Haddii adiga diidmo lagaa siiyay codsigaadii oo ruqsadda degnaanshada wadanka iyo adiga Iswiidhan joogtid

Avslag på ansökan om uppehållstillstånd – somaliska

Haddii Hay’adda socdaalka diidmo kaa siiso codsigaada oo ruqsadda degnaanshada wadanka micnaheeda waxey tahay in adiga aadan xaq u laheen inaa ku noolaatid Iswiidhan iyo waa qasab in adiga aad wadanka ka baxdid haddii aad joogtid wadanka. Adiga taas waad oggolankarta ama rafcan baa go’aankas ka qaadankarta. Haddii aad rafcan ka qaadatid adiga waxaa sii joogikarta Iswiidhan inta ey maxkamada ku howl jirto arrintaada. Haddii aad dooratid inaa rafcan ka qaadatid waa in adiga sii qorsheysaa dib ugu noqoshada wadankaadii hooyo ama wadanka aad xaqa u leedahay inaa joogtid.

Haddii aad oggoshahay go’aanka adiga waxaad saxiixikarta warqada ku qanacsanaanta go’aanka. Marka aad saxiixdid warqada ku qanacsanaanta go’aanka adiga rafcan mak a qaadankartid go’aanka iyo qorsheysaa sidaa dib ugu noqon laheed wadankaadi hooyo. Haddii aad go’aansatid inaa rafcan ka qaadatid adiga waa inaa sii qorsheysatid dib ugu noqoshada wadankaadii hooyo ama wadanka aad xaqa u leedahay inaa joogtid.

Go’aanka bey ku qoran­tahay marka adiga ugu dambeyn ey qasab kugu tahay inaa Iswi­idhan ka tagtid

Go’aanka adiga ku quseeyo bey ku qorantahay ilaa inta wakhti adiga haysatid inaa Iswiidhan uga baxdid, caadiyan afar isbuuc gudahooda laga soo bilaabo maalinta go’aanka sharciyan ansaxmo. In go’aanka sharciyan ansaxmay micnaheeda waa in la bilaabi in go’aanka lagu dhaqmo iyo wixii ka dambeeyo rafcan laga qaadankarin. Caadiyan waxaa arrintas la suubiya saddex isbuuc kadib markey Hay’adda socdaalka ku soo ogeysiisay go’aanka, ama marka aad saxiixdid warqada ku qanacsanaanta go’aanka.

Adiga bey qasab kugu tahay inaa la socotid marka go’aanka sharciyan ansaxmo iyo wadanka uga baxdid wakhtiga laguu qabtay gudahiisa oo waktiga wuxuu ku qorantahay go’aanka.

Go’aan diidmo wuxuu caadiyan ansaxsanyahay afar sano.

Tarx­i­ilka oo sida ugu dhaq­saha badan lagu hirgalin

Haddii adiga lagaa gaaro go’aan tarxiilid oo sida ugu dhaqsaha badan lagu hirgalin waa qasab in adiga Iswiidhan uga baxdid sida ugu dhaqsaha badan go’aanka marka aad heshid kadib. Haddii xita aad go’aansatid inaa rafcan ka qaadatid go’aanka waa qasab inaa Iswiidhan ka tagtid.

Haddii aad dooneysid inaa rafcan ka qaadatid

Adiga xaq waxaa u leedahay inaa rafcan ka qaadatid go’aan Hay’adda socdaalka kaa gaarto. Haddii aad dooratid inaa rafcan ka qaadatid maxkamad baa go’aanka fiirin doonto. Go’aanka bey ku qorantahay ilaa inta wakhti adiga haysatid inaa rafcan ku soo gudbisid, caadiyan saddex isbuuc laga soo bilaabo maalintii go’aanka lagu soo ogeysiiyay. Haddii aad xita go’aansatid inaa rafcan ka qaadatid waa inaa sii qorsheysa dib u noqoshada.

Inta ka akhriso sida aad suubineysid haddii aad dooneysid rafcan ka qaadatid

Sii qorshee dib ugu noqos­hada wadankii hooyo

Adiga baa mas’uul ka ah inaa qorsheysid safarkaada, baasaboor diyaarsatid iyo waxyaabaha kale aad u baahantahay sidaa wadankaada hooyo ugu noqonkartid ama wadankale aad xaq u leedahay inaa ku noolaatid. Haddii aad su’aalo ka qabtid safarka wadanka hooyo ama aadan helin warqada caddeynta wadan ka bixida oo ciwaanka guriga aad ku nooshahay laguugu soo dirin la soo xiriir xafiiska qaabilada oo adiga kuugu dhow.

Inta ka akhriso warbixin ku saabsan warqada caddeynta wadan ka bixida oo ka heleysid meesha ey ku qorantahay Wadan ka bixid

Hay’adda socdaalka baa kuu soo diri go’aanka

Marka Hay’adda socdaalka adiga ku soo ogeysiin go’aanka hay’adda waxey isticmaali soo wargalinta la fududeeyay. Sidan baa la suubin:

Hay’adda socdaalka waxey go’aanka u diri ciwaanka aad tiri in lagaala soo xiriiri karo. Haddii adiga Iswiidhan aad ka diwaangalisantahay Hay’adda socdaalka ciwaankas bey go’aanka u diri. Ugu yaran hal maalin kadib Hay’adda socdaalka waxey kuu soo diri fariin ogeysiin oo in go’aankii laguu soo diray. Taasna sababta loo suubin baa ah in la hubiyo in adiga warqadii koowad ku soo gaartay. Hay’adda socdaalka adiga waxey kuu soo diri doonta labo warqad, oo caadiyan hal maalin u kala dhaxeyso. Adiga ma u baahnid in Hay’adda socdaalka la soo socosiisid in warqadaha heshay.

Adiga waxaa tahay qof la ogeysiiyay go’aanka markey labo isbuuc ka soo wareegsato maalintii go’aanka laguu soo diray. Markas kadib adiga waxaa haysataa saddex isbuuc oo rafcan ka qaadankartid go’aanka. Haddii adiga aadan helin go’aanka oo kaliya heshid fariinta ogeysiinta waa in aad la soo xiriirtid Hay’adda socdaalka sida ugu dhaqsaha badan.

Ku fikir in si joogto ula socotid bostadaada iyo magacaada ku qoranyahay ilbaabka ama sanduuqa warqadaha bostada. Haddii go’aanka aad rafcan ka qaadatid maxkamada maamulka (maxkamada) dalbankarta iney go’aanka kugu soo wargaliso nidaamka soo wargalinta la fududeeyay.

Marmarka qaarkood adiga go’aanka afka baa lagaaga sheegi. Hay’adda socdaalka markas adiga waxey kuu soo diri warqad ballan oo wakhtiga aad noo imaaneysid si aan kuu ogeysiino go’aanka lagaa gaaray.

Haddii aadan ku dhaqmin go’aanka

Go’aanka markuu sharciyan hirgalo iyo wax rafcan laga qaadankarin waa qasab in adiga Iswiidhan ka tagtid. Haddii adiga aadan wadanka uga bixin wakhtiga go’aanka ku qoran gudahiisa Hay’adda socdaalka waxey gaari go’aan oo in ey mabnuuc kaa tahay in wadanka ku soo noqotid. Adiga waxaa xita lagaa gaari go’aan oo in lagaa warhaayo ama xabsi lagugu sii haayo. In lagaa warhaayo micnaheeda waxey tahay in adiga qasab kugu noqon in Hay’adda socdaalka ama booliska wakhtiyo laguu go’aamiyay iska soo diwaangalisid. Haddii lagaa gaaro go’aan in xabsi lagugu sii haayo adiga waxaa ku noolan guri xiran oo meeshaas baa joogi intaa ka safreysid.

Inta ka akhriso warbixin ku saabsan ka warhayn iyo xabsi

Haddii Hay’adda socdaalka qiimeyso in adiga aadan dooneyn inaa si shaqsiyan uga tagtid Iswiidhan waxey mas’uuliyada ku wareejin boliiska, oo xaq u leh in si qasab wadanka kaaga saaran.

Wadan ka bixid

Adiga baa markasto mas’uul ka ah inaa tusid Hay’adda socdaalka inaa Iswiidhan ka tagtay. Haddii Hay’adda socdaalka warbixin ka helin inaa Iswiidhan ka tagtay anaga waxaan kaa gaari go’aan oo in mabnuuc kaa tahay dib ugu soo noqosho wadanka. Taasna micnaheeda tahay in adiga aadan soo galikarin dhulka Schengen. Arrintaada waxaa xita ku wareejin karna boliiska xuduudka.

Hay’adda socdaalka sidey ula socoto inaa Iswiidhan ka baxday adiga marka aad baxeysid waxaa siin shaqaalaha xuduudka oo baasaboorada kontaroolo warqada caddeynta oo wadan ka bixida. Warqada caddeynta oo wadan ka bixida waxaa adiga laguugu soo diri gurigaada ama adiga ka soo doonan karta xafiiska qaabilada oo kuugu dhow. Adiga waxaa xita nagu tusinkarta inaa wadanka ka baxday inaa noo soo dirtid kobi oo baasaboorka boogiisa koowad oo adiga warbixintaada ku qorantahay iyo bogga la saaray shambada inaa wadanka ka baxday (leh lambarka arrinta) oo u soo diri Hay’adda socdaalka. Tigid diyaarad kaliya ama kaarka korsiga ma noqon caddeyn inaa wadanka ka baxday.

La soco in adiga aadan iibsankarin safar oo lagu dagan wadankale oo kamid ah Schengen iyo warqada caddeynta wadan ka bixida garoon eeraboor oo iswiidhish kaliya baa kaa qaban. Tusaale ahaan haddii adiga aad ka dhuuftid Kastrup adiga safarkaada oo wadan ka bixida waa inaa nagu soo wargalisa kobi oo baasaboorkaada oo leh shambada wadan ka bixida.

Inta baa ka heli warbixinta la soo xiriirida Hay’adda socdaalka (oo af ingiriis)

Mabnuucid dib ugu soo noqosho wadanka

Haddii adiga aadan ka tagin wadanka wakhtiga laguu qabtay gudahiisa oo qoran go’aanka adiga waxaa lagaa gaari go’aan in ey mabnuuc kaa tahay dib ugu soo noqosho wadanka oo taasna micnaheeda tahay in adiga dib ugu soo noqonkarin wadanka kamid ah Schengen ama Rumänien, Bulgarien iyo Kroatien muddo la go’aamiyay gudaheeda. Adiga waxaa lagaa gaari kara go’aan mabnuuc dib ugu soo noqosho wadanka haddii Hay’adda socdaalka u maleyneyso inaa wadanka si shaqsiyan uga bixi doonin.

Haddii adiga lagaa gaaro go’aan oo tarxiilid oo sida ugu dhaqsaha badan lagu hirgalin adiga markas waxaa lagaa gaari go’aan oo in ey mabnuuc kaa tahay dib ugu soo noqosho wadanka caadiyan muddo gaari labo sano, haddii xita Iswiidhan aad isla markas ka tagtid.

Mabnuuc dib ugu soo noqosho wadanka oo waxyaale kale sabab u yahiin

Haddii Hay’adda socdaalka u maleyneyso inaa adiga ka tageyn Iswiidhan si shaqsiyan adiga waxaa lagaa gaari go’aan mabnuucid dib ugu soo noqosho wadanka oo ansaxsanaan ilaa shan sano. Taas waxey dhicikarta haddii adiga tusaale ahaan

  • hada ka hore adiga dhuumatay
  • aad tiri inaa Iswiidhan ka tageyn
  • aqoonsi qaldan isticmaashay ama aadan ka caawin Hay’adda socdaalka sidey ku xaqiijin laheed qofka aad tahay
  • si ugu talagal ahaan warbixin aan sax eheen soo gudbisay ama warbixin muhiim aadan sheegin
  • dambi suubisay oo lagugu xukumay xabsi.

Haddii adiga lagaa gaaro go’aan mabnuucid dib ugu soo noqosho wadanka oo arrimahaan kore ku qoran midkood adiga xaq ma u lahid in lagu siiyo wakhti aad wadankaada ugu noqotid si shaqsiyan iyo waa qasab in adiga sida ugu dhaqsaha badan wadanka uga baxdid.

Last updated: