Dadkii magangelyo-doonka ahaa ee hore u helay shaqada kuwaas oo doonaaya inay codsadaan ruqsadda shaqada

Asylsökande som har fått arbete och vill ansöka om arbetstillstånd – somaliska

Haddii aad adigu ka heshay diidmo arjigaagii codsiga qaxootiga ahaa waxaad markaa helashay go’aan celin ah ama masaafuris ah kaas oo bilaabay inuu (dhaqangalo) waxaad marmarka qaarkood codsankartaa ruqsadda shaqadda adigoon Iswiidhan ka bixin. Tani waxay xitaa khuseysaa qofka arrintiisa halmar la tijaabiyey qofkaas oo marhore arrin kale laga siiyey go’aan celin- ama masaafuris ah. 

Haddaad adigu dooneyso inaad shaqeyso intaad magangelya-doonka tahay waxaad u baahantahay AT-UND, taasna micnaheedu waa in adiga lagaa daayey shuruuda ruqsadda shaqada. Haddii codsigaada magangelyodoonka diidmo lagaa siiyo laakin aad shaqo haysatid xaaladaha qaarkood waxaa soo codsankarta ruqsad shaqo oo markas Iswiidhan waa joogikarta iyo shaqadaada waa sii wadankarta.

Halkan ka akhriso shuruudaha laga rabo qofka doonaayo in la siiyo AT-UND

Shuruuda ruqsada shaqada ee laga rabo qofka la siiyey diid­mada taas oo ku saabsan codsi­gaagii magang­elyo-doonka ahaa

Si aad u hesho ruqsada shaqada, waa inay

  • waa inuu codsigaaga ruqsada shaqadu yimaado Hay’adda laanta socdaalka ugu dambeyn laba usbuuc (14 maalmood) kadib markuu go’aanka magangelya-doonka codsigaagu ansaxo (sharciyan hirgalo)
  • adiga qofka aad tahay ku caddeynkartid baasaboor ansaxsan oo la oggolyahay
  • wakhtigii aad magangelyo-doonka ahayd ayaa laguu siiyey AT-UND
  • waxa aad shaqaale ka ahayd hal shaqo bixiye oo kali ah afartii bilood ee ugu dambaysay
  • shaqada ahaato mid ugu yaran aad ka shaqeyndoontid 12ka bilood soo socdo
  • shuruudaha wada heshiinta shaqadaada ey ugu yaran ey tahay heerka wada shaqeynta suuqa shaqada iswiidhan ama xirfadaha iyo shaqooyinka Iswiidhan. Shuruudaha shaqo bixinta mushahaarada mooyaane waxa kale oo ku jira caymiska daryeelka caafimaadka (sjukförsäkring), caymiska nolosha (livförsäkring), caymiska aamaanka (trygghetsförsäkring) haddii aad shaqada ku dhaawacanto iyo caymiska adeega hawlgabka shaqada (tjänstpensionsförsäkring). Shuruudahaas waxaa qasab in la buuxiyay afartii bilood ee ugu dambeeyey ee aad shaqaynaysay 
  • waxaad haysataa shaqo kuu suurto gelinaysa inaad nolol wanaagsan gaadho. aas macneheedu waxa weeye in aad haysato mushahaaro bile ah oo u dhiganta ugu yaraan boqolkiiba 80 mushaharka dhexe ee ay daabaceen Xafiiska dhexe ee tirakoobku (SCB) waana inuu khuseeyo wakhtigii codsiga. Ka akhriso warbixin badan oo ku saabsan shuruudaha khuseeya masruufka (oo af ingiriis).

Si aad u heshid ogolaansho shaqo kadib marka la diido codsigaaga magangalyo doonka waxaa shardi ah in aad biloowday shaqo oo aad aad shaqayn jirtay waqtiga aad ahyayd magangalyo doone. Haddii horay laguugu ogolaaday oo aad u haysatay ogolaansho shaqo iyo degenaansho waqti xadidan oo ah waddanka Iswiidhan inta aadan dalban magangalyada, ma heli kartid oo laguma siinayo ogolaansho shaqo oo cusub adiga oo wali Iswiidhan jooga. Haddii xaalado ey sidaa tahay waa qasab in adiga koow ka tagtid Iswiidhan iyo soo codsatid ruqsad shaqo cusub. Markaas kadib ayaan ku soo dib ugu soo laaban kartaa waddanka Iswiidhan marka laguu ogolaado ogolaanshada shaqo kadib.

Ansaxida go’aanku wuxuu bilaab­maysaa (shar­ciyan hirgalo) haddii

  • markaad adigu oggolaatid ee aad saxiixdid inaad ku qanacsantahay
  • in muddo sadex usbuuc ah ay ka soo wareegtay wakhtigii ay Hay’adda laanta socdaalku ay adiga ku ogeysiisay xukunka taas oo shuruud u ah inaanad xukunkaas rafcaan ka qaadan
  • waa inay sadex asbuuc ka soo wareegto markii ay hay’adda laanta socdaalku adiga ku ogeysiisay xukunka waana in aanad xukunkaa ka qaadan rafcaan oo aanad u dirin maxkamada sare ee Hay’adda laanta socdaalka
  • waa in aanay Maxkamada sare ee Hay’adda laanta socdaalku ku siinin ruqsada tijaabada.

Si adiga laguu siiyo ruqsadda shaqada waa inaad buuxisid shuruudaha ruqsaddaha shaqada. Lama oggola inaad haysatid laba shaqo ama waxka badan kuwaas oo marka laysku daro kuu buuxinaya shuruudihii.

Haddii baasaaboorkaaga wakhtigiisii dhammaad yahay waxaa wanaagsan inaad adigu wakhtiga dheereysatid maadaama aan  lagu siinayn ruqsadd wakhti ka dheer tan baasaaboorka ku qoran.

Haddii ay Hay’adda laanta socdaalka hayso baasaaboorkaaga oo lagaa qaaday wakhtigii lagu hawl jiray intii aad magangelya-doonka ahayd oo aanu annagu wali hayno, ma u baahnid inaad footokoobi baasaaboorka ku saabsan aad soo raacisid arjigaaga.

Halkan ka akhriso shuruudaha waajibka ku ah shaqo-bixiyahaaga waxaad ka dhex helaysaa cinwaanka shaqo-bixiyaha (For employers) (oo af ingiriis)

Haddii adigu aadan buuxin shuru­u­daha

Haddii adigu aad doonayso inaad heshid ruqsadda shaqada intaad Iswiidhan joogto waxaa qasab kugu ah ah in dhammaan shuruudaha korkaan ku qoran aad soo buuxiyo. Haddii kale waa inaad wadan Iswiidhan ka baxdaa adigoo soo gudbisaa codsigaaga go’aanka aad ku sugtaa wadankaagii hooyo ama wadankale oo aad ku haysatid ruqsadda deggenaanshaha.

Halkan ka akhriso sidaad samaynaysid Sidan ayaad u soo codsanaysaa (How to apply) (oo af ingiriis)

Arrin muhiim ah oo qusaysa caymiska

Adigu waxaad u baahantahay inaad bixinso qarashka loogu talogalay caymiska kaas oo daboolaya hadaad jirato ama shil kugu dhaco intaad Iswiidhan deggen tahay. Haddii aad adigu ka diiwaangalisantahay wadanka Iswiidhan waxaad ku jirtaa caymiska bulshada iswiidhan. Haddii adigu aadan ka diiwaangalishanayn wadanka waa muhiim in aad adigu samaysatid caymiska daryeelka caafimaadka (sjukförsäkring) oo adiga kuu gaar ah.

Haddii qofku is-diiwaangalinayo waxa sharci ah in aad adiga haysatid sharciga deggenaanshaha Iswiidhan oo ugu yaran hal sano ah oo uu adiga qorshahaagu yahay inaad halkan deggenaanaysid mudo hal sano ama ka badan.

Ka akhriso warbixin intaa ka badan bogga internetka ee Hay’adda cashuuraha sida laysu diiwaangeliyo External link, opens in new window.

Ruqsadda qoys­kaaga

Qoyskaada waxaa la siinkara ruqsad oo ilaa inta adiga masruufikartid. Qoyska waxa lagu xisaabiyaa

  • qofka adiga kula nool, ninkaaga/xaaskaaga ama labada qof isku qoran
  • carruurtaada ama carruurta qofka aad isku qorantahiin ee aan la guursan ee ka yar 18 sano. Haddii carruurtaada ey Iswiidhan ka tagan markii diidmo laga siiyay codsiga magangelyada, waxaa ayaga ruqsad la siin oo ilaa maalinta ey ka buuxin 21 sano. 

Shuruuda masruufida

Haddii aad dooneysid qoyskaada in ruqsad la siiyo waa qasab in adiga ku filan tahay masruufkaada iyo tan qoyskaada.

Inta ka akhriso warbixin ku saabsan shuruuda masruufida oo dadka shaqeeyo (oo af ingiriis)

Sidan ayuu qoys­kaagu u cods­a­nayaa

Haddii xitaa ay qoyskaagu magangelyo Iswiidhan ka codsadeen waa qasab inay iyagu diidmo ka heleen codsigoodii magangelyada ahaa si ay u bilaabaan inay u keenaan codsi (sharciyan hirgalo) iyagoon wadanka Iswiidhan ka bixin. Codsiga waa in la soo gudbiyaa labo usbuuc gudahooda laga soo bilaabo markuu go’aanka ansaxmo (sharciyan hirgalo).

Haddii aad isla soo wada codsanaysaan adiga iyo qoyskaagu waxaad ka soo codsankartaa bogga internetka siwadjira.

Haddii markaad adigu codsato kadib iyaguna codsanaayaan codsiga si gooniya ayey internetka uga soo buuxinayaan (oo af ingiriis)

Sidaan baad u codsankartaa ruqsadda shaqada

1

Shaqo-bixiyaha ayaa bilaabaya codsiga

Shaqo-bixiyaha ama qofka aad howsha u qabandoontid oo Iswiidhan baa koow bilaabi codsiga ruqsada shaqada oo wuxuu soo gudbin warbixin oo inaa shaqada bilaawday. Shaqo-bixiyahaagu wuxuu u baahanyahay warbixinp khuseeysa adiga magacaaga, taariikhda aad dhallatay, jinsiyadaada aad tahay, waxbarashadaada iyo ciwaanka e-mailkaaga.

Aad bay muhiim u tahay inaad adigu isticmaalikartid ciwaanka e-mailka ee aad siinayso shaqo-bixiyaha ilaa iyo intaad adigu ka helaysid go’aanka codsigaada. Hay’adda laanta socdaalka waxay isticmaalidoontaa ciwaanka e-mailka markay xiriirka kula samanayso adiga ilaa iyo inta codsigaada ruqsadda shaqada lagu gudajiro.

Warbixin khusaysa shaqo-bixiyaha (oo af ingiriis)

2

Adiga waxaa laguu soo diriyaa e-mail

Markii shaqo-bixiyaha warbixinta shaqada aad bilaawday uu noo soo gudbiyo waxaa adiga laguu soo diri emeyl oo ey qorantahay warbixin oo sida aad usoo codsaneysid ruqsad shaqo.

Codsiga waxaad ku soo buuxinsaa macluumaadka adiga shakhsiyan kugu saabsan. Haddii adigu aad leedahay qoys kuwaas oo u baahan sharciga  deggenaanshaha iyagana sidaad oo kale ayaad ugu dalbaysaa. Adiga waa inaa iska hubisid warbixinta ku qoran wada heshiinta shaqada iney tahay tan adiga iyo shaqo-bixiyaha aad ku wada heshiisen.

Halkan ka akhriso oggolaanshaha khuseeya qoyska (oo af ingiriis)

3

Ku soo lifaaq dukumenti

Dukumentiyadan ayaad iskaan ku soo samaynasaa ama soo sawiraysaa waxaanad soo raacinaysaa codsigaaga

  • koobi ka soo samee boggaga baasaboorkaaga ee ay ku qoran yihiin warbixintaadu, sawirka, saxiixa, lambarka baasaboorka, wadanka laga bixiyey, wakhtiga uu ku egyahay ama dhacayo, bogga aqoonsiga ee loogu talogalay inuu mishiinku akhriyikaro ee lambarka sirta ahi ku qoran iyo haddii aad deggenaansho oggolaansho ah ka haysatid wadamokale oo aan wadankaaga ahayn. Haddii intii dacwada magangelyo doonkaagu socotey ay Hay’adda laanta socdaalku kaa qaaday baasaboorkaagii uma baahnid inaad soo dirto koobi ku saabsan baasaaboorkaada.
  • warqada wada heshiinta shaqada (haddii warqada wada heshiinta ey ku qorantahay luqad kale oo ingiriis ama iswiidhish eheen waa inaad soo turjumtid iyo soo raacisid koobi oo warqada asalka)
  • warbixin oo inaa shaqeyneysid iyo aragtida ururka shaqaalaha ey ka qaban in shaqo lagu siiyay (waa warqado uu shaqo-bixiyaha adiga ku siin)
  • warqadihii mushahaarada lagu siiyey afartii bilood ee ugu dambeeyey.

Haddii baasaboorkaaga wakhtigiis dhamaad yahay waxaa wanaagsan inaad cusboonaysid oo aad dheeraysid maadaama aan adiga lagu lagu siinayn ruqsad/oggolaansho ka badan kan baasaboorka ku qoran.

Haddii adiga iyo qoys­kaagu aad iskumar dalba­nay­saan shar­ciga degge­naansha (uppe­hålls­till­stånd)

  • Koobi ka soo samee boggaga baasaboorkaaga ee ay ku qoran yihiin inta qof ee ay qoyskaagu ka kooban yihiin warbixintooda, sawirka, saxiixa, lambarka baasaboorka, wadanka laga bixiyey, wakhtiga uu ku egyahay ama dhacayo, bogga aqoonsiga ee loogu talogalay inuu mishiinku akhriyikaro ee lambarka sirta ahi ku qoran yahay iyo haddii ay deggenaansho oggolaansho ah ka haystaan wadamo kale oo aan wadankooda ahayn. Haddii dadka qoyskaaga ka midka ahi intii dacwada magangelyo doonkoodu socotey ay Hay’adda laanta socdaalku ka qaaday baasabooradoodii uma baahna inay soo diraan koobi ku saabsan baasabooradooda
  • koobi warqada meherka, caddeynta guurka ama wax u dhigma (waxay khusaysaa dadka isqaba ama ku diwaangalishan inay wada nool yihiin)
  • warqad caddeyneyso inaa isla nooleeden (quseysaa dadka nolol ka dhaxeyso)
  • warqada dhalashada carruurta
  • oggolaanshada waalidka kale ee isaguna mas’uuliyada carruurta wax kul eh, haddii aanu waalidkaasi Iswiidhan idiin soo raacin, taas oo ay ku cddahay inuu ilmuhu Iswiidhan u guurikaro
  • warqado caddeyn in dakhliga ku soo galo ey ku filantahay masruufida noloshada iyo tan qoyskaada. Warqada codsiga ama foomka aad internetka ka so buuxineysid bey ku qorantahay warqadaha la dooni inaa ku soo lifaaqdid.

Dukumentiga waxaa habboon in lagu turjumay luqadda iswiidhishka ama ingiriisiga oo uu turjumay, turjubaan sharciyeysan. Koobiga aad soo diraysaa waa inuu marwlaba noqdaa mid aad kii asalka (orijinaalkii) ahaa ka soo koobigaraysay.

Qoyskaaga jooga wadanka Iswiidhab dibaddiisa kuwaas oo raba inay codsadaan sharciga deggenaanshaha wadanka waa inay tagaan safaarada iswiidhisku wadankaa ku leedahay ama cidda u wakiilka ah safaarada si ay u helaan kaarka sharciga deggenaanshaha.

Halkan ka akhriso oggolaanshaha khuseeya qoyska (oo af ingiriis)

Haddii aad cods­a­naysid ruqsadda shaqada si aad ugu sii shaqaysid shaqo bixiy­a­haagii aad hore ugu shaqayn jirtay

  • dhammaan tiro koobida wixii dakhli ku soo gali jiran oo ka soo qaadeysid Hey’adda canshuuraha (Skatteverket) ama sanadyadii ugu dambeeyay canshuurihii aad bixisay
  • warqada ey qorantahay mushaarka bisha laguu soo diri oo sanadka lagu jiro.

4

Bixi lacagta oo soo dir codsiga

Xaaladaha intooda badan waxaad adigu bixisaa kharash. Waxaad adigu wax ku bixinaa waa kaararka Visa ama Mastercard. Markaad adigu kharashka bixisid waxaad noo soo diraysaa codsigaaga. Waxaad adigu helaysaa e-mail xaqiijinaya inuu codsigaagii noo yimi. Hay’adda laanta socdaalka ayaa kula soo xiriiraysa haddii lagaaga baahdo warbixin kale oo dheeraada.

Kharashyada ruqsadda shaqada loogu talogalay (oo af ingiriis)

5

Hay’adda laanta socdaalka ayaa arrinta gudagelaysa

Haddii aad adigu codsatay ruqsadda shaqada intii aanu kaa dhicin sharciga deggenaanshuhu (uppehållstillstånd) waxaad xaq u leedahay inaa sii shaqaysid intaad sugeysid go’aanka.

Si ay Hay’adda laanta socdaalka go’aan uga gaarto arrintaada waxaa khasab in dhammaan warbixinahaaga oo dhan aad soo buuxiyo oo ay dhammaan dukumentiyada laga marmaanka oo dhami ay la socdaan. Taas micnaheeda waxa weeye in wakhtiga gudagalka arrintu uu soo gaabandoono haddii dhammaan waxyaabaha loo baahan yahay oo dhami ay la socdaan bilowga horeba halkii codsiga dib markale loo soo dhammaystiri lahaa.

U fiirso inay Hay’adda laanta socdaalka xaaladaha qaarkood u baahnaankarto inay codsiga baaritaan ku sii samaynkarto haddii xitaa dhammaan warbixinaha oo dhan la soo wada buuxiyey dukumentiyada oo dhan la soo wada diray.

Wakhtiyada ay qaadaneyso ka shaqaynta ruqsadda shaqada (oo af ingiriis)

6

Na tusi baasaboorkaada

Hey’adda socdaalka waa qasab iney aragto baasaboorkaada inteysan go’aan gaarin ka hore. Waxaa suurtagal ah in adiga lagu dhaho keen baasaboorkaada xafiiska Hey’adda socdaalka.

Xaaladaha qaarkood adiga ma ubaahnid inaa na tusid baasaboorkaada, tusaale ahaan haddii aan horey noo tusisay baasaboorkaada.

Haddii adiga aad u baahantahay inaa na tusid baasaboorkaada anaga baa kuu soo diri warbixin oo sida aad suubineysid, meesha aad keeneysid iyo xilliga.

7

Gundhigga kaarka sharciga deggenaanshada

Haddii adigu lagu siiyo ruqsad ka badan muddo saddex bilood waxaa lagu siindoonaa kaarka sharciga deggenaanshada. Kaarkaasi wuxuu caddaynayaa inaad adigu haysatid ruqsad aad ku joogikartid Iswiidhan waxaana ku yaala sawirkaaga iyo sawirka farahaaga. Sidaas daraadeed waxaad adigu u baahan tahay inaad wakhti ka ballansatid Hay’adda laanta socdaalka si laguu sawiro isla markaana farahaaga la sawiro sida ugu dhaqsaha badan. Sidaas waad u baahan tahay inaad samaysid xitaa haddii aad hore u haysatay kaarka sharciga deggenaanshaha maxaa yeelay sawirkaaga iyo sawrika farahaaga midkoodna lama kaydinkaro.

Halkan ka akhriso warbixinta kaarka sharciga deggenaanshaha

Wakhti ka ballanso Hay’adda laanta socdaalka si laguu sawiro farahaaga sawirkoodana lagaaga qaado (oo af ingiriis)

8

Adiga waxaad heleysaa go’aan

Waxa adiga laguu soo dirayaa e-mail marka go’aanka lagaaro. Go’aanka waxaa lagugu soo diriyaa ciwaanka guriga Iswiidhan aad ka deggen tahay. Shaqo-bixiyahaaga ama qofka aad u shaqaynayso ayaa iskumar loo dirayaa oo la wargelinayaa go’aanka iyadoo boosta loogu dirayo. Marka kaarka sharciga deggenaanshaha la diyaariyo guriga ayaa adiga laguugu soo dirayaa muddo usbuuc gudihiisa ah.

Go’aankii ku saabsanaa celinta ama kii tarxiilku weli sidiisii oo lama bedelin.

Haddii diidmo lagaa siiyey codsigaagii magangelya-doonka ahaa oo aad heshay go’aan masaafuris ama tarxiil ah wli go’aankii waa sidii oo lama bedelin xitaa haddii aad soo codsata ruqsada shaqada. Xaaladaha keliya ee ay Hay’adda laanta socdaalku ku joojinkartaa celinta wadankaagii lagugu celinayaa waa inaad ka hesho go’aan ku saabsan codsigaagii ruqsada shaqada. 

Haddii adigu aad heshid sharciga deggenaanshaha iyo kan shaqada waxaad xaq u leedahay inaad Iswiidhan joogito ilaa inta ruqsadda kuu shaqaynayso. Si kastaba ha ahaatee go’aanka masaafurisku ama tarxiilku sidiisii ayuu u jirayaa ilaa iyo afar sannadood laga bilaabo markuu hirgalo ama marka go’aankii la gaaray laga noqdo. Sidaas daraadeed waa muhiim inaad dheeraysatid ruqsadaada intaanu wakhtigii loogu talogalay kaa dhicin. Haddii aad soo codsato markuu ruqsaddii wakhtigeeda dhacay kadib waxaa lagu tijaabindoonaa xeerarka diidaaya hirgalinta oo markaasna waxaa la isticmaalidoonaa xeerar kale iyo shuruudo adag markay noqoto helida ruqsadda.


Haddii Hay’adda laanta socdaalka diido codsigaada

Waxaa ka qaadankartaa rafcaan go’aan diidmada ah ee ruqsadda shaqada lagaa siiyey. Rafcaankaas waa inuu soo gaaro Hay’adda laanta socdaalka ugu dambayn saddex usbuuc kadib maalinta aad hesho go’aanka. Haddii aadan helin ruqsadda shaqada waxa jira oo taagan go’aankii hore ee masaafuriska am tarxiilada ahaa.

Warbixin dheeraada ka akhriso cinwaanka (After the decision has been made) go’aanka Kadib (oo af ingiriis)

Haddii aanad adigu inter­netka ka soo cods­a­nayn

Haddii aanad adigu ka soo codsankarayn internetka waxaad soo buuxinsaa foomka la yiraahdo Codsiga ruqsadda inuu qofku ka shaqaynkaro Iswiidhan – waa qofka Iswiidhan jooga, lambarka foomku waa 149011 (Application for Swedish work permit, form number 149011). Haddii xitaa qoyskaaga oo joogo Iswiidhan ay u baahan yihiin sharciga deggenaanshaha waa in qofkasto oo qoyska kamid ahi u si khaas ah u soo codsado oo ay soo diraan, Foomka codsiga ayay ku qoranyihiin dukumentiyada aad u baahan tahay inaad ku soo lifaaqo.

Application for Swedish work permit, form number 149011 (oo af ingiriis) Pdf, 851.7 kB, opens in new window.

Application for permit for family members of employees, visiting researchers, athletes and self-employed persons, form number 133011 (oo af ingiriis) Pdf, 847.4 kB, opens in new window.

Ku soo dir codsiga cinwaankan:

Migrationsverket
Box 3100
903 03 Umeå

Xaaladaha inta ugu badan waxaad adigu bixin kharash.

Halkan ka akhriso warbixinta qarashyada iyo sidaad u bixinaysid (oo af ingiriis)

Last updated: