Filmer för yngre barn – somaliska
Filimaantaan waxay ka hadlayaan waxa dhaca marka adiga iyo qoyskaaga aad magangelyo (ama difaac) ka dalbataan Iswiidhan, sida ay u dhacdo iyo sababta laga yaabo in lagu waydiiyo su’aalo adag. Waxaad sidoo kale wax badan ka baran kartaa nolosha Iswiidhan iyo xuquuqaha aad leedahay.
Filimaantaan waxaa loogu tala galay carruurta ay da'doodu u dhaxayso qiyaastii 7 ilaa 11 sano. Waxaa fiican inaad filimaantaan la fiirsato qof weyn oo aad wax ka waydiin karto haddii ay jiraan wax aad fahmi waydo.
Inaad magangalyo dalbato
Sida loo maro geeddi-socodka codsashada magangalyada iyo waxa dhaca kadib.
Xuquuqda in lagu dhageysto
Dadka waaweyn waa inay ku dhageystaan marka aad ka sheekeynayso wixii aad soo martay.
Dareenka
Way adkaan kartaa in la sugo go’aanka ka yimaada Hay’adda Socdaalka.
Nolosha Iswiidhan
Dhammaan carruurta waxa ay xaq u leeyihiin inay dareemaan nabadgelyo oo ay yeeshaan nolol wanaagsan.