Kaarka bangiga ee loogu talaglay dadka magangelyodoonka ah

Bankkort till asylsökande – somaliska

Lacagta ay adiga Hey’adda laanta socdaalku ku siiso waxa laguugu shubayaa kaar bangi.

Kaarka bangiga waxa adiga ku siinaya Hey’adda laanta socdaalka. Waxa kaarka bangiga xitaa la socda laba oo adiga lagu siinayaa lambar oo sir ah (koder).

Lambar sir (Pinkod) ah iyo eray si ah (lösenord)

Marka ay Hey’adda laanta socdaalku adiga ku siiso kaarka bangiga, waxa lagu sinayaa oo la socda warqad warbixin ah oo ku saabsan lambarka sirta ah ee kaarkaaga (pinkod) iyo warqad warbixin ah oo ku saabsan xuruufaha sirta ee aad adigu leedahay.

  • Lambarka sirtu (pinkoden) waa afar lambar oo kaarku leeyahay kuwaas oo aad isticmaalidoonto marka aad lacag bixinayso ama aad lacag la soo baxayso.
  • Ereyga sirta ahi (lösenordet) waa afar lambar oo sir ah kuwaas oo aad isticmaalidoonto marka aad marka aad rabto inaad kaantaroosho adigoo ka eegaya internetka lacagta bangiga kuugu jirta, abka ama telefoonka. Kaantaroolka waxaad ka samaynaysaa adigoo geleya bogga www.kontantkort.icabanken.se External link, opens in new window., soo dejiso abka ama wac oo telefoonkan 033-47 47 50 kula hadal ICA-banken. Warbixin intaa ka badan ka akhriso warqadda kaarku ku dhejisan yahay.
  • Xusuusnow lambarada sirta ah ee aad adigu ku isticmaalayso kaarka marka aad lacagta bangiga kuugu jirta ogaanayso. Kaarku wuu kaa xirmayaa hadaad sadexgoor ku garaacdo lambar khalad ah. Hey’adda laanta socdaalku ma taqaano lambarka sirta adiga kuu ah.

Sidan ayaad u isticmaa­laysaa kaar­kaaga bangiga

Kaarkaaga lacag waad ku bixinkartaa lacagna bangiga waad kala soo bixikartaa. Kaarkaaga waxaad ku isticmaalikartaa dukaamada Iswiidhan oo dhan kuwa oggolanaanaya kaarka Maestro. Markasta oo aad wax iibsanayso iyo marka aad lacag la soo baxayso waa inaad ku garaacdaa lambarkii sirta kuu ahaa (pinkoden). Kaarka bangiga waa mid oo Iswiidhan kaliya ku dhex isticmaalikartid.

Bangiga kaarku wuxuu kaloo kuugu shaqaynayaa meelalaha baatroolayaasha ee aanay dad ka shaqaynayn. Marka aad shidaalka baabuurka qaadanayso waxa meesha kuugu jira 1 500 kr. Haddii aanay lacag badani kuugu jirina waxaad markaa shilaal ku shubankartaa inta lacag ee kaarka kuugu jirta. Markaad shidaal baabuurka ku shubato waxa meesha ka baxaysa lacagtii 1 500 kr mudo daqiiqado yar dabadeed, intaa kadibna waxa kaarka laga goynayaa lacagtii aad shidaalka ku shubatay oo keliya.

Si aad lacag kaash ah ula soo baxdo

  • kala soo bax lacag kaashka ah meelaha lacagta lagala soo baxo ee leh calaamada-Maestro
  • tukaanka ICA oo qasnada lacag bixinta
  • marka aad dukaamada kaarka kaga adeeganayso weydiiso lacag kaash ah haddii aad rabto inaad lacag la soo baxdo. Laakiin ogsoonow waa inay kaarka lacagi kuugu jirto marka aad dukaanka lacagta weydiisanayso.

Ilaa inta lacag lala soo bixikaro waxey leedahay xuduud:

  • 3 000 kronor markiiba oo tukaanka ICA (waa haddii qasnada ey lacag ku filan ku jirto)
  • 5 000 kronor markiiba oo meesha lacagaha laga la soo baxo oo bangiga ICA Banken
  • 2 000 kronor markiiba oo meelaha kale oo lacagaha laga la soo baxo
  • 15 000 kronor ugu badnaan isbuuckasto, oo kuma xirna habka aad lacagta ula baxday.

Kaan­ta­rool wakhtiga uu kaarku dhacayo

Waxa haboon inaad adigu kaantaroosho wakhtiga uu kaarka bangigu dhacayo si aanad kaarka ugu khaldamin marka uu dhaco. Waxa ku taala bisha iyo sannadka uu kaarku dhacayo. Bil kahor inta aanu kaarku kaa dhicin waa imankartaa si kaarka laguugu bedelo.

Kaan­ta­rool ku samee lacagta bangiga kuugu jirta

Waxaad lacagta meesha kuugu jirta ka oggaankaraa dukaanka ICA, bogga internetka, abka ama mishiinka telefoonka ka jawaaba (adeega telefoonka). Dukaanka waxaad ku isticmaalaysaa kaarkaaga iyo lambarka sirta ah (pinkod). Marka aad isticmaalayso internetka, abka ama mishiinka telefoonka ka jawaaba waxaad u baahan tahay inaad haysato eraygii sirta kuu ahaa (lösenord) iyo dossiernummer. Lambarka (dossiernummer) wuxuu ku yaalaa sawirka hoostiisa ee kaarkaaga LMA-ga.

Haddii uu kaarku kaa lumo

Haddii uu kaarka bangigu kaalumo ama uu dhamaado, sida ugu dhakhsaha badan ayaad kaarka xiraysaa marka aad ogaato in uu kaa maqan yahay. Sidan samee:

  • Wac oo telefoon u dir bangiga-ICA lambarka telefoonka ee 033-47 47 50. Marka aad wacayso waxaad u sheegaysaa dossiernummer, waa lambarka ku yaala sawirkaaga hoostiisa ee kaarka LMA-ga.

Waa muhiim inaad ka fikirto

  • Kaarku waa dukumenti qiimo leh oo qofku uu isagu leeyahay meel adagna waa lagu xafidayaa. Adiga ayaa shakhsiyan ka mas’uul ah kaarka in aanu qofkale gacantiisa u gelin.
  • Weligaa kaarka iyo lambarka sirta (pinkoden) oo wada socda meel hawada dhigin. Korka ka xasuusnow lambarka sirta kadibna jeex-jeex warqada lambarka sirtu ku qoran yahay.
  • Waad ku khasban tahay inaad kaarka wadato markasta oo aad waxgadanayso ama aad lacag la soo baxayso. Taas macnaheedu waxa weeye internetka, boosta ama meelaha kale ee aan u baahnayn in aad kaarka meel mariso waxba kagama gadankarid.
  • Kaarku wuu isxirayaa haddii aad adigu sadexgoor oo isku xiga lambar khalad ah ku garaacdo. Meela qaarkood ee lacagta lagala soo baxo kaarka kuuma soo celinayaan ee way haysanayaan.
  • Marka aad ka baxdo Hey’adda laanta socdaalka lacagta kaarka kuugu jirta oo dhan waad kala soo baxaysaa kadibna kaarka waxaad u soo celinaysaa Hey’adda laanta socdaalka

Warbixin ku saabsan kaarka bangiga

Kaarka lacag kuma shubankartid lacag dulsaar ahna ma heleysid.

Hey’adda laanta socdaalku xaq ayey u leedahay inay kaantaroosho kaarkaaga si ay tusaale ahaan u fiiriso in lacagihii la bixiyey ay sidii loogu talagalay u shaqeeyeen.

Haddii aad rabto inaad warbixin inaa ka badan ogaato

Haddii aad hayso wax su’aalo ah waxaad lasoo xiriiraysaa qaybta adiga ku qaabilsan ama Hey’adda laanta socdaalka ee xafiiska adeega macmiisha telefoonka 0771-235 235.

Last updated: