Warbixin dheeraad ah iyo taageero
Mer information och stöd – somaliska
Halkan waxaad ka heli kartaa talooyin iyo taageero ay ku siinayaan ururo iyo websatyo aad ka barankarto waxyaabo badan oo ku saabsan Iswiidhan.
Bris, Xuquuqda carruurta ee bulshada, External link, opens in new window. waa urur ka shaqeeya xuquuqda carruurta. Waxaad la xiriiri kartaa Bris haddii aad u baahan tahay inaad qof weyn la hadasho.
Ka waca Bris lambarka telefoonka caawimada dhalinyada loogu talagalay: 116 111.
Badbaadinta carruurta External link, opens in new window. waa urur ka shaqeeya xuquuqda carruurtan loogu talagalay.
Laanqayrta/bishada cas External link, opens in new window. waa urur ka shaqeeya ilaalinta iyo caawinta dadka u baahan. Laanqayrta/bisha cas waxay kaa caawin kartaa inaad hesho ehelkaaga.
Wakiilka caruurtu (Barnombudsmannen) External link, opens in new window. waa hey'ad xaqiijisa in hey'adaha kale ee Iswiidhan u hogaansamaan heshiiska xuquuqda caruurta. Halkan waxaad ka baran kartaa wax badan oo ku saabsan xuquuqdaada.
Youmo External link, opens in new window. waa websayt loogu talagalay soo dhoweynta dhallinyada. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa waxyaabaha ku saabsan galmada, caafimaadka iyo xiriiro oo ku qoran luuqado kala duwan.
RFSL External link, opens in new window. waxay u shaqeeyaan xuquuqda khaniisiinta, galmo lala sameeya labada jinsi, dadka isu arka inay yihiin rag, dumar, lab iyo dhedig iyo dhexdhexaad (transpersoner), dadka muujiya ee u malaynaya inay habboon tahay in boos loo helo caadooyinka aan ahayn khaniisnimada bulshada dhexdeeda (queers) iyo xuquuqda dadka isku dhexdara galmada (intersexpersoner). RFSL waxay la shaqeeyaan dadka magangalyo doonka iyo dadka soo-galootiga cusub.
Jacaylku waa bilaash External link, opens in new window. waa meel taageero chattka lagu oo loogu talagalay dadka dhalinyarada ah ee u nugul rabshadaha iyo dulmiga la xiriira sharafta.
Khadka Nabadda haweenka (Kvinnofridslinjen) External link, opens in new window. wuxuu qofka haweenka ah ee loo geystey dhibaato hanjabaadeed iyo mid jirdil ahba siiyaa talooyin iyo taageero, mid maskaxeed ama galmo khasab ah. Warbixintu waxay ku qoran tahay luqado kala duwan. Waxaad sidoo kale wici kartaa 020‑50 50 50. Waxay kuu diyaarin doonaan turjubaan daqiiqado gudahood.
Macluumaadka carruurta ee ku saabsan guurka carruurta iyo waxa ka khuseeya Iswiidhan waxaa soo saaray Maamulka dhexe ee arrimaha bulshada.
- Guurka carruurta – waxa ka khuseeya Iswiidhan (luqadda iswidhishka)
External link, opens in new window.
- Guurka carruurta – waxa ka khuseeya Iswiidhan (luqadda ingiriiska)
External link, opens in new window.
- Guurka carruurta – waxa ka khuseeya Iswiidhan (luqadda Carabiga)
External link, opens in new window.
- Guurka carruurta – waxa ka khuseeya Iswiidhan (af-soomaali)
External link, opens in new window.
- Guurka carruurta – waxa ka khuseeya Iswiidhan (luqadda dariga)
External link, opens in new window.
- Guurka carruurta – waxa ka khuseeya Iswiidhan (luqadda beershiyanka)
External link, opens in new window.
Min rätt – Din roll External link, opens in new window. Xaqayga – maadaama aad adigu tahay ilmo keligiis yimid oo aanay la socon waalidkii wuxuu doorkaagu ku jihaysan yahay, qofka kaa mas’uulka ah iyo dhammaan dadka kale ee ku lug leh doorarka kala duwan si ay adiga kuu caawiyaan. Halkan waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan doorarka kala duwan iyo xuquuqda aad leedahay. Tusaale ahaan, waxaad daawan kartaa filimaan gaagaaban oo ku saabsan waxa qofka kaa mas’uulka ahi adiga kaa caawin karo.
Filimada Maxaa dhacaya hadda? External link, opens in new window. waxaa loogu talagalay ilmaha keliyood yimid ee aanay waalidkii la socon ee ku nool Iswiidhan ilmahaas oo deggan guri dhalinyarada lagu hayo ama la deggan qoys, Filimaanta waxaad ku ogaan doontaa waxa marka ugu horeysay ka dhacay Iswiidhan, dadka aad la kulmi karto iyo sida howlaha magangalyadu u socdaan. Waxaad daawan kartaa filimada kaligaa ama si wadajir ayaad ula daawan kartaa qof weyn. Filimaanta waxaa lagu heli karaa luqado kala duwan.
Information Sverige (Macluumaadka Iswiidhan) External link, opens in new window. waa meel loogu tala galay dadka ku cusub Iswiidhan jooga. Halkaan waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan sida bulshada Iswiidhishku u shaqeyso markay noqoto tusaale ahaan guryaha, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.
Baro iswiidhish External link, opens in new window. waa bog laga helo macluumaadka Iswidhishka oo ku saabsan sida aad keligaa u baran karto luqadda iswidhishka.
Appka "Migrationsverket Stories" waxaad adigu ku ogaan doontaa sida loo dalbado magangalyo iyo xuquuqda ay leeyihiin carruurta magangalyo doonka ah ee Iswiidhan ku nool. Waad kala dooran kartaa haddii aad rabto inaad ku dhageysato luqadda iswidishka, ingiriiska, carabiga, soomaaliga, beershiyanka ama albaaniga. Appka waxa lagu heli karaa iPhone iyo Android wuxuuna ku habboon yahay carruurta da'doodu tahay toddobo ilaa kow iyo toban sano.