Caawinad quseyso adiga ku sugan nolol xoogsheegasho iyo hanjabad

Hjälp för dig som lever med våld – somaliska

Dhammaan dadka waxey xaq u wada leeyahiin nolol aan laheen xoogsheegasho/jir dil iyo hanjabad/cunoqabateen iyo iney helan kaalmo iyo caawinad. Qoraalkan waxaa dooneynaa inaa warbixin kaa siino waxa xoogsheegasho/handadaad ula yeedno iney tahay iyo habka Hey’adda socdaalka adiga kuu caawinkarto haddii noloshaada dhibka noocan ku sugantahay.

Qari booqashadaada

Haddii aad adigu u baahan tahay inaad si degdeg ah uga baxdo bogga - taabo badhanka/batoonka ku jira sanduuqa guduudan/cas ee uu ku qoran yahay qoraalka ah Ka bax bogga hadda! Waxaad ku sugan tahay bog Google oo maran. Waxa kale oo suurtogal ah in la tirtiro raadadka aad kaga tagtay kumbuyuutarka si aad u qariso boggaga aad booqatay.

Waxaad halkan ka akhrisan kartaa sida loo qariyo meelaha aad booqatay (luqadda iswiidhishka).

Film ku saabsan gacan kahadalka iyo sida ay Hay’adda laanta socdaalka kuu caawin karto

Filimka dhererkiisu waa 5 daqiiqo. Hadii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gacan kahadal iyo meelaha aad caawimaad ka heli karto fadlan booqo bogga hoose.

Waa maxay xoogsheegasho/handadaad?

Xoogsheegashada/handadaada dhowr nooc bey kala tahay. Halkan waxan ku soo hadal qaadeyna qarkood.

Jir dilka – in lagu kala tuuro, darbeeyo, feero, dhuunta lagaa ceejiyo, xoog laguu qabto ama jir dil lagugu suubiyo ama wax lagugu dhufto ama hub laguu adeegsado. Jir dil aan muuqan waxaa kamid ahaan karo in hurdo laguu diido.

Jir dilka oo maskaxiyan – waxaa loo jeeda ficilada sida sharaf ridida, hanjabaada, takoornaanta, haddidaad iyo lagu koontaroolo, waa ficilo qofka lagu suubiyo si xun maskaxiyan u dhaawaceyso ama sabab u noqoneyso qofka inuu waxyaabo uu suubin lahaa iska daayo xabsi darteed. Jir dilka oo maskaxiyanka waa hanjaab qarsoon tusaale ahaan qof kugu hanjabo inuu is dili ama is dhaawici haddii sida uu dooni aadan suubin. Caro ama xanaaq qofka uu muujo waxey abuurikarta cabsi, iyo qofka u dareemikara iney hanjabaad tahay ama qofka xasuusin jir dilid horey ula soo kulmay. Taasna waxey tahay jir dilka oo maskaxiyan oo loo yaqaan jir dilka ku sugi.

Galmada xoogsheegashada – in lagu qasbo qof aanan dooneyn/rabin inuu ka qeybqaato, suubiyo ama fiirsado ficilo galmo. Tusaale oo galmada xoogsheegashada waxaa kamid ah qofka in lagu qasbo inuu fiirsado filimada galmada, jirkiisa la taabto asaga oo dooneyn, la kufsado, iyo xitaa gunuunucid/yuus ku wadid ilaa galma laga suubin ama galmo dib u wada heshiin labada qof midkood uusan dooneyn. In aad galmo iibsatid waa mabnuuc, xita waxa aad qofka siineysid haddii uu yahay wax fudud aanan qiimo badan laheen; sida mobil telefoon, waxkale qofka u suubineysid ama lacag yar oo baashaal.

Xoogsheegashada oo hantida – waa tusaale ahaan qofka marka uu qalaabta guriga jabiyo, ama adiga lagugu qasbo alaabtaada oo qiimaha kuu leh lagu dhaho jajabi/iska xoor. Haddii xayawaan guriga kuu joogan xayawaanka jir dil lagu suubiyo.

Xoogsheegashada dhaqliga – waa marka qofka dhaqaalaha soo galo ku koontarooleysid/la koontarooleysid sida uu u isticmaali ama qofka loo oggoleen inuu lacag gooni u lahaado, deyn lagu qasbo, dhaqliga soo galo loo koontaroolo iyo hantida guud. Qofka dadka kale ka takoortid iyo qofka laga dhigo qof aanan isku filneen dhaqaalo ahaan.

Daayicid – waa marka aadan qof u baahan siinin caawinad iyo cunto, daawo ama nadiifinta jirka. Tusaale ahaan qofka waxaa ka diidikarta inaa ka caawisid sariir ka soo kicida ama cunto cunida ama qofka ku yareysid, ku badisid ama daawo qaldan siisid.

Waa kuwee dadka la kulmo xoogs­he­e­gashada?

Xoogsheegashada waa arrin caadiyan laga helo dadka isla nool oo noocyada ficilada kala duwanyahiin, oo ka soo biloow ereyo lagugu dhaho ilaa jir dilid culus. Inta ugu badan ujeedka xoogsheegashada waa in qofka u diideysid wax uu dooni inuu suubiyo ama u hanjabi sidaa u koontarooshid iyo ka ilaalisid inuu go’aan uu u madaxbannaanyahay gaaro. Xoogsheegashada oo markas qofka lagu suubin waxey ahaankarta dhowr nooc oo kala duwan.

Xilligasto iyo xaaladkasto dambiga waxaa iska leh qofka oo adeegsan xoogsheegasho iyo marnaba qofka dhibanaha wax qalad iska ma lahan. Dhammaan dadka waxaan xaq u wada leenahay nolol aan laheen xoogsheegasho iyo cadaadis/dulmid iyo inaa helno kaalmo iyo caawinad.

Waayo bey muhiim u tahay inaa anaga na ogey­si­isid haddii aad ku sugan­tahay xaalad xoogs­he­e­gasho/​jir dilid?

Adiga waxaa xaq u leedahay inaa noolatid nolol aanan laheen xoogsheegasho iyo cadaadis/dulmid. Waxaa helikarta caawinad iyo tilaabada koowad waa in aad qof ama xafiis dowladeed oo ku caawinkaro xaalada aad ku sugantahay ogeysiisid.

Howsha Hey’adda socdaalka mas’uulka ka tahay waxaa kamid ah ka hortagida xoogsheegashada. Sidaa howshas u fulinkarno waa muhiim in adiga noo sheegtid haddii adiga ku sugantahay xaalad oo laguu xoogsheegto ama aad ku sugnaan jirtay nolol jir dilid. Sidas daraadeed bey muhiim u tahay inaa na ogeysiisid aqoonta aad u leedahay, haddii adiga xoogsheegasho laguu adeegsaday ama adiga qofkale xoogsheegasho ku suubisay. Waa na ogeysiinkarta xita haddii qofkale oo qoyska kamid ah loo ogeystay xoogsheegasho ama qof qoyskaada kamid ah uu qofkale jir dilid ku suubiyay.

Anaga si joogto baa uga shaqeyna inaa ka warhelno haddii dadka aan la kulano saameyn xoogsheegasho ku soo dhacday. Haddii aanan anaga ku weeydiin aad bey muhiim u tahay in adiga noo sheegtid sidaa kuu caawinkarno, kuu siinkarno warbixinta aad u baahantahay iyo meelaha aad la xiriirikartid sidaa u heshid caawinaada aad u baahantahay.

Waxey kale ey muhiim u ahaankarta arrintaada oo Hey’adda socdaalka howsha ku wado haddii adiga ku sugantahay xaalad xoogsheegasho.

Haddii qofka kula nool/aad isqabtaan uu dhibaato kuu geystay

Haddii sharciga deggenaanshaha lagugu siiyey xubin qoyskaaga ka mid ah, waxaad xaaladaha qaarkood heli kartaa in sharciga deggenaanshaha laguu dheereeyo haddii qofkii aad isqabteen xiriirkii aad lahaydeen uu dhammaaday iyada oo ay sabab u tahay inuu adiga ama ilmahaaga dhibtaato u geystay lammaanahaagii. Warbixin dheeraad ah oo taa ku saabsan waxaad ka akhrisan kartaa bogga Sharciga deggenaanshaha dadka isla noolaa ee xiriirkoodii dhammaaday (oo af ingiriis).

Waxaa heli karta caawinad

Haddii adiga ficil dambi lagugu suubiyay waxaa la xiriiri boliiska, haddii xita ey kugu adagtahay inaa ka sheekeysid ama aad u cabsooneysid. Boliiska waxey kaa caawin suubinta dacwada iyo waxey baari ficilka dambiga oo adiga laguu geystay. Haddii ey u arkan inaa adiga u baahantahay in lagu difaaco oo lagu badbaadsho ayaga baa ka heli difaacid, oo waxey ku siinkaran talooyin, sinyaalada badbaadinta ama qofka dhibka/hanjabaada kugu haayo bey ka mabnuuci inuu kala soo xiriiro. Haddii aad dooneysid inaa boliiska xiriir la yeelatid laakin aadan garaneyn sida aad suubin laheed ama ku kalsooneen anaga baa noo sheegankarta oo anaga baa markas ku caawin.

Haddii laguu hanjab ama jir dilid lagugu suubiyay iyo u baahantahay meel aad ku dhuumatid adiga waxaa caawinad ka heli ururada degdeg u caawinta dumarka oo ku geyn guri meesha uu ku yaal sir ah. Haddii aadan garaneyn meesha aad kala xiriiri laheed ururka dumarka oo meel sir ku dayinkaro anaga noo sheeg sidaa adiga markas kuu caawino.

Quseysaa adiga oo loo geystay jir dil, hanjabad ama kufsi

Aad bey u adagtahay in qof aad nolosha la wadaagatay ama qoyska aad la nooleed ka tagtid iyo waxyaabaha aad la kulantay qof uga sheekeysid. Laakin adiga ma tihid qofka kaliigis nolol noocas ku sugan. Waxaa jiro dad badan iyo ururo badan oo ka heli kartid kaalmo iyo caawinad sidaa xaalada aad ku sugantahay wax uga badalikartid ama lagaa daaweynkaro arrin laguu geystay. Hey’adda iyo xafiisyada dowlada iswiidhan marka aad la kulmeysid waxaa xaq u leedahay turjum haddii aadan fahmeyn ama aadan ku hadli karin luqada iswiidhishka. Inta waxaa ka heleysaa warbixin oo goobaha aad la xiiriirikartid:

Xafi­iska u adee­gida buls­hada [Soci­al­tjänsten]

Xafiiska u adeegida bulshada oo ku yaal degmada kuu diwaangalisan inaa ku nooshahay.

Dary­e­elka caafi­maadka iyo isbi­taalka [Hälso- och sjuk­vården]

Talo bixiyaha daryeelka caafimaadka [Vårdguiden] 1177 waxaa ka heli warbixin quseyso adiga oo qofka aad la nooshahay jir dilid, kufsi iyo galmo xoogsheegasho kuu geysto.

Bogga internetka oo Talo bixiyaha daryeelka caafimaadka 1177 (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Warbixin ku saabsan xoogsheegashada dadka isla nool oo 1177 (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Warbixin ku saabsan xoogsheegasho galmo oo 1177 (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Booliska

Bogga warbixinta booliska oo dambiyada dilka dadka isla nool External link, opens in new window.

Ururka nabad­galinta dumarka [Kvin­no­frids­linjen]

Ururka nabadgalinta dumarka waxaa ka heli kaalmeyn, wada hadal oo telefoonka ka wacikartid xilliga aad dooneysid habeen iyo maalin. Ayaga waxey xita kaa caawinkaran meesha aad la xiriireysid oo xafiiska u adeegida bulshada, caawinaada degdega ama ururada dumarka caawiyo. Wicida telefoon lambarkooda waa bilaash iyo kama muuqan warqada kharash bixinta telefoonka. Ayaga wey kuu qaban turjum haddii aadan fahmeyn ama ku hadlikarin luqada iswiidhishka. Haddii aadan dooneyn in telefoon lambarka uu ka muuqdo liiska oo telefoon lambaradii aad wacday ha iloobin inaa mobiilka ka masaxdid. Telefoon lambarka waa: 020‑50 50 50.

Bogga internetka oo Ururka nabadgalinta dumarka External link, opens in new window.

Ururka dhib­ba­ney­aasha

Ururka dhibbaneyaasha waxaa ka heli kaalmo haddii adiga dambi lagaa galay oo dhibbane tahay. Telefoon lambarka waa: 116 006.

Bogga internetka oo Ururka dhibbaneyaasha (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

Cadaadis sumcad dhowrid [Heders­for­tryck.se]

Bogga internetka waxaa ka heli warbixin quseyso adiga oo lagu haayo cadaadis sumcad dhowrid iyo dooni baratid waxa laga wado cadaadis sumcad dhowrid.

Bogga internetka oo ururka Hedersförtryck.se (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Kärleken är fri – Rädda Barnen (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Adiga oo canug ah

Carruurta xita waxey xaq u leeyahiin nolol aan laheen xoogsheegasho laheen. Ururka oo guriga guud oo carruurta [Stiftelsen Allmänna Barnhuset] iyo Maamulka dowlada gobalka Östergötland [Länsstyrelsen Östergötland] waxey suubiyeen dhowr filim oo quseyo adiga 18 sano ka yar oo waxaa baran jir dilka waxa uu yahay iyo kaalmada iyo caawinaada aad helikartid.

Ka bilaaw inaa fiirsatid filimka la dhaho ”Waa nolosheyda” [ "Det är mitt liv”] External link, opens in new window.

Youmo.se

Youmo.se waa bogga internet oo lagu talagalay adiga jiro 13 sano ilaa 20 sano. Meeshan waxaa ka heli warbixin ku saabsan jirkaada, arrimaha galmada iyo caafimaadka

Bogga internetka oo youmo.se External link, opens in new window.

Ilaalinta xogta shak­hsiga

Macluumaadka ku saabsan qofka u baahan inuu codsado ilaalinta xogta shakhsiga (oo af ingiriis External link, opens in new window.)

TRIS oo tele­foonka kaa kaal­meyn

TRIS waxaa ka heli kaalmo telefoon markey noqoto arrimaha cadaadiska sumcad dhowrida iyo jir dilid sumcad dhowrid sabab u tahay.

Bogga internetka oo ururka Tris (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Ururada badbaadinta dumarka iyo gabd­haha

Roks iyo Unizon waa ururo ka heleysid caawinad degdeg oo meelkasto wadanka ka joogtid oo waxey caawin gabdhaha iyo dumarka

Bogga internetka oo Roks External link, opens in new window.

Bogga internetka oo Unizon (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Xafi­iska kaal­meynta oo RFSL [RFSL Stöd­mot­tag­ning]

Xafiiska kaalmeynta oo RFSL waxaa loogu talagalay dadka galmada isku jinsiga jecel oo loo geysto cadaadis, hanjabad iyo jir dilid.

Bogga internetka oo RFSL Stödmottagning External link, opens in new window.

Terrafem

Terrafem waa urur dumarka ajnabiga qadka telefoonka ka caawiyo. Inaa ayaga la hadashay kama muuqaneyso warqada lacag bixinta telefoonka. Ha iloobin inaa mobiilka ka masaxdid liiska telefoon lambarada aad wacday haddii aadan dooneyn in lambarka la arko. Telefon lambarka waa: 020‑52 10 10.

Bogga internetka oo Terrafem External link, opens in new window.

Quseysaa adiga dadka dhibo, dhaawaco, cabsi galiyo ama sharaf ridid ku suubiyo

Miyey kuula egtahay waxa aad suubineysid iney tahay in qoyskaada jir dil iyo xoogsheegasho ku haysid? Miyaa dareemeysa in aad is koontaroolikarin, carada kaa xoog badantahay ama si aanan wanaagsaneen u ficil celineysid? Miyaa dareemeysa xaaladaha qarkood waxa la oggolyahay wax ka baxsan inaa suubineysid ama miyaa ka cabsi qabta in wax aad halis u ah suubindoontid? Waa suurtagal oo waa la badali kara dhaqan iyo ficilo aan wanaagsaneen iyo waxaa helikarta caawinad.

Xafi­iska u adee­gida buls­hada [Soci­al­tjänsten]

Xafiiska u adeegida bulshada oo degmada kuu diwaangalisan inaa ku nooshahay baa ku siin kaalmo oo sida aad carada iyo xoogsheegashada iskaga nusqaamin laheed oo ehelkaada iyo qoyskaada u geysatid.

Hary­e­elka caafi­maadka iyo isbi­taalka [Hälso- och sjuk­vården]

Talo bixiyaha daryeelka caafimaadka oo1177 waxaa ka heli warbixin quseyso adiga oo qofkale ku suubiyay ficilada dambiyada oo kufsiga iyo galmada

Bogga internetka oo Talo bixiyaha daryeelka caafimaadka 1177 (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Warbixin ku saabsan xoogsheegashada dadka isla nool oo 1177 (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Warbixin ku saabsan xoogsheegasho galmo oo 1177 (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Booliska

Bogga warbixinta booliska oo dambiyada dilka dadka isla nool External link, opens in new window.

Youmo.se

Youmo.se waa bogga internet oo lagu talagalay adiga jiro 13 sano ilaa 20 sano. Meeshan waxaa ka heli warbixin ku saabsan jirkaada, arrimaha galmada iyo caafimaad.

Bogga internetka oo youmo.se (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Dalbo inaa joojisid

Dalbo inaa joojisid waa telefoon lambar oo ku anfaci adiga oo suubiyo jir dil iyo hanjabaad iyo xoogsheegasho. Telefon lambarka waa: 020‑55 56 66.

Bogga internetka oo Dalbo inaa joojisid (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Last updated: