Qoysaska iyo qaraabada qaarkood, waxaa muhiim u ah in aan sumcad xumo laga helin qoyska. Waxaa laga yaabaa inay jiraan xeerar ku saabsan dharka loo ogolyahay inuu qofku xirto, cidda uu raacayo, oo aan loo ogolayn inuu la joogo oo aanu guursan karin cidda uu qofku rabto ama uu qofku waxbarto oo uu ku shaqeeyo waxa uu rabo.
Gabdhaha iyo wiilalashaba waa lagu cadaadiyaa
Xeerarkani sida caadiga ah waa kuwo aad ugu adag gabdhaha, laakiin sidoo kale waxaa jira sharciyo khuseeya wiilasha. Haddii sharciyadu ay keenaan in laguula dhaqmo si xun ama lagu ciqaabo, waxa loogu yeeraa rabshadaha iyo cadaadiska la xiriira sharafta iyo maamuuska. Dadka qaarkood laga yaabaa in gacan loo gaysto, loo hanjabo ama loogu yeero wax aan munaasab ahayn. In qof wax lagu dirqiyo waxa la jebiyey heshiiska xuquuqda carruurta iyo sharciga Iswiidhishkaba.
Mararka qaarkood carruurta waxaa lagu qasbaa inay kaantaroolaan walaalahood sababtoo ah qoyska ayaa ka welwelsan in sumcad xumo laga faafiyo. Laakiin dadku dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay naftooda u noolaadaan sida ay rabaan. Tani waxay khusaysaa iyadoon loo eegayn diinta ama dhaqanka uu qofku leeyahay iyo waddanka ama qoyska uu qofku ka soo jeedo. Carruurtu dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay naftooda u noolaadaan, mana aha inuu qof kale kaantaroolo.
Halkan ayaad la xiriiraysaa
Haddii adiga ama qof aad taqaano wax lagu dirqiyo, waxaad markaa la xiriiri kartaa macallinka dugsigaaga, adeegga bulshada ee degmadaada ama Hay'adda laanta socdaalka si aad caawimo ugu hesho Waxa kale oo jira ururo kala duwan oo taageero iyo warbixin ka bixin kara rabshadaha iyo cadaadisyada la xiriira sharafta iyo maamuuska.
Tris – Xuquuqda gabdhaha ee bulshada dhexdeeda (oo af iswiidhish)
External link.: Halkan waxaad ka heli kartaa taageero haddii aad dareento in qoyskaaga ama qaraabadaadu ay xad kuu sameeyaan ama aad la kulanto hanjabaado ama rabshado marka aad isku dayeyso inaad doorato waxa aad rabto inaad samayso. Wac 010‑255 91 91.