Wuxuu khuseeyaa qofka carruurta ah ee codsanaya magangelyo
För dig som är barn och har sökt asyl – somaliska
Boggagani waxay khuseeyaan qofka carruurta ah ee intuu Iswiidhan yimid ka codsaday magangelyo (ilaalin). Waxaa xitaa bogaggan isticmaali kara qofka raba inuu waxbadan ka ogaato waxa ay magangelyadu tahay iyo sida loo dalbado magangelyada.
Halkan waxaanu ku sharaxaynaa talaabooyinka uu qofku u marayo magangelyo doonimada.
Qayb kalena waxay khuseysaa qofka magangalyo doonka ah ee aanay la socon waalidkii ama qofkale mas’uul ka ahi.
Macluumaad fudud oo loogu talagalay carruurta yar yar
Appka "Migrationsverket Stories" waxaad adigu ku ogaan doontaa sida loo dalbado magangalyo iyo xuquuqda ay leeyihiin carruurta magangalyo doonka ah ee Iswiidhan ku nool. Waad kala dooran kartaa haddii aad rabto inaad ku dhageysato luqadda iswidishka, ingiriiska, carabiga, soomaaliga, beershiyanka ama albaaniga. Appka waxa lagu heli karaa iPhone iyo Android wuxuuna ku habboon yahay carruurta da'doodu tahay toddobo ilaa kow iyo toban sano.