Gudniinku waa mamnuuc

Köns­stymp­ning är förbjudet – somaliska

Gudniinka fircooniga ah, ama gudniinka/xalaalaynta sida dadka qaarkiis ay yiraahdaan, waxa uu ka dhacaa meelo badan oo adduunka ah. Gudniinka fircoonigu waa marka la jaro ama la tolo xubinta taranka gabadha ama si kale loo dhaawaco. Qofna looma oggola inuu sidaas ku sameeyo gabar, xitaa haddii ay dhaqan u ahayd qoyska.

Gudniinka fircooniga ahi gabi ahaanba waa mamnuuc Iswiidhan waxaana loo arkaa dambi culus. Qof lagu sameeyey gudniinka fircooniga/gudniinka lama ciqaabayo.

Kala xiriir booliiska telefoonka 114 14 haddii aad ka baqayso in adiga ama qof aad taqaan la soo gudayo Waxaad sidoo kale wici kartaa Khadka ilaalada ee haweenka telefoonka 020-50 50 50 si aad u hesho talooyin iyo taageero. Khadka ilaalada ee haweenku waa khad caawimo telefoon oo heer qaran ah oo loogu talagalay haweenka loo geysto hanjabaadaha ama rabshadaha.

EU-logotyp

Last updated: