Hadda waxaad go'aanka magangalyada ku heli kartaa in boostada laguugu soo diro

Nu kan du få asyl­be­slut i posten – somaliska

Ilaa hadda waxay Hay'adda laanta socdaalku go'aanka la xidhiidha kiisaska magangalyo doonka ku sheegtay (ku wargelisay) wada hadalo lagu qabtay qaybta qaabbilaada (mottagningsenheten). Hadda nidaamkaas waa la beddelay. Laga bilaabo 1da bisha maarso qofka magangalyo ka codsada Iswiidhan waxaa go’aanka loogu soo diri doonaa warqad boosta loogu soo diro.

Laga bilaabo 1da bisha maarso Hey'adda laanta socdaalku siyaabo kala duwan ayay kugu soo wargelin kartaa go'aanka kiiskaaga magangalyada. Waxaanu go'aanka kuugu sheegi karnaa kulan aad la yeelato qofka kiiskaaga gacanta ku haya (en handläggare), ama waxaanu kugu soo ogeysiin karnaa boostada. Marka go'aanka lagu ogeysiiyo waxa loo yaqaanaa wargelin, marka go'aanka boostada laguugu soo dirana waxa loo yaqaanaa adeegga la fududeeyay.

Markay Hey'adda laanta socdaalku kugu ogeysiinayso adeegga la fududeeyey, waxaanu go'aanka kuugu soo diraynaa cinwaankii guriga boostada ee aad annaga na siisay. Maalinta ku xigta ee la shaqaynayo waxaanu kuu soo diri doonaa warqad cusub oo kale oo ay ku jirto fariin kaantarool ah oo kuu sheegaysa in aanu kuu soo dirnay go'aankii adiga. Fariinta kaantaroolku waxay sheegaysaa taariikhda go'aanka la soo diray. Go'aanka marka laguu soo diro Laba usbuuc ka dib, waxay Hay'adda laanta socdaalku u aragtaa in lagu wargeliyey go'aankii taariikhdaa kadib.

Hey'adda laanta socdaalka waxay horey kuugu isticmaashay adeegga la fududeeyey si ay tusaale ahaan kugu ogeysiiso go'aamada ku saabsan taageerada dhaqaale iyo dheeraynta sharciga oggolaanshaha.

Warbixin ku saabsan go'aanka

Xitaa haddii ay hey'adda laanta socdaalku doorato inay kugu ogeysiiso iyada oo go'aanka kuugu soo diraysa (adeegga la fududeeyey), waxaa mar walba laguugu yeeri doonaa kulan lagu qabto qaybta qaabbilaada ee adiga ku qaabilsan (mottagningsenhet). Kulanka waxaad heli doontaa macluumaadka ku saabsan go'aanka iyada oo la kaashanayo turjumaan. Haddii aad timaado qaybta qaabbilaada (mottagningsenhet) laba usbuuc ka hor iyada oo aanay laba usbuuc dhammaanin, laga bilaabo markii go’aanka laguu soo diray, waxay Hey'adda laanta socdaalku maalinta kulanka ku xisaabinaysaa maalinta go'aanka lagu wargeliyey.

Go’aanku wuu ansaxayaa inuu dhaqan galo

Taariikhda wargelintu waa muhiim. Haddii aadan ku raacsanayn go'aanka, waxaad haysataa saddex usbuuc oo aad rafcaan ku qaadato, laga bilaabo maalinta lagu wargeliyey. Markay saddex usbuuc ka soo wareegaan wargelinta ama ogeysiinta, go'aanku wuxuu noqonayaa mid hirgala (wuxuu noqonayaa inuu dhaqan gal) oo rafcaan kama qaadan kartid.

Taas macnaheedu waxa weeye markay Hey'adda laanta socdaalku isticmaasho adeegga la fududeeyey, go'aanku wuxuu ka bilaabmayaa inuu dhaqan galo shan usbuuc kadib marka adiga go’aanka laguu soo diray.

Haddii go'aanku yahay mid diidmo ah waxaad inta badan haysataa laba ama afar usbuuc inaad Iswiidhan kaga baxdo si ikhtiyaari ah, laga bilaabo maalinta uu go'aanku dhaqan galo. Haddii aanad ka bixin Iswiidhan wakhtigaas, waxaad waayi doontaa xaqa aad u leedahay hoyga iyo taageerada dhaqaale.

Go'aamo badan ayaa la fulin karaa

Sababta ay Hey’adda laanta socdaalku isbeddelka ugu samaysay ogeysiinta go’aamada ayaa ah in aanu gaarnay go’aamo aan dhaqan gal ahayn, sababtuna ay tahay marka aanu u yeerno qofka magangalyo doonka ma yimaado wada hadalka loogu yeeray ee khuseeya go’aanka. Adeegga la fududeeyay ee go'aanku wuu bilaabmayaa oo wuu khuseeya xitaa haddii aanad iman markay kuu yeerto Hey'adda laanta socdaalku.

Soo sheeg ciwaankaga

Waa muhiim in cinwaanka saxda ah laga diiwaangeliyo Hey'adda laanta socdaalka iyo in dhammaan magacyada xubnaha qoyska ee dadka waaweyni ay ku yaalaan albaabka guriga ama sanduuqa boostada. Si joogto ah u hubi boostadaada oo noo soo sheeg haddii aad u guurto ciwaan cusub.