Qofka magangalyo doonka ah ee aan lahay qof waalid ah ama qofkale oo leh mas’uulyada sharciga ah

Till dig som söker asyl utan förälder eller annan vård­nads­ha­vare – somaliska

Macluumaadkan waxaa loogu talagalay qofka yimid isagoo aanay la socon waalidkii oo magangelyo (ilaalin) ka dalbaday Iswiidhan. Halkaan waxaanu ku sharaxaynaa talaabooyinka uu qofku u marayo magangalyo doonimada, sida ay Hey'adda laanta socdaalka u go'aamiso cida xaqa u leh magangalyada, iyo taageerada ay siiso carruurta iyo dhalinyarada magangalyo doonka ah.

Macluumaadkan waxaa isticmaali kara adiga oo ah qofka magangalyo doonka ah, iyo dhalinyarada kale ee doonaya inay waxbadan ka ogaadaan waxa magangalyo doonku yahay iyo sida loo dalbado magangalyo doonimada, ama dadka waaweyn ee raba inay ka caawiyaan si ay ugu sharaxaan nidaamka magangalyo doonka carruurta iyo dhalinyaradaba.

Macluumaadkan waxaa loo akhrisan karaa siyaabo kala duwan. Waad akhrisan kartaa adigu dhammaan laga bilaabo bogga koowaad illaa bogga ugu dambeeya si aad uga hesho aqoon ku saabsan waxa dhaca marka aad dalbato magangelyo. Ama waxaad akhrin kartaa qaybta adiga kuugu muhiim ah hadda.

Xuquuqdaada

Habka magangalyo doonka

Markaad adigu gaarto 18 sano

Ku socota qof weyn oo muhiim u ah ilmo codsaday magangalyo

Macluumaad dheeraad ah iyo taageero

Waa maxay macnaha ereyadu?

Last updated: