Ku socota adigaaga ah carruur ee codsadey magan-gelyo

För dig som är barn och har ansökt om asyl – somaliska

Hordhaca arrimaha bulshada ee loogu talogalay adigaaga ah carruur ee gudaha Iswiidhan ka codsadey magan-gelyo (gabood). Warbixintu waxay ku socotaa adigaaga yimi adigoo la socda waalidkaa iyo adigaaga yimi keligaa.

  • Iyadoo waalidka kula socdo
  • Iyadoo aan waalid kula socon
  • Fili­maan loogu tala­galay carru­urta yaryar

Med föräldrar – somaliska

Sawirka gacan wadne ku dhex jiro.

Carruurtu dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay ka nabadgalaan rabshadaha. Lama ogola inuu qof weyni ku garaaco, ku haraatiyo, ku riixo, timaha ku jiido ama uu kuu hanjabo.

La xidhiidh booliiska 114 14 haddii aad la kulanto rabshado. Haddii aad ku sugan tahay khatar degdeg ah, wac telefoonka booliiska 112.

Waddamada kala duwan, waxaa jira xadad kala duwan marka qofka loo arko inuu yahay qof weyn iyo marka loo arko inuu yahay ilmo. Sharciyada guurka sidoo kale way ku kala duwan yihiin waddamada kala duwani.

Ilmuhu ma guursan karo

Iswiidhan, qofka waxa lagu tiriyaa inuu yahay ilmo ilaa maalinta uu ka buuxiyo 18 sano inta ka horaysana ma guursan karo.

Sawirka laba qof oo u socda kaniisad.

Sababtoo ah waxaa loo arkaa in carruurtu aanay qaadi karin mas'uuliyadda la xiriirta la noolaanshaha guurka. Hadduu ilmuhu wakhti hore guursado waxay ku keentaa inuu ilmuhu dareemo xumaan dhinaca jirka iyo dhinaca maskaxda labadaba sababtoo ah ilmaha waxa laga hor istaagay inuu shakhsi ahaan horumar u sameeyo oo uu ku noolaado nolosha uu xaqa u leeyahay.

Markuu qofku gaaro 18 sano, isaga ayaa go'aan ka gaaraya haddii uu rabo inuu guursado iyo qofka uu guursanayo. Qofna looma ogola inuu qof ku qasbo ama ku khiyaaneeyo guur. Waa sharci darro in la isku dayo in lagu khasbo ama lagu khiyaameeyo ilmo in la geeyo waddan kale si loogu soo guuriyo. Tani waa dambi keeni kara in xabsi lagu galo. Sidoo kale waa sharci darro in ilmaha lagu khasbo inuu la noolaado xiriir la mid ah guurka. Marka qof weyni uu u galmoodo ilmo ka yar 15 sano, waxaa lagu xisaabinayaa sida kufsiga.

Haddii qofku ka yar yahay 18 oo uu guur­saday

Haddii mid ka mid ah dadka lammaanaha ee isqaba uu ka yar yahay 18 sano markii uu guursaday, guurku kama ansaxayo Iswiidhan.

Haddii aad ka yar tahay 18 sano oo aad si wadajir ah magangelyo uga codsataan adiga iyo qofka aad isqabtaan halkii waalidkaa kula socon lahaayeen, waxaa laguula dhaqmayaa inaad tahay ilmo keligiis yimi oo aan lala socon. Waxaa markaa laguu qabanayaa qof kaa mas’uul ah oo kaa caawin doona xiriirka hay’addaha.

Ka akhriso wabixin badan oo daawo filimada ku saabsan waxa uu sameeyo qofka mas’uulka ahi (en god man) (oo af iswiidhish) External link.

Halkan ayaad la xiri­i­raysaa

Haddii aad su'aalo qabto ama aad u baahan tahay caawimo, waxaad kala hadli kartaa macallinka, la-taliye arrimaha bulshada ama daryeelka caafimaadka. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Hay'adda laanta socdaalka ama Adeegga bulshada. Haddii aad leedahay qof kaa mas’uul ah (en god man), sidoo kale waad la xiriiri kartaa .

Haddii aad ka cabsanayso in adiga ama qof aad taqaano loo guurinayo, waxaad ka wici kartaa booliiska telefoonka 11414.

Gudniinka fircooniga ah, ama gudniinka/xalaalaynta sida dadka qaarkiis ay yiraahdaan, waxa uu ka dhacaa meelo badan oo adduunka ah. Gudniinka fircoonigu waa marka la jaro ama la tolo xubinta taranka gabadha ama si kale loo dhaawaco. Qofna looma oggola inuu sidaas ku sameeyo gabar, xitaa haddii ay dhaqan u ahayd qoyska.

Gudniinka fircooniga ahi gabi ahaanba waa mamnuuc Iswiidhan waxaana loo arkaa dambi culus. Qof lagu sameeyey gudniinka fircooniga/gudniinka lama ciqaabayo.

Kala xiriir booliiska telefoonka 114 14 haddii aad ka baqayso in adiga ama qof aad taqaan la soo gudayo Waxaad sidoo kale wici kartaa Khadka ilaalada ee haweenka telefoonka 116 016 si aad u hesho talooyin iyo taageero. Khadka ilaalada ee haweenku waa khad caawimo telefoon oo heer qaran ah oo loogu talagalay haweenka loo geysto hanjabaadaha ama rabshadaha.

Qoysaska iyo qaraabada qaarkood, waxaa muhiim u ah in aan sumcad xumo laga helin qoyska. Waxaa laga yaabaa inay jiraan xeerar ku saabsan dharka loo ogolyahay inuu qofku xirto, cidda uu raacayo, oo aan loo ogolayn inuu la joogo oo aanu guursan karin cidda uu qofku rabto ama uu qofku waxbarto oo uu ku shaqeeyo waxa uu rabo.

Gabd­haha iyo wiila­las­haba waa lagu cadaa­diyaa

Sawirka gacan tantoomo feedh ah ku dhufanaysa wadne dillaacsan.

Xeerarkani sida caadiga ah waa kuwo aad ugu adag gabdhaha, laakiin sidoo kale waxaa jira sharciyo khuseeya wiilasha. Haddii sharciyadu ay keenaan in laguula dhaqmo si xun ama lagu ciqaabo, waxa loogu yeeraa rabshadaha iyo cadaadiska la xiriira sharafta iyo maamuuska. Dadka qaarkood laga yaabaa in gacan loo gaysto, loo hanjabo ama loogu yeero wax aan munaasab ahayn. In qof wax lagu dirqiyo waxa la jebiyey heshiiska xuquuqda carruurta iyo sharciga Iswiidhishkaba.

Mararka qaarkood carruurta waxaa lagu qasbaa inay kaantaroolaan walaalahood sababtoo ah qoyska ayaa ka welwelsan in sumcad xumo laga faafiyo. Laakiin dadku dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay naftooda u noolaadaan sida ay rabaan. Tani waxay khusaysaa iyadoon loo eegayn diinta ama dhaqanka uu qofku leeyahay iyo waddanka ama qoyska uu qofku ka soo jeedo. Carruurtu dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay naftooda u noolaadaan, mana aha inuu qof kale kaantaroolo.

Halkan ayaad la xiri­i­raysaa

Haddii adiga ama qof aad taqaano wax lagu dirqiyo, waxaad markaa la xiriiri kartaa macallinka dugsigaaga, adeegga bulshada ee degmadaada ama Hay'adda laanta socdaalka si aad caawimo ugu hesho Waxa kale oo jira ururo kala duwan oo taageero iyo warbixin ka bixin kara rabshadaha iyo cadaadisyada la xiriira sharafta iyo maamuuska.

Tris – Xuquuqda gabdhaha ee bulshada dhexdeeda (oo af iswiidhish) External link.: Halkan waxaad ka heli kartaa taageero haddii aad dareento in qoyskaaga ama qaraabadaadu ay xad kuu sameeyaan ama aad la kulanto hanjabaado ama rabshado marka aad isku dayeyso inaad doorato waxa aad rabto inaad samayso. Wac 010‑255 91 91.

Sawirka qof kursiga ku jira kursiga dadka aan socon karin, qof haysta bakoorad, ilmo carruur ah, nin iyo haweenay iyo qof duceysanaya.

Waddanka Iswiidan waxaa ka jira sharciyo badan oo ka hadlaya in dadku dhammaantii ay isku qiimo yihiin oo ay leeyihiin xuquuq isku mid ah. Waxaynu leenahay xuquuqo iyo fursado dhinaca nolosha ah iyadoon loo eegin cidda aynu nahay, sida aynu u egnahay, meesha aynu ka nimid, waxa aynu rumaysanahay, cidda aynu jacaylka u qabno iyo sida aynu u shaqayno.

Waxa jira sharciyo ka hortagaya in qof la takooro ama lagu xad-gudbo xuquuqdiisa. Si bini'aadam ah, waa laynoo oggol yahay inaynu fikirkeena cabbiro, fikirno oo aynu rumaysano waxa aynu doonayno, laakiin laynooma oggola inaynu wax walba samayno. Waxaa dastuurka ku cad in dadka oo dhan ay xaq u leeyihiin inay soo bandhigaan fikirkooda, ra’yigooda iyo dareenkooda mar haddii aanay cidna meel kaga dhacayn. Waa inaynu dhammaanteen ixtiraamnaa xaqqa ay walaalaheen u leeyihiin aqoonsigooda iyo doorashadooda nololeed.

Sawirka calaamadda lab iyo dheddig ee dhexda ku leh calaamadda isku mid ahaanshaha.

Sinnaanta macneheedu waa in wiilasha iyo gabdhaha in si isku mid ah loo qiimeeyo oo ay helaan fursado isku mid ah noloshooda. Waxa kale oo ay macnaheedu tahay in ragga iyo dumarka waaweyni ay leeyihiin xuquuqyo iyo waajibaadyo isku mid ah. Waa inay lahaadaan awood siman oo ay ku saameeyaan bulshada iyo noloshoodaba.

100 sano ka hor sidaas may ahayn Iswiidhan. Wakhtigaas dumarku awood badan may lahayn inay go'aan ka gaaraan noloshooda. Waxay u badnaayeen inay raggu waxbartaan oo ay shaqeeyaan, halka dumarku ay guriga joogi jireen oo ay carruurta hayn jireen, guriga nadiifin jireen oo ay dharka dhaqi jireen. . Tan iyo markaas wax badan ayaa isbedelay.

Inta badan qoysaska Iswiidhishka maanta, labada waalidba waxay aadaan shaqo ama waxbarasho, carruurtuna waxay aadaan dugsiyada xannaanooyinka, iskuulada iyo goobaha wakhtiyada firaaqada maalintii. Guriga dhexdiisa, labada waalid inta badan waxay iska caawiyaan nadaafada, dhaqida dharka, soo adeegista iyo cunto karinta, iyo daryeelka carruurta oo ay si wadajir ah u qabtaan.

Si bulshadu u noqoto mid cadaalad ah intii suurtogal ah, dumarka iyo ragganu ay u helaan awood isku mid ah oo ay ku saameeyaan bulshada iyo noloshooda, baarlamaanka Iswiidhan wuxuu go'aamiyay ujeedooyin kala duwan oo ku saabsan sinnaanta.

Hadafyadu waxay ku saabsan yihiin in

  • ragga iyo dumarku ay helaan fursad isku mid ah oo ay dhaqaale ahaan madax banaan yihiin si aanu qofna, qofka kale dhaqaale ahaan ugu tiirsanaan
  • wiilasha iyo gabdhuhu waa inay helaan fursad waxbarasho oo isku mid ah, xaqna ay u leeyihiin inay doortaan waxay rabaan inay bartaan
  • ragga iyo dumarka waa inay xaq isku mid ah u leeyihiin inay ka tashadaan jirkooda, waana in la joojiyaa xadgudubyada ragga ee ay ku sameeyaan dumarka
  • shaqada guriga lagu qabto waa in si siman loogu qaybiyaa ragga iyo dumarka. Waxa kale oo ay macnaheeda noqonaysaa in walaalaha gabdhaha iyo wiilasha ah ee isku qoyska ahi inay si isku mid ah u caawiyaan waxyaabaha u baahan in la qabto.

Sawirka calaamadda lab iyo dheddig iyo qof sawir ahaan laga dhigay nus ahaan haweenay nus ahaanna nin.

Waddanka Iswiidan, qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo aqoonsigiisa jinsiga iyo nooca galmoodiisa. Aqoonsiga jinsigu wuxuu ku saabsan yahay jinsiga uu qofku dareemayo, iyada oo aan loo eegin waxa dadka kale ay filayaan. Nooca galmadu waxay ku saabsan tahay lab iyo dheddig nooca aad xiisaynayso ee aad jeceshahay. Waxaad xaq u leedahay inaad jeclaato oo aad la joogto qofkaad doonto, iyadoon loo eegayn qofka aad isku jinsi tihiin ama uu kaa jinsi duwan yahay adiga.

Haddii aanad rabin, uma inaad u sheegto dadka kale waxa ay tahay nooca galmadaadu ama aqoonsiga jinsigaagu. Ma jirto nooc galmo ama aqoonsi jinsi oo jebinaya sharciga, laakiin waa sharci darroah in qof loola dhaqmo si aan sax ahayn ama si xun, tusaale ahaan dugsiga dhexdiisa ama ururka dhexdiisa sababtuna ay tahay nooca galmada ama aqoonsiga jinsiga ee qofkaas.

Halkan ayaad la xiri­i­raysaa

Waxa jira dhawr urur oo kala duwan oo loogu talagalay inay qaabbilaan dhallinyarada oo aad la xidhiidhi karto haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato ama haddii aad u baahan tahay taageero.

RFSL (oo af ingiriis) External link.

Adiga oo u maraya ururkan, waxaad la xiriiri kartaa dadka kale ee HBTQI ah, waxaad ka qaybqaadan kartaa aktiifiteetyo oo waxaad ka heli kartaa taageero. Waxay kale oo ay leeyihiin shabakad loogu talagalay dadka Iswiidhan ku cusub, RFSL Newcomers (oo af ingiriis) External link.

UMO – ku saabsan galmada, caafimaadka iyo xiriirka External link.

UMO waa shabakad websayd ah oo loogu talagalay dhammaan dadka ay da'doodu tahay 13–25 halkaas oo uu qofku wax badan ka akhrisan karo waxyaabaha ku saabsan galmada iyo aqoonsiga jinsiga, iyo waxyaabo kale.

Midab takoorka waxa laga ambaqaadaa in dadka loo qaybiyo kooxo kala duwan oo dadka ka tirsan kooxaha qaarkood ay yihiin kuwo aan qiimo badan lahayn. Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, in dadka loo kala qaybiyo si waafaqsan midabka qofka, dhaqanka ama diinta.

Waddanka Iswiidan waxaa ka jira sharciyo dadka ka ilaalinaya inay loo geysto midab takoor. Tusaale ahaan, waa mamnuuc in qofka loogu diido shaqo ama guri sababtoo ah magaca qofka ama asalkiisa. Sidoo kale waa mamnuuc in la xidho waxyaabaha laysku qorxiyo sida silsilada iwm ama dharka leh summada fashiistayaasha, qoraalo ama calaamado kale oo cunsuriyad ah ama meel ka dhac ku ah koox gaar ah. Sidoo kale lama ogola in la faafiyo xog ah in koox ama qof aanu qiimo badan lahayn, sababtuna ay tahay, midabkiisa ama diintiisa.

Mararka qaarkood marka si xun qofka loola dhaqmo, way adkaan kartaa inuu qofku ogaado in waxa qofka lagu sameeyey ay sharci darro tahay iyo in kale. Kala hadal qof aad aaminsan tahay wixii dhacay, sida macalin ama qof kale oo aad ku kalsoon tahay.

Sawirka laba carruur ah iyo qof weyn oo goobaabin ku wareegsantahay.

Inuu qofku waddankiisa ka soo cararo oo uu magangelyo ka raadsado waddan kale waxay qof kasta ku noqon kartaa waayo-aragnimo argagax leh. Inuu ilmo yari u baahdo inuu sameeyo isagoon waalidkii la socon waxay ku noqon kartaa mid aad u dhib badan.

Mararka qaarkood waxaa la yiraahdaa in dadka magangalyo doonka ah, gaar ahaan carruurta aan lala socon, ay xooggan yihiin. In haddii ay ku soo guulaysteen inay ka yimaadaan adduunyada dhinaceeda kale, markaa wax walba way qabsan karaan. Laakiin xitaa carruurta ugu xoogga badan uguna adag waxay u baahan yihiin dad waaweyn oo aamin ah oo hareerahooda jooga si ay u noqdaan carruur hufan. Carruurta baxsadka ahi ma aha qaar ka reeban, markay waalidiintu ka maqan yihiin, ama haddii waalidku daalan yihiin, jahawareersan yahay ama laga yaabo inay argagaxsan yihiin, waxay u baahan yihiin dad kale oo waaweyn si ay u siiyaan carruurtan wax yar oo badbaado iyo deggenaansho ah xaalad aan la hubin.

Carruurtu dhammaantood way kala duwan yihiin oo ilmo kasta oo magangelyo doon ahi wuxuu xambaarsan yahay sheeko gaar ah. Qaar ka mid ah carruurta magangelyo doonka ah waxay ku soo noolaayeen nolol baxsad ah muddo dheer waxaana laga yaabaa in aanay arkin qaraabadooda sannado badan. Kuwo kalena dhawaan ayay ka tageen waalidkood. Qaar ayaa xiriir la sameeyey qaraabadooda, halka qaar kalena aanay garanayn meel ay wax ka bilaabaan. Dhammaan carruurta magangelyo doonka ahi waxay xambaarsan yihiin su'aalo iyo walaac. Qaar ayaa su’aalo ka qaba xaalkooda waxaanay codsanayaan caawimo. Kuwo kale waxay dhammaantood welwelkooda ku haystaan qalbigooda oo kuma dhiiradaan inay weydiiyaan.

Haddaad tahay qof weyn waxaad u buuxinaysaa door muhiim ah. Waxaad tahay qof ku hagi kara oo ka taageeri kara ilmaha magangelyo doonka ah xaaladda uu ilmuhu ku sugan yahay. Waad isla akhriyi kartaan boggagan adiga iyo ilmuhu. Waxaad si wadajir ah u dhex mari kartaan talaabooyinka kala duwan ee qofku maro marka uu magangalyo doonka yahay.

Qofka weyn ee muhiimka ahi wuxuu noqon karaa

  • Waalid
  • Qof kale oo haya daryeelka iyo mas’uuliyada sharciga ah ee ilmaha
  • Qofka ilmaha loo qabto ee mas’uulka ah (god man)
  • qaraabo
  • Macallin
  • La taliyaha arrimaha bulshada
  • qof ka socda urur tabarruc ah
  • Shaqaalaha Hay'adda laanta socdaalka.

Sawirka dukumeentiga oo ay ku ag dheggan tahay calaamad la yaabka.

Halkan waxa aad ka heli doontaa tilmaamo ku saabsan ururada ku siin kara taageero iyo isku xiryo halkaas oo aad wax badan oo Iswiidhan ku saabsan aad ka baran karto.

Bris, Xuquuqda carruurta ee bulshada, waa urur ka shaqeeya xuquuqaha carruurta. Waad la xiriiri kartaa Bris haddii aad u baahan tahay inaad qof weyn la hadasho.

Wac telefoonka gargaarka Bris ee dhalinyarada: 116 111

www.bris.se (oo af iswiidhish) External link.

Badbaadinta carruurta (Rädda barnen) waa urur ka shaqeeya xuquuqaha carruurta.

www.raddabarnen.se/rad-och-kunskap/barn-och-unga (oo af iswiidhish) External link.

Laanqayrta cas waa urur ka shaqeeya ilaalinta iyo caawinta dadka u baahan. Laanqayrta cas ayaa kaa caawin karta inaad hesho qaraabadaada.

www.rodakorset.se/en/get-help (oo af ingiriis) External link.

Wakiilka carruurtu waa hey'ad hubisa inay hay’addaha kale ee iswiidhishku ay u hoggaansamaan heshiiska caalamiga ah ee carruurta. Halkaan waxaad ka baran kartaa wax badan oo ku saabsan xuquuqahaaga.

www.barnombudsmannen.se/stod-och-verktyg/kunskap-om-barnkonventionen/mina-rattigheter-for-barn-och-unga (oo af iswiidhish) External link.

RFSL waxay u shaqeeyaan xuquuqaha khaniisiinta, jecel galmada labada jinsi, ninka naagta noqda ama naag nin noqota, jinsiga iyo nooca galmada iyo dadka isku jinsiga ah iyo dadka ay xubnahooda taranku ay u xuubsiibteen hab ka duwan dadka kale intiisa badan Dadka ku cusub RFSL waxay la shaqeeyaan magangalyo doonka iyo dadka waddanka ku cusub.

www.rfsl.se/en/medlem/asyl/ (oo af ingiriis) External link.

Khadka ilaalada ee haweenku waxay bixiyaan talooyin iyo taageero loogu talagalay qofka dumarka ah ee lagula kacay hanjabaado iyo dhunaca jirka iyo dhinaca maskaxda ama xadgudub galmo. Macluumaadka waxaa lagu heli karaa dhowr luqadood. Waxaad sidoo kale wici kartaa 116 016. Waxay kuu qabanayaan turjubaan dhowr daqiiqado gudahood.

www.kvinnofridslinjen.se (oo af iswiidhish) External link.

Kollpåsoc.se waa websayd aad ka heleyso warbixin ku saabsan taageero ah xuquuqahaaga iyo fursadahaaga taas oo kaaga imanaysa adeegyada bulshada.

www.kollpasoc.se/en (oo af ingiriis) External link.

Xaqayaga – Doorkaaga waxaa loogu talagalay qofka carruurta ah ee keligiis ah ee aan lala socon, qofka ilmaha mas’uulka looga dhigay iyo jilayaasha kale kuwaas oo dhamaantood leh doorar kala duwan si ay u caawiyaan Halkan waxa aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan doorarka kala duwan iyo xuquuqaha aad leedahay waxa ay yihiin. Tusaale ahaan, waxaad daawan kartaa filimo gaagaaban oo ku saabsan waxa qofka mas’uulka laga dhigaa uu kaa caawin karo.

Min rätt – din roll (rfs.se) (oo af iswiidhish) External link.

Filimada Maxaa dhacaya hadda? waxaa loogu talagalay qofka carruurta ah ee keligiis ah ee aan lala socon ee ku nool Iswiidhan iyo kuwo ku nool hoy lagu hayo ama la deggen qoys. Filimada, waxaad ku ogaan doontaa waxa ka dhici doona Iswiidhan wakhtiga ugu horeeya, dadka aad la kulmi karto iyo habka magangalyo doonku u shaqeeyo. Filimada keligaa ayaa daawan kara ama qof weyn ayaad la daawan kartaa. Filimadu waxay ku hadlayaan dhowr luqadood.

Socialstyrelsen vad händer nu” Youtube External link.

Warbixin ku saabsan Iswiidhan waa marin weyn oo loogu talagalay dadka ku cusub waddanka Iswiidhan. Halkaan waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan sida bulshada Iswiidhan u shaqayso marka ay noqoto, tusaale ahaan, guriyeynta, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.

www.informationsverige.se/so External link.

Baro Iswidhishka waa bog warbixin Iswiidhan ah oo ku saabsan sida aad adigu naftaadu iswiidhishka isu bari kartid.

www.informationsverige.se/so/jag-ar-asylsokande/lar-dig-svenska External link.

EU-logga