U noqoshada naftaada si aan khasab ahayn (tegitaanka aan khasabka ahayn)

Återvända självmant – somaliska

U noqoshada si aan khasab ahayn macnaheedu waxa weeye inaad la shaqayso oo aad si wada jir ah noola shaqayso si aanu ufududayno noqoshadaada. Haddii aad hesho diidmada codsigaaga magan galyada, waa inaad samaysaa qorshaha inaad ka tagto Sweden.

Marka aad heshay go’aanka ka caydhinta (avvisning) ama mastaafurinta (utvisning), waxaa laguugu yeedhi doonaa falan qaynta lala yeeelanayo maamulaka kiiska xaga Wakaalada socdaalka Swedishka. Ka dib waxaad heli doontaa macluumaadka ku saabsan doorashada kale ee beddelka ah ee la heli karo aagaaga oo sidoo kale waxaad waydiin kartaa su’aalaha.

Haddii aanad awoodin inaad u habbayso safarka iskaa, adiga iyo maamulaha kiiska oo wada jir ah ayaa sameeya qorshaha sida cidda sii wadaysa. Waxaad sidoo kale xaq u lahaan kartaa taageerada dhaqaalaha ama taageero kale iyo caawimo si aad awood ugu yeelato inaad si aad u fudud dib ugu dejiso naftaada wadaankaaga.

Baro wax badan oo ku saabsan cida hesha caawimada dib u noqoshada

Habbee baasa­boor­kaaga ama dhoku­men­tiga safarka ku meel gaadhka ah

Waxaad ka masuul tahay habbaynta baasaboorka ama dhokumentiga safarka ku meel gaadhk ah iyo arrimaha kale ee lama huraanka kuu ah adigu inaad ku noqoto wadankaagii ama wadan kale oo aad leedahay xaqa aad ku degto.

Haddii aad caawimo uga baahan tahay warqaddaha safarka, Wakaalada Socdaalka Swedishka waxay la soo xidhiidhi karaan masuuliyiinta guud ee wadankaaga si ay kuugu codsadaan dhokumentiga safarka ku meel gaadhka ah adiga. Xaaladan Wakaalada Socdaalka Swedishka waa inay usoo gudbisaa xogtaada gaarka ah ee masuuliyiinta guud ee wadankaaga, si kastaba ha ahaatee uma sheegi doono adigu inaad codsatay magangalayo gudaha Sweden.

dhacdada aanay suuragal ahayn in la habbeeyo dhokumentiga safarka ee ku meel gaadhka ah, waxaad kartaa, xaalad gaar ah, inaad hesho baasaboorka soogaleetiga oo ay bixiso Wakaalada Safarka Swedishka. Xaaladan baasaboorka soogaleetiga ku meel gaadhka ah wuu habboon yahay markaas waxaad awood u yeelan doonta ainaad dub ugu safarto wadankaagii.

Tigidhka safarka

Waa inaad sii diiwaangashataa safarka wadanka lagu sheegay go’aanka caydhinta ama mastaafurinta.

Marka koowaad waa adiga cidda bixinaysa safarkaaga dib u noqoshada. Haddii aanad haysan lacag ama hanti kale oo aad adigu leedahay, Hay'adda laanta socdaalka ayaa kuu ballamin karta oo kaa bixin karta tigidka. Haddii aad adigu laftaadu safarka iska bixiso, niyada ku hayn inay waajib tahay inaad sidato dhokumentiga safarka ansaxa ah marka aad safarka tigidhida sii goysanaso.

Haddii aad iibsato safar lagau sii hakanayo wadanka aanad oggolaansho u haysan inaad joogto waxaad khatar ugu sugan tahay in lagu ganaaxo adiga ama in masuuliyiinta guud ee wadanku ay codsadaan adigu inaad dib ugu soo safarto Sweden. Sidaas awgeed, waa muhiim inaad diiwaangashato safarka aan lahayn meel kale oo lagu soo hakado oo ah wadan kale oo Schengen ah. Wakaalada Socdaalka Swediska masuul kama aha safarka aad laftaadu sii diiwaangashatay. Haddii aad doorato inaad diiwaangashato safar lagu sii kahanayo wadan kale oo Schengen ah, waa inaad hubsataa inaad leedahay xaqa aad ku joogto wadankaa addoo helaya fiisaha wadanka.

Hoyga, kaad­hadhka baanka iyo kaad­hadhka LMA

Ka hor inta aanad ka tegin Sweden, waa inaad ku soo celisaa kaadhkaaga LMA Wakaalada Socdaalka Swedishka. Haddii aad ka heshay kaadhka bangiga Wakaalada Socdaalka Swedishka, waa inaad kala baxdaa lacagta akoonka bangiga oo aad soo celisaa kaadhka. Haddii aad degenayd guri ka mid ah xarumaha hoyga Wakaalada Socdaalka Swedishka, waa inaad ka tagtaa hoyga oo soo celisaa furayaasha.

Xarunta dib u celinta

Waxaa ugu dambayn boos lagaa siin doonaa xarunta dib u celinta marka go'aanka celinta ama go’aanka masaafurintu uu dhaqan galo (ee uu noqdo kama dambays). Waxaad ku noolaan doontaa xarunta dib u celinta ilaa aad ka baxayso Iswiidhan ama ilaa inta aanad xaq u lahayn taageerada dhaqaale iyo guri. Isla markaana taas macnaheedu waxay tahay in Hay'adda laanta socdaalku aanay ku siin doonin guri kale. Xarunta dib u celinta waxaad ka heli doontaa talo iyo taageero si aad ugu diyaargarowdo dib u celintaada.

Waxaad dooran kartaa inaad sii deggenaanto xarun dib u celinta ama degto guri adiga kuu gaar ah ilaa aad ka baxdo Iswiidhan.

Dary­e­elka caafi­maadka iyo waxba­ras­hadda

Ilaa maalinta aad ka tagto wadanka, waxaad leedahay xuquuq isku mid ah oo daryeelka caafimaadka ah sidii hore, si kastaba ha ahaatee ma heli doontid wax magdhow dhaqaale daawaynta iyo daryeelka ah ka dib go’aankaaga marka uu noqdo kii u dambeeyay oo uu dhaqan geli karo oo xuquuqahaaga kaalmada dhaqaale ay joogsadeed.

Carruurtu waxay leedahay xaqa ay ku aaddo dugsiga ilaa inta ay joogaan Sweden.

Akhri wax badan oo ku saabsan carruurta ku jirta nidaamka magan galayada

Ka tegida wadanka

Had iyo jeer waa masuuliyadaada inaad tusto caddayn Wakaalada Socdaalka Swedishka inaad wadanka ka tagtay. Haddii Wakaalada Socdaalka Swedishka aanay ogayn inaad ka tagtay Sweden, waxaanu samayn karnaa go’aanka aanu ku soo saarno macmnuucida dib u soo gelida. Tan macnaheedu waxa weeye uma safri doontin oo ma soo gelaysan aaga Schengen. Kiiskaaga waxaa sidoo kale loo gudbin karaa booliska xadka.

Si ay Wakaalada Socdaalka Swedishka u ogaato inaad ka tagtay Sweden, marka aad tegayso waa inaad u dhiibtaa shahaadada bixida maamulka baasaaboorada marka la baxayo. Shahaadada bixida waxaa laguugu soo diraa warqad ahaan adiga ama waxaad ka codsan kartaa qaybta soo dhawaynta kuugu dhow si aad mid u hesho. Waxaad sidoo kale tusi kartaa inaad wadanka ka tagtay addoo gudbinaya nuqulka baasaboorkaaga wata bogga hore ee baasaboortka halka macluumaadka gaarka ah lagu muujiyay iyo bogga leh shaambada bixida (ay ku calaamad san tahay lambarka aqoonsiga) ee Wakaalada Socdaalka Swedishka. Tigidhka diyaarada ama warqadda fuulida diyaarada lafteeda looma isticmaali karo inay xaqiijiso ka bixitaanka wadanka.

Ogow inaanad u iibsanayn tigidh safarka leh wadan kale oo Schengen oo lagu sii hakado lagu daray in shahaadada bixitaanka keliya laga dhiibi karo xaga garoomada diyaaradaha Swedishka. Haddii aad ka duusho garoonka Diyaarada Kastrup, tusaale ahaan, ka bixidaada wadanka waxaa lagu xaqiijin karaa miduun adiga oo soo diraya nuqulka boggaga baasaboorka la xidhiidha shaambada bixida.

Hel macluumaadka buxida ee Wakaalada Socdaalka Swedishka (oo af ingiriis)

U safrida wadan aan ahayn wadan­kaaga

Wadan kale oo ka mid ah Midowga Yurub

Wakaalada Socdaalka Swedishka waxay go’aan ka gaadhi kartaa inaad ku noqoto wadan kale oo ka mid Midowga Yurub oo codsigaaga magan galyada waa in lagu baadhaa halkaa. Tani waxay noqon kartaa sababta, tusaale, inaad joogtay wadan kale oo Midowga Yurub ah ka hor inta aanad iman Sweden, ama inaad haysato fiise ama aad magan galyo ka codsatay wadan kale oo Midowga Yurub ah. Sharciyadu waxay ka kooban yihiin Sharciga Dubiln

Haddii aad jeclaan lahayd inaad ku noqoto wadankaaga, waxay adiga kuu noqon kartaa fikrad wanaagsan haddii aanay xaq u lahayn in soo noqoshadaadu qaato wakhti ka dheer ama uu noqdo mid aad uga qaalisan.

Akhri wax badan oo ku saabsan Sharciga Dublin

Wadan aan ahayn midka lagu sheegay go’aanka

Waxaad ku noqon kartaa wadan aan ahayn wadanka lagu sheegay go’aanka haddii aad muujin karto in lagu soo dhawaynayo (laguu oggol yahay) halkaa. Xaaladahan waa inaad haysata amarkaa baasaboor ansax ah iyo oggolaanshaha inaad degto wadanka la is waydiinayo. Tusaale ahaan, inaad haysato fisaha dalxiiska ama aad heli doonto ka dhaafida fiisaha gelitaanka kuma filna. Lama macno ah in inta aad xaqa u leedahay qaadato in ka dheer ama uu noqdo mid aad uga qaalisan.

Last updated: