'uul ka tahay lacagtaada gunnada ee maalinlaha ah iyo kaalmada dhaqaale ee gaarka ah. Waxaa lagu siinayaa kaar bangi kaas oo lacagta gunnada ee maalinlaha ah iyo kaalmada gaarka ah laguugu soo shubayo.

Dugsiga

Waxaad xaq u leedahay inaad dugsi aado sida dhammaan carruurta kale ee ku nool Iswiidhan. Dugsigu waa bilaash. Iswiidhan carruurtu waa khaban inay dhaamantood aadaan dugsiga. Degmada ayaa ka mas'uul ah dugsiga markaa qofka kaa mas’uulka ah ayaa mas’uul ka ah inaad sida ugu dhaqsaha badan u bilowdo dugsiga.

Dugsiga hoose dhexe

Dugsiga hoose dhexe waxa uu qaataa toban sano waxana sida caadiga ah la bilaabaa sannadka uu ilmuhu buuxiyo lix sano. Sannad-dugsiyeedka ugu horreeya, oo loo yaqaano fasalka lixaadyada, wuxuu ka kooban yahay ciyaaro badan iyo hal-abuur si loogu diyaariyo dugsiga soo socda. Dugsiga hoose dhexe, ardaydu dhammaantood waxay wax ku bartaan qiyaas ahaan maadooyin isku mid ah.

Dugsi sare

Dugsiga sare waa waxbarasho ikhtiyaari ah halkaas oo ardaydu ay fursad u helaan inay doortaan takhasus si ay ugu diyaariyaan xirfad shaqo ama waxbarasho ay sii wataan oo jaamacad ama kulliyad ah. Si aad wax uga barato dugsi sare, waa in aad soo dhammaysatay waxbarashadii dugsiga hoose dhexe.

Qofka magangelyo doonka ah, wuxuu xaq u leeyahay inuu dhammaysto waxbarashada dugsiga sare haddii uu bilaabay waxbarashadiisa dugsiga sare ka hor intaanu gaarin 18 jir. Tani waxay sidoo kale khuseysaa haddii aad u guurto degmo kale.

Caafi­maad

Waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha ee aad u baahan tahay. Waa u bilaash carruurta Iswiidhan joogta dhammaantood. Haddii aad jirrato ama aad dareento xanuun oo aad u baahan tahay inaad la kulanto dhakhtar ama dhakhtarka ilkaha, qofka kaa mas’uulka ah ama qof ka mid ah dadka guriga aad deggen tahay jooga ayaa kaa caawin kara inaad ballan qabsato. Xusuusnow inaad sii qaadato kaarka LMA-ga markaad booqashada tegeyso.

Baari­taan caafi­maad

Dhammaan dadka Iswiidhan ka codsanaya magangalyada waxaa lagu samaynayaa baaritaan caafimaad. Baaritaanka caafimaadka waxa loogu talagalay si uu qofku u helo caawimo wakhti hore oo loo daaweyo haddii uu u baahdo daryeel caafimaad.

Inta lagu jiro baaritaanka waxaad heli doontaa warbixin ku saabsan sida uu u shaqeeyo nidaamka daryeelka caafimaadka ee Iswiidhan Waxaad ka jawaabi doontaa su'aalaha ku saabsan caafimaadkaaga oo waxaa lagugu casumi doonaa in dhiigag tijaabooyin ah lagaa qaado

Ka faa'iidayso fursada in aad na waydiiso haddii ay jiraan wax aad fekeraysaa, hana ka cabsanin inaad noo sheegto sida uu caafimaadkaagu yahay. Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waxaa saaran waajibka sirta qarinta, baadhitaanka caafimaadkuna ma saamaynayo codsigaga magangalyo doonka.

Baari­taanka aragga (indhaha)

Hadii aad u baahan tahay miraayadaha indhaha gacan yarahaada ayaa kaa kaalmayn karaya dalbashada kaalmada ldhaqaale ee khaaska ah ee laga dalbanayo hay’adda socdaalka iyo in uu balan kaaga sameeyo dukaanka miraayadaha indhaha.

Dhakhtarka ilkaha

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho daryeelka ilkaha si ka hortag ah iyo daawaynta uu dhakhtarka ilkuhu go'aamiyey ee aad u baahan tahay. Daryeelka ilkuhu waa u bilaash carruurta Iswiidhan joogta dhammaantood.

Qasbida iyo ku xadgudubka galmada

Dad badan oo magangelyo doon ah ayaa lagula kacay qasbid ama ku xadgudubyo galmo, waddamadoodii hooyo ama intii ay u soo baxsanayeen Iswiidhan. Wuxuu qofku dareemi karaa xumaan dhinaca jirka ah iyo dhinaca maskaxda labadaba taas oo uga iman karta waxyaabihii uu qofku u soo joogay, laakiin waxaa jira caawimo uu qofku heli karo. Waxaad tusaale ahaan, la hadli kartaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka marka aad samaynayso baaritaanka caafimaadka, rugta qaabbilaada caafimaadka dhalinyarada ama kalkaalisada caafimaadka dugsiga ama la taliyaha arrimaha bulshada ee dugsigaaga. Waxay kaa caawin karaan inaad hesho daryeelka caafimaad oo sax ah.

Dhammaan noocyada ah qasbida iyo ku xadgudubyada galmadu waa sharci darro Iswiidhan gudaheeda. Had iyo jeer qofka adigu ku dhaawaca ayaa ka mas'uul ah, weligaana laguma ciqaabayo adiga maadaama aad tahay dhibbane la qasbay ama ku xadgudub galmo loo geystey. Tani waxay khusaysaa iyada oo aan loo eegin xiriirka ka dhexeeya dadka, tusaale ahaan waxa ay sidoo kale khusaysaa kufsiga dadka isqaba dhexdooda iyo markay waalidiintu carruurtooda garaacaan. Marka qof weyni uu u galmoodo ilmo ka yar 15 sano, waxaa lagu xisaabinayaa kufsi. Iswiidhan sidoo kale waa sharci darro in qof lagu qasbo ama lagu khiyaaneeyo inuu guursado, carruurta ka yar 18 sano lama ogola inay guursadaan.

Kala xiriir booliiska telefoonka 114 14, haddii lagugu dirqiyo ama lagugu sameeyo xadgudub galmo, ama haddii aad ka baqayso in laguu guuriyo. Haddii aad ku sugan tahay khatar degdeg ah, wac telefoonka booliiska 112.

Gudni­inka fircoo­niga ah

Gudniinka fircooniga ah, ama gudniinka/xalaalaynta sida dadka qaarkiis u yaqaanaan, waa marka la jaro ama la tolo xubinta taranka gabadha ama si kale loo dhaawacdo.

Gudniinka fircooniga ah gabi ahaanba waa mamnuuc Iswiidhan waxaana loo arkaa dambi culus. Qof lagu sameeyey gudniinka fircooniga ah waxa uu la kulmi karaa dhibaatooyin dhinaca jirka iyo dhinaca maskaxda labadaba. Haddii qof sidan uu kugu sameeyey adiga oo aad dhibaato kala kulanto arrintaas, waxaad caawimo ka heli kartaa daryeelka caafimaadka. Kala hadal kalkaalisada caafimaadka dugsigaaga, rugta qaabbilaada caafimaadka dhalinyarada ama xaruntaada caafimaadka.

Cudur­rada lagu kala qaado galmada

Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato sidaad iskaga ilaalin lahayd cudurrada galmada lagu kala qaado iyo sidaad iskaga ilaalin lahayd inaad dadka kale qaadsiiso. Tusaale ahaan cudurrada galmada lagu kala qaado waa sida cudur jabtida oo kale ah (klamydia), cagaarshowga, jabtida iyo HIV-ka. Haddii aad ogtahay in aad qabto xanuun noocan oo kale ah, waa in aad u sheegtaa marka aad samaynayso baaritaanka caafimaadka, si aad u hesho daawayn oo aad uga fogaato in aad dadka kale qaadsiiso. Haddii aanad hubin inaad cudurka qabto, shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa tijaabooyin/dhiigag kaa qaadaya.

Ka hortagga uurka iyo rugta dary­e­elka hooyooyinka

Dalka Iswiidan, daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ummulidu lacag la'aan ayey u thay dada magangalyo doonka. Waxa kale oo aad xaq u leedahay talobixin ku saabsan ka hortagga uuraysiga oo bilaash ah, si aad adigu go'aan ugu gaarto haddii aad rabto in aad waalid noqoto. Gabdhaha iyo wiilasha labaduba waxay xaq u leeyihiin inay helaan macluumaad ku saabsan sida ay isaga ilaalin karaan uurka naftooda iyo dadka kaleba. Qofka gabarta ah haddii ay uur yeealato oo aanay doonayn inay ilmaha dhasho, waxay xaq u leedahay inay uurka iska joojiso iyada oo soo rididdaysa ilmaha.

Xanu­unka dhimirka

Waa wax caadi ah inuu qofku ka walwalo waxa dhici doona mustaqbalka inta uu sugayo go'aanka codsigiisa magangelyo doonka. Dadka qaarkood waxa laga yaabaa inay dareemaan xumaan maadaama ay soo mareen waxyaabo xun ama sababtoo ah waxay u hiloobeen qoyskoodii. Tusaale ahaan dareenka jirrada maskaxdu wuxuu noqon karaan inaad walbahaarto, dhibaato hurdo ama dareen murugo iyo niyad jab leh.

Waxaad caawimo iyo taageero ka heli kartaa daryeelka caafimaadka ee halka aad deggen tahay. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa la-taliyaha arrimaha bulshada ama kalkaalisada caafimaadka ee dugsigaaga.

Naafo­ni­mada

Naafonimadu waa marka aad leedahay dhaawac ama jirro keenaysa inuu dhaqdhaqaaqu kugu adkaado, maqalku, hadalku ama fahankuba, Haddii aad naafo tahay, waxaad xaq u leedahay inaad hesho taageero lagu siiyo nolol maalmeedkaaga, dugsiga ama marka aad la hadalayso Hay'adda laanta socdaalka. Haddii aad tahay qof naafo ah ma saameynayso codsigaga magangalyo doonka. Baaritaanka caafimaadka, waxaad noo sheegi kartaa haddii aad tahay naafo, ama haddii aad u malaynayso inaad naafo tahay.

Maclu­u­maad dhee­raad ah oo ku saabsan caafi­maadka

Bogga websaydka ee www.1177.se/other-languagesExternal link, opens in new window. waxaad laga heleyaa warbixin ku qoran luqaddo badan oo ku saabsan cudurro kala duwan iyo sida uu u shaqeeyo nidaamka daryeelka caafimaadka Iswiidhan. Waxaad sidoo kale ka wici kartaa macluumaadka daryeelka caafimaadka lambarka talefoonka 1177, waxaad halkaa kula la hadli kartaa kalkaaliye caafimaad oo kaaga jawaabi kara su'aalaha kadibna ku siin kara talo ku saabsan meesha aad la xiriiri karto si aad u hesho daryeelka sax ah.

Bogga www.youmo.seExternal link, opens in new window. waxaa laga heleyaa macluumaad ku saabsan caafimaadka dhalinyarada, xiriirka, galmada iyo waxyaabo kale oo badan oo ku qoran luqaddo kala duwan.

Bogga www.rfsu.se/uposExternal link, opens in new window. waxaa laga heleyaa macluumaad ku saabsan filimo gaagaaban oo loogu talagalay qofka raba inuu wax badan ka ogaadaan jirka, galmada iyo caafimaadka. Filimada waxaa lagu heli karaa luqaddo badan oo kala duwan. Halkan waxaad ka heli kartaa filimaan ku saabsan ka hortagga uurka, dhalmada iyo uurka, iyo waxyaabo kale.

Khadka ilaalada ee haweenku waxay bixiyaan talooyin iyo taageero loogu talagalay qofka dumarka ah ee lagula kacay hanjabaado iyo jirdil iyo mid maskaxeed ama xadgudub galmo. Wac 020‑50 50 50. Waxay kuu qabanayaan turjubaan daqiiqado gudahood. Waxa kale oo aad wax badan ka akhrisan kartaa kvinnofridslinjen.seExternal link, opens in new window.. Macluumaadka waxaa lagu heli karaa dhowr luqadood.

Ka wac booliiska 114 14 haddii aad rabto inaad soo sheegto fal sharci darro ah, tusaale ahaan in qof ku garaacay ama uu kuu geystey xadgudub galmo. Waxaad sidoo kale wici kartaa booliiska haddii aad ka baqayso in laguu guuriyo ama lagu gudo. Haddii xaaladdu ay degdeg tahay wac 112.

Markaad 18 jirsato

Sida uu dhigayo sharciga Iswiidhishku waxaad tahay qof weyn markaad 18 jir gaadho. Taas macneheedu waxa weeye in aanad xaq u lahayn taageerada iyo caawimada ay heleyaan carruurta aan lala socon ee keligood waddanka yimaada, codsigagana waxaa loo tixgelinayaa sida sharciyada magangelyo doonka ee dadka waaweyn.

Wax yar ka hor intaadan gaarin 18 sano ama iyadoo lala xiriirinayo haddii Hay'adda laanta socdaalku ay go'aamiso in da'daada la beddelo oo laga dhigo inaad ka weyn tahay18 sano, waxaa markaa laguugu yeeri doonaa shir halkaas oo lagugu siin doono warbixin ku saabsan sida ay xuquuqdaada iyo waajibaadkaagu isu beddeleyaan markaad gaarto 18 jir.

Qofka ilmaha mas’u­ulka looga dhigo (god man)

Faraqa muhiimka ah ee u dhexeeya markuu qofku yahay ilmo yar oo keligii waddanka yimid oo aan lala socon iyo qofka weyn ee magangalyo doonka ah ayaa ah in aanad adigu inta badan xaq u lahayn in laguu qabto qof kaa mas’uul ah (en god man) markaad buuxiyo 18 sano. . Hawsha uu qabanayo qofka mas’uulka laga dhigo ayaa dhammaata maadaama aad noqotay qof qaan-gaar ah oo aan u baahnayn qof kaa mas'uul noqda. . Adiga ayaa mas’uul ka noqonaya xiriirada aad la leedahay hay’addaha oo saxeexanaya waraaqaha dhammaantood.

Guri

Hay'adda laanta socdaalka ayaa mas'uul ka ah inay guri ku meelgaar ah u habayso dhammaan dadka waaweyn ee magangalyo doonka ah ee u baahan. Degmada aad ku nooshahay waxay ka dalban kartaa Hay'adda laanta socdaalka inay la wareegto mas'uuliyadda habaynta guri ku meelgaar ah isla marka ay degmadu hesho warbixin ah inaad buuxisay 18 jir ama ay Hay'adda laanta socdaalku da'daada u beddesho inaad ka weyn tahay 18 jir. Tani waxay xitaa dhici kartaa haddii aad racfaan ka qaadato go'aanka ay Hay'adda laanta socdaalku ku beddeleyso da'daada.

Haddii aad u baahato inay Hay'adda laanta socdaalku kaa caawiso guri ku meelgaar ah, markaa ma dooran kartid meesha aad degi doonto. Waad ku khasban tahay inaad u guurto meel ay Hay'adda laanta socdaalku ku leedahay guryo bannaan. Hay'adda laanta socdaalku waxay isku deyeysaa inay guri kaaga hesho meel u dhow degmadii aad markii hore deggenayd, laakiin ma jirto wax dammaanad ah inay taasi suurto geleyso .

Waxa kale oo aad dooran kartaa in aad adiga laftaadu habaysato guri, tusaale ahaan in aad la degto qaraabo ama saaxiibo. Markaa waa inaad adigu iska bixisaa kharashka guriga.

Kala hadal qaybta soo dhowaynta ee adiga ku qaabilsan haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo habaynta guriga.

Dhaqaa­laha

Marka aad gaarto 18 sano, adiga ayaa mas'uul ka ah dhaqaalahaaga.

Caafi­maadka- iyo dary­e­elka bukaanka iyo dary­eelk ilkaha

Carruurta magangelyo doonka ahi waxay xaq u leeyihiin daryeel ilko iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah. Hase yeeshee qofka waaweyn ee magangelyo doonka ahi wuxuu xaq u leeyahay oo keliya inuu helo daryeel caafimaad iyo daryeel ilko oo degdeg ah oo aanu sugi karin Shaqaalaha jooga dhakhtarka, rugta caafimaadka ama rugta daryeelka ilkaha ayaa qiimaynaya in lagu siiyo daryeel caafimaad.

Dadka waaweyn ee magangelyo doonka ahi waa inay bixiyaan kharashka booqashooyinka dhakhtarka iyo daawooyinka. Tus kaarkaaga LMA-ga markaa waxaad bixinaysaa qiimo hoose.

Dugsiga

Qofka wax ka barta dugsiga sare waxa uu xaq u leeyahay inuu sii wadato waxbarashada inta uu sugayo go'aanka codsigiisa ee magangalyada. Xaq ayuu qofkaasi u leeyahay inuu sii wadato waxbarashadiisa dugsiga sare xitaa haddii uu u guuro mid ka mid ah guryaha ku meelgaarka ah ee ay Hay'adda laanta socdaalku ku leedahay degmo kale.

Haddii aanad wax ka baran dugsiga sare laakiin aad weli rabto in aad wax barato inta aad go'aan sugayso, waxaad weydiin kartaa qaybta soo dhaweynta ee adiga ku qaabilsan "dadaalo wakhti hore ah oo loogu talagalay magangalyo doonka" (waxa sidoo kale loo yaqaanaa TIA).

Haddii codsi­gaaga diidmo lagaa siiyo

Haddii aad buuxiso18 sano, daruuri ma aha in qaraabo ama ay hay'addi ku qaabisho markaad waddankaagii ku noqonayso.

Haddii aad heshay go'aan aad ku noqonayso, waa inaad Iswiidhan uga baxdaa wakhtiga kama dambaysta ah ee go'aanka ku yaala, ama si dhakhso ah haddii aanay ku qoranayn wakhti kama dambays ah oo aan go'aanka laga dacwoon karin. Haddii aanad ka bixin Iswiidhan muddadaas, waxaa jirta khatar ah in lagugu soo rogo waxa loogu yeero mamnuucidda dib u soo noqoshada, taas oo ah, in aan laguu oggolayn inaad dib ugu soo laabato Iswiidhan 1-5 sano gudahood.

Waxa aad xaq u leedahay in aad hoy iyo taageero dhaqaaleba ay ku siiso Hay'adda laanta socdaalku ilaa wakhtiga kama dambaysta ah ee dib u laabashada ikhtiyaariga ahi ay khuseyso, ama marka aan go'aanka laga dacwoon karin haddaan lagu siin wakhti kama dambays ah. Qofka ku leh carruur uu isagu dhalay oo sidoo kale magangalyo Iswiidhan ka codsaday wuxuu xaq u leeyahay in taageerada uu ka heleyo Hay'adda laanta socdaalka loo dheereeyo.

Hay'adda laanta socdaalka ayaa kaa caawin doonta diyaarinta safarkaaga ilaa inta ay wada shaqayni idinka dhaxayso.

Xuqu­uqa­haaga aad carruur ahaan ku leedahay Iswi­idan

Carruurta magangelyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuq la mid ah tan ay leeyihiin carruurta dhammaan Iswiidhan joogta. Tusaale ahaan, carruurtu waxay dhammaantood xaq u leeyihiin inay aadaan dugsi, inay helaan daryeel caafimaad markay u baahan yihiin, inay ku noolaadaan nolol ammaan ah iyo inay sheegaan fekreda ay qabaan. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa xuquuqaha iyo sharciyada gaarka ah ee jira si loo ilaaliyo carruurta.

Carruurtu si gaar ah ayey u nugul yihiin waxayna u baahan yihiin ilaalin dheeraad ah. Xadka u dhexeeya inuu qofku ilmo yahay iyo inuu qof weyn yahay waddamadu way ku kala duwan yihiin. Iswiidhan waxaad tahay ilmo ilaa aad ka buuxinayso 18 sano.

Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda carruurta, waxa loogu yeero heshiiska carruurta, waa sharci Iswiidhan. Heshiiska xuquuqda carruurtu waxa uu dhigayaa xuquuqda ay tahay inay carruurtu dhammaantood helaan. Sidoo kale waddanka Iswiidan waxaa ka jira sharciyo kale oo u yaala ilaalinta carruurta.

Waxaad xaq u leedahay inaad ka nabad­gasho rabs­ha­daha

Carruurtu dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay ka nabadgalaan rabshadaha. Lama ogola inuu qof weyni ku garaaco, ku haraatiyo, ku riixo, timaha ku jiido ama uu kuu hanjabo.

La xidhiidh booliiska 114 14 haddii aad la kulanto rabshado. Haddii aad ku sugan tahay khatar degdeg ah, wac telefoonka booliiska 112.

Guurka carru­urtu waa mamnuuc

Waddamada kala duwan, waxaa jira xadad kala duwan marka qofka loo arko inuu yahay qof weyn iyo marka loo arko inuu yahay ilmo. Sharciyada guurka sidoo kale way ku kala duwan yihiin waddamada kala duwani.

Ilmuhu ma guursan karo

Iswiidhan, qofka waxa lagu tiriyaa inuu yahay ilmo ilaa maalinta uu ka buuxiyo 18 sano inta ka horaysana ma guursan karo.

Sababtoo ah waxaa loo arkaa in carruurtu aanay qaadi karin mas'uuliyadda la xiriirta la noolaanshaha guurka. Hadduu ilmuhu wakhti hore guursado waxay ku keentaa inuu ilmuhu dareemo xumaan dhinaca jirka iyo dhinaca maskaxda labadaba sababtoo ah ilmaha waxa laga hor istaagay inuu shakhsi ahaan horumar u sameeyo oo uu ku noolaado nolosha uu xaqa u leeyahay.

Markuu qofku gaaro 18 sano, isaga ayaa go'aan ka gaaraya haddii uu rabo inuu guursado iyo qofka uu guursanayo. Qofna looma ogola inuu qof ku qasbo ama ku khiyaaneeyo guur. Waa sharci darro in la isku dayo in lagu khasbo ama lagu khiyaameeyo ilmo in la geeyo waddan kale si loogu soo guuriyo. Tani waa dambi keeni kara in xabsi lagu galo. Sidoo kale waa sharci darro in ilmaha lagu khasbo inuu la noolaado xiriir la mid ah guurka. Marka qof weyni uu u galmoodo ilmo ka yar 15 sano, waxaa lagu xisaabinayaa sida kufsiga.

Haddii qofku ka yar yahay 18 oo uu guur­saday

Haddii mid ka mid ah dadka lammaanaha ee isqaba uu ka yar yahay 18 sano markii uu guursaday, guurku kama ansaxayo Iswiidhan.

Haddii aad ka yar tahay 18 sano oo aad si wadajir ah magangelyo uga codsataan adiga iyo qofka aad isqabtaan halkii waalidkaa kula socon lahaayeen, waxaa laguula dhaqmayaa inaad tahay ilmo keligiis yimi oo aan lala socon. Waxaa markaa laguu qabanayaa qof kaa mas’uul ah oo kaa caawin doona xiriirka hay’addaha.

Halkan ayaad la xiri­i­raysaa

Haddii aad su'aalo qabto ama aad u baahan tahay caawimo, waxaad kala hadli kartaa macallinka, la-taliye arrimaha bulshada ama daryeelka caafimaadka. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Hay'adda laanta socdaalka ama Adeegga bulshada. Haddii aad leedahay qof kaa mas’uul ah (en god man), sidoo kale waad la xiriiri kartaa .

Haddii aad ka cabsanayso in adiga ama qof aad taqaano loo guurinayo, waxaad ka wici kartaa booliiska telefoonka 114 14.

Gudni­inku waa mamnuuc

Gudniinka fircooniga ah, ama gudniinka/xalaalaynta sida dadka qaarkiis ay yiraahdaan, waxa uu ka dhacaa meelo badan oo adduunka ah. Gudniinka fircoonigu waa marka la jaro ama la tolo xubinta taranka gabadha ama si kale loo dhaawaco. Qofna looma oggola inuu sidaas ku sameeyo gabar, xitaa haddii ay dhaqan u ahayd qoyska.

Gudniinka fircooniga ahi gabi ahaanba waa mamnuuc Iswiidhan waxaana loo arkaa dambi culus. Qof lagu sameeyey gudniinka fircooniga/gudniinka lama ciqaabayo.

Kala xiriir booliiska telefoonka 114 14 haddii aad ka baqayso in adiga ama qof aad taqaan la soo gudayo Waxaad sidoo kale wici kartaa Khadka ilaalada ee haweenka telefoonka 020-50 50 50 si aad u hesho talooyin iyo taageero. Khadka ilaalada ee haweenku waa khad caawimo telefoon oo heer qaran ah oo loogu talagalay haweenka loo geysto hanjabaadaha ama rabshadaha.

Waxaad xaq u leedahay in lagaa ilaa­liyo waxy­aa­baha la xiriira sharafta iyo maamu­uska ee rabs­ha­daha iyo cadaa­diska

Qoysaska iyo qaraabada qaarkood, waxaa muhiim u ah in aan sumcad xumo laga helin qoyska. Waxaa laga yaabaa inay jiraan xeerar ku saabsan dharka loo ogolyahay inuu qofku xirto, cidda uu raacayo, oo aan loo ogolayn inuu la joogo oo aanu guursan karin cidda uu qofku rabto ama uu qofku waxbarto oo uu ku shaqeeyo waxa uu rabo.

Gabd­haha iyo wiila­las­haba waa lagu cadaa­diyaa

Xeerarkani sida caadiga ah waa kuwo aad ugu adag gabdhaha, laakiin sidoo kale waxaa jira sharciyo khuseeya wiilasha. Haddii sharciyadu ay keenaan in laguula dhaqmo si xun ama lagu ciqaabo, waxa loogu yeeraa rabshadaha iyo cadaadiska la xiriira sharafta iyo maamuuska. Dadka qaarkood laga yaabaa in gacan loo gaysto, loo hanjabo ama loogu yeero wax aan munaasab ahayn. In qof wax lagu dirqiyo waxa la jebiyey heshiiska xuquuqda carruurta iyo sharciga Iswiidhishkaba.

Mararka qaarkood carruurta waxaa lagu qasbaa inay kaantaroolaan walaalahood sababtoo ah qoyska ayaa ka welwelsan in sumcad xumo laga faafiyo. Laakiin dadku dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay naftooda u noolaadaan sida ay rabaan. Tani waxay khusaysaa iyadoon loo eegayn diinta ama dhaqanka uu qofku leeyahay iyo waddanka ama qoyska uu qofku ka soo jeedo. Carruurtu dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay naftooda u noolaadaan, mana aha inuu qof kale kaantaroolo.

Halkan ayaad la xiri­i­raysaa

Haddii adiga ama qof aad taqaano wax lagu dirqiyo, waxaad markaa la xiriiri kartaa macallinka dugsigaaga, adeegga bulshada ee degmadaada ama Hay'adda laanta socdaalka si aad caawimo ugu hesho Waxa kale oo jira ururo kala duwan oo taageero iyo warbixin ka bixin kara rabshadaha iyo cadaadisyada la xiriira sharafta iyo maamuuska.

GAPF – Waa urur heer qaran ah oo ka soo horjeeda rabshadaha ka dhanka ah sharafta iyo maamuuska (oo af iswiidhish): Halkan waxaad ka heli kartaa taageero haddii adiga laftaada ama qof kale loo geysto rabshado iyo cadaadis la xiriira sharafta iyo maamuuska. Waxaad wici kartaa 08‑711 60 32, u dir meyl ama quraal kula sheekeyso (chatta). https://gapf.se/

Jacaylku waa xor (oo af iswiidhish): Halkan waxa aad taageero ka heli kartaa adigoo qoraal kula sheekaysanaya ama iimayl u qoraya haddii aad qabto su'aalo ku saabsan rabshado iyo cadaadisyo la xiriira sharafta ama maamuuska, xuquuqaha, jacaylka, guurka khasabka ah ama gudniinka. https://www.raddabarnen.se/rad-och-kunskap/karleken-ar-fri

Tris – Xuquuqda gabdhaha ee bulshada dhexdeeda (oo af iswiidhish): Halkan waxaad ka heli kartaa taageero haddii aad dareento in qoyskaaga ama qaraabadaadu ay xad kuu sameeyaan ama aad la kulanto hanjabaado ama rabshado marka aad isku dayeyso inaad doorato waxa aad rabto inaad samayso. Wac 010‑255 91 91. https://www.tris.se/

Dadku dham­maantii qiimo siman ayuu leey­ahay

Waddanka Iswiidan waxaa ka jira sharciyo badan oo ka hadlaya in dadku dhammaantii ay isku qiimo yihiin oo ay leeyihiin xuquuq isku mid ah. Waxaynu leenahay xuquuqo iyo fursado dhinaca nolosha ah iyadoon loo eegin cidda aynu nahay, sida aynu u egnahay, meesha aynu ka nimid, waxa aynu rumaysanahay, cidda aynu jacaylka u qabno iyo sida aynu u shaqayno.

Waxa jira sharciyo ka hortagaya in qof la takooro ama lagu xad-gudbo xuquuqdiisa. Si bini'aadam ah, waa laynoo oggol yahay inaynu fikirkeena cabbiro, fikirno oo aynu rumaysano waxa aynu doonayno, laakiin laynooma oggola inaynu wax walba samayno. Waxaa dastuurka ku cad in dadka oo dhan ay xaq u leeyihiin inay soo bandhigaan fikirkooda, ra’yigooda iyo dareenkooda mar haddii aanay cidna meel kaga dhacayn. Waa inaynu dhammaanteen ixtiraamnaa
xaqqa ay walaalaheen u leeyihiin aqoonsigooda iyo doorashadooda nololeed.

Sinnaanta

Sinnaanta macneheedu waa in wiilasha iyo gabdhaha in si isku mid ah loo qiimeeyo oo ay helaan fursado isku mid ah noloshooda. Waxa kale oo ay macnaheedu tahay in ragga iyo dumarka waaweyni ay leeyihiin xuquuqyo iyo waajibaadyo isku mid ah. Waa inay lahaadaan awood siman oo ay ku saameeyaan bulshada iyo noloshoodaba.

Sinnaanta macneheedu waa in wiilasha iyo gabdhaha in si isku mid ah loo qiimeeyo oo ay helaan fursado isku mid ah noloshooda. Waxa kale oo ay macnaheedu tahay in ragga iyo dumarka waaweyni ay leeyihiin xuquuqyo iyo waajibaadyo isku mid ah. Waa inay lahaadaan awood siman oo ay ku saameeyaan bulshada iyo noloshoodaba.

100 sano ka hor sidaas may ahayn Iswiidhan. Wakhtigaas dumarku awood badan may lahayn inay go'aan ka gaaraan noloshooda. Waxay u badnaayeen inay raggu waxbartaan oo ay shaqeeyaan, halka dumarku ay guriga joogi jireen oo ay carruurta hayn jireen, guriga nadiifin jireen oo ay dharka dhaqi jireen. . Tan iyo markaas wax badan ayaa isbedelay.

Inta badan qoysaska Iswiidhishka maanta, labada waalidba waxay aadaan shaqo ama waxbarasho, carruurtuna waxay aadaan dugsiyada xannaanooyinka, iskuulada iyo goobaha wakhtiyada firaaqada maalintii. Guriga dhexdiisa, labada waalid inta badan waxay iska caawiyaan nadaafada, dhaqida dharka, soo adeegista iyo cunto karinta, iyo daryeelka carruurta oo ay si wadajir ah u qabtaan.

Si bulshadu u noqoto mid cadaalad ah intii suurtogal ah, dumarka iyo ragganu ay u helaan awood isku mid ah oo ay ku saameeyaan bulshada iyo noloshooda, baarlamaanka Iswiidhan wuxuu go'aamiyay ujeedooyin kala duwan oo ku saabsan sinnaanta.

Hadafyadu waxay ku saabsan yihiin in

  • ragga iyo dumarku ay helaan fursad isku mid ah oo ay dhaqaale ahaan madax banaan yihiin si aanu qofna, qofka kale dhaqaale ahaan ugu tiirsanaan
  • wiilasha iyo gabdhuhu waa inay helaan fursad waxbarasho oo isku mid ah, xaqna ay u leeyihiin inay doortaan waxay rabaan inay bartaan
  • ragga iyo dumarka waa inay xaq isku mid ah u leeyihiin inay ka tashadaan jirkooda, waana in la joojiyaa xadgudubyada ragga ee ay ku sameeyaan dumarka
  • Shaqada guriga lagu qabto waa in si siman loogu qaybiyaa ragga iyo dumarka. Waxa kale oo ay macnaheeda noqonaysaa in walaalaha gabdhaha iyo wiilasha ah ee isku qoyska ahi inay si isku mid ah u caawiyaan waxyaabaha u baahan in la qabto.

Aqoon­siga jinsiga iyo nooca galmada

Waddanka Iswiidan, qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo aqoonsigiisa jinsiga iyo nooca galmoodiisa. Aqoonsiga jinsigu wuxuu ku saabsan yahay jinsiga uu qofku dareemayo, iyada oo aan loo eegin waxa dadka kale ay filayaan. Nooca galmadu waxay ku saabsan tahay lab iyo dheddig nooca aad xiisaynayso ee aad jeceshahay. Waxaad xaq u leedahay inaad jeclaato oo aad la joogto qofkaad doonto, iyadoon loo eegayn qofka aad isku jinsi tihiin ama uu kaa jinsi duwan yahay adiga.

Haddii aanad rabin, uma inaad u sheegto dadka kale waxa ay tahay nooca galmadaadu ama aqoonsiga jinsigaagu. Ma jirto nooc galmo ama aqoonsi jinsi oo jebinaya sharciga, laakiin waa sharci darroah in qof loola dhaqmo si aan sax ahayn ama si xun, tusaale ahaan dugsiga dhexdiisa ama ururka dhexdiisa sababtuna ay tahay nooca galmada ama aqoonsiga jinsiga ee qofkaas.

Halkan ayaad la xiri­i­raysaa

Waxa jira dhawr urur oo kala duwan oo loogu talagalay inay qaabbilaan dhallinyarada oo aad la xidhiidhi karto haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato ama haddii aad u baahan tahay taageero.

RFSL (oo af ingiriis) https://www.rfsl.se/en/

Adiga oo u maraya ururkan, waxaad la xiriiri kartaa dadka kale ee HBTQI ah, waxaad ka qaybqaadan kartaa aktiifiteetyo oo waxaad ka heli kartaa taageero. Waxay kale oo ay leeyihiin shabakad loogu talagalay dadka Iswiidhan ku cusub, RFSL Newcomers (oo af ingiriis). https://www.rfsl.se/en/organisation/asylum-and-migration/newcomers-contacts/

UMO – ku saabsan galmada, caafimaadka iyo xiriirka https://www.youmo.se/so-so/

UMO waa shabakad websayd ah oo loogu talagalay dhammaan dadka ay da'doodu tahay 13-25 halkaas oo uu qofku wax badan ka akhrisan karo waxyaabaha ku saabsan galmada iyo aqoonsiga jinsiga, iyo waxyaabo kale.

Midab tako­orid

Midab takoorka waxa laga ambaqaadaa in dadka loo qaybiyo kooxo kala duwan oo dadka ka tirsan kooxaha qaarkood ay yihiin kuwo aan qiimo badan lahayn. Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, in dadka loo kala qaybiyo si waafaqsan midabka qofka, dhaqanka ama diinta.

Waddanka Iswiidan waxaa ka jira sharciyo dadka ka ilaalinaya inay loo geysto midab takoor. Tusaale ahaan, waa mamnuuc in qofka loogu diido shaqo ama guri sababtoo ah magaca qofka ama asalkiisa. Sidoo kale waa mamnuuc in la xidho waxyaabaha laysku qorxiyo sida silsilada iwm ama dharka leh summada fashiistayaasha, qoraalo ama calaamado kale oo cunsuriyad ah ama meel ka dhac ku ah koox gaar ah. Sidoo kale lama ogola in la faafiyo xog ah in koox ama qof aanu qiimo badan lahayn, sababtuna ay tahay, midabkiisa ama diintiisa.

Mararka qaarkood marka si xun qofka loola dhaqmo, way adkaan kartaa inuu qofku ogaado in waxa qofka lagu sameeyey ay sharci darro tahay iyo in kale. Kala hadal qof aad aaminsan tahay wixii dhacay, sida macalin ama qof kale oo aad ku kalsoon tahay.

Qofka weyn ee muhi­imka u ah ilmo yar oo magang­elyo codsaday

Inuu qofku waddankiisa ka soo cararo oo uu magangelyo ka raadsado waddan kale waxay qof kasta ku noqon kartaa waayo-aragnimo argagax leh. Inuu ilmo yari u baahdo inuu sameeyo isagoon waalidkii la socon waxay ku noqon kartaa mid aad u dhib badan.

Mararka qaarkood waxaa la yiraahdaa in dadka magangalyo doonka ah, gaar ahaan carruurta aan lala socon, ay xooggan yihiin. In haddii ay ku soo guulaysteen inay ka yimaadaan adduunyada dhinaceeda kale, markaa wax walba way qabsan karaan. Laakiin xitaa carruurta ugu xoogga badan uguna adag waxay u baahan yihiin dad waaweyn oo aamin ah oo hareerahooda jooga si ay u noqdaan carruur hufan. Carruurta baxsadka ahi ma aha qaar ka reeban, markay waalidiintu ka maqan yihiin, ama haddii waalidku daalan yihiin, jahawareersan yahay ama laga yaabo inay argagaxsan yihiin, waxay u baahan yihiin dad kale oo waaweyn si ay u siiyaan carruurtan wax yar oo badbaado iyo deggenaansho ah xaalad aan la hubin.

Carruurtu dhammaantood way kala duwan yihiin oo ilmo kasta oo magangelyo doon ahi wuxuu xambaarsan yahay sheeko gaar ah. Qaar ka mid ah carruurta magangelyo doonka ah waxay ku soo noolaayeen nolol baxsad ah muddo dheer waxaana laga yaabaa in aanay arkin qaraabadooda sannado badan. Kuwo kalena dhawaan ayay ka tageen waalidkood. Qaar ayaa xiriir la sameeyey qaraabadooda, halka qaar kalena aanay garanayn meel ay wax ka bilaabaan. Dhammaan carruurta magangelyo doonka ahi waxay xambaarsan yihiin su'aalo iyo walaac. Qaar ayaa su’aalo ka qaba xaalkooda waxaanay codsanayaan caawimo. Kuwo kale waxay dhammaantood welwelkooda ku haystaan qalbigooda oo kuma dhiiradaan inay weydiiyaan.

Haddaad tahay qof weyn waxaad u buuxinaysaa door muhiim ah. Waxaad tahay qof ku hagi kara oo ka taageeri kara ilmaha magangelyo doonka ah xaaladda uu ilmuhu ku sugan yahay. Waad isla akhriyi kartaan boggagan adiga iyo ilmuhu. Waxaad si wadajir ah u dhex mari kartaan talaabooyinka kala duwan ee qofku maro marka uu magangalyo doonka yahay.

Qofka weyn ee muhiimka ahi wuxuu noqon karaa

  • Waalid
  • Qof kale oo haya daryeelka iyo mas’uuliyada sharciga ah ee ilmaha
  • Qofka ilmaha loo qabto ee mas’uulka ah (god man)
  • qaraabo
  • Macallin
  • La taliyaha arrimaha bulshada
  • qof ka socda urur tabarruc ah
  • Shaqaalaha Hay'adda laanta socdaalka.

Maclu­u­maad dhee­raad ah iyo taageero

Halkan waxa aad ka heli doontaa tilmaamo ku saabsan ururada ku siin kara taageero iyo isku xiryo halkaas oo aad wax badan oo Iswiidhan ku saabsan aad ka baran karto.

Bris, Xuquuqda carruurta ee bulshada, waa urur ka shaqeeya xuquuqaha carruurta. Waad la xiriiri kartaa Bris haddii aad u baahan tahay inaad qof weyn la hadasho.

Wac telefoonka gargaarka Bris ee dhalinyarada: 116 111

www.bris.se/for-barn-och-unga (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Badbaadinta carruurta (Rädda barnen) waa urur ka shaqeeya xuquuqaha carruurta.

www.raddabarnen.se/rad-och-kunskap/barn-och-unga (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Laanqayrta cas waa urur ka shaqeeya ilaalinta iyo caawinta dadka u baahan. Laanqayrta cas ayaa kaa caawin karta inaad hesho qaraabadaada.

www.rodakorset.se/en/get-help (oo af ingiriis)External link, opens in new window.

Wakiilka carruurtu waa hey'ad hubisa inay hay’addaha kale ee iswiidhishku ay u hoggaansamaan heshiiska caalamiga ah ee carruurta. Halkaan waxaad ka baran kartaa wax badan oo ku saabsan xuquuqahaaga.

www.barnombudsmannen.se/stod-och-verktyg/kunskap-om-barnkonventionen/mina-rattigheter-for-barn-och-unga (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Youmo waa Rubta qaabbilaad caafimaad oo ah websayd dhalinyarada loogu talagalay. Halkan waxa aad ka akhrisan kartaa waxyaabo ku saabsan galmada, caafimaadka iyo xiriirada kuwaas oo ku qoran dhawr luqadood oo kala duwan.

www.youmo.se/so-soExternal link, opens in new window.

RFSL waxay u shaqeeyaan xuquuqaha khaniisiinta, jecel galmada labada jinsi, ninka naagta noqda ama naag nin noqota, jinsiga iyo nooca galmada iyo dadka isku jinsiga ah iyo dadka ay xubnahooda taranku ay u xuubsiibteen hab ka duwan dadka kale intiisa badan Dadka ku cusub RFSL waxay la shaqeeyaan magangalyo doonka iyo dadka waddanka ku cusub.

www.rfsl.se/en/organisation/asylum-and-migration/newcomers-contacts (oo af ingiriis)External link, opens in new window.

Jacaylku waa xor waa goob taageero oo lagu sheekayso (chatt) oo loogu talagalay dhalinyarada loo geysto xadgudubyada iyo cadaadisyada la xiriira sharafta iyo maamuuska.

www.raddabarnen.se/rad-och-kunskap/karleken-ar-fri/ (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Khadka ilaalada ee haweenku waxay bixiyaan talooyin iyo taageero loogu talagalay qofka dumarka ah ee lagula kacay hanjabaado iyo dhunaca jirka iyo dhinaca maskaxda ama xadgudub galmo. Macluumaadka waxaa lagu heli karaa dhowr luqadood. Waxaad sidoo kale wici kartaa 020‑50 50 50. Waxay kuu qabanayaan turjubaan dhowr daqiiqado gudahood.

www.kvinnofridslinjen.se (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Kollpåsoc.se waa websayd aad ka heleyso warbixin ku saabsan taageero ah xuquuqahaaga iyo fursadahaaga taas oo kaaga imanaysa adeegyada bulshada.

www.kollpasoc.se/en (oo af ingiriis)External link, opens in new window.

Xaqayaga – Doorkaaga waxaa loogu talagalay qofka carruurta ah ee keligiis ah ee aan lala socon, qofka ilmaha mas’uulka looga dhigay iyo jilayaasha kale kuwaas oo dhamaantood leh doorar kala duwan si ay u caawiyaan Halkan waxa aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan doorarka kala duwan iyo xuquuqaha aad leedahay waxa ay yihiin. Tusaale ahaan, waxaad daawan kartaa filimo gaagaaban oo ku saabsan waxa qofka mas’uulka laga dhigaa uu kaa caawin karo.

rfs.se/om-rfs/projekt/min-ratt-din-roll (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Filimada Maxaa dhacaya hadda? waxaa loogu talagalay qofka carruurta ah ee keligiis ah ee aan lala socon ee ku nool Iswiidhan iyo kuwo ku nool hoy lagu hayo ama la deggen qoys. Filimada, waxaad ku ogaan doontaa waxa ka dhici doona Iswiidhan wakhtiga ugu horeeya, dadka aad la kulmi karto iyo habka magangalyo doonku u shaqeeyo. Filimada keligaa ayaa daawan kara ama qof weyn ayaad la daawan kartaa. Filimadu waxay ku hadlayaan dhowr luqadood.

Sök efter ”Socialstyrelsen vad händer nu” på Youtube (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Warbixin ku saabsan Iswiidhan waa marin weyn oo loogu talagalay dadka ku cusub waddanka Iswiidhan. Halkaan waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan sida bulshada Iswiidhan u shaqayso marka ay noqoto, tusaale ahaan, guriyeynta, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.

www.informationsverige.se/soExternal link, opens in new window.

Baro Iswidhishka waa bog warbixin Iswiidhan ah oo ku saabsan sida aad adigu naftaadu iswiidhishka isu bari kartid.

www.informationsverige.se/so/jag-ar-asylsokande/lara-svenska

Waa maxay macnaha erayadu?

Alternativt skyddsbehövande – Qofka la siiyo ilaalin/gabbaad waa qof magangalyo ka codsaday Iswiidhan oo halkii qaxoonimada loogu beddeley oo u baahan ilaalin/gabbaad. Caadi ahaan waxaa qofkaa la siiyaa sharci deggenaansho 13 bilood ah.

Asyl – Magangelyo macneheedu waa hoy la magac galo. Marka qofku uu codsado magangalyo, isaga ama iyadu waxay ilaalin/gabbaad ka raadsadaan waddan aan ahayn waddankiisa.

Asylprocess – Habka magangalyada waa tallaabooyin kala duwan oo uu qofka magangalyo doonka ahi maro - laga bilaabo codsiga ilaa go'aanka.

Asylsökande – Magangelyo doonku waa qofka intuu Iswiidhan yimaado kadibna ka codsaday magangalyo, laakiin aan weli helin jawaabtii u dambaysay ee codsigiisa.

Asylutredning – Baaritaanka magangalyadu waa waraysi aad ku sheegayso sababta aad ilaalo/gabbaad uga rabto Iswiidhan.

Avslag på asylansökan – Diidmada codsiga magangalyada waxay macnaheedu tahay in qofka maya laga siiyey codsigii magangalyada doonimada .

Barn – Carruurtu waa dhammaan dadka da'doodu ka yar tahay 18 sano.

Beslut i ett asylärende – Go'aanka kiiska magangalyadu waa markay Hay'adda laanta socdaalku go'aansato in qofka magangalyo doonka ahi uu joogi karo Iswiidhan iyo in kale..

Dagersättning – Lacagta gunno maalmeedku waa deeq dhaqaale oo ay bixiso Hay'adda laanta socdaalka oo uu qofka magangelyo doonka ahi codsan karo haddii aanu haysan lacag uu qofkaasi leeyahay.

Dom – Xukun Go'aamada Hay’adda laanta socdaalka intooda badan waxaa looga dacwoon karaa maxkamad. Marka ay maxkamadi go'aan gaarto, waxaa loo yaqaan xukun.

Flykting – Qaxooti waa qof magangalyo codsaday oo helay aqoonsi qaxootinimo. Taas macnaheedu waxay tahay inuu qofkaasi buuxiyey shuruudihii heshiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda qaxootiga, waxa loogu yeero Heshiiskii Geneva. Markaa caadi ahaan waxaa qofkaa la siiyaa sharci deggenaansho oo 3 sannadood ah.

God man – Qofka mas’uulka looga dhigo ilmo yar waa qofka ay tahay inuu daryeelo danaha ilmaha magangalyo doonka ah marka aanu waalidkii awoodi karin. Wuxuu qofkaasi noqon kartaa nin ama naag.

Identitet – Aqoonsiga macnahiisu waxa uu yahay, waa kuma qofkaasi. Markay Hay'adda laanta socdaalku ku weydiinayso aqoonsigaga, waxaanu ula jeednaa magacaaga, da'daada iyo meesha aad ka timid.

Laga kraft – Dhaqan galay macnaheedu waxay tahay in aan go'aanka laga dacwoon karin.

Migrationsverket – Hey'adda laanta socdaalku waa hay'adda waddanka Iswiidhan ku taala oo baarta codsiyada dadka magangalyo doonka ah. Hay'adda laanta socdaalku waxay kaloo baartaa codsiyada dadka doonaya inay soo booqdaan ama u soo guuraan Iswiidhan, ama kuwa doonaya inay qaataan dhalashada Iswidhishka.

Myndigheter – Hay’adduhu waa inay xaqiijiyaan in bulshadu u shaqayso sidii loogu talagalay iyadoo la raacayo sharciyada baarlamaanka go’aamiyey.

Offentligt biträde – Qareen guud waa qof yaqaana sharciyada Iswiidhan. Kaaliyaha/gacan yaraha ayaa kaa caawin doona codsiga magangalyada. Qareenka guud waa qof sharci yaqaan ah ama abukaate aan u shaqayn Hay'adda laanta socdaalka.

Socialtjänsten – Degmo waliba waxay leedahay adeegyada bulshada. Waxay ku shaqeeyaan sharci loo yaqaano sharciga adeegga bulshada. Sharciga adeegga bulshadu wuxuu ku saaban yahay yaa xaq u leh daryeel caafimaad iyo daryeel bulsho dadka dhamman ku nool degmada. Wuxuu ka kooban tahay xeerar sida bulshadu u caawinayso qofka u baahan caawimada ee laakiin aan cid kale ka helin karin caawimo.

Tystnadsplikt – Waajibka sir qarinta waxay macnaheedu tahay in dadka ka shaqeeya, tusaale ahaan, Hay'adda laanta socdaalka aan loo ogolayn inay u sheegaan waxaad u sheegtay qof aan xaq u lahayn inuu ogaado.

Uppehållstillstånd – Sharciga deggenaanshaha macnihiisu waxa weeye in qofka loo ogolaaday codsigiisa inuu ku noolaado Iswiidhan.

Överklaga – Racfaanka macnihiisu waxa weeye inuu qof u qoro qoraal hay'ad ama maxkamad in aanu ku raacsanayn waxay hay’addaasi ama maxkamaddaasi go'aamisay. Qofku wuxuu rabaa inay hay’addu ama maxkamaddu ay beddelaan go'aanka.

Last updated: