Aqoonsiga jinsiga iyo nooca galmada

Könsi­den­titet och sexuell lägg­ning – somaliska

Waddanka Iswiidan, qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo aqoonsigiisa jinsiga iyo nooca galmoodiisa. Aqoonsiga jinsigu wuxuu ku saabsan yahay jinsiga uu qofku dareemayo, iyada oo aan loo eegin waxa dadka kale ay filayaan. Nooca galmadu waxay ku saabsan tahay lab iyo dheddig nooca aad xiisaynayso ee aad jeceshahay. Waxaad xaq u leedahay inaad jeclaato oo aad la joogto qofkaad doonto, iyadoon loo eegayn qofka aad isku jinsi tihiin ama uu kaa jinsi duwan yahay adiga.

Haddii aanad rabin, uma inaad u sheegto dadka kale waxa ay tahay nooca galmadaadu ama aqoonsiga jinsigaagu. Ma jirto nooc galmo ama aqoonsi jinsi oo jebinaya sharciga, laakiin waa sharci darroah in qof loola dhaqmo si aan sax ahayn ama si xun, tusaale ahaan dugsiga dhexdiisa ama ururka dhexdiisa sababtuna ay tahay nooca galmada ama aqoonsiga jinsiga ee qofkaas.

Halkan ayaad la xiriiraysaa

Waxa jira dhawr urur oo kala duwan oo loogu talagalay inay qaabbilaan dhallinyarada oo aad la xidhiidhi karto haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato ama haddii aad u baahan tahay taageero.

RFSL (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

Adiga oo u maraya ururkan, waxaad la xiriiri kartaa dadka kale ee HBTQI ah, waxaad ka qaybqaadan kartaa aktiifiteetyo oo waxaad ka heli kartaa taageero. Waxay kale oo ay leeyihiin shabakad loogu talagalay dadka Iswiidhan ku cusub, RFSL Newcomers (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

UMO – ku saabsan galmada, caafimaadka iyo xiriirka External link, opens in new window.

UMO waa shabakad websayd ah oo loogu talagalay dhammaan dadka ay da'doodu tahay 13-25 halkaas oo uu qofku wax badan ka akhrisan karo waxyaabaha ku saabsan galmada iyo aqoonsiga jinsiga, iyo waxyaabo kale.

EU-logotyp

Last updated: