Haddii aad rabto inaad rafcaan ka qaadato

Om du vill överklaga – somaliska

Haddii ay Hey’adda laanta socdaaku adiga ku siiso go’aan kaas oo aanad aqbalayn waxaad doorankartaa inaad ka rafcaan ka qaadato. Halkan waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan sida aad masaynayso markaad racaanka qaadanayso

Haddii aanad adigu aqbalayn go’aanka ay ku siisay Hey’adda laanta socdaalku waxaad xaq u leedahay inaad rafcaan ka qaadato. Rafcaanka macnahiisu waxa weeye waxaad adigu rabtaa in go’aankii Hey’adda laanta socdaalka la bedelo. Maxkamada ayaa tijaabinaysa oo eegeysa warqada rafcaanka, laakiin warqadda rafcaanka waxaad adigu u diraysaa Hey’adda laanta socdaalka. Go’aanka ayey ku taalaa inta aad wakhti haysato haddii aad rafcaan ka qaadanayso, inta badan waa sadex usbuuc waxana laga bilaabayaa maalinta aad go’aanka adigu hesho. Haddii aad leedahay abukaate isaga ama iyada ayaa kaa caawinaysa sida aad uga dacwoonayso.

Haddii aad adigu codsatay sharciga deggenaanshaha, oo diidmo lagaa siiyey arjigaagii codsiga oo aad Iswiidhan joogto markii go’aaka lagu siiyey, waxaad ku talogashaan in dib laguu celinayo xitaa haddii aad rabto inaad rafcaan ka qaadato go’aanka. Go’aanka adiga lagu siiyey waxa ku yaala inaad xaq u leedahay inaad Iswiidhan joogto inta aad sugayso go’aanka maxkamada.

Adiga rafcaan baa ka qaadankarta haddii diidmo lagaa siiyo ruqsada degnaanshada oo joogtada oo sabab u tahay inaa fulineyn shuruuda si masruufida ama dhawrsanaanta.

Maxka­mada hey’adda laanta socdaalka ayaa tijaa­bi­naysa rafcaan­kaaga

Hey’adda socdaalka waxey rafcankasto oo wakhtigii saxda loogu soo diro usii gudbin maxkamada socdaalka.

Inta eysan Hey’adda socdaalka rafcanka maxkamada u dirin waxey fiirin rafcanka ey ku qorantahay wax sabab u noqonkaro iney go’anka ey gaaren wax ka badalan. Haddi Hey’adda socdaalka u aragto in go’aankii la gaaray wax laga badalo waxey gaari go’aan cusub oo badali go’aankii horey. Marka la gudbin waxaa lagu lifaaqi go’aanka cusub. Marka la gudbiyo kabacdi maxkamada baa markas go’aamin haddii badalka Hey’adda socdaalka uu yahay mid sax.

Ugu dambayn muddo toddobo maalmood ka dib marka ay timaado warqaddada racfaanku Hay'adda laanta socdaalka, waxa loo gudbinayaa warqadda rafcaanka maxkamada laanta socdaalka.

Laga bilaabo maalinta ey maxkamada socdaalka hesho rafacankaada adiga waxaa la xiriiri maxkamad markey noqoto wixii ku saabsan arrintaada iyo howsha maxkamada. Adiga buu mas’uul kaa saaranyahay inaa ka warhaysid xukunka maxkamada, Hey’adda socdaalka arrintas kuu ma suubineyso.

Haddii aad haysatid qareen Hey’adda socdaalka wax kharash ma kaa bixineyso markey noqoto kharashka oo safarka aad ugu tageysid qareenka laga bilaabo maalinta rafcankaada maxkamada loo gudbiyo.

Haddii aad isbadashid oo dooneysid inaa rafcanka dib ula noqotid waxaa la soo xiriiri Hey’adda socdaalka oo u sheegi inaa go’aanka ku qanacsantahay. Markas rafcankaada ma fiirinaayo, iyo adiga go’aankas wax rafcan ma ka qaadankartid.

Waxaad ka heli kartaa macluumaadka lagala xiriirayo maxkamadaha laanta socdaalka bogga websaydka ee maxkamadaha Iswiidhishka (oo af iswiidhish). External link, opens in new window.

Sidan ayaad adigu u qoraysaa warqadda rafcaanka

Go’aanka waxa kuyaala sida aad samaynayso marka aad racfaan ka qaadanayso. Haddii aad doonayso inaad ka dacwooto go’aankii Hey’adda laanta socdaalka waxaad qoraysaa warqad waxaanad ku qoraysaa go’aanka aad rabto inay Hey’adda laanta socdaalku bedesho, iyo sababta. Soo raaci wixii dukumenti ama caddaymo kale kuwaas oo xoojinaya waxa aad sheegayso, fadlan ha noqdaan asalkii ama orijinaalkii.

Warqadaada rafcaanka waxaad ku qoraysaa macluumaadkaaga iyo lambarkiisa kiiskaaga. Lambarka kiiskaagu wuxuu ku yaalaa go’aanka laguu soo diray. Haddii aad tahay qof magangelyodoon ah lambarka kiiskaagu wuxuu xitaa ku yaalaa kaarkaaga LMA-ga. Waxaad kaloo ku qoraysaa lambarka telefoonkaaga iyo cinwaankaaga si ay Hey’adda laanta socdaalka ama maxkamadu adiga kuula soo xiriiraan.

Waa muhiim inay warqaddaada rafcaanku ay soo gaarto Hey’adda laanta socdaalka wakhti fiican. Tabeelahan ku yaala boggan waxaad ku arkaysaa inta aad wakhti haysato marka aad rafcaan qaadanayso, waxaanay ku xiran tahay nooca uu yahay go’aanku. Waxa lagaaga bilaabayaa maalinta adiga go’aanka lagu wargeliyo. Haddii aanad adigu keligaa samaynkarayn waydiiso inuu qofkale adiga kuu sameeyo. Markaa waxaad u baahan tahay inaad qofkaa wakiilato si uu adiga kaaga caawiyo Hey’adda laanta socdaalka.

Waa maxay wakiilashadu?

Wakiilashadu waxa weeye in qofkale loo saxiixo warqad si qofka wax codsanaya uu qofkale ugu oggolaado si uu isaga ama iyada qofkaasi wakiil uga noqdo. Wakiilashadu waxay tusaale ahaan noqokartaa inuu qof xaq u yeesho inuu codsi samaynkaro, inuu qofkaasi helo go’aanka sababtiisa ama uu qofkaasi rafcaan u qaadikaro qofkale  Warqada wakiilashada waxa qoraya qofka siinaya qofka kale awooda waxaana qofka awooda la siiyey uu keenayaa ama tusayaa warqaddii orijinaalka ahayd ee awooda lagu siiyey ee loo saxiixay haddii ay Hey’adda laanta socdaalku ka dalbato.

Haddii aad qofkale awood siinayso waxa adiga markaa lagaaga baahan yahay inaad Hey’adda laanta socdaalka u keento warqad ay ku qoran tahay

  • inay tahay warqad awood siin ah
  • magaca, taariikhda dhalashada, iyo cinwaanka qofka siinaya qofka kale awooda
  • waxa uu xaqa u leeyahay qofka awooda lasiiyey inuu sameeyo
  • magaca, taariikhda dhalashada iyo cinwaanka qofka awooda la siinayo
  • saxiixa qofka awooda siinaya qofka kale 
  • taariikhda iyo magaalada marka qofka kale awooda la siinayo.

Power of Attorney, form number 107011 (oo af ingiriis) Pdf, 641.6 kB, opens in new window. 

Haddii aad adigu doonayso inaad rafcaan ka qaadato xukunka ay Hey’adda laanta socdaalku gaartay

Haddii aanad adigu ku qanacsanayn xukunka hey’adda laanta socdaalka waxaad markaa uga dacwoonaysaa Maxkamada sare ee hey’adda laanta socdaalka muddo sadex usbuuc ah marka laga bilaabo maalinta aad heshay xukunkii lagaa gaaray. Maxkamadaha sare ee hey’adda laanta socdaalku waa meesha ugu dambaysa go’aanka ay halkaa lagu gaaraana waxay Hey’adda laanta socdaalka u noqonaysaa hogaan ay wax ku hogaamiyaan haddii yimaadaan inay go’aan ka gaaraan kiisan la mid ah.

Maxkamada sare ee hey’adda laanta socdaalku waxay tijaabisaa ama eegtaa kiisaska qaarkood oo keliya, waa kiisaskaa ay ka maqan yihiin hogaanka sharciga ah ee wax lagu maamulo ama haddii ay Hey’adda laanta socdaalku si khaldan kiiska u maamushay. Kiisaska rafcaanka laga qaato inta badan ma eegto ama ma tijaabiso Maxkamada sare ee hey’adda laanta socdaalku. Markaa waxa khuseeya oo lagu dhaqmayaa xukunkuu hey’adda laanta socdaalka.

Go’aa­mada dham­maantoo rafcaan lagama qaadan­karo

Go’aanada qaarkood wax rafcan ma ka qaadankartid. Go’aanka bey ku qorantahay haddii aad rafcan ka qadankartid ama haddii eysan suurtagal eheen.

Waxyaabaha aadan rafcan ka qaadankarin waxaa kamid ah

  • go’aan aad tiri waa ku qanacsanahay iyo saxiixday warqada raalli ahaanta
  • go’aanka maxkamada socdaalka oo ineysan arrintaada fiirineyn
  • haddii adiga lagu siiyo ruqsada degnaanshada oo ku meelgaarka.

Haddii Hey’adda socdaalka soo gaaro rafcan oo quseyo go’aan aan rafcan laga qaadankarin, Hey’adda socdaalka rafcankas maxkamada bey u gudbin, waa haddii rafcanka wakhtigii loogu talagalay la soo gudbiyo. Laakin maxkamada socdaalka rafcankas ma fiirin doonto.

Wakhtiyo kala duwan ayey leey­i­hiin kiisaska rafcaanka laga qaada­nayo ee kala duwani

Hey’adda laanta socdaalku waxay u baahan tahay inaad warqadaada rafcaanka u soo dirto inta aanu wakhtigu ka dhicin. Haddii aad doonayso inaad rafcaan ka qaadato go’aankii ay maxkamadu gaartay waxaad warqadaada rafcaanka u soo diraysaa maxkamada, si ay maxkamadu u hesho warqadaada rafcaanka inta aanu wakhtigu dhicin, go’aanka laguu soo diray ayey ku taalaa inta aad adigu wakhti haysato haddii aad rafcaan ka qaadanayso.

Marka uu wakhtigii loogu talogalay dhammaado markaa kadib waxa la yiraahdaa go’aankii ayaa hadda dhaqangeleya.

Taas macnaheedu waxa weeye wixii hadda ka dambeeya go’aankii rafcaan lagama qaadankaro.

Wakhtiyada rafcan qaadashada

Adiga waxaa lagaa garay

Adiga rafcan waa qaadankarta

go’aan tarxiilid

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta go’aanka ku soo gaaray

go’aanka oo hirgalinta wadan ka saarida sida ugu dhaqsaha badan

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta go’aanka ku soo gaaray

go’aan oo maxkamada socdaalka

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta go’aanka ku soo gaaray

go’aan oo qiimeynta darajo

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta go’aanka ku soo gaaray

go’aan baasaboorka safarka

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta go’aanka ku soo gaaray

go’aan oo baasaboorka dadka ajnabiga

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta go’aanka ku soo gaaray

mabnuucida dib ugu soo noqoshada wadamada midoobay oo Schengen oo arrintas sabab u tahay inaa Iswiidhan ka baxin wakhtigii laguu qabtay gudahiisa

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta Hey’adda socdaalka go’aanka gaartay

mabnuucida dib ugu soo noqosho oo waxkale sabab u tahay

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta go’aanka ku soo gaaray

go’aan oo kharashka kaalmeynta qaaska

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta go’aanka ku soo gaaray

baahi u qabida difaacid (waa haddii aad u aragtid inaa u qalmatid qiimeyn qaxooti)

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta go’aanka ku soo gaaray

go’aan oo in aadan helin ruqsad degnaansho joogto

saddex isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta go’aanka ku soo gaaray

go’aan oo nusqaaminta ama joojinta lacagta nolol maalmeedka

shan isbuuc gudahooda laga bilaabo maalinta Hey’adda socdaalka go’aanka gaartay

go’aanka oo ilaalinta ama meel ku xafidida

xilligasto aad dooneysid


Last updated: