Dukumentiyo dib u laabashada muhiim u ah

Viktiga dokument vid återvändande – somaliska

Waxa jira dukumentiyo adiga kuu fiican in aad hesho inta aanad waddanka Iswiidhan ka bixin. Halkan waxa ku yaala liisto dukumentiyo ah oo aad adiga ama ilmahaagu u baahan tihiin in aad samaysantaan marka aad tageysaan waddankiinii ama waddanka aad adigu ama idinku ku laabanaysaan.

Qoraalka diiwaanka dhalas­hada ilmaha

Wuxuu xafiiska Cashuuruhu ku siinayaa qoraal kooban oo ku saabsan diiwaanka dhalashada ilmahaaga. Waxay kuu fududaynaysaa ka diiwaangelinta iyo iskuulka waddankaagii hooyo ama waddanka aad dib ugu laabanayso. Waxaad sidoo kale u baahan tahay qoraalka kooban ee diiwaanka marka aad ilmahaaga u samaynayso dukumenti uu ku dhoofo. Kaantarool ku sameey inuu sax yahay macluumaadka ku qoran warqadda diiwaanku inta aydaan dhoofin. Haddii uu macluumaadka diiwaanka ku qorani uu khaldan yahay, ama haddii aad u baahato warqada diiwaangelin ah oo cusub, waxaad la xiriiraysaa xafiiska Cashuuraha. Warbixin intaa dheer waxaad ka heleysaa Bogga xafiiska Cashuuraha carruurta ku dhalata waddanka Iswiidhan External link, opens in new window..

Qoraal kooban oo laga keenay diiwaanka dembiyada

Hey’adda booliiska ayaa ka mas’ul ah diiwaanka dembiyada. Diiwaankani wuxuu ka kooban yahay macluumaad ku saabsan qofka dembiga gala.

Waxaad xaq u leedahay in aad hesho diiwaan kooban oo qoraal ah ay kuu soo diraan Hey’adda booliiska kaas oo ah diiwaanka dembiyada haddii aad codsato. Diiwaankaas koobani wuxuu muujinayaa haddii uu jiro wax diiwaan ah, in aad adigu waddanka Iswiidhan dembi ku gashay iyo inkale. Qoraalkaa diiwaanka ee kooban waxaad u baahan tahay in aad tusto waddan kale. Dukumentiga waxaad tusaale ahaan u baahan tahay marka aad dib ugu laabanayso oo aad deggeyso, ama aad shaqo ka codsanayso waddankaagii. Warbixin intaa dheer waxaad ka heleysaa bogga booliiska ee diiwaanka dembiyada External link, opens in new window..

Shahaado/​caddayn isku­ulka laga keenay

Si aad adiga ama ilmahaagu aad u tustaan waxbarashada aad Iswiidhan ku qaadateen, waxaad u baahan tihiin in aad tustaan shahaado ama caddayn. Waxa tusaale ahaan noqonkartaa marka aad bilaabaysaan iskuul ama aad waxbarasho ka codsanayo waddankaaga. Si markaa laguu siiyo shahaado iyo caddaynba waxaad la xiriiraysaa iskuulkii aad waxbarashada kaga qaadateen Iswiidhan gudaheeda. Warbixin intaa dheer waxaad ka heleysaa bogga internetka ee degmada aad deggen tahay.

Warqadda caddaynta takhtarka iyo duku­menti ku saabsan caafi­maad­kaaga

Waddanka Iswiidhan gobolada ayaa ka mas’uulka daryeelka caafimaadka. Si laguu siiyo warqadda caddaynta takhtarka ama dukumentiyada kale ee qeexaya xaaladaada caafimaad waxaad kala xiriiraysaa rugta caafimaadka ee adigu ku qaabilsan ama isbitaalka lagaa daryeelo. Warbixin intaa dheer waxaad ka heleysaa bogga internetka ee caafimaadka gobolka www.1177.se External link, opens in new window.. Waxaad sidoo kale faahfaahin intaa dheer oo ku saabsan caafimaadka ka heleysaa www.informationsverige.se External link, opens in new window..

Turju­midda duku­men­tiy­a­daada

Waxa jirikarta sabab in dukumentiyadaada laguugu turjumo luqadda ingiriiska ama luqadaada afka hooyo. Si markaa laguu caawiyo waxaad la xiriiraysaa cida ama meesha kuu samaysay dukumentiyada. Xaaladaha qaarkood xitaa Hey’adda laanta socdaalku adiga way kaa caawinkaraan turjumidda.

Last updated: