Macluumaad dheeraad ah iyo taageero

Mer information och stöd – somaliska

Halkan waxa aad ka heli doontaa tilmaamo ku saabsan ururada ku siin kara taageero iyo isku xiryo halkaas oo aad wax badan oo Iswiidhan ku saabsan aad ka baran karto.

Bris, Xuquuqda carruurta ee bulshada, waa urur ka shaqeeya xuquuqaha carruurta. Waad la xiriiri kartaa Bris haddii aad u baahan tahay inaad qof weyn la hadasho.

Wac telefoonka gargaarka Bris ee dhalinyarada: 116 111

www.bris.se/for-barn-och-unga (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Badbaadinta carruurta (Rädda barnen) waa urur ka shaqeeya xuquuqaha carruurta.

www.raddabarnen.se/rad-och-kunskap/barn-och-unga (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Laanqayrta cas waa urur ka shaqeeya ilaalinta iyo caawinta dadka u baahan. Laanqayrta cas ayaa kaa caawin karta inaad hesho qaraabadaada.

www.rodakorset.se/en/get-help (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

Wakiilka carruurtu waa hey'ad hubisa inay hay’addaha kale ee iswiidhishku ay u hoggaansamaan heshiiska caalamiga ah ee carruurta. Halkaan waxaad ka baran kartaa wax badan oo ku saabsan xuquuqahaaga.

www.barnombudsmannen.se/stod-och-verktyg/kunskap-om-barnkonventionen/mina-rattigheter-for-barn-och-unga (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Youmo waa Rubta qaabbilaad caafimaad oo ah websayd dhalinyarada loogu talagalay. Halkan waxa aad ka akhrisan kartaa waxyaabo ku saabsan galmada, caafimaadka iyo xiriirada kuwaas oo ku qoran dhawr luqadood oo kala duwan.

www.youmo.se/so-so External link, opens in new window.

RFSL waxay u shaqeeyaan xuquuqaha khaniisiinta, jecel galmada labada jinsi, ninka naagta noqda ama naag nin noqota, jinsiga iyo nooca galmada iyo dadka isku jinsiga ah iyo dadka ay xubnahooda taranku ay u xuubsiibteen hab ka duwan dadka kale intiisa badan Dadka ku cusub RFSL waxay la shaqeeyaan magangalyo doonka iyo dadka waddanka ku cusub.

www.rfsl.se/en/organisation/asylum-and-migration/newcomers-contacts (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

Jacaylku waa xor waa goob taageero oo lagu sheekayso (chatt) oo loogu talagalay dhalinyarada loo geysto xadgudubyada iyo cadaadisyada la xiriira sharafta iyo maamuuska.

www.raddabarnen.se/rad-och-kunskap/karleken-ar-fri/ (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Khadka ilaalada ee haweenku waxay bixiyaan talooyin iyo taageero loogu talagalay qofka dumarka ah ee lagula kacay hanjabaado iyo dhunaca jirka iyo dhinaca maskaxda ama xadgudub galmo. Macluumaadka waxaa lagu heli karaa dhowr luqadood. Waxaad sidoo kale wici kartaa 020‑50 50 50. Waxay kuu qabanayaan turjubaan dhowr daqiiqado gudahood.

www.kvinnofridslinjen.se (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Kollpåsoc.se waa websayd aad ka heleyso warbixin ku saabsan taageero ah xuquuqahaaga iyo fursadahaaga taas oo kaaga imanaysa adeegyada bulshada.

www.kollpasoc.se/en (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

Xaqayaga – Doorkaaga waxaa loogu talagalay qofka carruurta ah ee keligiis ah ee aan lala socon, qofka ilmaha mas’uulka looga dhigay iyo jilayaasha kale kuwaas oo dhamaantood leh doorar kala duwan si ay u caawiyaan Halkan waxa aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan doorarka kala duwan iyo xuquuqaha aad leedahay waxa ay yihiin. Tusaale ahaan, waxaad daawan kartaa filimo gaagaaban oo ku saabsan waxa qofka mas’uulka laga dhigaa uu kaa caawin karo.

rfs.se/om-rfs/projekt/min-ratt-din-roll (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Filimada Maxaa dhacaya hadda? waxaa loogu talagalay qofka carruurta ah ee keligiis ah ee aan lala socon ee ku nool Iswiidhan iyo kuwo ku nool hoy lagu hayo ama la deggen qoys. Filimada, waxaad ku ogaan doontaa waxa ka dhici doona Iswiidhan wakhtiga ugu horeeya, dadka aad la kulmi karto iyo habka magangalyo doonku u shaqeeyo. Filimada keligaa ayaa daawan kara ama qof weyn ayaad la daawan kartaa. Filimadu waxay ku hadlayaan dhowr luqadood.

Sök efter ”Socialstyrelsen vad händer nu” på Youtube (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Warbixin ku saabsan Iswiidhan waa marin weyn oo loogu talagalay dadka ku cusub waddanka Iswiidhan. Halkaan waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan sida bulshada Iswiidhan u shaqayso marka ay noqoto, tusaale ahaan, guriyeynta, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.

www.informationsverige.se/so External link, opens in new window.

Baro Iswidhishka waa bog warbixin Iswiidhan ah oo ku saabsan sida aad adigu naftaadu iswiidhishka isu bari kartid.

www.informationsverige.se/so/jag-ar-asylsokande/lara-svenska External link, opens in new window.

EU-logotyp

Last updated: