Xuquuqahaaga

Dina rättigheter – somaliska

Iswiidhan waxaad tahay ilmo ilaa aad ka buuxinayso 18 sano. Carruurta magangelyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuq la mid ah tan ay leeyihiin carruurta joogta Iswiidhan dhammaantood.

Taas macnaheedu, waan tusaale ahaan, inaad xaq u leedahay inaad ku noolaato ammaan, aad iskuul dhigato oo aad hesho wakhti firaaqo ah. Waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha ee aad u baahan tahay. Adiga ayaa go'aan ka gaari kara jirkaaga, qofna kuguma qasbi karo inaad galmo la samayso ama aad guursato. Qofna kuma garaaci karo kuumana hanjabi karo.

Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda carruurta, waxa loogu yeero heshiiska carruurta, waa sharci Iswiidhan. Halkaa waxaa ku qoran xuquuqaha ay carruurta dhammaantood leeyihiin. Qaar ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee ku jira Axdiga xuquuqda carruurta waa in

  • dhammaan carruurtu ay xaq u leeyihiin inay noolaadaan oo ay horumar sameeyaan
  • danta ugu wanaagsan ee carruurtu waa inay mar walba muhiim ahaato
  • carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay sheegaan siday wax u arkaan
  • carruurta dhammaantood waxay leeyihiin xuquuqo isku mid ah.

Marka dadka waaweyn ee mas'uulka kaa ah adiga ay gaaraan go'aamo adiga saamayn kugu leh, waa inay ku dhagaystaan waxa aad rabto oo ay ka fikiraan waxa adiga kuu fiican. Waxaad xaq u leedahay inaad sheegto waxay adiga kula tahay oo lagu dhagaysto, laakiin taas macnaheedu maaha inay mar walba noqoto sida aad adigu rabto.

Ka akhri warbixin badan oo ku saabsan xuquuqahaaga markaad tahay ilmo jooga Iswiidhan

Waxaad xaq u leedahay taageero gaar ah

Carruurta magangelyo doonka ah ee aanu waalidkood la socon, waxa loo yaqaano carruurta keligood ah ee aan lala socon, waxay xaq u leeyihiin taageero gaar ah. Adeegga bulshada ee degmada aad ku nooshahay ayaa hubin doonta inaad hesho guri kugu habboon adiga iyo baahiyahaaga. Waxa kale oo laguu qabanayaa "Qof kaa mas’uul ah" oo kuu hadli doona maadaama aanu waalidkaa awood u lahayn. Waxaad xaq u leedahay taageero xitaa haddii uu qof weyni kula socday markii aad Iswiidhan imanaysay oo aanu qofkaasi waalidkaa ahayn

Markaad 18 jirsato

Markaad 18 jirsato, waxaad tahay qof weyn oo aan xaq u lahayn taageerada iyo ilaalinta sid la mid sida ilmaha yar.

Ka akhriso warbixin badan oo ku saabsan waxa dhacaya markaad 18 jirsato

EU-logotyp

Last updated: