Sidaan baa adiga foomka u buuxin

Så här fyller du i blanketten (barn) – somaliska

  1. Ku qor wuxuu codsigaada ku saabsanyahay. Ku qor oo sharaxaad ka bixi inta awoodaada ah sababta aad ugu baahantahay kaalmada dhaqaalaha, imisa lacag baa adiga ubaahantahay sidaa alaabtaas ama adeegaas u iibsankartid. 
  2. Sharaxaad ka bixi sababta canuga ugu baahanyahay alaabtaas ama adeegaas. 
  3. Ku soo qor wixii waraaqo aad soo raacineysid foomka codsiga sidaa u caddeeysid baahida canuga u qabo alaabtaas ama adeegaas. 
  4. Ku qor inta warbixintaada, waalidka kale ama canugaaga dhaqliga soo galo markey noqoto mushaar oo shaqo ama kaalmo dhaqaalo ey hey’add dowladeed ama urur idin siiyo, tusaale ahaan lacagta jirada, lacagta gunnada waalidka ama kaalmada carruurta oo ey soo dirto Qasnada ceymiska[Försäkringskassan].  
  5. Ku qor inta haddii adiga, waalidka kale ama canugaaga haysto lacag kale oo caddaan ah oo aanan eheen kaalmada nolol maalmeedka ey Hey’adda socdaalka idin siiso. 
  6. Ku qor inta haddii adiga, waalidka kale ama canugaaga haysto dhaqli oo hanti oo tusaale ahaan baabuur, hanti bangi iswiidhish ama wadan kale u taal, iska leedhahiin shirkad, saami ama hanti ku leedahiin wadan kale, oo adiga ama waalidka kale iibinkartiin sidaa u heshiin lacag caddaan ah. 
  7. Markaa codsigaan saxiixdid waxaa caddeyn iyo adiga ku dhaaran sharaftaada iyo damiirkaada oo
  • warbixinada aad adiga ku soo qortay codsiga iney sax yahiin
  • inaa adiga fahamsantahay in adiga ey qasab kugu tahay inaa na soo ogeysiisid haddii dhaqliga ku soo galo wax iska badalaan oo saameynkaro xaqa aad u leedahay, ama inta lagaa siinaayo kaalmada dhaqaalaha.
  • inaa adiga ogtahay in warbixin oo qalad ah oo soo gudbisid loo arki karo iney tahay dambiga kaalmada dhaqaalaha, oo taasna dacwo booliis laga suubinkaro. 
  • inaa adiga fahamsantahay waxa aad saxiixeysid waxa ey tahay

  

Aad bey muhiim u tahay inaa codsiga si sax ah u soo buuxisid sidey Hey’adda socdaalka u gaari karto go’aan, oo loo baahan in warbixin kale lagu soo weeydiiyo. Haddii ey warbixinta eysan dhameystirneen Hey’adda socdaalka weey gaari karta go’aan oo codsigaada diidmo bey kaa siinkartaa, maadaama la qiimeyn karin baahidaada.    

Keen foomka qeybta adiga ku qaabilsan ama bostada ugu soo dir foomka qeybta adiga ku qaabilsan. 

Adiga ciwaanka bostada waxaa ka heli Hey’adda socdaalka qeybaha qaabilaada oo

http://www.migrationsverket.se/Kontakta-oss/Hitta-till-oss/Post--och-faxadresser.html


Last updated: