Haddii codsigaaga magan galyada la diiday

Avslag på ansökan om asyl – somaliska

Diidmada codsiga macnaheedu waa weeye in Wakaalada Socdaalka Swedishka ay ogaatay inaadan haysan asbaabo ku filan oo laguugu oggolaado inaad joogto Sweden. Waxaad dooran kartaa inaad aqbasho ama aad rafcaan ka qaadato go’aanka.

Haddii aad aqbasho go’aanka caydhinta ama mastaafurinta, waxaad saxeexi kartaa waxa lagu tixraacay sida ‘bayaanka qanaca wata go’aanka (nöjdförklaring). Marka aad saxeexdo bayaanka qanaca oo wata go’aanka, rafcaan kama qaadan kartod go’aanka oo waa inaad qorshaysaa safarkaaga dib u noqoshada. Xataa aanad saxeexin bayaanka qanaca wata go’aanka, waa muhiim inaad la shaqayso Wakaalada Socdaalka Swedishka wakhtiga noqoshadaada.

Akhri wax badan oo ku saabsan noqoshada aan khasabka ahayn

Macluumaadka kuwan carruurta ah ee aan lahayn masuul sharci ah oo codsigooda magan galyada la diiday (oo af ingiriis)

Waxay shee­gaysaa go’aanka marka aad ka tagto Sweden

Waxay sheegyasaa go’aankaaga inta ay leegtahay wakhtiga ee kuu hadhsan ka hor inta aanad u baahan inaad ka tagto Sweden, badanka gudaha labba ilaa afar todobaad laga bilaabo marka go’aanku noqdo kama dambays iyo dhaqan gala. In uu go’aankii noqday kama dambays oo la dhaqan gelinayo macnaheedu waxa weeye in ku dabaqeedii uu bilaabmay oo aan in dheeraad ah rafcaan laga qaadan doonin. Badanka xaaladaha ay tani dhacdo saddex todobaad ka dib marka Wakaalada Socdaalka Swedishka ay kugu wargelisay go’aanka, ama marka aad saxeexdo bayaanka qanaca wata go’aanka. Waa inaad iskaa ula socotaa xaalada markaas waxaad ogsoonaan doontaa marka go’aanka uu noqdo kama dambays iyo mid dhaqangalaya oo ka dib aad kaga tagtaa wadanka gudaha wakhtiga lagu sheegay go’aanka.

Go’aan oo tarxiilin ama musaafirin caadiyan wuxuu ansaxsanaan muddo afar sano.

Tarx­i­i­lida oo sida ugu dhaq­saha badan loo suubin

Haddii uusan shaki ku jirin oo adigu aadan haysan sabab magangelyo lagugu siiyo, ama sabab lagugu siin karo ruqsada daganaanshada oo Iswiidhan, adiga waxaa leh go’aan oo in wadanka sida ugu dhaqsaha badan lagaaga tarxiilo. Adigu go’aan noocas waxaa kaliya helikarta haddii Hey’adda laanta socdaalku codsigaada go’aan ka gaarto saddex bilood gudaheeda. Haddii adigu lagaa gaaro go’aan oo in wadanku sida ugu dhaqsaha badan lagaaga tarxiilo, adigu waxaa ku qasbantahay inaa Iswiidan ka tagtid haddii xita go’aanka aad rafcaan ka qaadatid.

Haddii aad dooneysid go’aanku inaa rafcaan ka qaadatid

Go’aanka Hey’adda laanta socdaalku rafcaan waa laga qaadan kara. Haddii adigu aad rafcaan ka qaadatid go’aanku waxaa fiirin maxkamad. Go’aanku bey ku qorantahay adigu muddada aadu haysatid haddii dooneysid inaa rafcaan ka qaadatid go’aanku, caadiyan saddex isbuuc laga bilaabo maalinta go’aanku lagu soo ogeysiiyo. Haddii xita aad rafcaan ka qaadatid waa inaa dib ugu laabasho wadankaagu isku sii diyaarisid.

Haddii rafcaan aad ka qaadatid go’aanku tarxiilida ama wadan ka baxida caadiyan adigu Iswiidan waa sii joogi karta ilaa inta maxkamadu rafcaankaagu ka go’aan qaadaneyso. Haddii adiga rafcaan ka qaadatid go’aan oo sida ugu dhaqsaha badan wadanku in lagaaga saaro adigu ma laguu oggola inaa wadanku sii joogtid ina maxkamadu rafcaankaagu ka go’aan qaadaneyso. Laakin maxkamadu wey go’aamin karta in tarxiilidu dib loo dhigo, oo la sugo go’aanka maxkamada, markasna adigu waa sii joogikarta Iswiidan muddadas. Haddii maxkamadu eysan go’aamin in tarxiilida dib loo dhigo waa qasab in adigu Iswiidan toos uga baxdid.

Baro wax badan oo ku saabsan sida loo gudbiyo rafcaanka

Qors­haynta safar­kaaga ilaa wadankii

Marka aad heshay go’aanka ka caydhinta ama mastaafurinta ,waxaa laguugu yeedhaa falan qaynta lala yeeelanayo maamulaka kiiska xaga Wakaalada socdaalka Swedishka ama amarka inaad in la qorsheeyo dib u noqoshadaada. Ka dib waxaad heli doontaa macluumaadka ku saabsan doorashada kale ee beddelka ah ee la heli karo aagaaga oo sidoo kale waxaad waydiin kartaa su’aalaha.

Haddii aad qorshayso inaad ka tagto Sweden iskaa ka hor inta aan laguugu yeedhan falan qaynta ku saabsan noqoshada, waxaad booqan kartaa qaybta soo dhawaynta ugu dhow wixii macluumaad dheeraad ah. Waa halkaa meesha aad ka heli karto, tusaale ahaan, shahaadada bixida aad u dhiibayso maamulka baasaabarada Swedishka marka aad ka tegayso wadanka.

Akhri wax badan oo ku saabsan noqoshada aan khasabka ahayn

Xarunta dib u celinta

Waxaa ugu dambayn boos lagaa siin doonaa xarunta dib u celinta marka go'aanka celinta ama go’aanka masaafurintu uu dhaqan galo. Waxaad ku noolaan doontaa xarunta dib u celinta ilaa aad ka baxayso Iswiidhan ama ilaa inta aanad xaq u lahayn taageerada dhaqaale iyo guri. Isla markaana taas macnaheedu waxay tahay in Hay'adda laanta socdaalku aanay ku siin doonin guri kale. Xarunta dib u celinta waxaad ka heli doontaa talo iyo taageero si aad ugu diyaargarowdo dib u celintaada.

Waxaad dooran kartaa inaad sii deggenaanto xarun dib u celinta ama degto guri adiga kuu gaar ah ilaa aad ka baxdo Iswiidhan.

Ka akhriso warbixin badan oo ku saabsan xarunta dib u celinta

Kaal­mada dib u noqos­hada

Iyaddoo ku xidhan ka uu yahay wadanka aad ka timid, waxaa jiri kara suuragal ahaanshaha helida taageerada lacagta caddaanka ah ama qaabab kale oo taageero oo kuu fududeeya adiga inaad naftaada dejiso wadankaaga mar labbaad. Shuruudaha inaad awood u yeelato inaad hesho lacagta caddaanka ah ee taageerada waa inaad si aan khasab ahayn u noqotaa.

Baro wax badan oo ku saabsan cida hesha caawimada dib u noqoshada

Waxa dhacaya haddii aanad u hogaan­samin go’aanka

Marka go’aanka uu leeyahay dhaqan gelin sharci oo ay tahay kama dambays, oo aan in dheeraad ah rafcaan laga qaadan karin, waa inaad ka tagtaa Sweden. Marka muddadu dhacday, in dheeraad ah ma lihid xaqa guriga ama kaalmada dhaqaalaha ee ka timid Wakaalada Socdaalka Swedishka. Tan waxay ku habboontahay kuwa ah dadka waa wayn oo aan ahayn masuulada sharciga ah ee carruurta ka yar 18 sano kor.

Qof kasta oo weli xaq u leh kaalmada dhaqaalaha ka timid Wakaalada Socdaalka Swedishka (tusaale ahaan, qoysaska wata carruurta) waxay heli karaan gunnada maalinlaha ah oo la yareeyay haddii isaga ama iyaddu aanu la shaqayn inuu wadanka ka tago.

Haddii aanad la shaqayn dib u noqoshadaada, Wakaalada Socdaalka Swedishka waxay gaadhi kartaa go’aanka inay amarto ka warhayn ama in lagu xidho. Ka warhaynta macnaheedu waxa weeye waa inaad si caadi ah isaga diiwaangelisaa Wakaalada Socdaalka Swedishka ama booliska. Haddii aad haysato go’aanka ku saabsan in lagu xidho iyo xabsi ku haynta la soo saaray iyaddoo adiga kugu lid ah, waxaad joogi doontaa goob xabsi oo qufulan marka aad sugayso mastaafurintaada.

Akhri wax badan oo ku saabsan ka warhaynta iyo xabsi ku haynta/xidhida

Mamnu­u­cida dib u soo gelida

Haddii aanad ka tegin Sweden gudaha wakhtiga lagu sheegay go’aanka, waxaa lagaa mamnuucayaa dib u soo gelida oo la soo saaray iyaddoo adiga lid kuga ah, oo macnaheedu yahay inaadan ku soo noqon karin wax ka mid ah wadamada Schengen, midna Romania, Bulgaria iyo Croatia. Macmnuucida dib u soo gelidu waxa uu dhaqan gal ahaanayaa ilaa hal sano.

Haddii aad heshay go’aanka ka caydhinta isla markaaba la fulinayo, waxaad had iyo jeer lahaan doontaa mamnuucida dib u soo gelida la soo saaray iyaddoo adiga kugu lid ah taas oo caadi ahaan lagu dabaqayo ugu yaraan labba sanadood, xataa haddii aad isla markaaba ka tagto Sweden.

Mamnu­u­cida dib u soo gelida oo ay sababtay sababo kale

Haddii Wakaalada Socdaalka Swedishka aanay rumaysnayn inaad Sweden uga tegi doonto si aan khasab ahayn, waxaa mamnuucida dib u soogelidaa aaga Schengen la soo saarayaa iyaddoo adiga kugu lid ah taas oo dhaqan gala ahaynaaysa ilaa shan sanadood. Tani waxay dhici kartaa haddii adigu, tusaale ahaan,

  • aad hore uga baxsatay isku dayga in lagu mastaafuriyo ama haddii aad huumasho ku jirtay
  • aad hore uga baxsatay isku dayga in lagu mastaafuriyo ama haddii aad dhuumasho ku jirtay
  • aad isticmaashay aqoonsi been ah ama aanad gacan ka geysan inaad tusto qofka aad tahay
  • si ula kac ah aad u bixisay macluumaad aan sax ahayn ama aanad bixin macluumaadka muhiimka ah
  • waxaa lagu helay dembi keeni kara xukun xabsi ah.

Haddii ka mamnuuca dib u soo gelida adiga kugu lidka ah la soo saaray iyaddoo ah kuwan wax ka mid ah sabab u yihiin, waxaad waayi doontaa wakhtiga haddii kale adigu waxa kuu diyaar ahaan doono u safarka wadanka oo aan khasab ahayn oo waa inaad wadanka isla markaaba ka tagtaa.

Haddii aad waydo wakhtiga haddii kale adiga aad u diyaar ahaan lahayd inaad wadanka si aan khasab ahayn ugu safarto, tan sidoo kale macnaheed waxa weeye waxaad waayi doonaa xaqa guriga iyo kaalmada dhaqaale ee ka timid Wakaalada Socdaalka Swedishka, haddii aanad haysan carruur ka yar 18 sano.

Booliska waxa uu la wareegi karaa masu­u­liyada dib u noqos­ha­daada

Haddi aanay suuragal ahayn in la fuliyo caydhinta ama mastaafurinta sababtoo ah adigu lamaad shaqayn, Wakaalada Socdaalka Swedishka waxay u weecin kartaa booliska masuuliyada xaqiijinaysa inaad wadanka ka tagto, Haddii aad ka baxsato isku deyada mastaafurinta ama haddii kale aad dhuumanayso, boolisku waxay leeyihiin xaqa inay soo saaraan waaran ay adiga kugu xidhayaan oo adiga kugu raadinayaan. Boolisku sidoo kale waxay leeyihiin xaqa ay ku isticmaalaan khasab ama xoog jidhka ah si ay u fududeeyaan ka bixitaankaaga wadanka.

Haddii kiiskaaga ama dacwadaada loo gudbiyo booliska, in dheeraad ah xaq uma lahaan doontin wax qaab taageero dhaqaale ah. Taageerada kale ee dib u dejinta naftaada wadankaaga waxay u dhacdaa xad ka yar.

Haddii boolisku ay helaan masuuliyada ka saarida (mastaafurinta) ama inay adiga ku mastaafuriyaan, waa kuwa aad la xidhiidhayso haddii aad qabto su’aalo ku saabsan safarkaaga dib u noqoshada.

Dhac­dooyinka cusub diid­mada ka dib

Haddii ay wax dhacaan taas macnaheedu waxa weeye inaadad soo noqon karin, waa inaad ku wargelisaa qaybtaada soo dhawaynta wax ku saabsan tan, Wakaalada Socdaalka Swedishka ka dib waxay baadhi doontaa haddii ay jiraan caqabadaha fulinta mastaafurinta. Walaacan waa inuu noqdaa macluumaad cusub oo soo baxay ka dib helida go’aanka.

Akhri wax badan oo ku saabsan waxa ku habboon dhacdada dhacdooyinka cusub ka dib diidmada

Wadamada soo socda waxaa daboolo Heshiiska Schengen

Austria, Belgium, the Czech Republic, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Greece, Hungary, Iceland, Italy, Latvia, Liechtenstein, Lithuania, Luxembourg, Malta, the Netherlands, Norway, Poland, Portugal, Slovakia, Slovenia, Spain, Sweden, iyo Switzerland.

Filim ku saabsan dib u celinta haddii aan laguu ogolaan inaad Iswiidhan joogto

Last updated: