Joojinta fulinta go’aanka

Verkställighetsstopp – somaliska

Hay’adda socdaalka Iswiidhan waxay gaari kartaa go'aan ay si ku meelgaar ah ugu joojineyso in dadka loo tarxiilo oo loo masaafuriyo waddan muddo cayiman, tan waxaa lagu magacaabaa joojinta fulinta go’aanka.

Hay'adda socdaalka ayaa go'aan ka gaari karta joojinta fulinta go’aanka dal ka saaridda marka xaaladda ammaan ee waddan ay si degdeg ah isu beddesho iyo marka aan la hayn xog ku filan oo ku saabsan xaaladda dalkaa. Taas micnaheedu waa in hay'adda socdaalka aysan fulin doonin (fulin) go'aaminta tarxiilka ama masaafurinta ilaa iyo inta uu shaqeynayo joojinta fulinta go’aanka dal ka saaridda. Haddii aad haysato go'aanka tarxiilka ama masaafurinta, waxaad joogi kartaa Iswiidhan ilaa iyo inta uu socdo amarka joojinta fulinta go’aanka.

Joojinta go’aanka fulinta waxay socotaa waqti xaddidan oo keliya iyadoona muddadaa ay hay'addu ka shaqaynayso sidii ay u heli lahayd xog markaa ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka laga hadlayo. Muddada ay joojinta fulinta go’aanku khuseyso way kala duwan tahay isla markaasna hay’adda socdaalka ma sheegi karto inta ay sii socon karto.

Joojinta tarxiilida waxey quseysaa dhammaan muwaadinta, ama dad koox oo qaas, wadanka xilligas ey quseyso iyo qofka ka haysto go’aan tarxiilid ama wadan ka saarid. Dhammaan waxey quseysa dadka magangelyo soo codsaday, ruqsada shaqo ama ruqsad kale.

Si ikhtiyaari ah ayaad mar walba ugu laaban kartaa waddankaagii hooyo. Joojinta fulinta go’aanka taa waxba kama beddesho. La xiriir soo dhoweynta kuugu dhow si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Go’aa­mada kiisaska dib looma eegayo

Joojinta fulinta go’aanka dal ka saaridda lafteeda micnaheedu ma aha in kiiskaaga ay si toos ah ugu eegeyso hay’adda socdaalka. Haddii aad heshay fulin go'aan tarxiil ama musaafurin, kaa ayaa sii shaqeynaya, laakiin joojinta micnaheedu waa in aan la hirgelin karin amarkaa xilligan xaaladda ka taagan dalkaada darteed.

Uma baahnid inaad codsato ka mid noqos­hada go’aanka

Haddii adiga aad ka imaatay wadan, ama aad ka kamid tahay koox qaas oo wadankas ka imaaday, oo Hey’adda socdaalka go’aamisay in la joojin tarxiilida wadankas, adiga ma u baahnid inaa soo codsatid joojinta go’aanka tarxiilida ama wadan ka saarida. Joojinta tarxiilida waa arrin si toos loo hirgalin.

Waxaad codsan kartaa in dib loogu noqdo saba­ba­haada magan­galyo doonka

Haddii ay xaaladdaadu is beddeshay oo aad haysato sababo shaqsiyeed oo cusub oo kaa hortaagan inaad ku laabato dalkaagii hooyo, waxaad soo gudbin kartaa codsi dib loogu eegayo kiiskaaga (waxa loogu yeero caqabadaha gaarka ah ee hortaagan fulinta dal ka saaridda). Tani waxay sidoo kale khuseysaa haddii kiiskaaga ay gacanta ku hayaan booliiska. Codsiga dib u eegiddu wuxuu saamayn karaa xaqa aad u leedahay kaalmada dhaqaale marka loo eego LMA.

Halkan ka aqriso wax intaa dheer oo ku saabsan sida loo codsado dib uu eegidda sababaha magangalyo doonka

Taageero dhaqaale iyo xaq u yeelas­hada degaan

Haddii dhaqan galay go'aan­kaaga tarx­i­ilka ama musaa­furinta

Haddii aad heshay go'aan tarxiil ama musaafurin dhaqan galay, waa inaad shuruudo gaar ah buuxisaa si aad xaq ugu yeelato taageero dhaqaale mar kale. Marka hore, waa inaad ama soo gudbisaa codsi go'aan rasmi ah oo lagu hakinayo masaafurinta ama tarxiilkaada (in kiiska la joojiyo), ama aad soo gudbisaa codsi dib loogu eegayo sababahaaga magangalyo doonka.

Haddii aad hesho go'aan shaqsiyeed oo ku saabsan joojinta fulinta go’aanka ama dib uu eegid cusub, waxaad samayn kartaa codsi ah inaad u baahan tahay kaalmo sida waafaqsan LMA (guri iyo lacag). Fadlan ogow in aadan xaq u lahayn kaalmo illaa inta laga baaraandegayo codsiga cusub ee dib u eegidda.

Haddii aad ka tagtay Iswiidhan ama aad dhawaan heshay sharci deggenaansho, go'aanka joojinta fulinta go’aanka kuma filna, markaa xaq uma lihid caawimaad sida uu qabo LMA.

La xiriir soo dhoweynta kuugu dhow wixii macluumaad dheeraad ah haddii aadan hubin waxa adiga ku khuseeya.

Haddii go'aan­kaaga tarx­i­ilka ama masaa­furinta uusan hirgelin

Haddii aad go'aan ka haysato hay'adda socdaalka ama maxkamad sheegeysa in laguu tarxiilo ama laguu mastaafuriyo waddankaaga hooyo iyadoona waqtiga kama dambeysta ah ee ikhtiyaariga ahi ee ka bixitaanka dalku dhow yahay inuu dhaco, waxaad fursad u haysataa inaad sii qaadato taageerada dhaqaale iyo iyo tan degaanka. Waxaad markaa heli doontaa go'aan ah inaad weli xaq ugu leedahay lacag iyo hoy ka jirta qeybta soo dhoweynta. Adigu uma baahnid inaad codsi sameyso.

Xaqa shaqada (AT-UND) xilliga joojinta fulinta go’aanka

Magangalyo doonku wuxuu xaq u yeelan karaa inuu shaqaysto muddada uu qofku sugayo go'aanka kiiskiisa magangalyo. Waxaa lagu magacaabaa qofka laga dhaafay inuu saaran yahay waajibka oggolaansho shaqo (AT-UND).

Haddii uu wali socdo codsigaada magangalyo, ama laguu ogolaaday dib u eegid cusub ee xaqa aad u leedahay magan galyo, oo aad sidaas ku sugayso go'aanka kiiskaaga, waxaad xaq u yeelan kartaa AT-UND.

Xataa haddii uusan socon codsigaada magangalyo, laakiin aad heshay go'aanka tarxiilka ama masaafurinta, waxaad xaq u yeelan kartaa AT-UND haddii aad weli ka diiwaangashan tahay qaabilaadda hay’adda socdaalka.

Inay jirto joojinta fulinta go’aanka micnaheedu maahan inaad xaq u leedahay AT-UND, laakiin mar walba waxaad u baahan tahay inaad buuxiso shuruudaha guud si aad xaq ugu yeelato inaad shaqeyn karto (AT-UND).

Aqriso wax intaa dheer oo ku saabsan waxa loo baahan yahay si aad u hesho AT-UND

Haddii lagaa saaray nidaamka qaabilaadda ee hay'adda socdaalka oo aad haysato go'aan masaafurin ama tarxiil ah, xaq uma lihid AT-UND, xataa haddii aad ka mid tahay dadka laga joojiyay ku fulinta go’aanka.

La xiriir soo dhoweynta kuugu dhow wixii macluumaad dheeraad ah haddii aadan hubin waxa adiga ku quseeya.

Last updated: